· Ciidamada Cadawga Iotoobiya oo wali
sii wada Xadhigii iyo Cadaadiskii Shacbiga Ogaadeenya.
Wararka ay noo soo tabinayaan wariyayaasha
Radio Xoriyo ee Gobolada iyo Dagmooyinka Ogaadeenya ayaa sheegaya xadgudubyo
iyo xadhig lagula kacay Shacbiga ogaadenya ee ku hoos nool gacanta Gumaysiga
Itoobiya.
Ciidamada taliska Adis Ababa ee ku
caanbaxay Dilka, Dhaca, Kufsiga, iyo Cadaadinta Shacbiga Ogaadeenya, ayaa
wali sii wada falkoodii waxashnimo ee ay kula kacayeen Shacbiga Dulman ee
Soomaalida Ogaadeenya.
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa waxay ka
gawraceen 15 Halaad oo dhashay oo uu lahaa nin Shacab ah oo lagu magacaabo
Maxamed Yusuf Muxumed Suldaan. Geelan ayeey Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee
caadeeystay Baabi,inta iyo Boobka hantida dadwaynaha ku Gawraceen Qoriile
iyo Caado. Falkan yaabka leh ayaa aad uga xanaajiyay dawaynaha degaankaas
una muujiyay cadaawada Ciidamada Itoobiya ay kula kacayaan. Ma aha markii u
horeeysay ee Ciidamada Itoobiya Falkan oo kale ay ku kacaan iyaga oo horay
deegaankaas ugu Gawracay Geel dhalay oo uu lahaa nin Shacb ah oo ku noolaa
deegaanka Caado.
Dhanka kale waxay Ciidamada Xaqdarada ku
Caaanbaxay ee Itoobiya Asseen Ceel dadka iyo duunyaduba ka cabi jireen oo ku
yaala deegaanka Magaalada Goday. Ceelkaas oo lagu magacaabi jiray
Horo-Shagax ayaa waxaa ka cabi jiray Xoolo lagu qiyasay ilaa 2500 oo Neef
maalintiiba, Ceelkan ayeey Ciidamada Itoobiya Aaseen Xili Abaar lagu jiro oo
dadka iyo duunyaduba Biyo aad ugu baahan yihiin.
Waraku waxay intaas ku darayaan in dadkii
deegaankaas ay soo wajahday Biyo la,aan aaad u ba,an.
Ciidamada ka amar qaata Taliska TPLF ayaa
Magaalada Diri-Dhaba ku xidhxidhay Mudo laga Joogo 4 Sano dad Shacab ah oo
aan waxba galabsan. Dadkaas ayaa lasheegayaa in aan wax maxakamad ah la
horkeenin mudadaas ay ku jiraan Xabsiyada Gumaysiga Itoobiya, taas oo
muujinaysa in aan loo haynin wax danbi ah, balse ay u xidhan yihiin Awood
sheegashada Taliska Adis Ababa oo kaliya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dadkaas
lagula kacay fal ka baxsan Bini,aadanimada kadib markay Ciidamadu u gaysteen
Jidhdil iyo falal kale oo xunxun.
Dadka xabsiyadaas ku jira mudada dheer ayaa
waxaa ka mid ah
1- Ardo Shekh Khaliif.
2- Zahro sheekh Ahmed.
3- Hindo sheekh Mohamed.
4- Iyo kuwo kale oonaan magacooda si sax ah u wada haynin.
25/01/03 waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya Magaalada Danood ku xidh xidheen
Odoyashii deegaanka qaar ka mid ah. Odoyaashan ayaa la ogyahay inayna galin
wax danbi ah, balse waxaa la rumaysan yahay in loo xidhay si dhaqaale looga
uruursado.odoyaasha habka madaxfurashada loo haysto ayaa waxaa ka mid ah.
1- Xiirey Xirsi.
2- Yuusuf Xirsi
3- Xariir Yuusuf Taani.
4- Dhegacadde Biixi.
5- Sh.Cabdi Cisman Fidhin.
6- Daa,uud Xaashi
7- Maxamuud Cabdi Goosay. (Todobadas Oday ayeey Ciidamada Xaqdarada iyo
Dulmiga la jooga Ogaadeenya ku xukumeen Ruuxiiba Lacag Madax Furasho ah oo
dhan 4000- 4500 oo Bir.
8- Barkhadle Faarah Gaaciye.
9- Xassan Raage Saahid.
10- Xassan Sanwaddo.
11- Qambi Dige Yuusuf.
12- Maxamed Cadde Cabdulaahi, (Shantan Odayna waxay Ciidamada Nacabka
Itoobiya Ruuxiiba ku Xukumeen Lacag Madax Furasho ah oo Dhan 2000- 4000 oo
Bir.
sidoo kale Magaalada Qoriile waxaa lagu xidhxidhay Dadbadan oo Shacab ah wax
danbi ahna aan Galin waxayna kala yihiin kuwan.
1- Ismaaciil Moxamed.
2- Cabdulaahi Maxamed Xussein.
3- Faadumo Ismaaciil.
4- Maxamed Faarah.
5- Maryan Wayrah.
6- Cabdi Kaydsane.
7- Muxumed Xaashi.
8- Xussein Cabdi Samad.
9- Cabdi-nuur Baynah.
10- Xirsi C/Raxmaan.
11- Ahmed Bashiir Muxumed.
12- Sugaal Sh. Muuse, (Dhamaan dadkan waxaa
lagu ganaaxay Ruuxiiba 2000/ oo
Bir).
12/01/03 waxay Ciidamada Cabudhiska
Gumaysiga Itoobiya Xabsia Magaalada Goday u taxaabeen dadkan kala ah.
1- Cabdi Cismaan Caare.
2- Cadar Cismaan Caare.
3- Xaashi Maxamed.
4- Maxamuud Tubeec Cabdi.
5- Aden Habar waa.
6- Cabdi Aw Maxamuud,
Dadkan oo larumaysan yahay in ayna wax
danbi ah lahayn ayay Ciidamada Itoobiya ku xukumeen Ruuxiiba Lacag Madax
furasho ah oo dhan 2000 oo Bir.
12/01/03 Magaaalada Nusdariiqa, waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya Xabsiga
Dhigeen dakan kala ah.
1- Macruuf Shariif Cumar.
2- M/ed Shariif C/hi Kaafi.
3- M/ed Shariif Cabdi (indha-yare).
4- Cabdi-xakiim Shariif Xabiib.
Dadkaas Shacabka ah ee aan waxba galabsan ayeey Ciidamada Boobka ku
caanbaxay ee Itoobiya ku xukumeen Ruuxiiba Lacag Madax furasho ah oo Dhan
2000 oo Bir ah.
4/01/03 waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Magaalada Gudhis ku xidh- xidheen
dadkan Shacbka ah ee aan wax danbi ah leheeyn oo kal ah.
1- Saynabo Cabdi Duceeye.
2- Ahmed Maxamed Siyaad.
3- Xussein Sh. Xassan, wa.
4- Xussein Gama’diid C/Raxman
dadkan ayaa dhamaan ay ciidamada Itoobiya
ku ganaaxeen Ruuxiiba 2000 oo Bir.
sidoo kale waxay Ciidamada Itoobiya Xabsiga magaalada Dhagax-Buur u
taxaabeen dadkan kala ah.
1- Ladan Dacar.
2- Shamsa Cabdi Xaashi.
3- Quraysh Cabdi Siyaad.
4- Xabiiba Xassan Aw ismacil.
5- Ardo Cabdi Faarah.
Dadakan ayay Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya ku Xukumeen Lacag madax
furasho ah oo dhan Ruuxiiba 2000 oo Bir.
Ciidamada Itoobiya ayaa ilaa sanadkii dhamaaday dadwaynaha Ogaadeenya
Xabsiyada uga Buuxiya si ay Dhaqaale uga uruursadaan.
· Kumananun Ruux oo ku jira Xabsiyada
Itoobiy oo Cuno joojin sameeyay.
kumanaan kun oo maxaabiis Itoobiyaan ah oo
ka soo jeeda Qoomiyadaha Taliska Adis Ababa uu Gumaysto iyo kuwa uu
cadaadiyo ayaa bilaabay Todobaadkan mudaharaad cuno diidid ah. Maxabiistaasi
oo inta badan ku sugan xabsiga la yiraahdo Kerchele oo ku yaal Addis Ababa
ayaa diiday in haba yaraate wax cuno ah ay cunaan iyaga oo isla markaasi
diiday in ay hor istagaan maxkamadaha u adeega Taliska xaqdarada ku
caanbaxay ee Itoobiya.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in u
todobaadkii hore xabsiga Kerchele buuq ka bilowday iyada oo ay ku dhawacmeen
dhowr Askari iyo Maxaabiis aad u badan. Waxaana la sheegayaa in hal Maxbuus
u naftiisa ku waayey Rabshadahaas kadib markay Toogteen ilaalada Xabsigu.
Maxabiista xabsiga Kerchelle oo tiradoodu gaarayso 2500 ayaa ku tilmaamay
maxkamadaha Itoobiya kuwo aan Cadaalad ku dhisneen fuliyana Awaamiirta
Taliska TPLF oo kaliya.
· Ururka Xuquuqda Aadamaha u dooda ee
Human Rights Watch oo Itoobiya eedeen u soo jeediyay.
Ururka caalimiga ee u dooda xuquuqda
adamaha ee loo yaqaano Human Rights Watch ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay
in ay Itoobiya ka jirto cabudhis balaaran oo lagu hayo mutacalimiinta. Sida
ku qoran warbixin Sanadeedka Ururka Human Rights Watch, waxyeelada ugu weyn
oo dib u celinaya hor u marka Itoobiya waa cabudhiska Mutacalimiinta lagu
hayo. Human Rights Watch oo saldhigeedu yahay Magaalada Washington ee
Caasaimada wadanka maraykanka ayaa Xukuumada Itoobiya ugu baqday in ay
joojiso guud ahaan Cabudhiska lagu hayo dadka ku hoos nool.
· Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
uga socda Magaalada Eldoret oo loo rari doono meel kale.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Eldoret
ee dalka Kenya oo ah goobta ay ka socoto shirka dib u heshisiinta soomalida
ayaa sheegayo in Ergeyda shirka loo rari doono goob kale. Go'aankan ayaa ah
mid ay gaartay xukuumada cusub ee Kenya ka dib markay magacowday ergey cusub
oo dowladda kenya iyo urur goboleedka IGAD u qaabishan shirka dib u
heshisiinta soomalida Danjire kiblagat.Sida wararku sheegayaan waxaa shirka
loo raari doonaa magaalada Ongata Rongai oo 20 kilometer u jirta magaalada
Nairobi.
· Wasiir Soomaali ah oo ka tirsan
Dawlada Kenya oo ku dhintay shil Diyaaradeed.
Allahu u naxariistee waxaa dalka kenya ku
geeriyowday malinta jimcaha wasiirka shaqalaha iyo shaqaleeynta Kenya Xaaji
Axmed Khaliif oo ku geeriyowday shil diyuuradeed. Sida ay wararku sheegayaan
waxaa diyuuradaasi saarnaa 4 wasiir oo kale oo haatan ku wada jira isbitaal.
Waxaa kale oo shilkaasi diyuurad ku dhintay Abdiqaadir Mahad Kuno, oo uu
dhalay nin reer Garisa ah oo maal qabeen ah, waxaana adeer u ahaa wasiirkii
hore ee xisbiga KANU mudane Huseen Macallin Maxamed. Allaha u naxariistee
Marxuum Axmed Khaliif ayaa ahaa gudoomiyaha urur u dooda xuquuqda
muslimiinta Kenya, sida wararku sheegayaana inta uusan diyuurada raacin
waxuu salaad ku tukaday masaajid u dhow garoonka diyuuradaha iyada oo ay
wasiirada kale sugayeen diyaarada gudaheeda. Marxuum Axmed Khaliif waxuu
ahaa 53 jir, waxuuna ka yimid magaalada Wajeer.
· Baaq ku saabsan xasuuqii Hargeysa
Taarikhda-nololeedka dadyowga dunida waxaa
ka mid ah marxalado ay la soo gudboonaato dhibaatooyin kala geddisan, sida
gaajada, cudurada, colaado iyo gumeysi ummadi mid kale gumeysato.
Markay xeel dheerayaasha ku takhasusay
dhaqan-dhaqaalaha bulshadu darseen waxa la xaqiijiyey inay ugu xun tahay
dhibaatooyinka midda gumeysiga. Waxaa la ogaaday in dadka la gumeysto ayna
ka baxsan karin cudurada bulshada ay ka mid yihiin, gaajada, jahliga, dagaal
sokeeyaha iyo ku tumashada xuquuqda aasaasiga ah ee qofka aan xorta ahayn
iwm.
Dhibaatooyinkaa kor ku xusan oo gumeysigu
aabo u yahay waxay maanta haystaan shacabka Soomaalida Ogaadeenya, kamana
bixi karaan inta ay gumeysi ku jiraan. Sababtaas ayaa keentay inay si kama
dambeys ah hubka u qaataan si ay u soo celiyaan sharaftooda iyo
qaranimadooda.
Iyaga oo u badheedhay dhib kasta oo ku soo
gaadha jidka xorriyadda ayey filan-waa ku noqotay in gumeysiga Itoobiya
adeegsado qaar ka mid ah walaalahooda Soomaali si ay uga qayb qaataan
cadaadiska iyo jariimada uu ka gelayo xaq u dirirka dulman. Bisha January
20keedii 2003 ayaa dad masaakiin ah oo safar iyo ganacsato u badan laga
qabqabtay magaalada Hargeysa si loogu dhiibo taliska dhiigya cabka ah ee
Addis Ababa. Dadkaas tiradooda inta la ogyahay waxay gaadhayaan 57 qof.
Talaabadan waxay ka dambeysay, sidii kuwii ka horeeyey, markay madaxda
maamulka Hargeysa Booqasho ku tageen caasimad gumeysatada Itoobiya.
Masuuliyiinta magaalada Hargeysa markay
tageen Addis Ababa waxaa la filayey inay kala hadlaan dhibaatada ay Itoobiya
ku hayso shacabka Woqooyi Galbeed iyo cuna qabataynta ay ku soo rogeen
ganacsiga ay la leeyihiin Ogaadeenya oo ah laf dhabarka dhaqaalaha gobolada
Woqooyi Soomaaliya. Sida la ogsoon yahay waxay Gumeysatada Itoobiya xidhay
bilihii ina soo dhaafay xadka u dhexeeya Ogaadeenya iyo Soomaaliya. Waxay la
wareegtay baabuur iyo badeeeco badan oo shacabka Soomaali ee xadka labadiisa
dhinac dhegan leeyihiin. Xasuuqa la xasuuqay ganacsatada aan waxba
galabsanin waxay sii adkaynaysaa habsami u socodka ganacsiga Ogaadeenya iyo
Woqooyiga Soomaaliya. Taasi waxay muujinaysaa in lagula soo taliyey inay
dhinacooda ka xoojiyaan cunaqabataynta ganacsiga dadka ay isku sheegayaan
inay madax u yihiin; waxayna ka soo horjeeddaa dareenka iyo doonista
shacabka ay masuulka ka yihiin. Dawlad aan tixgelinin danta iyo doonista
shacabkeeda ee aragtideeda gaaban ku socotana waa midda burburisay Qarankii
Soomaali. Hadday maskax dawlado kale ku socdaana way ka sii xun tahay.
Waxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya ku baraarujinaysaa laba arrimood oo maamulka Woqooyi Galbeed ka
indho iyo dhega l’a yahay:
Waxaa Geeska Afrika iyo adduunweynahaba
ka jira halgan iyo dadaal is dabajoog ah sidii loo dhamays tiri lahaa
dhibaatooyinka ah Gumeysiga Itoobiya walaalihiin gumeysato; dagaal
sokeeyaha burburiyey Qaranimadii Soomaali; colaadda dawladaha dariska
dhextaala iyo abaaraha ka dhashay dhibaatooyinkaas. Arrintaasi waa mid u
baahan ka fikir iyo in si wada jir ah loo xaliyo iyada oon cidna la
yaryaraysan. Nabad afarta garjaho colaad iyo dab kaga shidan yahay
laguma tilmaamo mid waaraysa. Waxaa la qabtay heer caalami iyo mid
gobolba shirar badan sidii loo soo celin lahaa midnimadii iyo
qaranimadii Soomaaliyeed iyo nabad waarta. Shirarkaas waxaa ka qayb
qaata dawladaha dariska ah, siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaali
qaybaheeda oo dhan oo aan ahayn idinka. Ka qayb qaadashadiina nabadaynta
Geeska waxay noqotay falalkan safarada la xidh-xidhayo oo abuuraysa
nacayb iyo colaad labada shacab ee walaalaha ah, taas oo ayna cid kale
ka faa’iidaynin gumeysatada Itoobiya mooye. Waxaa dadaalka nabadaynta
Geeska ka mid ah halganka shacabka Ogaadeenya ugu jiro aayo ka
talintiisa. In gumeysiga raadkiisa la tirtiro waxay saldhig u tahay
nabad waarta oo Geeska Afrika ka dhalata. Su’aashu waa halkay kaga
jiraan masuuliyiinta Waqooyi Galbeed hawlahaas faraqyada badan? Ma mid
shacabkooda aan khusayninbaa? .
Arrinta labaad ayna fahmin maamulka
Woqooyi Galbeed waa halganka shacabka Ogaadeenya oo ah mid xaq ah. Waa
halgan shacab walaalahood ay heeryada gumeysiga ku xoorayaan. Waa halgan
maraya heerka aan ka soo laabasho lahayn. Mana ahayn inaad middaas fahmi
waydaan maadaama aad tihiin masuuliyiinta shacabka aan walaalaha nahay.
Gumeysatada Itoobiya waxaa lagu tiriyaa dalka Geeska ugu xoog badan.
Waxay dishay dad boqol kun ka badan, waxay xidhay in ka sii badan oo
weli xabisyada uga buuxa, waxay dhacday xoolo malaayiin ah, magaalooyin
ayey gubtay. Arrintan waxshinamada ah waxay u sameynaysay inay burburiso
halganka xaqa ah ee shacabka Ogaadeenya. Cadaadiskaa aan isaga oo kale
dunida lagu arag waxay sii xoojisay mintidnimada iyo midnimada shacabka
Ogaadeenya. Markii ay u taag wayday halganka shacabka ayey nafla haarkii
idinla soo hoos gashay si aad uga qayb qaadataan jariimada ay ka gelayso
xaq u dirirka iyo shacabka masaakiinta ah een wax galabsan.
Waxaan aaminsan nahay intaad ka qayb
qaadanaysaan cadaadinta halganka xaqa ah ee shacabka Soomaalida Ogaadeenya
waxaa idiinka haboon inaad ka qab qaadataan dadaalka soo celinta sharafta
Soomaali iyo nabadaynta. Sida oo kale Addis Ababa laguma hayo dan Soomaali,
intaad la tashanaysaan taliska Addis Ababa waxaa waajib idinku ah inaad la
tashataan, walaalihiina Muqdusho.
Ugu dambayntii talaabo kasta oo ka soo
horjeeda walaalnimada iyo nabad ku wada noolaansha labada shacab ee
walaalaha waxay ku dambeyn fashil ciddii qaadana waxaa u dambeyn caaqibo xun,
halganka gobonimadoonka Ogaadeenyana guusha kama dambaynta ah isaga ayaa leh.
Jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya.
Hogaanka Warfaafinta JWXO.
Hibaaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|