SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Khudbadihii Gen. Cadde Muuse iyo Dr. Gaagaab ay Jediyeen Habeenkii ay Terry magaalada Dubai ugu Saxiixayeen Qandaraaska...

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 12, 2005

Puntland oo Markale Lagu kala Baayacayo Suuqyada Australia.... GUJI..

Sida la ogyahay waxaa bishii Agoosto 2005 Hoteel ku yaal magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabka qandaraas ku kala saxiixday Cadde Muuse iyo nin Reer Australi ah oo layiraahdo Terry, heshiiskaas oo lagu sheegay in shiidaal iyo macdan lagaga baarayo Puntland. Heshiiskaas waxaa ka hor yimid DFKMG. Waxaa qoraal soo saaray Jaaliyada Soomaalida Puntland ay ku dalbaneysey in Puntland ay arinta si degdeg ah guddi ugu saart, Puntland guddi ayey dhistay kala xaajooda DFKMG. Laakiin waxaa muuqata in aan arrintaas labada dhinac (DGPL iyo DFKMG) wax heshiis ah ka gaarin.

Haddaba waxaan akhristayaasha halkan ugu soo tebineynaa khudbadihii ay habeenkii qandaraaska la saxiixayey ay jeediyeen Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) iyo Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab). Khudabadahaas oo aan dhowaan helay iyagoo ku qoran Af Ingriis maadaama markii hore dadka loogu talo ahaayeen shisheeye. Balse khudbadihii oo aan Afka hooyo ee Soomaaliga ku tarjumney waa kuwan.

Khudbadii Dr. Gaagaab

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabCaweysin wanaagsan dhammaantiin martida sharafta leh. Caawa oo ah 30-ka Agoosto 2005 waxaan saxiixnay qandaraas taariikhi ah oo aan ku saxiixnay Hilton Dubai, kaas oo u dhexeeya Dawlada Puntland iyo Consort. Qandaraaskan, sida uu Dr. Black xusay, waxa uu qaatay wadahadal socdey muddo 7 bilood ah oo labada dhinac u dhexeeyey, caawa waa gabagabadii shaqadaas adag. Qandaraaskani waxa uu ku saabsan yahay baaritaanka iyo ka faa'iideysiga macdanta Puntland.

Wadankanagu waxa uu u baahan yahay horumarin badan, waxaana muddo la isla dhex marayey in aan haysano carro qani ah, sababtoo ah xadidaada aanaan cilmi baaris ku samayn karin ama xataa qodi karin, waxaan go'aan sanay in aan siino shirkad naga caawin karta hirumarintaas si ay dadkanagu uga faa'iideystaan oo aan sidaas ugu hor maro sida dalal kale ay sameeyeen waqtiyadii la soo dhaafay.

Dadka caawa suurtagal ka dhigay (in arrintani qabsoonto) waxay natuseen adkaysi badan iyo dhiiranaansho, been badan ayaa laga sheegay, Soomaaliya keliya ma ahee xataa dibadadaha. Waxaa arrimahaas ka qayb qaatay dalal shisheeye iyo shirkado waxa keliya oo ay rabaan ay tahay in ay Puntland ahaato meel iyaga u xayiran oo ay iman karaan waxna ka soo saari karaan markii ay iyagu doonaan. Consort iyo Dr. Black waxay adduunka intiisa kale tuseen in Puntland ay ganacsi diyaar u tahay. Waxay indhihooda ku arkeen waxa wargeysyada ku qoran in aysan xaqiiqo ahayn. Sawirka ay (wargeysyadu) ka bixinayaan Soomaaliya in uusan ahayn mid sax ah. Waxayna taas ku saleeyeen khibradooda Puntland. Consort waxay rabtaa in ay timaado oo ganacsi nala gasho.

Haddaan nahay dawlada Puntland ujeedanadu ma aha in aan qaadano wax aan ka ahayn waxanaga, waxa keliya ee aan rabnaa waa horumarin waxa ay leedahay Puntland.

Waxaan u mahad celinayaa qof kasta oo ka qayb qaatay in qandaraaskani qabsoomo, laga soo bilaabo Madaxweynaha, dadka Consort, iyo marti sharafta kale ee dawladda. Si gaar ah waxaan ugu mahad celinayaa Liibaan Boqor, oo lixdii bilood ee la soo dhaafay ilaawey qoyskiisa, oo dhinac u dhigay shaqiisii si uu heshiiskani uga dhigo mid ay labada dhinac ku heshiin karaan.

Marti sharafta waxaan u sheegayaa, laga bilaabo maanta waxaa Consort iyo dawlada sugaaya shaqo culus, laakiin waan ku kalsoonahay in labada dhinacba ay ka gudbayaan caqbadaha. Dawladu waxay ballan qaadeysaa wax kasta oo suurta gal ah si ay Consort ugu caawiso si ay shaqadooda u fushadaan.

Mahadsanidin, hadana waxaan magarafoonka kusoo dhoweynayaa madaxweynaha.

Khudbadii Cadde Muuse:

Caweysin wanaagsan madaxa shirkadda, wufuuda, iyo gaar ahaan Dr. Black iyo Terry. Qandaraaska aan caawa saxiixnay waqti yar ma qaadan, laakiin waa hawshii toddoba bilood. Xilligaas waxaan helay, lagayaabee, in ka badan laba iyo toban shirkadood oo danaynaya horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, laakiin waxaan go'aansanay in aan doorano shirkada (Consort) taas oo aan caawa la saxiixanayno, sabab sahlan awgeed oo ah in heshiiskoodu uu bara-dheereeyey horumarinta macdanta. Waxaan eegnay arrimo badan, waxaana aaminsanahay in ay isbedel weyn samayn doonaan.

Waxaa jira in wax badan la isla dhex maro oo ah in aan qani ku nahay khayraadka dabiiciga, waxaan rabnaa in aan ogaano waxa ku jira ciidayada. Qayb dadka kamid ah ayaa weydiinaya, maxaan arrintaas bedelkeeda heleynaa ama meeqa lacag dhan ayaan ka samayneynaa heshiiskan, laakiin anigoo ah hoggaamiyaha dawlada waxaan aad u xiisaynayaa abuurida fursadaha shaqo ee dadka, tusaale ahaan, haddii kun qof ay shaqo si toos ah ama si dadban uga helaan waxaan u malaynayaa in aan wax uun gaarney. Wargeys maanta soo baxay ayaa waxa uu sheegay in aan qaadanay laaluush, ii ogolada in aan idiin xaqiijiyo in aanan xiisaynay laaluush, iyo in aanan u baahnayn, laakiin waxaan u baahanahay shirkad naga caawisa in aan lugahayaga isku taagno.

Consort waxay na tuseen in ay rabaan in ay na caawiyaan, Dr. Black waxa uu na tusay in uu awoodo caawinaad. Terry, oo ah mudanaha ag fadhiya Dr. Black waxa uu Puntland u yimid in uu carruurtanada caawino, laakiin markii uu arkay beenta laga faafiyey dalkayaga, sida beenta ah deggananasho la'aanta, ammaan darrida, dilka baahsan (looga faafiyey), iyo socodkiisii uu dalka ku safray waxa uu xaqiiqsaday masiibada ay beentaasi abuureysey, waxa uu noo ballan qaaday in uu noo caawin doona si kasta oo uu awoodo. Waxa uu na baray Consort.

Maxaan rajeyneynaa? Waxaan rajayneynaa caawinaad badan, gaar ahaan dib u dhiska adeegyada asaasiga ah. Consort waxay noo sheegtay in aysan keliya eegayn macdanta, laakiin waxa kale oo ay dalka ka caawineysaa xoogaa horumarin ah.

Waxaan idin weydiisanayaa dhammaantiin in aad u hawl fudusdeysaan shirkaaan shaqadeeda, aadna xaqiijisaan in aan siino dhammaan caawinaada ay ka heli karaan dhankeena. Waxaa dalkan ka jirey fursado badan, lakiin kama aynaan faa'iideysan. Waxaan qaxiijineynaa in aan arrintaas oo kale mar kale dhicin. Inaga (Dawlada) waxaan ballan qaadeynaa inta aan xukunka haysano inaan siin doono wax kasta oo mashruucaan ka dhigaya mid guuleysta.

Ugu horayn markii aan xukunka la wareeey waxaan hir geliyey in aan wax Visa dal ku gal ah la weydiin ajnebiga (Shisheeyaha), taasina waxay sababtay in dad badani ay yimadeen, waxay rabaan in ay caawiyaan, welina waa yimaadaan maalin kasta, waa in aan arrintaas ka faa'iideysanaa.

Gabagabadii, waxaan rabaa in aan u sheego dawladda Federaalka in aan nahay qayb muhiim ah oo kamid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo in Puntland ay lacag badan ku bixisay si loo hirgeliyo Soomaaliya oo federaal ah, laakiin waxaan ka xumahay in ay Raadiyaha kula wareegayaan hadal (faallo) ah in aanaan heshiis la saxiixan karin shirkadaha shisheeye.

Haddaba, ii ogolaaa in aan idiin sheego anagu waxaan haysanaa sharci xuquuq noo siinaya in aan qandaraas (heshiis geli karo). Waxaan leenahay sharci anaga gaar noo ah kaas oo noo ogolaanaya in aan sidaas samayno, anaga oo keliya ayaa ah dadka ka mas'uulka ah wax kasta oo khuseeya Puntland.

Allah ayaa mahad leh in ugu dambayntii aan qandaraaskan saxiixnay.

Haddii ay jiraan wax su'aalo ah mar dambe aayaan aqbalayaa.

Mahadsanidin.

###

Khudbadii Cadde Muuse oo Ingriisi ah [pdf]

Khudbadii Gaagaab oo Af Ingriisi ah [pdf]

###

Khudbadahaas waxaa Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) iyo Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) ay ka jeediyeen Hoteelka Hilton oo saxiixa qandaraskaasi lagu qabtay.

Waxaa dhowaan soo baxay, sida ay shaaca ka qaaday shirkad kale oo cusb oo lagu magacaabo "Range" in "Shirkada Consort" ay tahay in ay qayb ku yeesheen madaxda Puntland. Akhri halkan...

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2005


Heerarkii ay soo mareen Shirkadaha shidalka ka baaraya Soomaaliya hoos ka akhri:::

December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD