SOO
DHOWEYN DIIRRAN YAA RAMADAAN
Ibraahim
Saalax | Odense, Denmark | Nov 5, 2002
WARARKA RAMADAANKA....LATEST RAMADAN NEWS -- CLICK HERE
OGEYSIIS:
Waxaan lasocodsiineynaa akhristayaasha qiimaha leh in bisha Ramadan aan
idiin soo tebin doono casharadii musalsalka ahaa ee Saxaabada, Salaadda,
iyo siirada rasuulka, sidaas daraadeed hamoogaan SomaliTalk iyo bisha
Ramadaan, insha Allah.
Duruustaas
waxaa siwada jir ah idiinku soo tebin doona: Ibraahim Saalax (Odense,
Denmark) iyo Cusmaan Bilaad (Ohio, USA).
Maalmuhu iyo bilooyinkuba waxay soo
laablaabtaan-ba waxaa na soo martiyay bishii kheyrka badneyd ee Ramadaan. Waa
hubaal inuu yahay marti culus oo aad u qiimo badan. Waa munaasabad cibaadeed oo
aad u weyn, oo uu Eebbe (sw) ku dhaafo denbiyada addoomada ay galaan, isla mar
ahaantaana uu dhexdeeda ku kordhiyo abaalmarka iyo xasanaadka qofkii isaga
muteysta maamuuskaas.
Walaalayaal, waa lagama maarmaan inaynu oggaano
inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Eebbe (sw) waafajiyo inuu gaaro
bisha ramadaan. Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno
cumriga na gaarsiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan. Imisa
dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha ramadaan, oo
iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba haleelay bisha ramadaanka, hase
ahaatee aan la waafajinin inay ka faa'iideystaan. Allahu akbar, waa nasiib darro
labadaasii tilmaamood-ba, labadoodaba waxaynu ka magan galaynaa Eebbe (sw).
Walaalayaal, bal ina keena si aan innagoo si
farxad leh ku qaabilayna bisha ramadaan aan dib ugu noqono taariikhdii maamuuska
lahayd ee uu noolaa Xabiibka Rasuulka (scw), bal si aynu uga baranno qaabkii iyo
waddadii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtuba ugu soo dhoweyn jireen bisha Ramadaan.
Ugu horeyntiiba, wuxuu Rasuulka (scw) ugu bishaarayn jiray muslimiinta bilashada
bisha ramadaan, dabadeedna isagoo ay weheliyaan ardaydiisii qiimaha badnaa ee
asxaabta waxay dhammaan bishaas barakeysan ku cammiri jireyn cibaado fara badan
oo kala duwan.
Dadaalkii Rasuulka (scw) ee ramadaanka
Caa'isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo noo
iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tiri
"ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka (scw) ka tagi
jirin. Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray".
Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la
gaaro ramadaanka, saxaabadana way kaga shidaal qaateen sunnadaas. Cumar Binu
Khadaab (rc) marka la gaaro habeenka wuxuu u istaagi jiray salaad, isagoo si ay
khushuuc ku dheehan tahay u dheereen jiray salaadaha habeenka. Habeenka saqda
dhexe marka la gaaro wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa, isagoo ku oran
jiray SALAADDA SALAADDA, wuxuuna ku dul aqrin jiray aayadda uu Alle (sw) ku
leeyahay "waxaad qoyskaaga fartaa salaadda iyo zakada.."Suuradda Daha
132. Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka
raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yiri xaddiis macnihiisu ahaa: "waxaa
idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan,
bishaas waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaa
la xiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeenood,
ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay". Haddaba, bisha
sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga
faa'iideysan lahayn kheyraatkeeda, oo aan gadaal danbe aanan uga qoomamayn.
Soonka waa la aqbalaa ducada
Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa inaynu
bishaan kheyrka badan aan kula qaabilno towbad badan, qur'aan aqris badan,
salaad badan, baarifalka iyo samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka
dhibaataysan, islaaxinta iyo xiriirka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka
ee uu Eebbe (sw) ka raalliga yahay. Bisha ramadaan waa bishii naxariista. Waa
bishii denbi dhaafka badneyd. Waa bishii xoreynta naarta. Lama koobi karo
fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suubban
ay baryayaan Rabbi (sw). Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya arrintan "hadduu
addoonkayga xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada
markuu wax i weydiisanayo" aayadda 186 suuradda Al-Baqara. Dhinaca kale,
xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka (scw) yiri
"seddex ducadooda lama celiyo", waxayna saddexdaas kala yihiin: qofka
sooman jeer uu ka afuro, madaxweynaha caadilka ah iyo qofka la dulmiyay
habaarkiisa".
Deeqsinimada iyo soonka
Walaalayaal, sidoo kale, bisha ramadaan waa bil
ku caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas
Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri "Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka
ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar
ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen kasta wuu la kulmi jiray
Jibriil iyagoo daraasayn jiray qr'aanka". Sidaa darteed, wuxuu Imaamu
Shaafici yiri "waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu
daydo Rasuulka (scw). Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) qur'aanka la daraasayn
jiray oo la aqrin jiray Jibriil bisha ramadaan, waxay dhammeyn jireen qur'aanka
bisha oo dhan hal jeer, hase ahaatee sannadkii ugu danbeeyay ee uu soomay
Rasuulka (scw) waxay qur'aanka khatimeen labo jeer.
Dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la
gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar
aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu
Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay
ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga
dhimin ajarkiisa. Waa fadli aad u weyn.
Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr
badan kun habeenood, sida uu Eebbe (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo
aan habeenkaas la cayimin habeenka ay ku beegan tahay, haddana waxaa muslimiinta
laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha ramadaanka uu ka
kooban yahay, si ay uga faa'iideystaan fadliga ramadaanka.
Iridka dadka sooman ay ka galayaan
Walaalayaal, cibaadada Soonka wuxuu qofka
dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada
Jannada, kaasoo loogu magacdaray Rayyaan. Saxaabiga la yiraahdo Sahal Binu
Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh "waxaa jannada
dhexdeeda ahaaday irid la yiraahdo Rayyaan, iridkaas ayeey dadkii soomanaa ka
soo galayaan maalinta qiyaamaha, qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la
oranayaa aaway dadkii soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma
soo galayo". Allaha ka raalli noqdee saxaabiga la yiraahdo Abii Umaama ayaa
weydiiyay Rasuulka (scw), wuxuuna ku yiri "Rasuulkii Allow waxaad i fartaa
arrin uu Alle igu anfacayo", markaasuu Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay
"waxaad ku dadaashaa soonka, ma jiraan wax la mid ah" Soonka iyo
guulihii muslimiinta Lama koobi karo munaasabadada qiimaha leh ee Ramadaan.
Bisha Ramadaan waa bilihii ay muslimiinta soo hoyeen guulihii ugu waaweynaa ee
islaamka. Dagaalkii ugu weynaa ee ay muslimiinta ku guulaysteen wuxuu ahaa
dagaalkii weynaa ee Badr, haddana dagaalkaasi wuxuu dhacay bil ramadaan
17-keedii sannadkii labaad ee hijriga. Waa dagaalkii ay qayb libaax leh ay ka
qaateen malaa'igtii sharafta badnaa ee uu hoggaaminayay Jibriil (cs). Wuxuu
Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya dagaalkaas "dhab ahaantii wuxuu Eebbe (sw)
idiin gargaaray Badar idinkoo dulleysan.." aayadda 123 suuradda Al-Cimraan.
Dagaalkaas Badar markii laga soo wareegay qiyaastii 4 sanno iyo xoogaa waxay
misna muslimiinta soo hoyeen guushii ay ku furteen magaallada Makka. Waa
furashadii magaallada Maka oo ku beegnayd labaatankii ramadaan ee sannadkii
lixaad ee hijriga, halkaasna wuxuu Rasuulka (scw) ku aasay oo ku burburiyay
asnaamtii boqolaalka gaarayay ee ku xoonsanaa hareeraha Kacbada. Inkastoo
labadaasi guulood ay ku beegmeen bil ramadaan dhexdeeda, haddana waxaa
jiray guulo kale oo ay muslimiinta soo hoyeen isla bisha ramadaan, waxaana ka
mid ahaa Furashadii Andalus sannadkii 92-kii hijriga, Furashadii Cammuuriya
sannadkii 223 hijriga, dagaalkii Zalaaqa ee hore sannadkii 479-kii ee hijriga,
dagaalkii Xaarim sannadkii 559 hijriga iyo dagaalkii Cayn-Jaaluut sannadkii 658
hijriga. Ugu danbeyntii, walaal haddaad macaasi iyo denbi badneyd uga
faa'iideyso bishan denbi dhaaf dalbid iyo salaado badan. Waxay ayaan darro
haysataa ruuxii laga xaaraantimeeyay kheyraadka iyo fadliga soonka. Ilaahay ha
inaga dhigo kuwii ka faa'iidaysta fadliga ramadaanka iyo inuu naga dhigo kuwa
loogu naxariisto ramadaan, naartana looga xoreeyo, aamiin.
Waxaa
isku soo dubaridey Ibraahim Saalax oo ah qoraaga Habnololeedkii
saxaabada waxaana lagala xiriiri karaa: ibra88@hotmail.com
Bogga
Xiga ee Ramadaanka......
Family
| Halal | Islam
| Kaaba | Learning
| SomBeauty | SomLink
| TafsiirQur'aan | Zakat
| Saxaabada | Haj
|