Saraakiil
sar-sare oo nabad sugida Itoobiya ka baxsaday.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis
Ababa yaa sheegaya in seddex sargaal oo ka tirsan ciidamada nabad suguda ah
ee Itoobiya ay magangalyo siyaasadeed waydiisteen wadanka Denmark. Sadexdan
sarkaal ayaa la sheegay in guddi lagu magacaabo “guddiiga qiimayntu” uu
digniin adag siiyay, ka dib markii uu guddigu la kulmay shaqaalaha sharikada
diyuuradaha ee Itoobiya, halkaasoo ay seddexdan sargaal dhinaca ammaanka u
qaabilsanaayeen. Sharikada dayuuradaha ee Itoobiya ee Ethiopian Airlines
ayaa iyadu baxsiga saraakiishaa ka aamustay oo aan wax faallo ah ka bixinin.
Taliska uu madaxda ka yahay keligii taliye Meles Zenawi ayaa sameeyay guddi
uu ugu magac daray guddiga qiimaynta, oo lagu dhawaaqay inay qiimayso
waxqabadka shaqaalaha dawlada, hase yeeshee ujeeddada dhabta ah ka denbaysa
lagu tilmaamay inay tahay sidii loo dabar-goyn lahaa dadka ka soo horjeeda
siyaasada xukuumada Zenawi.
Dhinaca kale warar xogogaal ah oo aanu ka
helay ilo ku dhadhaw wasaarada gaashaandhigga ee Itoobiya ayaa sheegaya in
dhawaan xilka laga qaadi doono afar saraagal oo ka tirsan ciidamada qalabka
sida ee Itoobiya.
Warkani waxay soo shaac-bexeen, ka dib
markii ay shir qarsoodi ah yeesheen wasiirka gaashaandhigga Aba Dula Gemada,
taliyaha ciidamada Itoobiyaa Jeneraal Samora Yenus iyo major general Bacha
Debela, oo ka mid ah ragga ugu awooda badan wasaarada gaashaandhigga ee
Itoobiya.
Saraakiishan xilka laga qaadayo, oo
dhammaantood xilal sarsare ka hayay ciimadad qalabka sida, isla markaana ka
tirsan ururka TPLF, ayaa la sheegay in looga shakiyay inay wadaan hawlo ka
dhan ah xukuumada Zenawi, waxaana lagu soo eedeeyay inay xilalkoodii si
fiican u gudan waayeen, hase yeeshee waxaa loogu baaqay inay hawlgab noqdaan,
si loo qariyo khilaafka wali ka sii dhex oogan ururka TPLF, balse waxaa la
sheegayaa in saraakiishaasi ay ku gacan saydheen tuhunka loo soo jeediyay.
Dadka siyaasada Itoobiya indha indheeya
ayaa xil ka qaadistan u arka mid lagu sifeeynayo saaraakiisha ciidamada ee
laga shaki qabo, waxayna arrintani xoogaysatay, ka dib markii uu Males
Zenawi la wareegay awoodda xil ka qaadista sarakiisha sarsare ee ciidamada
qalabka sida.
Wasiirka biyaha ee Itoobiya oo jagasiia
la ga qaadayo.
Wasiiraka biyaha ee Itoobiya Shiferaw Jarso
ayaa la sheegay in laga qaadi doono xilka wasiirnimo ee hada uu hayo,
waxaana loo magacaabi doonaa inuu noqdo duqa magaalada Diridhabo,
arrintaasoo ay dad badan oo Itoobiyaan ahi aad ula yaabban yihiin.
Xilka wasiirnimo ee laga xayuubinayo
Shiferaw Jarso waxaa la sheegay inuu hordhac u yahay masuuliyiin badan uu
xukuumada Zenawi ka tirsan, kuwaasoo xilalkooda laga qaadi doono.
Dhinaca kale afhayeenka baarlamaanka
Itoobiya Dawit Yohannes ayay ciidamada boolisku warysi la yeesheen, ka dib
markii uu raad musqmaasuq ahi soo galay.
Dawit waxa lagu soo eedeeyay inuu
musuqmaasuqay lacag gaadhaysa 7 milyan oo Birr, waxayna lacagtani la
xidhiidhaa xidhaygii la xidhay gudoomiyiihi guddiga doorashooyinka ee
Itoobiya Assefa Birru oo Dawit uu adeer u yahay.
Itoobiya oo u ruclaynaysa sidii ay
Soomaliya u gumaysan lahayd.
Xukuumada Itoobiya ayaa warqad qoraal ah u
dirtay Qaramada Midoobey, taasoo ay
kaga codsaneyso in la siiyo tirada ugu
badan ciidammada nabad ilaalinta loo gaynayo dalka Soomaaliya, si ay
xasilloonida u sugaan, ka hor intayna hawleheeda billaabin xukuumada la
filayo inay ka soo baxdo wadaxoojoodyada nabadda ee ka socda dalka Kenya.
Xukuumada Itoobiya waxay codsatay in ilaa
4000 oo ciidan ah loo oggolaado inay Soomaaliya u dirto, waxayna ku
andacootay inay arrimaha Soomaaliya aad ugu dhowdahay, isla markaana ay
xudduud dheer la la leedahay dalka Soomaaliya.
Guddiga IGAD ee dhexdhexaadinaya ergooyinka
soomaalida ayaa dhawaan shaaca ka qaaday qaaday in Qaramada Midoobay ay
oggolaatay in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo u badan
dalalka ku yaalla qaaradda Africa, waxayna ciidamadaasi hawlgalladooda
billaabi doonaan marka dhidibbada loo taago dawlad soomaaliyeed iyo
baarlamaan.
Hase yeeshee warar ku dhadhow guddiga
farsamada ee IGAD ee gacanta ku haya shirka dib u heshiisiin soomaalida uga
socda dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada nabad ilaalinta loo gaynayo
dalka Soomaaliya ayna ka qayb qaadanaynin dalalka sida gaarka ah u daneeya
arrimaha Soomaaliya, isla markaasna ay ciidamadaasi noqon doonaan kuwo si
toos ah uga amar qaata Ururka Midowga Afrika, arrintaasoo ay Itoobiya si
wayn uga soo horjeedsatay.
Kofi Annan oo sheegay in arrinta Bademe ay
kama denbays tahay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi
Annan ayaa sheegay in go’aankii 13 abriil ee sanadkii hore ka soo baxay
guddiga xallinta khilaafka xuduudeed ee Itoobiya iyo Eritereya uu kama
denbays yahay, isla markaana ayna jirin dood denbe oo ka furan go’aankaas.
Xoghayuhu wuxuu arrintan kaga jawaabayay
warqad uu keligii taliye Meles Zenawi u diray xogahayaha guud ee Qaramada
Midoobey, taasoo uu kaga codsaday in Qaramada Midoobey ay dib ugu noqoto go’aankii
guddiga, oo magaalada Bademe, oo bud-dhige u ahayd dagaalkii soohdinta ee
labada dal dhex maray labo sano ka hor, u xukumay dalka Eritereya.
Wararka arrintan la xidhiidha ee Itoobiya
ka soo baxaya ayaa sheegaya in keligii taliye Meles Zenawi uu soo kiraystay
labo garyaqaan oo u dhashay dalka Koonfurta Afrika, kuwaasoo uu doonayo inay
Itoobiya u raadiyaan qiil sharci ah oo lagaga maarmi karo go’aanka guddiga
xuduuda, waxaana arrintaas si wayn uga cadhooday qaryaaqanada itoobiyaanka
ah, oo rumaysan in Meles Zenawi uu yeedhidda garyqaannadaas lacag uun ku
lunsanayo.
Dhinaca kale dawlada Eritereya ayaa ku
gacan saydhay inay wax wadxaajood ah ka furayso arrinta xuduuda ay Itoobiya
la wadaagto, oo ay sheegtay in go’aankii guddiga xuduuddu uu si kama
denbays ah u soo gabagabeeyay.
Wasiirka ku meelgaadhka ah ee warfaafinta
ee dalka Eritereya Cali Cabdu Axmed ayaa horraantii toddobaadkan sheegay
dawladiisu ay soo afjarayso is-waydiinaha ka imanaya in laga yaabo in
wadaxaajood denbe laga furo arrinata xuduuda, wuxuuna intaas ku daray in go’aanka
guddigu uu soo afjaray arrimihii la xidhiidhay khilaafka xuduuda ee u
dhexeeyay dalkiisa iyo Itoobiya.
Warbixin ka soo baxday hogaanka sare ee
Jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya.
Shacabka Somalida Ogadenia waxaa 100/sano
ka badan gumaysta dawladda Ethiopia. Mudadaas dheer ee dadkaasi gumaysiga ku
jiray, waxaa maamulkiisa iska soo badalay, 3/dex Rajim oo kala ah:
Boqortooyinkii Mililik iyo Xayle Silaase, Nidaamkii hanti wadaaga ahaa ee
Mingise Hayle Maryam iyo ugu dambayntii midkan hadda haya oo sheeganaaya in
uu yahay demoqoraadi.
Saddexdaas Rajiib oo aragti ahaan aad u
kala fogaa, hadana istratijiyo ahaan waxay isaga mid yihiin, gumaysiga
Ogadenia, iyo in Shacbiga Somalida Ogadenia laga ilaaliyo wax kasta oo
horumar shacbigaas u keeni kara. Sida waxbarashada, Caafimaad, dhismaha
Wadooyinka & isgaadhsiinta, Ganacsiga, Tacbashada dhulka, Nabad ku
noolaanshaha iwm.
Mudadaas dheer, dalkaas wuxuu ahaa goob dagaal. Sharciga lagu xukumo dalkaas,
waa midka mileteriga ee waqtiga dagaalka. Xaakimka runta ah waa Askariga
qoriga sita. Maxkamaduna waa go,aankiisa, kuu rabo ayuu toogan, kuu rabana
wuu xidhi, kuu rabana wuu dhici, gabadhuu rabana wuu kufsan, falkuu sameeyo
askarigu su,aal ka daba iman ma jirto, rafcaana ma leh.
Waxbarasho lama ogola, dalka Ogaadenya oo ka kooban 9 Gobol, 48 Dagmo (waa
intay ogolyihiine), dadka ku noolna lagu qiyaaso 5 -7/milyan, wuxuu leeyahay
hal dugsi sare iyo hal isbitaal oo uu Isbitaalka ka tagay gumaysigii
talyaaniga. Qofka aqoon yahanka ah, dalka kama shaqaysan karo, si nabad
galyo ahna uguma noolaan karo.
Ciidamada Ethiopia ee Ogadenia ka hawl gala, haddaan tusaale u qaadano fal
danbiyeedka
ay sameeyeen, intii u dhexaysay October sanadkii 2002 – March sanadkan
20003, waxay noqon sidan:
Tirada shacbiga aan waxba galabsan ee la toogtay:
75/Ruux.
Tirada dadka la xidhay: 6750/Ruux.
Haweenka la kufsaday mudadaas: 125/gabdhod.
Inta si naxariis daro ah loo jidh-dilay: 1480/Ruux.
Inta jidh-dilkaas u naafouday: 250/Ruux.
Dadka habeenka lala baxo oo meel ay jiraan
la ogayn: 193/ruux
Lacagta qof kasta oo la xidho lagu ganaaxay. 2000/ Bir.
Lacagta tuulooyin & dad gaar ah lagu
ganaaxay $: 1,5/milyan.
Xoolaha Askartu qalatay ama dhacday, Adhi: 8000/ Neef.
Geel: 1430/ Neef.
Lo’ah: 2425/Neef.
Tuulooyinka la gubay: 15/Tuulo.
Hantida Tuulooyinka laga bililiqaystay $: 3/milion qiyastii.
Waxaa lala wareegay 120 Baabuur iyo badeecaddii saarayd.
Waxaa caadi u noqotay ciidamada Itoobiya.
- · Miineeynta wadooyinka ceelasha
waaweyn soo gala.
- · Gubida kaymaha iyo dhul daaqsimeedka
xoolaha.
- · Ceelasha oo qar la Aaso, kuwo kalena
dadka laga oodo xiliga dad weynuhu ugu baahi badan yahay Biyaha.
- · Xoolaha oo la xera-oodo ilaa ganaaxa
laga bixiyo, ama qaraabadu soo xerayso ninka jabhadda kaga jira halkaas
lagu hayo.
- · Magaalooyinka iyo Tuulooyinka
qaarkood oo muddo dheer la go’doomiyo.
- · Xadka Somalida oo la xidho si
ganacsiga iyo nolosha dadka cidhiidhi loo galiyo, iyo in dhamaan
gaadiidka xad Somalia ka soo gala lala wareego.
- · Xoolaha safarada dalka gudihiisa oo
kontarabaan lagu sheego si loola wareego.
- · Askarta Ethiopia oo markay labisan
yihiin makhaayadaha shacbiga lacag laaan wax kaga cuna.
- · Dhalin yarada Reer Ogadenya oo
ciidamada Ethiopia sida xoolaha u rartaan,
marka rarka laga dajiyana aan wax cunto ah la siinaynin iyo dhibaatooyin
badan oo kale oo aanaa halkan ku soo koobi karin.
Sidaas daraadeed waxaan hayadaha xuquuqda
aadamaha daneeya, dawladaha nabada jecel iyo guud ahaan beesha caalamka u
soo jeedinaynaa in ayna Indhaha ka laaban gumaadka ba,an ee lagu hayo
Shacbiga dulman ee ku jira Gacanta adag ee gumaysiga Itoobiya.
Ahmed Gaal,eri.
16 May 2003
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|