SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MUQDISHO
Xuseen Maxamed Caydiid Oo Ku Baaqay In Si Wada Jira Looga Hortago Kuwa Falalka Xun Caadaystay.

 I   I  D  H  E  H 

Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga: km-5 Mogadishu


A. D. | weekly@somalitalk.com 
Muqdisho, Soomaaliya

Agoosto 13, 2002 

Guddoomiyaha Isbahaysiga SNA, isla markaana ah la guddomiyayaasha golaha SRRC, Md. Eng. Xuseen Maxamed  Caydiid, oo hadda fadhigiisu yahay dalka Itoobiya magaala madaxdiisa Addis Abeba, ayaa dadka reer Muqdisho ka codsaday inay ka hortagaan waxa uu ugu yeeray wax ma garatada ku dhaqaaqaya wax yaalaha aan ku wanaagsanayn anshaxa iyo diintaba, Idaacadda Codka Shacabka oo isaga taagerta soona xiganaysa Md. Xuseen Caydiid, ayaa sheegtay in guddoomiyaha Isbahyasigu uu ugu baaqayo wax garadka, culumaa’udiinka iyo dhalinyarada Soomaaliyeedba inay ka hortagaan kuwa beryahan danbe caadaystay inay dhibaateeyaan dhallaanka yar yar.

Xuseen Caydiid wuxuu kaloo ugu baaqay in Isbahysigiisa SNA iyo SRRC-daba ay baaritaan ku sameeyaan waxa ku kacaya falalkan foosha xun leh, isla markaana ay soo qabtaan. [warkii hore ee falalka foosha xun]

Idaacada Codka Shacabka oo soo xiganaysa Guddoomiyaha Isbahaysiga SNA Md. Eng. Xusen Caydiid ayaa sheegtay in Guddoomiyuhu uu rajo fiican ka muujiyey shirka Nairobi ka dhici doona bishan fooda nagu soo haysa.

Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare, Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay

Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo sheegtay inuu yahay taliyaha ciidanka dhowaan ka soo goostay ciidamada USC-da garabka Qanyare, oo xalay u waramayey idaacadda Benaadir, ayaa ku eedeeyey in Maxamed Qanyare Afrax uu yahay kaligii taliye isla markaana, ay ka soo gadoodeen ka dib markii ay dareemeen maamul xumo iyo wax isdaba marsiis, wuxu kaloo intaa ku daray in ay jiraan boob lagula kacayo dhulal deeganadaas ku yaala oo ay leeyihiin dad shaqsiyaad ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Hubka meesha yaala wuxuu ka dhexeeyaa ururka mana jiraan shakhsi gaara u leh, oo sheegan kara, waxaanuna tabaynaa intaas in ka badan waana doonaynaa inta naga maqan” sidaana waxaa yiri taliyaha ciidanka dhowaan ka soo goostay xerada ciidanka ee Maxamed Qanyare Afrax. Md. Jacfar oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qasaaraha ciidankiisa soo gaaray, dagaalkii ay dhowaan la galeen kuwa wali daacadda u ah Maxamed Qanyare, wuxuuna sheegay in dhinacooda ay uga dhinteen hal qof iyo mid kaloo dhaawac fududi soo gaaray sida uu sheegay Md. Jacfar oo intaa ku daray in ciidanka soo goostay ee uu isagu taliyaha u yahay ay gaarayaan ilaa sadex boqol oo askari.

Ciidamadan ka soo goosaty, Md. Qanyare ayaa hadda lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin dhinaca waqooyiga Muqdisho. Ka dib markii dagaal uu ku dhex maray Koonfurta Muqdisho, ciidamada daacadda u ah Md. Maxamed Qanyare Afrax oo ku raad joogay hubka lagala soo fakaday. [warkii hore dagaalkaas]

Dhinaca kale, taliyaha guud ee ciidanka Maxamed Qanyare Afrax, Md. Faarax Garamgaram oo isla idaacadda Benaadir wax ka weydiisay sida ay ka yeelayayaan ciidamadan gadooday oo hadda u gudbay waqooyiga Muqdisho ayaa sheegay inaysan baacsan doonin, ayna ka harayaan maadaama aysan doonayn in ciidamda ururka USC ay dagaal ku sii balaariyaan deegano kale oo ka mida Muqdisho. 

Mogadishu Weekly Reporter A.D.
Mog- Somalia weekly@somalitalk.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

FAAFIN: August 13, 2002 | SomaliTalk


Dagaal Ka Dhacay Muqdisho 
Saddex qof ayaa dhintay, afar kalena waa ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay... GUJI..  Agosto 11
10,000,000 Sh
.So ayaa La Dhacay, Laba Gabdhoodna waa La Qafaashay Suuqa Dayax
Muqdisho - Ciidamada booliiska ee DKMG ah, oo ku hubaysan gawaarida gaashaaman ee loo yaqaano Tiknikada, ayaa xalay iyo saaka la arkayey iyagoo GUJI... Agoosto 7
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta...
hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Ra'iisul wasaaraha DKG oo u dhoofay Sucuudiga iyo Wafdigii Ka Socday IGAD Oo Maanta Gaaray Jawhar GUJI.HALKAN ama HALKAN Agoosto 2
Qanyare oo Kahadlay arimaha Shirka nairobi
"Ma rajaynayo inay ka soo bixi karaan shirka Nairobi wax Natiijaa." sidaas waxaa yiri...
GUJI  July 31

Xasan Abshir oo Amray in La Joojiyo Dhismayaasha Sharcidarada ah
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ayaa amar ku bixiyey in la is-hortaago dhismayaal si sharci darro ah looga sameysanayo dhulka uu...
GUJI.. July 30

WARARKA SOOMAALIYA - JULY 28
Dagaal mar kale ka qarxay bartamaha Baydhabo iyo Cumar Finish oo qabtay Shir Jaraa’id markii u horeysay dagaalada Muqdisho ka dib   GUJI.HALKAN

Warsaxaafadeed: Xoghaynta Mudullood
Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow, guddiga fulinta iyo xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo
GUJI.HALKA ama halkan July 27


Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii Dagaalka
Waxaa laguqiyasay in 40 qof ay kudhinteen, 60 kalena kudhaawacmeen dagaalkii Muqdisho ee.. 
GUJI.. July 26

Dadka iyo Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD