SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA  - DADWEYNAHA
TO: Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland

To: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

To: dhamaan inta daneeya QARANIMADA iyo JIRITAANKA SOMALILAND

UJEEDO: Propogandada Cad ee Laanta Afka Soomaliga ee B.B.C DA

Mudane/Marwo

Ka dib halgan dheer oo loo soo gelay qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland; waxaa umadda iyo shacbiga Somaliland hareereeyey duufaano cadawadeed oo aad iyo aad u farabadan, ka soo bilaw shirku sheegii lagu qabtay tuulada Carta ee lagu marin habaabinayey beesha caalamka ilaa wakhtigan xaadirka ah waxaa Laanta afka Soomaliga ee Idaacadda B.B.C du noqotay cadawga koowaad ee shacbiga reer Somaliland.

Waxaa taa daliil iyo marag kac kaaga ah in ay dhamaan Laanta Afka Soomaliga ee Idaacadda B.B.Cdu isku bedeshay mid si cad oo aan qarsoodi lahayn ugu shaqaysa hogaamiye kooxeedka Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyada oo aad ku arkayso meel wal oo bogga Internetka ee laanta afka somaliga ah sawirada iyo qoraalada khaaska ah ee hogaamiye kooxeedkaasi, iyada oo aad iyo aad loo buunbuuninaayo; iyada oo dhinaca kale aan wax qadarin ah la siinin wararka jamhuuriyadda Somaliland.
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8

Hadaba hadii aanu nahay jaaliyaddaha ku dhaqan badhtamaha qaaradda Asia waxaanu tallo iyo tusaale u soo jeedinayna Madaxda wasaaradda warfaafinta iyo Wecyi gelinta jamhuuriyadda Somaliland in dhamaanba xidhiidhka lala leeyahay laanta afka Soomaliga loo laabo inta goori goortahay waxaan mudanayaal idinku baraarujinayna in ay balaayo aan dabo qabasha lahayni ka soo jeedo laantaasi. Soomalida ayaa hore ugu maahmaahday " DOQON USHA AGTEEDA KU DHUFO HADDAY GARAN WAYDANA GOSHA U GALI" hore ayaa loogu digay marar dhawr ah idaacadda laanta afka Soomaliga ee B.B.C da balse wax rajo ah oo cad lagama hayo waxaa haatan la soo gaadhay wakhtigii dhamaanba xidida loo siibi lahaa xidhiidhka lala leeyahay laantan cunsuriyaysan.

Waxaan aad iyo aad ugu rajo weynahay inaad naga aqbali doontan codsigayagan idinka oo ka eegaya dhinac walba.

waad mahadsantahiin

From: The Somaliland Community in central asia PAKISTAN.

Laxiriir: Mohamed Abdi Hassan diridhaba@yahoo.com

DADWEYNAHA & BBC-DA LAANTA AFKA SOOMAALIGA AKHRI.HALKAN...

August 26, 2002 | SOMALITALK.COM

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD