SomaliTalk HTML CD
SU'AALO CILMIYEED

THUMAAMA BINU UTHAAL: INTEE NOLOSHIISII KATAQAAN?
Kusoo Dhowaada Bogga Su'aalo Cilimiyeedka ee SomaliTalk.com

Kajawaab Su'aalaha hoos kuqoran adigoo aan eegin Jawaabaha, intee in le'eeg ayaad ka garatay, aqoontaada tijaabi. Mahadsanid in aad soobooqatay bogga "Su'aalo cilmiyeedka", fadlan asxaabtaadana usheeg.
TALO: Inta aadan su'aalaha ka jawaabin akhri Casharka 21aad ee habnololeedkii saxaabada oo su'aalahani kayimaadeen. Su'aalihiina waa kuwan:

1. Thumaama wuxuu ka mid ahaa madaxda reer:
Al-Juhani
Al-Tamiimi.
Banii Xaniifa.
Banii Qariida.

2. Wuxuu Thumaama kula qaabilay dhambaalkii Rasuulka (scw):
aqbalid iyo soo dhoweyn wanaagsan.
diidmo iyo isagoo iska dhega tiray.
kaadsiimo iyo ka fiirsasho badan.
Jawaabaha oo dhami waa khalad.

3. Thumaama wuxuu intuusan islaamin isku dayay
inuu u geysto Rasuulka (scw) dhaawac daran.
inuu dilo Rasuulka (scw) wiiqana dacwadiisa.
inuu qafaasho xaasaskii iyo caruurtii Rasuulka (scw) .
inuu u gargaaro rasuulka (scw).

4. Thumaama waxaa isagoo u socda Makka qafaashay:
Xamsa Binu Cabdil-Mudhlib iyo Cumar Binu Khadaab.
Qaar ka mid ah ilaadii taabiciyiinta .
Qaar ka mid ah reer Yaman.
Qaar ka mid ah ilaalada saxaabada.

5. Thumaama markuu soo islaamay wuxuu qureysh dooransiiyay in:
ay is dhiibaan haddii kale uu dhammaantoodlayn doono.
ay soo islaamaan haddii kale uu saarayo cunaqabatayn dhaqaale.
ay bixiyaan furasho lacageed haddii kale uu la layn doono.
ay iska tagaan oo aan waxba loosheegan.

Derejo/Score =
Jawaabaha Saxda ah / Correct answers:


Hadii aad wada saxday su'aalaha, isku day saxaabiga Al-Baraa. Hadiikale fadlan kulaabo Casharka 21aad ee habnololeedkii saxaabada oo su'aalahaani kayimaadeen, kadibna kusoo laabo su'aalaha.

Waxaa diyaariyey:
Ibraahim Saalax
ibra88@hotmail.com

BOGGA SU'AALO CILMIYEDKII HORE: GUJI HALKAN

Copyright © 2001 somalitalk.com. Xuquuqda QOraalkaan waa xafidantahay

HTML CD