SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Madaxwaynaha Kenya oo Soo gabagabeeyay Safrkiisii Gobolka W/Bari.
 
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com 

Nairobi, Kenya | Arbaco,7 Agoosto,2002.

Madaxweyne Moi oo Xalay Ka Soo Laabatay Booqasho Uu Ku Marayey Gobolka Waqooyi Bari Degmooyin Ka Tirsan ayaa mar uu shalay Ka Hadlayey Fagaaraha Dugsiga Sare Ee Degmada Wajir waxaa uu Muujiyey Dareen La Xiriiray Qaar Ka Mid Ah Mas’uuliyiinta Xisbiga Kanu Oo Hore Daacadnimo Iagu Muujiyey Oo Haatan Dhabar –Jeediyey, Walow Uusan Madadxweynhu Carabaabin Magacyadooda.

Hadalka Madaxweynha Wuxuu Ku Soo Beegmay Maalin Kaddib Markii Ay Kulan Yeesheen Prof. George Saitoti Madaxweyne-Ku-Xigeenka, Xoghayaha Guud Ee KANU Mr. Raila Odinga, Iyo Wasiirka Mr. Joseph Kamotho, Oo Isku Magacaabay Inay Qayb Ka Yihiin "is-bahaysatada qaansaroobaad"

booqashada uu madaxwayne moi ku tagay gobolka soomaalidu ay dagto waxaa ay qayb katahay taageeradiisa ah in sanadkan uu la rabo madaxwaynanimada wasiirka dawladaha hoose mr.Uhuru kenyatta ee uu dhalay madaxwaynihii hore.

dhamaanba mudanayaasha gobolka W/Bari waxay si wada jir ah ugusoo soo gudbiyeen shir'jaraaid in ay madaxtinimada ku taageerayaan Uhuru Kenyatta.

Gudoomiyaha xisbiga Safina oo shirjaraa’id kaga Hadalay Taageerada mudanayaasha gobolka W/bari ee Uhuru Kenyatta.

IQRA FMLaanta Soomaaliga, Isniin, 5 Agoosto 2002.

Gudoomiyaha Xisbiga Safina Farah Macalin Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Shalay Waxa Uu Ku Sheegay In Ay Aqoonsan Yihiin Xaqa Aan La Inkiri Karin Ee Xubnaha Barlamaanka Gobolka Woqooyi Bari Taageerida Musharax Kasto Madaxweyenimada Kenya Wax Kasta Tixgelintoodu Ha Ahaate Mid Gaar Ama Mid Guud,

Hase Yeeshee Waxaanu Diidanahay Sida Talabadaasi Sharci Ahaan Uga Tarjumayso Dadweynaha Gobolka Woqooyi Bari Taasoo Runta Ka Fog.

Mr. Farah Waxa Uu Yiri Xildhibanadu Lama Tashan Dadweynaha Gobolka Wooqyi Bari Waxaana Wax Cad Ah In Xildhibanada Barlamaanka Kula Tashadeen Madaxwyen Moi Keliya Xafiiskiisa,Markii Ay Ka Soo Baxeena Tageen Dhismaha Barlamaanka Kuna Qabteen Shir Jaraa’id Iyagoo Taageeraya Xulshada Moi Ee Uhuru Madaxweynenimada Kenya.

Mr. Farah Waxa Uu Ku Sheegay Warsaxaafadeedkiisa In Marka Hoggaamiyasha Siyaasada Loo Ogolaado Xilka Ay Faa’ido Doonkoodu Ka Mudnaado Tan Dadka.

Gudomiyaha Xisbiga Safina Waxaa Uu Yiri Moi Iyo Xildhibanaduna Waxay U Qaateen In Ay Ku Wareejin Karaan Daacadnimada Dadweyanaha Gobolka Masiirkooda.

Gobolkayagu Waxaa Loola Dhaqmay Sidii Dhul La Haysto Mudadii Xukumadihii Kenyatta Iyo Moi.

Xukumada Moi Waxa La Qaatay Waxayagii ,Waxaana Dadkayaga Laga Dhigay Sabool Iyadoo Loo Maray Hawl Galkii La Baxay Screening, Xukumada Moi Waxay Kaloo Fulisay Xasuuqyadii Wagalla, Malkamari Iyo Garissa Ayuu Yiri Mr. Farah Macalin.

Waxaa kaloo Uu Yiri Waxaanu kusoo Dhibtoonay Dhaqaala xumo Iyo Xasuuq Bulsho Oo La Barbar Dhigi Karo Keliya Kii Midabatakorka Ee South Afrika Iyo Gumeysigii Ilaa 1963.

Gudomiyaha Xisbiga Safina Farax Macalin Waxa Uu Yiri Moi Waxaa Uu Doonayaa In Uu Dorashada U Maamulo Uhuru Iyo In Uu Kenya Ku Sii Xukumo Si Dadban.

Ugu Dambayntii Farah Macalin Waxa Uu Yiri Dadweynaha Gobolka Woqooyi Bari Waxay Bilaabeen In Ay Si Ballaaran Ugu Hawl Galaan Wada Tashi Buuxa Gobolka Dhexdiisa Iyo Debediisaba Ka Hor Inta Ayan Xulan Xisbbi Iyo Musharaxa Madaxweynenimo.

iqrafm@bidii.com 

####

WARARKII HORE EE IQRA

FAAFIN: SOMALITALK.COM 


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD