SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: May 30, 2003 

mahuraan
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...
 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Shacabka Siidaamaha oo Meelo badan oo Aduunka ka mid ah ku qabtay Baroodiiq ay ku xu sayaan Shacabkii dhawaan lagu gumaafay Magaalada Awasha.
  • Ø Kaligii taliye Meles oo sheegay in uusan aqbalynin go’aanka gudida soohdinta ee Itoobiya iyo Eritrea.
  • Ø Dadka oo la dhibaa halganka lagula jiro dawlada wayaanha majoojinayo.
  • Ø Mdaxwaynayaasha Eritaria iyo Jabuuti oo la kala kulmay Jeneraalada Maraykanka ee ku sugan Geeska Afrik.
  • Ø Ergooyinka ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta kooxah soomaliyeed uga socdo magaladda Nairobi oo ansixiyey in guddi loo xilsaaro hubka dhiggista.
  • Ø Faalo aanu ku soo qaadanayno Taliska Zenaawi oo wakhtigiisii dhamaaday iyo Suugaan kala gadisan oo halgan.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis

Shacabka Siidaamaha oo Meelo badan oo Aduunka ka mid ah ku qabtay Baroodiiq ay ku xu sayaan Shacabkii dhawaan lagu gumaafay Magaalada Awasha.

Shacabka Siisaamaha ayaa 24 May ku qabtay meelo badan oo Aduunka ka mid ah Baroor diiq ay u sameeynayeen Dadkii ay Ciidamada Itoobiya ku xasuuqeen 24. 05.2002 Magaalda Awaasa ee Caasimada dadka siidamaha. Xaflad Baroordiiq ah oo Magaalada Newcastler ee wadanka Ingiriiska lagu qabtay, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin farabadan oo Aduunka ka kala socota, oo lagu marti qaaday, masuuliyiintaas waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada ee Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya Dr. Maxamed Siraad Doolaal, oo halkaas Qudbad dheer oo uu ku muujinayo sida ay uga Xunyihiin Xasuuqa loo gaystay dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan ka soo jeediyay. Dr. Doolaal waxuu kaloo halkaas tacsi uga diray madaxda iyo Shacabka siidamaha. Mudane Doolaal waxuu yidhi aad ayaan uga xunahay dhibatada soo gaadhay walaalahano, balse waxuu muujiyay in dhibkaasi uu yahay mid ay la wadaagan dhamaanba Shacabka ku jira gacanta Gumaysiga Itoobiya ee aan naxarista leheen. Mudane doolaal waxuu tusale u soo qaatay Dilka, Kufsiga, Xadhiga, Boobka iyo hanti oodka lagu hayo Shacabka Ogaadeenya ee ku jira gacanta Taliska dhiigyacabka ah ee Itoobiya, taasina waxay yaab iyo argagax ku noqtay dahmaanba dadkii Baroordiiqdaas ka soo qaybgay.

Dadkii halkaas ka soo qaybgalay oo ay Murogo xoogbadan ka muuqatay ayaa taliska Wayanaha ee Itoobiya nacalad dusha kaga tuuray, uguna baaqay in uu joojiyo Xasuuqa iyo ku xadgudubka xuquuqda shacabka an waxba galabsan.

dhinaca kale Ururka xaquuqal insaanka ee Ethiopia (EHRCO) ribood uu soo saaray Todobadkii hore ayuu ku sheegay in ay ciidamada dawlada wayaanahu ay dileen 14 qof, ayana dhaawaceen 67 qof, labana ay kufsadeen, hal qofna lawaayay, 12 qofna xabsiga loo taxaabay, 11 qofna hada ay dhakhtar ku jiraan dhawac ay cidamada wayaanuhu gaadhsiiyeen awgeed. Riboodkaas oo ay ku soo qaateen dhacdooyinkii ka dhacay Adis Ababa ee ay Ciidamada taliska EPRDF geesteen, ayaa muujinaya ku xadgudubka ba,an ee lagu hayo shucuubta ay xukuumada Itoobiya maamush.

 

Kaligii taliye Meles oo sheegay in uusan aqbalynin go’aanka gudida soohdinta ee Itoobiya iyo Eritrea.

Raiisul wasaasaraha Itoobiya Melis Zenaawi ayaa shaaca ka qaaday in uusan aqbalaynin Go,aankii ay dhawaan gaadheen Gudiga Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee Soodinta Eritrea iyo Itoobiya, kaas oo loogu xukumay wadanka Eritrea in ay leedahay Magalada Bademe. Zenawi ayaa Go,aankaas ku sheegay mid waxba kama jiraan ah oo ayna marna aqbalaynin.

Hadalkan ayaa waxuu soo baxay xili ay xaalada Labada dal ee Eritria iyo Itoobiya kacsantahay, ayna socdaan hadalo laysku tuurtuurayo oo dhinacyada warbaahinta loo adegsanay. Diidmada go, aankan uu ku diidanyahay Ra,iisal wasaraha Itoobiya, ayaa loo arkaa mid aan u cuntami doonin Beesha caalamka, gafna ku ah garyaqaanadii Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa. Xaaladan oo muujinaysa gardarada Itoobiya iyo damaceeda isbalaadhis ayaa lagu tilmaamay mid ay Itoobiya ku doonayso in ay mar kale ku weerarto wadanka Eritrea.

Dhinaca kale Daraasad lasameeyay oo soobaxday Todobaadkii hore ayaa sheegaysa in ay Itoobiya tahay wadanka macaawinada ugu badan ee Aduunka lasiio. Ilaa 1999 Itoobiya waxay ka mid aheed 4 wadan ee ugu liita Aduunka lana siiyo gargarka ugu badan. Rashinka gargaarka ah ee Itoobiya ay qaadatayna waxuu gaadhayaa 700.000 MT waxaana sanadwalba ku kordha Raashinka deeqda ah ee Itoobiya lasiiyo Boqolkiiba 2.3 Percent.

Caawimaadaas ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay Xukumada Itoobiya u leexiso dhinaca ciidamada, taasina waxay dhaawac gaadhsiisay kalsoonida caalamaka, kadib markay xaqiiqsaden sida ayna Xukuumada Itoobiya dan uga leheeyn Shacabka Itoobiya.

Dadka oo la dhibaa halganka lagula jiro dawlada wayaanha majoojinayo.

Gudoomoiyaha midagawa Itoobiya (AEUP) Hailu Shawel ayaa waxa uu yidhi dadka oo la dhibaa sidii la rabo haloo galo ee halganka la gula jiro dawlada wayaanha ma joojin karo.

Hailu mar uu ka hadlayay shir uu dhawaan qabtay ayuu muujiyay in si aad ah loo dhibo taageerayaasha ururkiisa oo ku kala nool Gobolada Gondar, Oramiya iyo Bariga Gojam. Ciidamada Taliska Wayanuhu waxay dadka na taageersan ula dhaqmaanbuu jidhi si argagax leh waa la dilaa, waa laxidhaa, waana la faraxumeeyaa xaaladuna marba marka ka danbeeysa way kasii daraysaa ayuu yidhi. Gudoomiyaha ayaa waxuu sheegay in uu warqad Cabasho ah u gudbiyay kaligii taliye Zenaawi balse uusan ka helin wax jawaab ah. Si kastaba ahaatee, waxkastana ha nagu qaadatee waanu wadaynabuu jidhi halganka aanu kaga soo horjeedno taliska wayaanaha.

Madaxwaynayaasha Eritaria iyo Jabuuti oo la kala kulmay Jeneraalada Maraykanka ee ku sugan Geeska Afrik.

Madaxweynaha Eritrea mudane Isayas Afwerki ayaa la kulmay wafdi uu hogaaminayay Jeneraal John Sattler oo ah taliyaha ciidanka mareykanka ee ku sugaan Geeska Afrika iyo jeneraalka loo magacaabay in u beddelo Jeneraal Sattler oo la yiraahdo Jeneraal Mastin Robenson.

Waxaa kale oo goob joog ka ahaa kulankaasi wasiirka gashandhiga Eritrea. Sida wararka sheegayaan waxaa lagaga wada hadlay kulankaasi arrimo la xiriira la dagaalanka argagixisada caalamiga iyo go'aanka jimciyada qarumaha ka dhaxeeysa ka gaartay magaalada Badme oo lagu cadeeyay in ay tahay magaalo ka tirsan Eritrea.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geele ayaa la kulmay jeneraalka loo magacaabay in u dhowaan la wareego jagada taliyaha ciidanka mareykanka ee geeska Afrika Jeneraal Mastin Robenson. Sida wararka sheegayaan waxaa kulankaasi goob joog ka ahaa wasiirka gashandhiga dalka Jabuuti iyo safiirka mareykanka u fadhiya jabuuti. Kulankaas ayaa lagaga hadlay xaalada Soomaliya, la dagaalanka argagixisada caalamiga iyo xiisada siyaasadeed ee ka jirta dalalka Geeska Afrika.

Ergooyinka ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta kooxah soomaliyeed uga socdo magaladda Nairobi oo ansixiyey in guddi loo xilsaaro hubka dhiggista.

Sida ay sheeggayaan wararka naga soo gaaraya magaaladda Nairobi waxay ansixiyeen dhammaan ka qeybgalayaasha shir dib u heshiisiinta soomaaliyeed in la sameeyo guddi loo xilsaaro arrimaha hubka dhigiska waddanka soomaaliya. Ergada shirka ka qeybgalaysa ayaa waxay baryahan oo dhan ka doodayeen soojeedin ku saabsan in la sameeyo hay"ad la socoto arrimaha hubka dhigista soomaaliya maadaama ay jiraan xadgudubyo loo geystay heshiiskii 27dii oktoobar ay saxiixeen dhammaan hoggaamiye kooxeedyadda oo dhiggayay in xabad joojin waarta lagagaaro waddanka soomaaliya.

Ergayga dawladda kenya u qaabilsan arrimaha soomaaliya islamarkaasna ah Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta soomalida ayaa sidoo kale soo dhaweeyey go,aanka ku saabsan in hubka laga dhiggo dhammaan maleeshiyooyinka hubaysan iyo in dhaqan celin lagu sameeyo maleeshiyooyinka

Ergayga dawladda kenya u Qaabilsan arrimaha soomaaliya Mr kiplagat ayaa Ergooyinka ku suggan magaalada Nairobi u sheeggay in shirka la soo gabagabayn doonno 18june, waxuuna intaasi ku daray in dawlad loo dhan yahay lagu dhawaaqi doonno marka shirka lagaba gabeeyo. Ergayga ayaa ugu baaqay dhammaan hoggaamiye kooxeedyada shirka dibadda uga maqan in ay dib ugu soo laabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan,

Guddoomiyaha shirka nabadaynta kooxaha soomaaliyeed oo u waramayey Qorahay Online ayaa sheeggay in uu meel fiican marayo shirka isagoo intaasi raaciyey in beesha caalamka oo dhan ay hadda u heelantahay dib u dhiska waddanka soomaaliya.

30.05.2003

Hibaaq Samater
radioxorio@yahoo.com


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD