SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: May 9, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Dad kor u dhaafay 40 oo ku dhintay Dagmooyinka Imaay, Qalaafe iyo Mustaxiil
  • kadib markuu fatahay wabiga Shabeelle.
  • Dagaalo dhexmaray Ciidamada Xoreeynta Ogadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobita.
  • Meles oo ku gatay 12 Milyon qalab uu amaankiisa ku ilaalinayo.
  • Gabadh Qoraa ah oo wadanka Itoobiya laga masafuriyay.
  • Meles Zenawi oo awoodiisii sii kordhisanaya.
  • Waraysi aanu la yeelanay Gudoomiyaha Haogaanka Warfaafinta Jabhadda wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya iyo suugaan halgameed.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis

Waxaa Dagmooyinka Qalaafe Imeey iyo Mustaxiil oo ka tirsan Gobolka Gaday ka dhacay fatahaad ka timid wabiga Shabeele, taas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafay 40 Qof oo ay ka mid yihiin 5 Caruur ah, waxaana ku bara kacay in ka badan 95,000 oo qays iyadoo ay ku birburtay hanti aad ubadan oo ay ka mid ahaayeen 5 Xarun Caafimaad iyo Laba Iskuul. Fadahaadan ayaa lagu qiyaasay tii ugu xumeed ee soo martay dagmooyinkan mudooyinkii ugu danbeeyay. Sargaal u hadlay hay, ada badabaadada caruurta ee UNICEF oo ku sugan magaalada Goday, ayaa waxaa uu u sheegay wakaalada wararka ee Qaramada midoobay (IRIN) in xaalad xun oo aad u adag ay ka jirto halkaas, loona baahan yahay gargaar dagdag ah oo la gaadhsiiyo dadka halkaas ku tabaaleeysan, sargaalkaas oo sheegay in ay wax yar oo qalab ah u direen halkaas ayaa waxuu muujiyay sida ayna ugu fileen waxa ay halkaas gaadhsiiyeen isagoo tilmaamay in ayna dadkaasi haysan wax Raashin ah, Biyo nadiif ah iyo Adeega Caafimaadka. Sargaalkaas oo aad uga walaacsan xaalada adag ee halkaas ka jirta ayaa beesha caalamaka ka codsaday in dadkaas gargaar lala soo gaadho.

Dagaalo dhexmaray Ciidamada Xoreeynta Ogadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobita.

Wariyaha Radio Xoriyo ee Ciidanka Xoreenta Ogaadenya ayaa noo soo tabiyay dagaalo dhex maray dagaal yahamiinta Ciidanka Xoreeynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Dacdareeysan ee gumaysiga Itoobiya.

26.4.2003 dagaal ay iskaga hor yimaadeen qayb ka mid ah Ciidamada Xoreeynta Ogaadeeynya iyo Ciidamada Nacabka Itoobiya oo marayay meesha lagu magacaabo Gudunbuur oo ka tirsan Gobolka Qoraxay, ayaa waxaa Ciidamada Cgajiidka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay nin ka mid ahaa sirdoonka Ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale meesha lagu magacaabo Huuraale oo ka tirsan Gobolka Dhagax-Buur dagaal ay iskaga hor yimaadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada cadawga Itoobiya ayaa waxaa ciidamada Cadawga lagag dilay 1 Askari waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oo badan.

Dhamaadkii Bishii Hore weerar ay Ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen Ciidamada Cadawga Itoobiya ee ka amar qaata Taliska Adis Ababa oo marayay meesha lagu magacaabo Baka ayaa waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 5 Askari oo kale.

Meles oo ku gatay 12 Milyon qalab uu amaankiisa ku ilaalinayo.

Warar xogagaal ah oo aanu ka helay ila ku dhadhaw saraakisha nabad sugida ee Itoobiya ayaa sheegaya in uu Zenawi soo gatay qalab qiimihiisu gaadhayo 12 Milyon oo Dollar, oo uu ku ilaalinayo amaankiisa khaaska ah. Qalbkaas oo uu ka soo gatay wadamada Ukrain iyo Kuuriyada waqooyi oo ay heshiiskooda soo galeen Getachew Assefa oo ah madaxa nabad sugida Ethiopia iyo madaxa istaafka Zenawi Muligta Alemseged, ayaa waxa la sheegayaa in uu isugu jiro, jaakeedka la xidho ee xabada iska difaaca, Gaadhi ayna xabadu ka soo gudbi Karin iyo qalab sheega wixii qalab ah ee soonihiisa ka dhaw. Qalbkaas ayaa waxa lagu xidhay gurigiisa iyo xafiiskiisaba. Xaaladan ayaa waxa ay ka danbaysay walawl ku yimid amaanka kaligii taliye Meles Zenawi, kadib markii uu ka shakiyay dadkii uugu dhadhawaa xukunkiisa.

Ayada oo lawada ogsoonyahay xaalada abaareed ee ba’an ee Itoobiya ka taagan, caalamkuna uu ku mashquulsanyahay sidii ay u badbaadin lahayeen Malaayiinta ruux oo Itoobiya ku gaajoonaya, ayaa waxa yaab ku noqtay ururda caalamiga ah iyo wadamada deeqda bixiyaba in hanti dhan intaas oo quudin kari lahayd mudo Hal Bil ka badan dad lugu qiyaasay 500,000 kun oo Ruux, uu ku soo gato qalab uu amaankiisa ku ilaalinayo, shaqsi sheeganay in uu umadaas mas’uul ka yahay.

Gabadh Qoraa ah oo wadanka Itoobiya laga masafuriyay.

Gabadha lagu magacaabo Eyyerusalem Mekonnen oo ahaan jirtay qoraa wax ku qorta Joornaalka Tomar oo maalinle ah kuna soo baxa Afka Amxaariga, ayaa waxay Xukuumada Addis Ababa ku qasabtay in ay wadanka iskaga baxdo. Gabadhan ayaa waxaa loo xilsaaray qaar ka mid ah Nabad sugida Itoobiya in ay la socdaan dhaqdhaqaaqeeda si loo ogaado waxa ay qabanayso, dabagalkan ayaa waxuu ka danbeeyay qoraalo ay ku cabiraysay figradaheeda khaaska ah oo ay ku dhaliilaysay Xukuumada TPLFtu ay hogaamiso.

Gabadhan oo wadanka Maraykanka magangalyo waydiisaya ayaa cadaysay in amaanka nafteedu uu halis ku jiray intii ay ku sugneed Magalada Adis Ababa. Waxay gabadhaasi tidhi meela waan ku baxsan waayay xataa meelaha lagu dalxiiso markaan joogo waxaad arkaaysaa qaar ka mid ah Nabad sugida Itoobiya oo kolba dhinac iga taagan taas oo khalkhal iyo cabsi igu abuurtyay iguna kaliftay in aan ka soo haajiro wadankaygii.

Meles Zenawi oo awoodiisii sii kordhisanaya.

Ra,isal wasaaraha Itoobiya Meles Zenaawi ayaa Baarlamaanka soo hordhigay qoraal uu rabo in loogu ansixiyo awooda Xil ka qaadidi Jeneraalada sare ee Ciidamada qalabka sida, awoodaas oo uu horay u lahaan jiray Madaxwaynaha Xukuumada Itoobiya, ayuu rabaa kaligii taliye Zenaawi in uu gacantiisa soo galiyo si ay wax walba gacantiisa ugu jiraan.

Zenaawi oo hadaba isku magacaabay taliyaha ciidamada qalabka sida ee Itoobiya ayaa la rumaysan yahay in uu doonayo awood dheeraad ah oo uu ku eryo cidii uu xukunkiisa uga shakiyo. Xalaadan argagax ee ku dhacday ninka talada xukuumadan sii dhacaysa ee Itoobiya haya, ayaa waxay ka danbeeysay khilaaf soo kala dhex galay Xisbiga TPLF markay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ka gaadhay Go,aan Magaalada Bademe oo loo xukumay wadanka Eritrea.

Dhinaca kale amar dagdag ah oo uu soo saaray kaligii taliye Meles Zenawi ayuu ku sheegay in aynan saraakiisha ciidamada ee sarsare wadanka dibada uuga bixi karin, haday noqoto xag caafimaad iyo xag tabobar labadaba, amarkan oo qaybi layidhi ninka lagu magacaabo koronel Aba Gemmeda oo loo xil saaray ka hortaga baxsiga saraakiisha Ethiopia, ayaa waxa uu kadanbeeyay baxsi ay bax sadeen 21 sargaal oo tababar loogu diray wadamada Sweden iyo Holland.

Guud ahaan saraakiisha Itoobiya ayaa waxaa batay baxsiga ay ka baxasanyaan xukuumada dhiigyocabka ah ee Addis Abeba, iyagoo ka baaqsanaya in loo adeegsado xasuuqa lagu hayo shacabka ku hoosnool Xukuumada Itoobioya. Tanina waxa ay muujinaysaa burburka xukuumadan wakhtigeedii dhamaaday ee uu horjoogaha ka yahay Meles Zenawi.

Dhiidhi Nuur
09 May 2003


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD