SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: May 20, 2003 

mahuraan
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...
 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Boob ay Ciidamada cadawga Itoobiya kula kaceen ganacsadada magaalada Qabri-Dahare.
  • Ø Diridhabo oo soomaalida laga fara-maroojinyo.
  • Ø Shir wayn oo Danmark ka dhacay.
  • Ø Xisbiga TPLF oo xisaabo Bangiyeed gaar ah furtay.
  • Ø Taliyihii ciidanka nabadsugidda Itoobiya oo is-casilay.
  • Ø Mdaxwaynihii hore ee Qoomiyada Oromada oo lagu soo daray Xukuumada Zenaawi.
  • Ø Wariye u shaqeeye wargayska IT'OP oo la xiray.
  • Ø Sargaal Al-qaacida ah oo Geeska Afrika laga raadinayo.
  • ØBarnaamujkii halgan iyo halgame oo aanu ku soo qaadanay taariikh halgameedkii Shacabka Ogaadeenya iyo suugaan halgameed.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis

ØBoob ay Ciidamada cadawga Itoobiya kula kaceen ganacsadada magaalada Qabri-Dahare.

Ciidamada cadawga Itoobiya ayaa15.05.2003 Boob ku qaaday Dukaamada Magalda Qabri-Dahare. Waxayna halkaas ku boobeen hanti badan oo badeeco iyo lacag isugu jirata, laguna qiyaasay 500,000 kun oo Bir. Boobkan ayaa waxuu dhacay, mar ay koox Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ka mid ah soo galeen suuqa magaalada Qabri dahare, kooxdaas oo labisnayd Dirayska Ciidamada Itoobiya ayaa markii ugu horaysay waxay Boobeen Dukaan uu lahaa ninka lagu magacaabo Cabdulaahi Barkhadle oo ay ka qaateen Lacag isugu jirta Doolar iyo Birta Itoobiya iyo hanti kale.

Dukaanlaydii iyo dadkii suuqa ka adeeganayay ayaa ku soo xoomay halkii uu boobku ka dhacay, haseyeeshee Ciidamada Gumaysigu waxay markiiba Boobka ku balaadhiyeen Suuqii oo dhan, halkaas oo ay hanti aad u farobadan ku qaateen. Boobkaas balaadhan markii uu dhacay dadwaynihii magaaladu waxay maciinsadeen dhagax tuur iyo dagaal ay labeegsadeen budh-caddii soo weerartay, halkaasna waxay Ciidamada boobka iyo xasuuqa ku caanbaxay ee Wayaanuhu, xabsiga u taxaabeen dad dhan 193 Ruux oo u badan dadkii Dukaanlayda ahaa, waxayna Bandaw ku soo rogeen Magaalada oo ilaa hada bandaw ku jirta. Dadka hantidooda laboobay kadibna xabsiga loo taxaabay waxaa ka mid ah.


1- Mohamed Cabsdulaahi Barkhadle,
2- Sanweyne Cabdulaahi Barkhadle.
3- Ahmed Cabdi Cumar.
4- Ahmed Barre.
5- Nimco Cali Yare.


Isla 15.5.2003 magaalada Caado waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku Xidheen dadkan shacabka ah oo aan waxba galabsanin, waxayna kala yihiin.
1- Xassan Muxumed Suldaan (xasan-badhi).
2- Cali Rafle Guuleed.
3- Cabdi-waaxid Moxamed Siraad.

Diridhabo oo soomaalida laga fara-maroojinayo.

Waxaa Magaalada Diridhabo dhawaan booqasho ku yimid wasiirka fadaraalka Itoobiya Abay Sahay, kaasoo u yimid sidii uu u hirgelin lahaa nidaamka cusub oo dadka soomaalida ah lagaga fara-maroojinayo lahaanshaha magaalada Diridhabo.

Wasiirkani wuxuu kulamo la yeeshay masuuliyiinta shisheeyaha ah ee xukuumada Itoobiya ay u soo magacawday magaalada Diridhaba. Wuxuuna markii ugu horraysayba la kulmay ninka Tigreega ah ee magaalada madaxda looga dhigay, wuxuu kaloo la kulmay madaxda xafiisyada kala duwan ee gacanta ku haya maamulka magaalada Diridhabo oo dhammaantoodba ay isu daba-fadhiyaan dad Tiigree iyo Amxaaro isu jira.

Wasiirka Ferderaalka ayaa shir gaar ah oo uu ku la hadlayay waxgaradka Magaalada ku marti qaaday dad gaadhaya 350 Ruux, waxaana Soomaali ka ahaa 20 Ruux oo kaliya. Arintaasna waxaa ku gacan saydhay Gudida Ciisaha iyo Gurguraha oo hormuud u ah Soomalida Diridhaba. Odayaashaas oo ka soo horjeeday inay noqoto Magaalada Diridhaba mid u dhaxaysa qawmiyadaha Itoobiya oo dhan, ayaa shirkaas ku tilmaamay mid lagu dhaxal wareejinaya Magaalada Diridhaba. Odayaashaas oo uu markii dambe si gaar ah ula kulmay Wasiirku, ayuusan waxba ka qabanin Cabashooyinkoodii, waxuuna u sheegay in Go,aanka Magaalada lagu wareejinayo ay mar hore Dawladau gaadhay, ayna la socod siiyeen Madaxa Maamulka Kililku sheega C/rashiid Duulane iyo Maxamuud Dirir oo ka mid ah Wasiirada Dawlada Melis Zenaawi.

Shir wayn oo Danmark ka dhacay.

18 May waxaa magaalada Copenhegen ee dalka Denmark ka dhacay shirwayinihii sanadlaha ahaa ee Jaaliyadda Ogadenya ee Denmark. Shirwaynahaas waxaa ka soo qayb galay xubno aad u fara badan oo ka mid ah Jaaliyada Ogadenya ee ku dhaqan dalka Denmark.

Waxaa kaloo shirwaynaha ka soo qayb galay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, kuwaasoo kaalin wayn ka qaatay xog-siinta iyo dhiirigelinta dadwaynihii shirkaas ka soo qayb galay.

Shirwaynahan, oo ah shirwayne sannadkiiba mar la qabto, waxaa lagu doortay guddigii cusbaa ee sanadka soo socda hooggaamin lahaa Jaaliyada Ogadenya ee Denmark, waxaa kaloo lagu dejiyay qorshihii ay Jaaliyadu ku socon lahayd sanadka soo socda iyo hawlihii ay fulin lahaydba.

Xisbiga TPLF oo xisaabo Bangiyeed gaar ah furtay.

Xisbiga TPLF ayaa la sheegayaa inuu billaabay inuu lacago ku shubto Bangiyo gaar ah oo loogu talagalay in si fudud loogala baxo lacagta haday dhacdo xukumada Melez Zenaawi ama si degdeg ah loogu baahdo dhaqaale lagaga hortago jabhadaha hubeeysan iyo ururrada mucaaridka ah.

Sida wararka sheegayaan go'aanka xisaabahan gaarka ah lagu furay waxaa isla gaadhay Melez Zenaawi, Seyoum Mesfin, Sebxaat Nega iyo Abay Tsehaye, ka dib markii ay eegeen xaalada siyaasiga ee xun ee dalku ku sugan yahay.

Tallaabadan oo si qarsoodi ah loogu dhaqaaqay ayaa ah mid muujinaysa in ayna TPLF tu ku kalsooneeyn inay ku raagi doonto xukunka.

Taliyihii ciidanka nabadsugidda Itoobiya oo is-casilay.

Wararka naga soo gaaraya xukuumada kaligii taliye Melez Zenaawi ayaa sheegaya inuu taliyaha ciidanka nabad sugida Itoobiya Mesfin Gebremicheal oo loo yaqaano Mesfin Weteto is casilay, ka dib markii uu khilaaf dhex maray isaga iyo Melez Zenaawi.

Ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo arrintaasi ku saabsan nama soo gaadhin, lakiin dadka siyaasada indha indheeya ayaa arintaasi u arka jab weyn oo ku dhacday Melez Zenaawi.

Mdaxwaynihii hore ee Qoomiyada Oromada oo lagu soo daray Xukuumada Zenaawi.

Iyada oo ay u muuqato in siyaasiyiinta u dhashay qowmiyadda Tigreega ay hal-hal uga siibanayaan xukumada Melez Zenaawi ayuu kaligii taliye Zenawi billaabay in uu xukumadiisa ku soo daro dad u dhashay qowmiyado kale, lakiin aan kalsooni ka haysanin dadka ay matalayaan.

Todobaadkii hore waxaa xukuumada Melez Zenaawi lagu soo celiyay Kuma Demeska oo ahaan jiray madaxweyne ku sheegi maamulka been-abuurka ah ee Oromiya. Kuma ayaa loo magacaabay inuu la-taliye u noqdo wasiir ka mid ah wasiirrada xukumada Zenaawi.

Sida la ogyahay Kuma waxaa loo ceydhiyey markii hore inuu si wanaagsan ula shaqeyn waayay xukumada Zenaawi isla markaasna looga shakisanaa inuu wax ka qaban waayay Jabhada Xoreynta Oromiya, lakiin waxaa maanta muuqata inuu dan gaar ah ka leeyahayZenaawi Magacaabidiisa, iyadoo la wada-ogyahay in siyaasiyiinta Tigreega ah ay intooda badan ka soo horjeedaan xukuumada Meles Zenawi, ayuu hada isku dayayaa in uu dad taageersan ka soo uruursado Qoomiyadaha kale.

Wariye u shaqeeye wargayska IT'OP oo la xiray.

Wariye u shaqeeya wargeyska It'op oo magaciisa layidhaahdo Gebrekidan ayaa la xiray, ka dib markii uu qoray maqaal uu kaga hadlay sida ay Itoobiya ugu guul-daraysatay dagaalkii dhex maray iyada iyo Eritrea. Waxaana Wariyahaas lagu xukumay $250 doolar oo ganaax ah.

Hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda suxufiyiinta ee la yiraahdo IFEX ayaa cambareysay xidhitaanka weriyahaas. Waxayna Dawladda Itoobiya ugu baaqday inay si shuruud la’aan u sii dayso

Sargaal Al-qaacida ah oo Geeska Afrika laga raadinayo.

Todobaadkii hore waxaa soo baxay warar tibaaxaya in dhaqdhaqaaqa Al Qaciida diyaarinayo falal argagixisanimo ah oo ay ka fulinayso Geeska Afrika. Sida wararkani sheegayaan waxay nabadsugida Kenya, Ingriiska iyo Mareykanka si weyn u raadinayaan Fazul Abdullah Mohammed oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al Qaciida, isla markaasna lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qarax hadda ka hor loo gaystay huteel ku yaalla magaalada Mombaaso oo ay dad badani ku dhinteen iyo qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee dalka Kenya iyo Tanzaaniya sanadka 1998.

Fazul oo loo malaynayo inuu dib ugu soo noqday Kenya, taasoo keentay in dalalka Mareykanka iyo Ingriisku ay u digaan muwadiniintooda. Dalka Ingiriiska ayaa guud ahaanba joojiyay duullimaadyadii dhinaca hawada ahaa ee dalka Kenya, iyadoo laga cabsi qabo in diyaaradaha u kacaya ama ka imanaya dalka Kenya la qarxiyo.

Geesood Waran.
20 May 2003


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD