Ø Dagaalo dhex maray Ciidadamada Xoreenta
Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.
Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee Ciidamada
Xoreenta Ogaadeenya ayaa sheegaya Dagaalo ba,an oo dhex maray Dagaalyamiinta
Ciidanka Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan
Ogaadeenya.
25.02.2003 Dagaal ay iskaga horyimaadeen
Dagaalyamiinta Ciidamada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada
Dacdareeysan ee Gumaysiga Itoobiya Dhagax-Buur iyo deegaanka Bulaale, ayaa
waxaa Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya lagaga Dilay 41 Askari oo uu ku
jiro Taliyihii Ciidamadaas watay, waxaana lagaga dhaawacay 78 Askari oo
kale. Dagaalkan oo ahaa mid Gacmaha laysula tagay ayay Ciidamada Gumaysiga
Itoobiya adeegsadeen Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano
Helikopterska. Dagaalkan oo ahaa midkii ugu khadhaadhaa ee dhex mara
Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Sadexdii
Bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamada Cadawga Itoobiya lagaga Furtay
13 Qori oo nooca Otomaatiga u dhaca ah, qaar ka mid ah Isgaadhsiinta ay
Ciidamadu adeegsadaan iyo Rasaas aad u badan oo ay ka baqdeen Ciidamada isu
keenka Itoobiya ee gardarada ku jooga Ogaadeenya.
26.02.2003 Iska hor imad Dagaal oo ay
iskaga horyimaadeen Ciidamada geesiyiinta Xoreenta Ogaadenya iyo Ciidamada
Naflacaariga Itoobiya ee ay hogaamiso TPLf meesha lagu magacaabo
Laan-Jaleelo oo ka tirsan Gobolka Doolo ayaa waxaa Ciidamada Cadawga
Itoobiya lagaga dilay 3 Askari 4 kalena waa lagaga dhaawacay.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya
oo u adkaysan waayay Weerarada ay ku hayaan Xoogaga Gobonomo doonka ayaa
waxay baryahan adeegsadaan Diyaaradaha Dagaalka kuwaas oo ay ku khalkhal
galinayaan Dadwaynaha ku dhaqan deegaanada Baadiyaha. In kasta oo ay
Ciidamada Itoobiya Diyaarado iyo Hub waaweenba adeegsanayaan waxaa hubaal ah
in Shacab gadooday uusan karre ka hor istaagi karin Xaqooda.
Ø Eritereya oo Itoobiya ku canbaaraysay
in ay minjaxaabinayso Dadaalka nabada.
XIsbiga haya talada dalka Eritereya ayaa si
wayn u canbaareeyay xukuumada Itoobiya, wuxuuna xisbigu ka digay in
xukuumada Itoobiya aan la isku aamini karin, isagoo ku eedeeyay inay
dhabar-wareemayso dadaalka loogu jiro in si rasmi ah loo jeexo soohdinta u
dhaxaysa labada dale e Eritereya iyo Itoobiya.
Xisbigu wuxuu sheegay inaan hadda caad ku
rognayn in xukkumada Itoobiya ay diiddan tahay inay aqbasho go, aankii
soohdinta ee soo baxay Bishii Abriil eek al hore, kaasoo lagu sameeyay ergo
madaxbannaan oo si rasmi ah u jeexda soohdinta labada dal u dhaxaysa.
Xisbigu wuxuu tilmaamay in xukuumada
Itoobiya ayna ku ekayn oo klaiya diidmada ay diiddan tahay inay fuliso go,
aanka xadka, balse waxay si rasmi ah u carqaladaynaysaa fulinta go, aankaas,
wuxuu Xisbigu bulshada caalamka uga digay in qaabka ay xukuumada Itoobiya u
dhaqmayso uu minja-xaabin karo heshiiskii nabadda oo dhan.
Ø Itoobiya waa dalka Adduunka ugu liita
dhinaca biyaha la cabbo.
Dalka Itoobiya ayaa lagu tilmaamay inuu ka
mid yahay dalalka adduunka ugu biya yar. Sida lagu sheegay warbixin laga soo
saaray kaydka Biyaha ee Adduunka. sidoo kale ayaa lagu sheegay in Itoobiya
ay ka mid tahay dalalka Biyaheedu ugu tayo xunyihiin, sidaasna waxaa
tilmaantay warbixin uu soo saaray ururka UNESCO.
Dalka Itoobiya Biyaha uu qof waliba
sanadkii heli karo waa wax ka yar labo kuubik (1,749 cubic).
Meelaha Biyo la, aanta ugu daran ka jirto
waxaa ka mid ah dhulka Ogaadeenya, oo sanad walba ay kumayaal dad iyo duunyo
isugu jira Biyo la, aan u idlaadaan.
Hase yeeshee iyadoo ay sidaas tahay haddana
xukuumada Itoobiya wax xil ah iskama saarto dhinaca Biyaha, sida ceelasha
iyo matoorrada riigagga ah ee Biyaha soo saara, mana jiraan wax ceelal ah oo
ay Ogaadeenya ka qodeen xukuumadihii Itoobiya isaga denbeeyay.
Ceelasha yar ee Ogaadeenya ku yaalla waxay
isugu jiraan kuwo laga soo gaadhay gumaystayaashii hore, wax yar oo ay
qodeen hay, adaha Samafalka iyo kuwo Ceelgacmeedya ah oo ay Dadku qoteen.
Hase yeeshee dhinaca kale waxay xukuumadaha
Itoobiya dakhligooda ugu badan gelyaan dhinaca Ciidammada, oo sanad walba ay
ku baxdo miisaaniyad aan xad lahayn.
Ø Hooggaamiye kooxeedyo soomaaliyeed oo
Itoobiya dhaleeceeyay.
Cusmaan Xasan Cali (Caato), oo ka mid ah
hooggaamiye kooxeedyada soomaaliyeed ee ka qayb galaya shirka dib u-heshiisiinta
soomaalida ee ka socda magaalada Nayroobi, ayaa dowlada Itoobiya ku eedeeyay
inay shirka xagal-daacineyso, wuxuuna sheegay in haddii ergooyinka
soomaaliyeed oo dhami ay wada gartaan faragelinta qaawan ee Itoobiya ku
hayso in ay markaas ku guulaysan lahaayeen hawlaha dib u-heshiisiinta.
Mowliid Macaan Maxamuud ayaa isaguna
sheegay in dowlada Itoobiya ay hooggaamiyayaasha ka soo horjeeda had iyo
gore ku khuukhiso kuwa iyada la jira, wuxuuna yidhi; Itoobiya waxay
doonaysaa inay nagu qasabto hooggaamiye kooxeedyada ay iyadu wadato ee
gacan-saarka la leh, annaguna waanu ka diidnay.
Hooggaamiye kooxeedyo fara badan iyo
dawlada ku meelgaadhka ah ayaa iyaguna soo saaray qoraal wadajir ah oo ay
kaga cabanayaan fara-gelinta qaawan ee Itoobiya ay ku hayso shirka dib u-heshiisiinta,
waxayna si wadajir ah u diideen in Itoobiya ay majaraha u hayso hawlaha dib
u-heshiisiinta Soomaaliya.
Ø Shirkii hogaamiyaasha Carabta uga
socday Magaalada Sharma-Sheekh oo lagaga hadlay arimaha Soomaaliya.
Waxaa Magaalada Sharma-Sheikh ee dalka Masar lagu soo geba-gebeeyey shir
madaxeedkii Jaamacadda Carabta, Shirkaas oo lagaga hadlayay Arimo badan oo
ku saabsan Dunida Carabta ayaa waxaa ka mid ahaa go,aamadii laga soo saaray
qaar ka hadlya sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.
Hogaamiyayaasha Carabta ee uu shirku ugu socday Wadanka Masar ayaa waxay ka
soo saareen xaalada Soomaaliya Go,aanadan.
In la adkeeyo midnimada iyo Madaxbanaanida
Soomaaliya isla markaana aan fara galin lagu sameeyn arimaha gudaha ee
wadanka Soomaliya.
In uu Guddi la socda arimaha Soomaaliya uu
magacaabo Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabtu.
In la taageero Shirka dib u heshiisiinta
Soomaalida uga socda Wadanka Kenya iyo qodobo kale.
Hogaamiyayaasha Carabtu waxay ugu baaqayaan
kooxaha Soomaaliyeed ee ku hardamaya Awooda Soomaaliya in ay u soo jeestaan
Maslaxada Dadkooda iyo Dalkooda oo ay joojiyaan Dagaalada aafeeyay Dad iyo
Duunyaba guud ahaan Soomaaliya.
Ø Maamulka Puntiland oo xidhay
xafiisyadii ururrada xuquuqul isnaasnka.
Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in
la xidho xafiisyada dhawr kooxood oo arrimaha xuquuqul insaanka u
dhadhaqaaqa, kuwaasoo xafiisyo ku lahaa gobollo kala duwan oo ka mid ah
dhulka uu ka taliyo maamulka Puntland oo uu madaxda ka yahay kornayl C/llaahi
Yuusuf, sidaasna waxaa laga soo xigtay sargaal sare oo ka tirsan maamulka
Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka
Puntland ayaa soo saaray wareegto lagu xidhayo xafiisyada kooxaha xuquuqul
insaanka ee gobolladaas ka hawl-gala, waxayna gaadhayaan kooxaha xafiisyada
laga xidhay ilaa seddex kooxood.
Maxamuud Jaamaca Cali, oo madax ka ah
hay,adda xuquuqul insaanka ee Dulmi-diid, oo ka mid ah hay, adaha la
mamnuucay, ayaa sheegay in kooxaha xuquuqul insaanku ayna wax qoraal ah ka
helin maamulka Puntland, balse ay kediso uun ku noqotay, ka dib markii ay
warbaahinta ka maqleen in dhaqdhaqaaqooda la mamnuucay.
Maxamuud Jaamaca Cali wuxuu diiday in hay,
addiisa iyo kuwa kale ee la xidhayba ay xadgudub ku sameeyeen sharciyada
maamulka Puntland.
Dad badan ayaa rumaysan in hay, adahan loo
mamnuucay, iyadoo lagu tuhmayo inay taageersan yihiin dadaalka ay bulshada
rayidka ah ee Soomaaliya ugu jirto in dadwaynaha soomaaliyeed laga
samata-bixiyo dhibaatada ay ku jiraan, waxaa kaloo xidhitaankooda sababay
iyagoo si wayn ugu xog-bixiya dhibaatooyinka dhinaca xuquuqul insaanka ah ee
ka dhaca gobollada Puntland.
Dhiidhi Nuur
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|