SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Shirka Dib U Heshiisiinta Somalida Waxa Lagu Qabanaya Bisha Soo Socota Dalka Kenya.
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com 

Nairobi, Kenya | 15 Ogosto 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M

Xubnaha Guddiga Farsamada Ee Shirka Dib U Heshiinta Somalidu Ee Uu Madaxda Ka Yahay Wasiirkii Hore Dalka Kenya Elijah Mwangale Waxay Soo Jeediyeen In Shirka Lagu Qabto Magalada Eldoret September 16,2002 Iyadoo Loogu Tala Galay In Wufudii Yimadaan September 12da,Waxayna Guddiga Farsamadu Soo Jeediyeen In Ay Shirka Ka Qayb Galaan 250 –300 Ergo.

ARDAYDA SOMALIDA MINNESOTA MSSU
Eeg Warbixinta
 

Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed oo Minnesota Ka Abaabulaya Shir Ballaaran GUJI

Mr. Mwangale Waxa Uu Dokumentigii Kama Dabaysta Ahaa Ee Dib U Heshiinta Shalay Ugu Dhiibay Xafiiskiisa Wasiirka Arrimaha Debedda Kenya Marsden Madoka,Waxaana Lagu Taliyey In Shirku Socdo Labo Ilaa Saddex Toddobaad.

Guddiga Farasamada Waxa Dhisay Dalalka Xubnaha Ka Ah Urur Gobolleedka IGAD Si Ay Isugu Soo Dubaridaan Qaabka Ka Qayb Galka Shirka.

Wasiirka Debedda Kenya Mr. Madoka Waxa Uu Sheegay In Tallo Soo Jeedintu U Suurto Gelinayso Golaha Wasiirada IGAD In Ay Kala Soo Dhex Baxaan Agendaha Hanaanka Nabadda,Wuxuuna Muujiyey In Uu Kalsooni Ku Qabo In Dhamaan Kooxaha Somalia Ka Soo Wada Qayb Geli Doonaan Shirka.

Guddiga Mr. Mwangale Waxay Soo Gunaanadeen Ergayntiisa Kadib Markii Uu Socdaalo Ku Kala Bixiyey Dalka Somalia, Kulamana La Soo Yeeshay Hogaamiye Kooxeedyada.

Mr. Madoka Waxa Uu Sheegay In Golaha Wasiirada IGAD Isku Dubaridi Doonaan Miisaaniyada Shirka, Una Dooni Doonaan Shirka Deeq Dhaqaale.

Ergayga Gaarka Ah Ee Kenya Mr. Mwangale Waxa Uu Intaasi Ku Daray In Gudigu Shir Kale Yeelan Doonaan Jimcaha Beri Ah Oo Ay Ku Sii Xoojin Doonaan Fikradihii Hore Loo Diyaarshay.

iqrafm@bidii.com

 

Shirka Eldoret oo Qabsoomidoona 16ka Sept
Gudiga farsamada ee soo qabanqaabinaya shirka heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret ayaa soojeediyey in. GUJI  Agosto 15

####

WARARKII HORE EE IQRA

FAAFIN: SOMALITALK.COM 


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD