Khilaafkii Maamul ku Sheega oo sii Batay
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Waranta
Arimaha Bulshada Maryama Ruun Liibaan ayaa inoo sheegtay Fal Xumo loo
Geystay Gabdho ku Xidhanaa Xarunta Ciqaabta ay Ciidanka Cabudhiska Gumaysiga
Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Awaare ee Gobalka Dhagaxbuur.
12 Feb, 2003 ayaa Degmada Awaare lagu
xidhay Dumar iyo Dhalinyaro badam oo lagu eedeeyey in ay taageerayaasha Jwxo
ka mid yihiin, Gabdhahaas oo Dhalinyaro u badan,Waxaa markiiba laysugu
keenay Xarunta Ciqaabta ee Magaalada Awaare, taas ooy ku magacaabaan Xabsi
ku Sheeg.Waxaa markiiba Dumarkii iyo Dhalinyaraddii la soo Xidhay lagu
bilaabay Jidh Dil nooc walba leh iyo Kufsi aan naxariis lahayn oo loo
geystay wixii Dumar ahaa. Dumarka kufsiga Naxariis darada ah loo geystay
waxay dhamaayeen ilaa iyo 7 isugu jira Marwooyin iyo Gabdho.Fara Xumeynta
Dumarkan Awaare lagu xidhay ayaa soo shaac baxday kadib markii mid ka mid
ahayd 7-da Gabdhood ay arintaas ka hadashay iyadoo sheegtay in isla
Habeenkii Xabsiga la geeyeyba ay Faraxumeyntu ku bilaabatay.Waxayna Miciin
baday iyadoo aad Xishood iyo Cabsiba uga muuqdaan in ay arintaas u sheegato
Taliyaha Booliska ee Deg.Awaare oo lagu magacaabo Mohamed Dheere
Gadaafada Naxdinta leh eey Gabadhu u
sheegtay Mohamed Dheere waxay ujeedadeedu ahayd in ay isku deydo in ay ka
dacwooto Fal Dambiyeedka laga galay ee walina lagu hayo 6dii Gabdhood ee
Xabsiga ay kaga timid.Mohamed Dheere ayaa ugu Jawaabay Gabadhii hadal ayna
ka filaynin oo ahaa in ay wado Dacaayad ay u geysanayso Cidamada Itoobiya oo
ahaa ku wii dambigan Galay. mudoyar kadib ayaa waxaa Gabadhii ku soo baxay
Uur, kaas oo ay ogaadeen dadkii ku noolaa deegaanka Awaare. Soo bixitaanka
faldanbiyeedkaas kadib ayay Ciidamada Nacacabka gumaysiga Itoobiya ku soo
rogeen Gabadhii Xayiraad ay ku amrayaan in ayna meela uga bixi karin
magaalada Awaare, balse waxaa u suura gashay Gabadhii in ay ka baxdo
magaalada oo ay dhibkii soo gaadhay soo bandhigto.
Kufsiga loo geysto Dumarka ku jira
Xabsiyada lagu Ciqaabo Shacbiga Ogaadeenya eey CCGI, ka samaysteen dhamaan
Ogaadeenya ayaa ah mid caado u noqotay Ciidanka Bahalka ee Itoobiya,iyadoo
uu kann fadeexadan dhaliyey uun yahay kii ay Bulshadu wada ogaatay.Waxayna
Shacbiga Ogaadeenya ka Xun yihiin sida weyn eey Beesha Caalamku indhaha uga
qabsatay fal dambiyeedka laga galayo maalin walba kuwaas oo dunidan Xili
hore ka dabar tirmay.
Khilaafkii Maamul ku Sheega oo sii Batay
Wariyaha Radio Xoriyo uga soo Warama Adis-Ababa ayaa inoo soo sheegay loolan
ka dhex socda Maamul ku sheega.
Waxaa in mudo ahba Magaalda Adis-Ababa ka
socday Shir loo qabtay Kilil ku Sheegyada Itoobiya.Waxaana ka soo qayb gala
yaasha ka mid ahaa, kilil ku sheega Soomalida Ogaadeenya.Sidii cadada u
ahayd Maamul ku sheega Ogaadeenya, meeshii ay dhibaatooyinka haysta si run
ah u sheegan lahaayeen ayey bilaabeen in ay iyagu is eedeeyaan, taas oo in
badan soo socotay, is eedayntooda ayey sal uga dhigayeen kala Qaybsankooda
ay labada kooxood kala yihiin.Kuwo taageersan Cabdi-rashiid Duulane iyo kuwi
Taageersan Afhayeenkii hore ee Baarlamaan ku sheega.
Waxay wararkii ugu danbeeyey ee ilo aad xog
ogaal u ah oo Radio Xoriyo soo gaadhay sheegayaan in Abdi-Rashiid Duulane
looga adkaday shirkaas,waxaana sabab looga dhigay ka soo hor jeedka Shacbiga
Ogaadeenya ee Itoobiya oo mudadiisii sii badatay.Arintani waxay kaliftay in
qaar ka mida taageerayaashii Duulane xilka laga qaaday
Iska hor imaad Siyaasadeed oo aad u badan
ayaa beryahan ka socda Adis-Ababa iyo Jig-Jiga kaas oo dhex maraya dhamaan
Adeegayaasha Gumeysiga Itoobiya ayna isku haystaan uun anaa Bulshada Dulman
Ciqaabta lagu hayo hada mid uga sii daran haya, meeshii ay ka dhiidhiyi
lahaayeen Dulmiga iyo Duliga ku habsaday.
Gudomiyaha Gudida Doorashooyinka Ethiopia oo Xabsiga Loo Taxaabay.
Warar lagu kalsoonyahay oo aanu kahelay ilo xoogagaal ah ayaa sheegaya in
xabsiga loo taxaabay Gudoomiyihii Gudida Doorashooyinka ee Ethiopia Assefa
Birru. Ninkaas ayaa waxa ay Xukuumada Ethiopia ku eedeysay in uu sameeyay
musuqmaasuq iyo isticmaal awoodeed.Balse warar ku dhadhaw ninkaasi waxa ay
sheegayaan in ay isku dhaceen ninka madaxda ka ah waxa uu Zenawi ku
sheego,Gudida la Dagaalanka Musuqmaasuqa Abraha Guzguze taas oo lagu indho
suraxaadinayo Beesha Caalamka oo baryahan ka biya diidsaneyd Maamul Xumada
ka taagan Itoobiya.
Tafatirahii wargayska The Ethiopian Herald
oo Shaqadii Laga Joojiyay.
Tafatrihii Wargayska Ethiopian Herald Tsege
Gebreamlak ayaa Shaqadii laga joojiyay 03 May 2003. Ninkaas oo u soo shaqayn
jiray mudo dheer Wargeyskaas ayaa Xafiiskiisii albaabada loo laabay, kadib
markii ay Xukumada Addis Ababa ku eedaysay in uu warar khalad ah ku faafiyay
Wergeyska uu Tafatiraha ka ahaa. Wararka kalifay in albaabada loo xidho
xafiiska uu ninkaasi madaxada ka ahaa, ayaa waxa ay ahaayeen fikrado ay labo
shaqsi ku cabirayaan aragtidooda taas oo ku soo baxay Wargeyska 16 March
2003 kuwaas oo tilmaameyey in dagaansho la'aanta ka jirta Ethiopia iyo
Xadgudubka lagu hayo xaquuqda Aadamaha. Shaqo joojintan Tafo Tirahaas ayaa
waxa ka hor yimid Suxufiyiinta wadanka Ethiopia iyo Kuwa Caalmiga ahba
iyagoo dhamaan ugu baaqay Itoobiya in ay si dhakhso leh shaqadiisa loogu
celiyo.
Shacabka Oromada oo Cadaadis Weyn Lagu Hayo.
Gudoomiyaha Ururka Oromo National Congress
Dr. Merera Guddina ayaa Xukuumada Ethiopia ku eedeeyay in cadaadis badan
lagu hayo Shacabka Oromia , sida dilka ,dhaca, kufsiga iyo Bililiqada loo
geysto hantidooda.Gudoomiyhu waxa kale oo uu tilmaamay in dadkaas loo laayo
uun in taageeraan Jabhada Xoraynta Oromia(OLF) oo u dagaalanta Xoriyada
Shacbiga Oromia.
Sargaal ka socda Midowga Afrika oo
Soomaaliya booqday.
Warar Radio Xoriyo ka soo gaadhay Ilo Xog
Ogaal ah ayaa sheegaya in Gen.Khaliifaoo Sargaalka ay Midowga Afrika u
doornteen in uu Madax u noqdo Ciidamada Caalamiga ah ee Dhaqan galin doona
Heshiiskii Xabad joojinta eey Kooxaha Soomaalidu ku sixiixeen Magaalada
Eldrot 27 October 2002 uu Muqdisho booqday 04 May 2003
Geesood Waran
06 May 2003
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|