Email SomaliTalk kasoo gaartey trendmicro
ayaa shaaca ka qaaday in uu Internet-ka dhex mushaaxayo Virus cusub oo la
magac baxay WINEVAR. Viruskan halistiisu waxa ay kuwii hore kaga duwan
tahay isagoo isu soo ekaysiinaya sidii sawir (.GIF) ama qoraal (.TXT), kaas
oo soo raacaya emailka, sida Microsoft Outlook iyo Outlook Express, oo
markii la furo emailka uu virusku horay iskiis isu furayo, sidaasna ku
aafaynayo computer-ka.
Halista Viruskaan waxaa kamid ah:
In uu awood u leeyahay in uu masaxo
qaybo kamida barnaamijyada difaaca computer-ka
in hadii computerka la damiyo oo markaas
kabacdi la daaro uu masaxayo dhammaan faylasha ku jira saxanka adag ee
computerka marka laga reebo kuwa uu markaas computerku ku daarmayo ama
ku shaqaynayo.
Emailka cudurkan wada waxaa lagu gartaa in
ay lasocdaan lifaaq ama Attachments sidan oo kale ah:
WIN <random numeric value> .GIF (120 bytes) MUSIC_2.CEO
WIN <random numeric value> .TXT (12.6 KB) MUSIC_1.HTM
(halka ay ku qorantahay "random numeric value"
waxaa kasoo baxaya lambaro kala duduwan)
Cinwaanka emailka ama Subject: waxaa
ku qoran sidan oo kale: N`4_ <Registered Organization>
(Halka ay ku qorantaahy "Registered Owner"
waxaa kasoo baxaya qofka computer-kaas leh, sidoo kale halka ay ku
qorantahay "Registered Organization" shirkada leh computerkaas...
dabcan waa computerka uu cudurka emailka helay).
Talada ugu haboon ee Virus la isaga ilaalin
karo waa in aan la furin email aan la garanayn meel ay ka timid. Inkasta oo
waayadaan dambe qayb Virusyada ka mid ah ay isu soo ekaysiiyaan sidii kuwo
ka yimid qof aad garaneysid, waa hadii qofkaas computerkiisa uu cudurku
aafeeyey.
Macluumaad dheeri ah oo kusaabsan Viruskaan
iyo sidii aad Computerkaaga uga daaweyn lahayd hadii uu ku dhaco ka akhri trendmicro.
Sida ku cad email SomaliTalk kasoo gaartey Trandmicro
(oo ah khubaro ku xeel dheer cudurada computerka), waxaa Internetka
maalmahaan dhex mushaaxaya Virus iska soo dhigaya sidii dhambaal salaan ah
oo kaaga yimid qof kugaranaya ama saaxiibkaa, "Friend Greetings", Viruskaas
oo lagu magcaabo WORM_FRIENDGRT.A wuxuu kugu casumayaa inaad furtid
dhambaal salaan ah. Waa dhambaal ku imanaya email kaas oo u dirmaya dhammaan
liiska emailada ee Microsoft
Outlook ee kujirey computerkii uu kasoo baxay (ama cudurkaasi aafeeyey).
Emailkaas waxaa kuqoran dhambaalka hoose oo
kale, kaas oo marka linkiga dhambaalka kuqoran la furo markiiba kugu hagaya
meel aad kasoo roganeysid faylka xambaarsan cudurkan computerka (adigoo u
malaynaya salaan saaxiibkaa kaga timid), marka uu computerkaaga dhex
fariistona wuxuu isla markiiba computerku dirayaa emailo xad-dhaaf ah oo
xambaarsan qoraalkii la socdey emailkii kuu timid ee cudurka wadey oo u
qoran sidan:
Subject: <Recipient> you have an E-Card from <Sender> Message Body: Greetings!
has sent you an E-Card -- a virtual postcard from FriendGreetings.com. You can
pickup your E-Card at the FriendGreetings.com by clicking on the link below. http://www.frie <BLOCKED>
eeting.com/203746/pickup.html?
Message: ------------------------------------------------------------?
<Recipient> , I sent you a greeting card. Please pick it up.? <Sender> ?
------------------------------------------------------------?
Hadaba
hadii aad heshid email wadata qoraalka sare oo kale, ha furin ee markiiba
masax.
Khatarta Virusyada noocaan ah
waa in uu xambaarayo macluumaadka kujira computerkaaga, kadibna u dirayo
dhammaan emailada liiska kujira barnaamijkaga emailka, kadibna kuwaasi usii
diridoonaan inta kale ee emailka barnamijkooda kujira, sidaasna
akhbaartaadii gaarka kuu ahayd ayku gaarikarto malaayiin qof adigoo aanba
war u hayn arintaas. Sidaas darteed ka taxadar viruskaas.
Waxa
kale oo aan akhristayaasha uga digeynaa in weli Viruskii hore ee lovefinder.scr
uu internetka ku wareegaysanayo, kaas oo maalmahaan labaxay cinwaanka
"Oscar Telecom", hadaba hadii aad aragtid fayl ayugu
dambeyso .SCR , markiiba masax adigo oaan furin.
VIRUS-YADII
HORE
»» Viruska RODOK
»» Virsuka
Halista ah ee Goldfish
»» Virus cusub oo
cinwaano badan wata
»» Virus cusub oo
lagu magcaabo OPASOFT
»» Taxadarka
Emailada ka imanaya nayjeeriya
»» Xusuusin
waalidka ee carruurta iyo Internetka
RODOK
Virus Soo Raacaya Messenger (MSN)
October 10, 2002
DIGNIIN KU SOCOTA DADKA ISTICMAALA
MICROSOFT MESSENGER (MSN)
Sida ku cad email SomaliTalk kasoo gaartey trendmicro,
waxaa soo baxay Virus cusub oo dhex fariisanaya maskaxda computerka,
viruskaas oo soo raacaya Microsoft Messenger (MSN) waxa uu isku
xiriirinayaa website kadibna halkaas ayuu iska cusboonaysiinayaa, waxana uu
markiiba computerka ku reebayaa fayl lagu magcaabo BKDR_EVILBOT.A,
faylkaas oo albaab ka furayaa computerkaaga. Waa albaab u furan halista
Viruskaasi huwanyahay.
Qiyaas gurigaaga oo albaab gadaal laga
furtay, faylkaas kor ku xusan ayaa u shaqaynaya qaab sidaas oo kale ah oo
computerka ka furaya albaab balaqan ama furan. Albaabkaas ka furmaya
computerka waxaa fashiliyey ama ogaadey Trend Micro oo ah khubaro la
dagaalama Viruska ayagoo adeegsanaya Pattern
365.
Bahda SomaliTalk waxay akhristaasha la
socodsiinayaan, ugana digayaan, in beryahaan Internetka uu dhexmushaaxayo
(Virus) cudurka Aafeeya Computerada oo halis weyn ku ah computerka uu ku
dhaco.
VIRUS-kani waxa uu xambaarayaa dhammaan qoraalada iyo macluumaadka
kujira computerka uu aafeeyey, waxana uu u dirayaa dhammaan cinwaanada emailka ee
computerkaas ku kaydsan. Tani waxay halis ku tahay in macluumaadkaas
gaarka ahaa uu gacanta u galo meel aan ku haboonayn. Hadaba waxaa
talo ah in aadan weligaa iyo allahaa furin fayl aan la aqoon lifaaqa la
socda. Ogowna Viruskani wuxuu iska soo dhigikaraa sidii qof aad garanaysid in
uu ka yimid. TAXADAR!!!
Email bahda SomaliTalk kasoo gaartey Trend Micro,
khubaro ku xeeldheer ka hortaga Viruska, waxaa ku cad in emailka cudurkaan xambaarsan
uusan wadan qoraal ah oo ku qoran dhexda emailka, waxaana
cinwaan (subject) u ah mid kamida erayada soo socda
$150 FREE Bonus!
25 merchants and rising
Announcement
bad news
CALL FOR INFORMATION!
click on this!
Confirmation of Recipes…
Correction of errors
Daily Email Reminder
empty account
fantastic
free shipping!
Get 8 FREE issues - no risk!
Get a FREE gift!
Greets!
hello!
history screen
hmm..
I need help about script!!!
Interesting...
Introduction
its easy
Just a reminder
Lost & Found
Market Update Report
Membership Confirmation
My eBay ads
New bonus in your cash account
New Contests
new reading
Payment notices
Please Help...
Report
SCAM alert!!!
Sponsors needed
Stats
Today Only
Tools For Your Online Business
update
various
Warning!
Your Gift
Your News Alert
Waxaa
kale oo jira VIRUS in dhoweydba socdey oo lagu magcaabo Goldfish
iyo weliba magacyo kale, waana Virus u shaqaynaya sida kan kor ku xusan,
waxaase kani uu wataa qoraalo kala duduwan oo ku dhexqoran emailka, waxaana
kamid ahaankara sida kan oo kale:
Hi
Check the Attachement ..
RIVALDO
iyo dhambaal kale oo daba
jooga.
Viruskan waxaa in badan oo
Soomaali ah ay kusoo warameen in uu dhibaato weyn ku hayo, waayo axa uu u
soo dirayaa boqolaal email, kuwaas oo xambaarsan Virsukaas.
Haddii
aad email noocaas ah heshid ha furin faylka lifaaqa ah ee emailkaas ku
lingaxan, MASAX MARKIIBA!
Waxaa
kale oo maalmahaan soo baxay Virus kale cusub oo lagu magcaabo OPASOFT,
waxana uu u dhowyahay kuwaas hore, waxaase kani dheeryahay in uu aafeynaya
"Serverada" websiteyada. faahfaahintiisa ka eeg Cinwaankan OPASOFT
.
Isku
soo duuboo, Ka hor taga Virusyadaan waa in aadan furin wax lifaaqa oo aadan
waxa ay yihiin aqoon u lahayn, marka aad heshid fayl noocaas ah MASAX,
TIRTIR, BAABI'I, ISKA-TUUR, HAFURIN-LIFAAQA.
Sharaxaad
dheer ayaa laga bixiyey khiyamadii 419 ee Nayjeeraya, waa hab qofka loo soo
xeragelinayo ayadoo si khiyaamo ah looga qaadayo lacag hormaris ah,
taas oo ahayd khiyaamo aad u weyn oo soo foodsaartay caalamka... Click.
Taasi
waa digniin in siweyn looga taxadaro qoraalo ku andacoonaya in ay hayaan
maaliyad weyn, kuwaas oo ka imanaya dalka Nayjeeriya, waxaana ay qofka kusoo
xeragelinayaan in ay u sheegeen lacag madaxiisa ka wareerisa. Si aad wax
badan arintaas uga ogaatid GUJI
HALKAN.[English]
HALISTA
CARRUURTA IYO INTERNETKA
Waxaan
markale waalidiinta xusuusineynaa in ay siweyn uga taxadaraan compouterka
iyo carruurta. Waxaad ku baraarugsantahay in aadan carruurtaada la jeclayn
in ay seexdaan qol irid bannaan leh oo baylah u noqonkara arimo badan,
sidaas oo kale weeye computerku waayo waa sidii qol iridiisu furantahay oo
taxadar u baahan. Waxaan waalidka kula talinlahayn in computerada ay
carrurtoodu adeegsanaan ay dhigaan qolka qoyska oo dhan u dhexeeya ama
fadhiga oo marwalba loo jeedo meesha ay mushaaxayaan. Carruurtaada weydii
meelaha ay Internetka ka tagaan, cidda ay la sheekaystaan, waxa
isdhaafsadaan. Waxaadna ogaataan in ay jiraan barnaamijyo ku kacaya
kharashyar oo lagu ogaankaro meelkasta oo qofka computerkaas adeegsadey uu
internetka ka tegey. Iyo weliba barnaamijyo lagu xanibi karo meelaha aan ku
haboonayn in ay carruurtu booqdaan sida boggaga jinsiga ah.
Ma'Usheegtay
Carruurtaada Waxa lagudboon Marka ay Dhex-Mushaaxayaan Internetka, fadlan
akhri qoraal aan mar hore daabacnay oo arintaas ku wajahanGUJI
HALKAN
Waxaa isku soo
dubaridey
Maxamed Cali
Minneapolis,
MN
Email: html@somalitalk.com
FAAFIN:
SOMALITALK.COM | Oct 2, 2002 |
Update: Oct 10, 2002 | Updated: Nov 11, 2002 | Updated: Dec 11, 2002
AFEEF:
Akhbaartani waa baraarujin oo keliya, qofka computerka leh ayaana laga rabaa
in uu ka taxadaro halistaas.