SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com 

Nairobi, Kenya | 26 Agosto 2002, isniin

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M
kenya Map
www.cia.gov
Sawirka: The World Factbook  

Magaalada eldoret waa magaalo aad u wayn oo bilicsan marka aad dhex istaagto, waxay magaaladani ka tirsantahay gobolka balaaran ee lagu magacaabo Riftvalley Province ee dalka Kenya isla markaana ah gobolka ugu wayn 8 gobol ee dalka Kenya.

Madaxwaynaha Dalka Kenya Mudane Danial Arab Moi waxaa uu ku dhashay Magaalada Baringo oo ah magaalo u dhow Eldoret kana tirsan gobolka Riftvalley Province.

Dhanka magaalada Kisumu marka aad kaga timaado magaalada eldoret waxaa loo socdaa qiyaastii 130 KM , dhanka kalana Marka aad ka tagto Nairobi ilaa inta aad ka gaarayso Eldoret waxaa lagu qiyaasaa 320 KM.

Magaaladaas waxaa ay caan ku tahay oo laga helaa khudaarta iyo wax soosaarka khayraadka ee gobolka Riftvalley oo iyadu ay xarun u tahay, waxaana kamid ah waxyaabaha caanka ay ku tahay masagada, isla markaana waxay leedahay warshada lagu sameeyo waxyaabaha hidaha iyo dhaqanka, kadibna loo iib-geeyo magaalooyinka kale ee dalka, waxaana iibsada dadka keenyaanka ah iyo kuwa dalxiiska u yimaada dalka Kenya.

Waxaa magaaladaasi ka dhisan oo ku taala jaamacada labaad ee dalka ugu wayn dhisma ahaan ee lagu magacaabo Moi University oo arday aad u fara badan ayaa wax ku barta jaamacadaasi.

Magaaladaasi marka aad dhex socoto waxaad ku arkaysaa wadooyin aad u qurux badan oo lagu tiriyo wadooyinka ugu heerka sareeya wadamada Ugaandha, Tanzaaniya iyo Kenya qaabka loo dhisayna ay hormarsanyihiin.

Dadk magaaladaasi Eldoret ku nool waxay gaaraan inta u dhaxaysa 500,000 ilaa 900,000 dadkaasi ku dhaqan magaaladaasi ayaa si sahlan dawladu ay ugu fududaysay waxyaabaha daruuriga ah sida Cisbitaalada iyo Biyaha oo heersara ah.

Magaaladaasi waxaa ku yaala garoonka 3aad ee dalka Kenya oo lagu magacaabo Eldoret International Airport waana garoon qalabka iyo waxyaabaha garoomada dayuuradaha ay u dhanyihiin.

Waxaa kaloo magaalada Eldoret ku taala Xarunta wayn ee lagu tababaro milatariga dalka Kenya ee loo yaqaano Recruit Training School (RTS).

Waxaa Kaloo Eldoret Kutaala warshada lagu sameeyo Rasaasta noocyada kala duwan ee hubka ee laga isticmaalo dalalka Ugaandha,Tanzaaniya iyo Kenya.

Si kasta ha ahaatee waxaa lagu xantaa madaxwaynaha dalka Kenya in uu magaaladaasi aad uga dhisay dhinacyadaas aan soo sheegnay oo magaalooyin kale oo fara badan uuna waxba ka qabanin in uu hormariyo maadaama ay u badan yihiin qabiilka uu isagu ka dhashay ee loo yaqaano kalanjiin.

Eldoret waa magaalada laguwado in lagu bisha soosocota ee September lagu qabandoono shirka nabada iyo dib u heshiisiinta Soomaalida ee ay soo qabanqaabinayan dawladaha ku bahoobey IGAD.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Somalitalk

Nairobi,Kenya

####


Shirkii Wasiirada IGAD oo Baaqda
y - 23/8
Shirkii wasiirada arimaha dibada ee Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ee Gudiga Farsamada ay kaga wada hadlayeen IQRA

 

WARARKII HORE EE IQRA

FAAFIN: SOMALITALK.COM 


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
moi university
Moi University, Eldoret, Kenya

diyaara.jpg (13538 bytes)
Eldoret International Airport

Nairobi: waa Caasimada dalka Kenya, waana magaalo bilicsan.
moi Daniel Toroitich arap Moi, Madaxweynaha Dalka Kenya
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD