SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Qaramada Midoobay oo cambaaraysay sii haysadka afduubka loo gaysatay CabdulQaadir Maxamed Abiikar.
 
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com 

Nairobi, Kenya | 9 agoosto 2002

Qaramada Midoobay Waxay Si Weyn U Cambaareyeen Sii Socodka Afduubka Loo Geystay Abdulkadir Maxamed Abikar Oo Haatan Lagu Haysto Magalada Mogdisho Ee Dalka Somalia Waxayna Weydiisanayaan In Si Degdeg Ah Loo Soo Daayo Shurud La’aan.

Warsaxaafadeedka Qaramada Midoobay Maanta Ka Soo Saartay Magalada Nairobi Waxay Ku Sheegtay In Mr. Abikar Oo Ah Sargaalka U Qaabilsan Hay’ada Qaramada Midoobay Ee FAO Qaybteeda Daraasada Damaanada Cuntada (FSAU) Xafiiskeeda Magaalada Mogdisho La Afduubay Isagoo U Socday Xafiiska Subaxnimadii Isniintii Bishan August 5dii,2002.

Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Isku Xirka Hawlaha Gargaarka Ee Somalia Mr. Maxwell Gayland Waxa Uu Sheegay In Arrintaani Tahay Fal Dembiyeed Lid Ku Ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay Ee Dalka Somalia Oo Waajibkooda Asaasiga Ahi Yahay In Ay U Sameeyaan Dadka Somaliyeed Wax Kasto oo Awoodooda Ee Ay Ku Kaalmayn Karaan Dadweynaha Somaliyeed.

Mr. Gayland Waxa Uu Ku Baaqay Soo Cusbonaysiinta Xaqdhowrka Calanka Qaramada Midoobay Iyo Dhamaan Cid Kastoo U Taagan Baaritaarka Nabada Iyo Horumarka Iyo Weliba In Si Buuxda Loo Sugo Badbaada Iyo Damanada Shaqaalaha Qaramada Midoobay Ee Waajibkooda Gudanaya.

Dhinaca kalana Warar IQRA ay ka Heshay ilo Lagu Kalsoon Yahay Ayaa Waxay Sheegayaan In Shan Sargaal Iyo Labo Wade Oo Uu Ka Mid Yahay Abdi Xussen Roble Oo Ah Sargaalka Wakiilka Uga Ah Isla Hay’ada FSAU Gobolada Hiiraan,Bakol Iyo Bay In Ciidamada Ethiopia Ka Qafaasheen Gobolka Hiiraan Bishan August 6,2002 ,Lana Tageen Godey.Iyadoo 4 Qof ee Kale Ka Kala Tirsanayeen Hay’adaha SCF-Uk, WHO

iqrafm@bidii.com  

####

WARARKII HORE EE IQRA

FAAFIN: SOMALITALK.COM 


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD