CABDIRAXMAAN
BINU CAWF
"ILAAH HA KUU BARAKEEYO MAALKA AAD BAXSATAY IYO MAALKA AAD REEBATAY"
Ducadii Nebiga (scw) ee Cabdiraxmaan Binu Cawf
(6)
Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo islaama,
wuxuu kaloo ka mid ahaa tobankii nin ee Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida
saaran. Wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay guddiga Shuurada (talo
bixinta) ka dib maalintii doorashada khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc). Wuxuu
ka mid ahaa asxaabtii ka jawaab celin jirtay su’aalaha diiniga, iyadoo Rasuulka
(scw) uu noolaa.
Wakhtigii jaahilayada ee Islaamka ka hor, waa intuusan islaamin’e, waxaa
Cabdiraxmaan lagu magacaabi jiray: "Cabdi Camr", hase ahaatee kolkii uu soo
galay diinta Islaamka oo soo islaamay, wuxuu Nebiga (scw) u baxshay magaca
Cabdiraxmaan.
Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu islaamay ka hor intuusan Nebiga (scw) gelin
daartii Arqam Binu Arqam, waana xilligii uu soo islaamay Abuubakar As-siddiiq
labo maalmood kadib. Cabdiraxmaan islaamidda uu soo islaamay wuxuu kala kulmay
rafaad, jirdil, dhibaato iyo hagardaamo aad u daran, sidii ay ula kulmeen isaga
hortiis walaalihiisa diinta Islaamka kaga soo horeeyay. Cabdiraxmaan wuu u
sabray dhibaatadaas dacwada ka soo gaartay, sidii ayba Saxaabaduba ay arrintaa
ugu dulqaateen, rumeyntoodii xeesha dheereed oo kalena wuu la yimid.
Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa asxaabtii u haajirtay dhulka Xabashida isagoo
la baxsanayay diintiisa. Kolkii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa loo idmay inay
u haajiraan oo u guuraan magaalada Madiina, Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa mar
kale hormuudkaasxaabtaas. Rasuulka (scw) iyo asxaabtii la socotayba markay
yimaadeen magaalada Madiina, wuxuu walaaleeyay Muhaajiriintii ka soo haajirtay
magaalada Makka iyo Ansaartii deganayd magaalada Madiina.
Haddaba, Cabdiraxmaan oo ka mid ah muhaajiriintaas ayaa waxaa walaal looga
dhigay Sacad Binu Rabiic Al-Ansaari (rc). Sacad Binu Rabiic wuxuu Cabdiraxmaan
ku yiri: "walaalkayow waxaan ka mid ahay ganacsatada degan magaalada Madiina
kuwooda ugu taajirsan, waxaan leeyahay labo beerood iyo labo xaasas. Labadaas
beerood bal soo eeg oo middaad doonto qaado, xaasaskaygana tii aad jeclaato
ayaan kuu furayaa si aad adiga u guursato". Cabdiraxmaan ayaa ku yiri: "Maalkaaga
iyo xaaskaagaba Illaah ha kuu bakeeyo, laakiin waxaad i tustaa goobaha ganacsiga".
Muddo yar ka dib Cabdiraxmaan wuu guursaday, wuxuuna u yimid maalintii danbe
Rasuulka (scw).
Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan weydiiyay inuu guursaday iyo qiimaha uu
meher ahaan u bixiyay. Cabdiraxmaan wuxuu yiri haa oo waan guursaday, meher
ahaanna waxaan u baxay xabad timir wax le’eg oo dahab ah. Nebiga (scw) wuxuu
Cabdirxamaan ku yiri: "casumaad sameey (alla bari) waloow neef arina ha ahaadee,
Illaah xaaskaaga iyo maalkaagana ha kuu barakeeyo". Ducadii Nebiga (scw) waa la
aqbalay jeer uu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka noqdo qof deeqsoon oo maal qabeen ah.
Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu Rasuulka (scw) kala qayb galay dagaalo badan.
Maalintii dagaalkii Badar ay dhacday wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka muujiyay
goobtii dagaalka wacdaro geesinimo leh ilaa uu ka dilo cadoowgii Alle ee la oran
jiray Cumeyr Binu Cuthmaan Binu Kacab Al-Tamiimi. Sidaas si la mid ah ayaa
Cabdiraxmaan wuxuu ahaa kii sugnaada maalintii dagaalka Uxud, halka qaar ka mid
ah asxaabta ka carareen. Waxaa dagaalkii Uxud ka soo gaarey Cabdiraxmaan dhowr
iyo labaatan dhaawacyood, qaarkoodna ay halis ahaayeen.
Hase ahaatee jihaadka Cabdiraxmaan waxaa lagu tiriyaa mid yar, marka loo bar-bardhigo
jihaadka maalka uu kaga qayb galay. Waxaan arkaynaa Rasuulka (scw) oo doonaya
inuu diyaariyo ciidan ilaalo ah, markaasaa wuxuu asxaabta ku leeyahay: "maalkiina
ka saddaqeysta waayo waxaan doonayaa inaan diro ciidan ilaalo ah". Markii uu
Cabdiraxmaan maqlay hadalkaas wuxuu u degdegay gurigiisa si uu wuxuu hayo oo
maal ah ugu keeno Rasuulka (scw). Lacagtii uu haystay maalintaas waxay gaareysay
4000 oo dirham, wuxuuna ula yimid Rasuulka (scw) isagoo ku yiri: "labo kun
waxaan amaahiyay Illaah, labada kun ee kalena waxaan u soo dhaafay ciyaalka".
Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan ku yiri: "Illaah ha kuu barakeeyo maalka aad
bixisay iyo maalka aad reebatay. Markii uu Rasuulka (scw) go’aansaday
duulimaadkii Tabuuka oo ahayd dirirtii ugu danbeesay ee uu Rasuulka qaado intuu
noolaa, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo maal fara badan, waayo
ciidanka lagu duulayay ee Roomaanka ayaa ahaa kuwo in badan ka tiro iyo gaadiid
badnaa muslimiinta, dhinaca kale sannadka uu dagaalku dhacayayna waxay ahayd
sannad abaareed, safarkuna wuxuu ahaa safar dheer oo qaadanaya maalmo. Iyadoo
intaasoo arrimood oo dhibaato ah ay jiraan, ayaa waxaa Rasuulka (scw) u yimid
qaar ka mid ah mu’miniintii jeclayd inay ka qaybgalaan dagaalka, iyagoo ka
codsanaya Rasuulka inuu ka xanbaaro oo uu ka bixiyo qarashka ku baxa safarka,
Rasuulku wuu ka cudurdaartay waayo ma uusan haysan wax dhaqaale ah.
Mu’miniintii waxay laabteen, iyagoo indhahooda ay la burqanayso ilmo, murugo
daraateed, sababtuna waa iyagoo aynan awoodin inay helaan nafaqada lagu aadayo
duulimaadka Tabuuka. Mu’miniintaas sharafta leh waxaa maalintaa wixii ka
danbeeyay loo baxshay kuwii oohinta badnaa, ciidankii dagaalka galayna waxaa
iyagana loo baxshay ciidanka cidhiidhiga ama dhibaatada. Markay arrintu halkaa
mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) amray asxaabta inay maalkooda wax ka bixiyaan si
jidka Alle ah iyo si ay maalkaas Ilaah uga ajar qaataan. Muslimiintii ayaa hal
mar ajiibay fulinta codsigii Rasuulka (scw) si ay maalkooda uga saddaqeystaan.
Haddaba, asxaabtaas waxaa safka hore kaga jiray Cabdiraxmaan Binu Cawf. Wuxuu
bixiyay labo boqol oouuqiyadood oo dahab ah. Cumar Binu Khadaab (rc) oo markaas
aan ka fogeyn meesha ayaa yiri: "waxaan arkaa inuu Cabdiraxmaan galay denbi,
waayo wax maal ah ma uusan u soo dhaafin ehelkiis".
Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay Cabdiraxmaan su’aashan: "wax maal ah reerkaaga
ma u soo dhaaftay". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "haa, oo waxaan u soo dhaafay wax ka
badan kana wanaagsan maalkii aan bixiyay". Rasuulka (scw) ayaa misna yiri: "waa
imisa". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "wixii uu Ilaah u yaboohay oo risqi iyo kheyrba
ah". Ciidankii Muslimiinta waxay u anbabaxeen Tabuuka, halkaana wuxuu Ilaah ku
maamuusay Cabdiraxmaan Binu Cawf wax uusan ku maamuusin mid ka mid ah
muslimiinta. Waxaa la gaarey xilligii salaadda, markaa iyada ahna Rasuulka (scw)
uu muuqan yahay. Cabdiraxmaan ayaa tujiyay muslimiintii, markii ay dhammaatay
rakcadii koowaad ayaa waxaa yimid Rasuulka (scw), ka dibna wuxuu ku xirtay
salaadda uu imaamka u ahaa Cabdiraxmaan.
Haddaba, ma waxaa jira wanaag iyo qiimo ka weyn inuu qof tujiyo intuu Eebe (sw)
abuuray oo dad ah imaamkooda iyo inta nebiyo la diray imaamkooda. Waxaan u
maleenayaa inay jawaabtu tahay: "MAYA". Markii Rasuulka (scw) uu geeriyooday,
wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf u istaagay u-adeegidda hooyooyinka mu’miniinta, waa
xaasaskii Rasuulka (scw)’e. Cabdiraxmaan wuxuu u qumi jiray danahooda. Wuu
wehelin jiray haddii ay safar galayaan. Wuu la xajin jiray, haddii ay aadayaan
Xajka. Wixii ay doonayaan in loo sameeyo oo dhan ayuu u qaban jiray. Taasina waa
ammaan ka mid ah waxyaabaha uu ruuxa uu ku faano, dhinaca kale waxaa laga
qaadanayaa arrinkan isaga ah kalsooni weyn oo ay haweenka Nebiga (scw) ku qabeen
Cabdiraxmaan. Samafalka iyo ixsaanka Cabdiraxmaan Binu Cawf uu u geli jiray
haweenka Nebiga (scw) waxay gaartey, in uu maalin iibiyay dhul qiimihiisa dhan
ilaa 40 000 oo diinaar, dabadeedna uu dhulkii u qaybiyay reer Banuu Zuhra (reerka
ay ka dhalatay Aminatu Bintu Wahb oo ah Rasuulka hooyadiis), masaakiinta
muslimiinta iyo masaakiinta muhaajiriinta iyo haweenka Rasuulka (scw).
Cabdiraxmaan markii uu diray maalkii uu u qoondeeyay Caa’isha (rc), ayaa waxay
Caa’isha tiri hadalkan: "Rasuulka (scw) wuxuu haweenkiisa ku yiri: "idiinma
naxayo anniga gadaasheyda aan ka ahayn kuwa saabiriinta (sabarka badan) ah
mooyee".
Weligeed baaqiayeey ahayd oo ma tirtirmin ducadii Nebiga (scw) ee uu u
duceeyay Cabdiraxmaan ee ahayd inuu Alle u barakeeyo maalkiisa, jeer uu ka
noqday ninka ugu maalqabeensan asxaabta, uguna hanti badan. Ganacsiga iyo
safarka Cabdiraxmaan waxay u dhaxeeyeen magaalada Madiina iyo magaalooyinka
kale, safarkaasoo dadka u sida dhar, cunto, barafuuno iyo wax kasta oo ay dadku
u baahan yihiin.
Maalintii ugu badnayd ee uu Cabdiraxmaan sadaqeysto waxay ahayd, markii ay
Caa’isha (rc) tiri inuu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu ka mid noqon doono ahlu-Janna
oo uu geli doono Jannada. Wuxuu u yimid Caa’isha isagoo weydiinaya inay tiri
hadalka, waxayna tiri: "Haa oo annigaa ka maqlay Nebiga (scw) inaad jannada
gelaysid". Cabdiraxmaan wuxuu la booday farxad, isagoo ku yiri Caa’isha (rc)
hadalkan: "hooyo waxaan ku marqaati gashanayaa in safarkan iyo gaadiidka saaran
oo dhan aan u bixinayo jidka Alle".
Wixii ka danbeeyay maalintaas, wuxuu Cabdiraxmaan kordhiyay sadaqooyinka iyo
gacan ka geysigii muslimiinta uu sameyn jiray. Wuxuu sadaqo ahaan u bixiyay
lacag gaareysa 200.000 oo dirham oo fidah ah iyo 200.000 oo diinaar oo dahab ah,
isagoo jidka Alle ku bixiyay. Waa lacag aad u fara badan. Dhinaca kale wuxuu
siiyay mujaahidiintii kale lacag gaareysa 1500 oo diinaar iyo 500 oo gaadiid ah.
Markii ay soo dhowaatay geeridii Cabdiraxmaan Binu Cawf (rc) wuxuu xoreeyay
addoomo fara badan.
Sidoo kale wuxuu u dardaarmay asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Badar in la
siiyo nin kasta 400 diinaar oo dahab ah, sidiina ayuu qof kasta ku helay
lacagtaas. Xaasaskii Rasuulka (scw) oo maalintaas noolaa wuxuu tiiba u
dardaarmay maal fara badan, ilaa ay Caa’isha markasta Cabdiraxmaan ugu duceyn
jirtay ducadan qiimaha badan: "Allaha Cabdiraxmaan ka waraabiyo isha jannada ku
taal ee la yiraahdo SALSABIIL".
Haddii uu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu masaakiintii muslimiinta, addoomadii
dhibaataysnaa, xaasaskii Rasuulka (scw) ugu talo galay maalkaa faraha badan,
haddana waxaynu og nahay inuusan iloobin reerkiisii, oo wuxuu iyagu u dhaafay
maal fara badan, maalkaasoo ay adag tahay in la tiriyo. Wuxuu reerkiisa uga
tagey 1000 neef oo geel ah, 100 fardo, 3000 neef oo ari ah.
Xaasaskiisii afarta ahaa dhaxalkii mid walba ay heshay waxay dhammeyd ilaa 80
000 oo diinaar. Waxaasoo dhan oo maal ah waa barakadii ducadii Nebiga (scw) uu u
duceeyay Cabdiraxmaan. Hase ahaatee, maalkaas ma uusan fidneyn Cabdiraxmaan,
sidoo kale mana uusan beddelin. Cabdiraxmaan lagama soo dhex saari jirin isaga
iyo shaqaalihiisa u shaqeeya, tawaaduc badni awgeed. Maalin maalmaha ka mid
isagoo soomanaa ayaa loo keenay cuntadii afurka. Wuu eegay, markaasuu yiri: "waxaa
maanta la dagaalkii Uxud lagu dilay Muscab binu Cumeyr isagoo iga kheyr badan.
Ma aanan helin kafantii ugu kafni lahayn aan ka ahayn maro yar oo haddii aan
madaxa ka saarno, ay lugihii muuqanayaan, haddii aan lugihii kafanta ka saarnana
mnadaxii uu muuqanayo.
Adduunyadii ayaa naloo fidiyay barwaaqadeedii, waxaan ka cabsanayaa in
abaalmarkeenii adduunyada aan ku qaadano". Intaa ka dib, Cabdiraxmaan wuxuu
bilaabay inuu aad u ooyo, cuntadiina uuna waxna ka cunin. Alla ayaan badanaa
Cabdiraxmaan Binu Cawf, waayo isagoo dunidan saaran ayaaba Jannada loogu
bishaareeyay. Janaasada Cabdiraxmaan waxaa xanbaaray Sacad Binu Abii Waqaas,
waxaana ku tukaday Cusmaan Binu Caffaan (rc). Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu ka
raalli noqdo Cabdiraxmaan, sidoo kalena u naxaraxiisto dhammaan asxaabtii usoo
halgantay diintan Ilsaamka aamiin.