SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: May 13, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ciidanka Cadawga Itoobiya oo nin shacab ah ku dilay Magaalada Qoriile qaar kalana xabsiyada u taxaby.

  • Itoobiya oo noqotay dalka adduunka ugu xun xagga daryeelka hooyada.

  • Kaligii taliye Meles oo digniin siiyay wasaarada arimaha dibada.

  • Agasime ku xigeenka Hay,ada " Save the Children" oo booqatay Shiniile

  • Somaliya oo loodiri doono Ciidamo Shisheeye oo hubka kadhiga

  • Xubno katirsan Maamul kusheega Jigjiga oo xilkii laga qaaday
  • Barnaamujkii halgan iyo halgame oo aanu ku soo qaadanay taariikh halgameedkii Shacabka Ogaadeenya iyo suugaan halgameed.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis

Ciidanka Cadawga Itoobiya oo nin shacab ah ku dilay Magaalada Qoriile qaar kalana xabsiyada u taxaby.

Wariyaha Radiyo xoriyo ee Gobolka Doolo ayaa noo soo tabiyay nin ay todobaadkii hore, Ciidamada taliska dhiigyacabka ah ee Adis Ababa ka amar qaata toogasho ku dileen. Ninkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Mohamed Caabi ayay ciidamada cadawga Itoobiya rasaas ooda kaga qaadeen isagoo ku sugan magaalada Qoriile, waxay kaloow jidhdil culus u gaysteen kadibna xabsiga u taxaabeen marwada lagu magacaabo Cambaro Xirsi oo ayaduna ka mid aheed dadka ku dhaqan magaalada Qoriile. Dadkaas oo aan wax danbi ah galabsan ayay ciidamada cadawgu si ula kac ah ugu dileen Badhtamaha magaalad.

Sidoo kale magaalada Awaare gabdho ay ciidamada cadawgu ku xidh xidheen ayay ciidamada nacabku faraxumeeyn u gaysteen taas oo ay soo cadaatay kadib markay mid ka mid ah ku soo baxay Uur. Xaaladaas oo aad uga cadhaysiisay shacabka reer Ogaadeenya ayaa waxay maskaxda aadamaha ku noqotay wax aan la qaadan karin, waxyna sii siyaadisay nacaybkii loo qabay gumaysiga Itoobiya. Gabdhaha xabsigaas haatan ku sugan ayaa waxay kala yihiin.

  • 1. Malka Aadan Shukri

  • 2. Hodan Cabdullaahi Dheeg

  • 3. Hinda Maxamed Maxamuud

  • 4. Khadra Xaaji Maxamuud

  • 5. Bishaaro Maxamuud Gurase

  • 6. Shaahid Maxamuud Gurase

  • 7. Amina Yuusuf Mahad

  • 8. Deeqa Yuusuf Mahad

  • 9. Naadisa cabdi geele iyo

  • 10 Caasha qamar

Isla todobaadkii hore Olole baladhan oo ay ciidamada cadawga Itoobiya ku qaadeen

gobolada ogaadeenya ayaa waxaa magaalada Dhagaxbuur, lagu xidh xidhay dad

gaadhayay ilaa 300 oo ruux oo ay ka mid yihiin:

  • 1- Yuusuf Khaliif.

  • 2- Maxamed Muuse Obore.

  • 3- Cabdi Fataax.

  • 4- Duniye Xamze.

  • 5- Xikkam Macallin Cabdi.

  • 6- Bashiir Dool Muxumed.

  • 7- Mahad Haybe Cabdulaahi.

  • 8- Ahmed Bnoor Cali Hayaan.

  • 9- Cabdulaahi Muxumed Qabile.

  • 10- Aaden Muxumed- aaden-afjar- oo Oday ah.

  • 11- Mohamed Xashi Boos, oo duqayda ka mid ah.

  • 12- Shukri Cumar Aaden.

  • 13- Cabdulaahi Muxumed Guhaad.

  • 14- Maxamed Kamasaar.

  • 15- Nimco khaliif Ursad.

  • 16- Ladan Aaden Dacar.

Magaalada Dhagaxmadow, waxaa lagu xidhay dad badan oo ay ka mid yihiin:

  • 1- Cali Muxumed Yuusuf.

  • 2- Shekh Ahmed Xassan.

  • 3- Asad Muxumed Cismaan.

  • 4- Aaqil Muxumed Cismaan.

  • 5- Mukhtaar Ahmed Taajir.

  • 6- Cabdi Ahmed Taajir.

  • 7- Sadiiq Ahmed Taajir.

  • 8- Khaliif Bade Cabdulaahi; iyo qaar kale oon magacyadooda aan lasoo gaadhsiinin

Magaalada Qabri daharre, ilaa horaantii Bishan waxaa lagu xidh-xidhay dad aad utira badan oo ay ka mid yihiiin:

  • 1- Deeq Cabdulaahi Kaad.

  • 2- Ahmed Noor Ibraahin.

  • 3- Aaden Laangadhe.

  • 4- Cali Ibraahin Budul.

  • 5- Xabiib Shekh Maxamed

  • 6- Cabdi Naasir Weli

  • 7- Xafsa Macallin Cali Abshir.

  • 8- Fawsiya Muxumed Qani.

  • 9- Ardo Jaamac.

  • 10- Ruqiya Xussein Raabi.

  • 11- Maryama Hudle.

  • 12- Nuur Ahmed Cabdi Xirsi.

  • 13- Tamaan Nuur Axmed Cali.

  • 14- Saynaba Sh. Ibraahin.

  • 15- Cibaado Xussein Kaahin.

  • 16- Raaxo Ahmed Kooreeye.

  • 17- Maryama Faarax Gaacuur.

  • 18- Nasri Ahmed Cumar Caul.

  • 19- Maxamed Shekh Xareed.

  • 20- Xaliimo Cabdulaahi Odawaa.

  • 21- Cabdi Qani Siyaad iyo

  • 22- Maxamuud Cumar.

Ololahan ay qaadeen Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu ka danbeeyay amar ay soosaartay Xukuumada wayaahana ee ka talisa Adis Ababa, kadib markay u adkaysanwayday, xoogaga Gobanomadoonka ah ee ka soo horjeeda oo dhaawac culus u gaystay xukunka xasuuqa iyo cabudhiska ku dhisan ee uu horjoogaha ka yahay Melis Senawi.

Itoobiya oo noqotay dalka adduunka ugu xun xagga daryeelka hooyada.

Itoobiya ayaa noqtay mid ka mid ah dalalka adduunka ugu hooseeya marka laga hadlayo tayada nololeed iyo xuquuqda hooyada, waxaana adduunka oo dhan ka liita dalalka Niger iyo Burkino Faso oo kaliya, sidaasna waxaa lagu sheegay daraasad cusub oo uu soo saaray Ururka Badbaadada Carruurta. Tusaale ahaan Waddanka Ingiriiska waxaa ummusha ku dhimata 1000kii hooyaba mid ka mid ah,

carruurtana waxaa intayna sanad gaadhin dhinta 1000kii Ilmood ba lix ka mid ah.

Balse Itoobiya sagaalkii hooyaba mid ka mid ah ayaa ummusha ku dhimata, carruurtana 1000kii Caana nuugba 116 ka mid ah ayaa dhinta intayna sanad gaadhin. Waddanka Eritereya wuxuu galay kaalinta 14-aad marka hoos laga soo tiriyo 117 waddan oo daraasadan lagu sameeyay. Daraasadani waxay tilmaantay in heerka waxbarasho ee hooyada iyo sida ay hooyadu u hesho adeegyada kala dheeraynta dhashu ay ugu muhiimsan yihiin waxyaalaha xidhiidhka tooska ah la leh badbaadada iyo korriinka carruurta. Sida ay daraasadani caddaysay dumarka Itoobiya waxaa wax qori kara ama akhriyi kara seddex meelood marka loo dhigo, meel ka mid ah, hase yeeshee waxaa maamulka xukuumada ka qayb qaata 8% oo kaliya, taasina waxay muujinaysaa xaqiraada ay xukuumadani u gaysanayso Haweenka iyo sida ayna Xukuumada Itoobiya wax dan ah uga leheen daryeelka Bulshada ay hogaamiso.

Agasime ku xigeenka Hay,ada " Save the Children" oo booqatay Shiniile.

Agaasime ku xigeenka hayada samafalka mareykanka oogu qaabishan badbaadada carrurta Save The Children ayaa Shiniile booqatay todobaadkii hore. Haweeyneeydaas oo la yiraahdo Anna Van Dusen ayaa u tagtay in ay indhaheeda ku aragto xaalada abaarta ka jirta Ogaadeenya. Dhinaca kale dowladda mareykanka ayaa $3 million oo doolaar ugu deeqday dowladda Itoobiya in ay kaga hor tagto abaarta Ogaadeenya. Lacagtaasi oo dowladda dhexe la soo marsiin doono ayaa dad badani aamin san yihiin mid aan gaadhi doonin shacabka Ogaadeenya ee loogu tala galay, waxaan la

rumaysan yahay in ay Itoobiya u isticmaali doonto dhinaca ciidamadda.

Somaliya oo loodiri doono Ciidamo Shisheeye oo hubka kadhiga.

Warar xog ogaal ah oo Radio Xoriyo ka soo gaadhay xafiiska ururka Midowga Afrika oo ku yaal Addis Ababa, ayaa sheegaya in uu Ururka midowga Afrika dhawaan ka codsan doono dalalka Afrika in ay ugu deeqaan ciidan huwan ah oo hubka ka dhigi doona shacabka soomaliyeed ka dib marka ay soo baxdo natiijada shirka dib u heshisiinta soomaliyada ugua socda dalka Kenya. Sida wararku sheegayaan dalka South Afrika ayaa ugu horeeya dalalka diyaarka u ah in ay Soomaliya ciidan u diraan...waxaana la filayaa in dalal kale oo ka socda waqooyiga Afrika ay iyaguna ciidan ku deeqaan. Dalka itoobiya ayaa iyadana la filayaa in ay ku dadaasho si ay ciidamadeeda oogu biiri lahayeen askaartaasi loo diri doono Soomaliya, iyada oo qorshaheedu yahay in ay howlo sirdoon ah soo fuliyaan. Kharashka ku baxaya ciidamadaas ayaa la filayaa in inta badan laga heli doono Midawga Yurub iyo Maraykanka in kasta oo ayna cadeeyn in ay ciidamo u diri doonaan iyo in kale. Itoobiya ayaa biloowday dadaal ay ku doonayso in Ciidamada halkaas tagaya loo daayo wadamada dariska la ah Soomaaliya, taas oo ay ku doonayso in aan la arag qaska ay ka wado gudaha wadanka Soomaaliya.

Xubno katirsan Maamul kusheega Jigjiga oo xilkii laga qaaday

Kulan uga socday magaalada Jigjiga qaar ka mid ah maamulka maqaar saarka ah ee ay dhoob dhoobtay Xukuumada adis Ababa ayaa 7ba kamid ah laga xayuubiyay xilalkii ay uhayeen maamulkaas, kadib markii lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen maamulkii dawladii hore ee Soomaaliya. Xilka qaadkan ayaa laxidhiidhay khilaaf mudaba kadhax oognaa maamul kusheega Jigjiga ee uu madaxzda kayahay C/rashiid Duulane. Xukuumada Itoobiya oo qorsheeysay in uusan wax maamul ah ka soconin Ogaadeenya dhexdeeda kuna abuurta khilaaf iyo kala qaybsanaan joogta ah ayaa waxay biloowday in ay sharci cusub ku soo rogto maamulka ay Ogaadeenya u samaysay, kaas soo tilmaamaya in uusan wax xil ah ka qaban karin Ismaamulka Ogaadeenya qof ka soo qayb qaatay maamulkii Dawladii hore ee Soomaaliya. Xubnaha ilaa hada xilka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah.

Adfhayeenka Golaha Baarlamaanka Cabdikariim Qalinle

Kuxigeenkii Afhayeenka Baarlamaanka Mr. Xaamud

Gudoomiyaha Hooyooyinka Madiino Maxamad Xassan

Duqa magaalada jigjiga Cali Yuusuf Ciise iyo kuxigeenkiisi Cabdulwahaab Shiikh

Maxamad

Shirkan oo wali socda ayaa lafilayaa in ay koox kale ku waayi doonaan Xilkii maqaar saar ahaa ee ay Itoobiya u maga cawday.

Dhoodi Danwaa.
13 May 2003


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD