SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

MAJAYAHAN  & DHALAN....

SCW,

Salaan dabadeed waxaan doonayaa inaan halkaan ku soo bandhigo aragtitayda ku aadan dhibta ka taagan aaga dhalan iyo Majayahan isla markaana tala ka soo jeediyo.
 
Marka koowaad Dhalan iyo Majayahan waa laba tuulo oo ku yaala dhanka woqooyi (xeeb u jeedka buuraleyda Golis). Dawladii dhexe ee soomaliya oo heshiis kula jirtey shirkad Bulgaria ah ayaa muddo ka soo saaraysey nooc macdan ah oo la iigu sheegay Tin hawshaasina waxay istaagtey intii dawladu jirtey.
 
Intii mudadaas ka dameysey waxay ahaayeen tuulooyin ay isticmaalaan xoola dhaqatada iyo xijiyaysatadu si ay u dhigtaan raashinkooda ugana iibsadaan.
 
Sanadkii la dhoofay ayaa waxaa soo ifbaxay in nin Terry la yiraahdo oo Boosaso horay ugu joogey hawlo uu sheegay kaalmaynta caruurta uu isu rogey shirkad shildaalka iyo macdanta baarta (Concort Private LTD) isla markaana heshiis la galay maamul goboleedka Puntland taasoo ay ka qayliyeen badi dadkii warkaa helay oo Soomaalida ahaa baaritaano badan oo la sameeyeyna ay tuhun geliyeen jiritaanka iyo daacadnimada shirkadaas. Intaas ka dib ayaa haddana waxaa soo baxay in Shirkad La yiri waa Ustaralian lana yiraahdo Range Resource LTD inay hawshii la wareegtey.
 
Shirkadii Bulgaria ee  macdanta ka qodi jirtay Majeyahan / dhalan waxaa magaceeda la oran jirey Geomin.  

(Waxaa xusid mudan in Bishii October 2002 ay dalka Bulgaria ku kulmeen daljiraha Soomaaliya u fadhiyey Liibiya, Dr. Maxamed Xuseen Maxamed "Ilkadahab" iyo madaxweynaha Bulgaria, Georgi Parvanov, oo kaddib markii uu daljiruhu u gudbiyey warqad uu ka sidey madaxweynihii Dawladii Kumeel gaarka ahayd ee Carta lagu soo dhisay, Dr. Cabdulqaasim Salaad Xasan, in markaas lays la sooqaadey in shirkaddii Geomin ee ka shaqayn jirtey mashruucii Majeyahan iyo Dhalan ee baarista macdanta dib loo soo celiyo, lagana dhiso halkaas wershed samaysa crystals-ka(qaruuradaha)... [ISHA: SomaliTalk.com | 2002].

Muddada hawshaan socotey shacabka Puntland wax tafaasiil ah oo dhaafsiisan shidaal iyo macdan baa la soo saaraya looma sheegin Baarlamaankii metelayeyna maba ansixin.
 
Bishan bilowgeedii ayaa ciidan ka baxay Bosaso waxay aadeen Majayahan iyo Dhalan oo ka mid ahaa meelii suntanaa iyadoo weli shacabku war la'ayahay arintaasina waxay sii kordhisay shakigii laga qabay shirkada waxayna iska horkeentay dadkii degaanka iyo ciidamadii tegey. Dhacdadaa waxaa ka faa'iidaystey dad badan oo iyaguna dagaal oogayaal kale ah oo dhiigga dadka iyo mushkiladaha noloshooda ku xiray.
 
Waxaa ka mid ah dad iyagu reer ahaan ka soo jeedda deegaankaas una shaqeeya maamulka isku magcaabay somaliland kuwaasoo sida qabqablayaasha kale hadba meel u orda waxaan dhibaato ahayna aan ummada ku soo kordhin iyo kuwa jooga maamul goboleedka Puntland oo iyaguna dano kale oo beeleed leh oo weli aaminsan in beelnimo meel lagu gaaro.
 
Waxaa kuwaas ka daran kuwa website-yada qoraalada geliya oo ku qora dhul baa reer hebel leeyahay iyo ma leh. Hadaba waxaan tala ahaan ugu soo jeedinayaa.
 
1. Kuwa la shaqaysta Maamulka Isku magcaabay Somaliland, fadlan dadka waxba tarimaysaan idinkuna wax is tarimeysaane dantiina garta ogaadana inaydinaan ka helayn Hargeysa waxa Ismaciil Buubaba ka waayey.
 
2. Dadka website-ka qoraalada gelaya waxaan leeyahay Ilaah uga mahadceliya inuu qoraal idin baray ogaadana waxaad qortaan inay noqonayso marag meel idiin ooli doona.
 
3. Maamulka Puntlandna waxaan leeyahay, waxaad haysataa shacab aydin u qabin waxbarasho, Caafimaad iyo adeeg bulso oo kale isla markaana Cashuur bixiya. Ha iska gaagixina hashan irmaan ee idin ogol mar haydinaan wax kale tareyn.
 
4. Shacabkana waxaan leeyahay yaan danayste isagu wuxu helo jeebka ku shubta caruurtiisana meelaystay aanu idin maan-gadin oo reer ahaan idiinku yeeran markii dantuu lahaa fashilanto. Kana faa'iidaysta waayo aragnimadaa ka hesheen 16-kii sano ee aad Cashuurta bixineyseen wixii idinkaga soo noqday. Ogaadana waxaa la adeegsado oo dhintaa waa idinka kan idin adeegsada caruurtiisuna ma dhimato isna ma tago meel xabadi ka dhacayso.
 
 
Allaa Mahadleh.

Cusman M Cali
dul70@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2006

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD