SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Screening Cards loogama baahna Soomaalida Kenya sidaas waxaa yiri Moi.
 
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com 

Nairobi, Kenya | Khamiis,8 agoosto 2002

Madaxweynaha Dalka Kenya Daniel Arap Moi Waxa Uu Sheegay Shalay In Kenya U Baahan Tahay Hoggaamiye Leh Aragti Qowmi Ah Kana Go’an Tahay Ku Shaqaynta Ilaalinta Danaha Dhamaan Dadka Kenya Marka Uu Isagu Hawl Gabka Galo.

Mr. Moi Waxa Uu Sheegay In Taas Tahay Sababta Uu Ugu Xushay Uhuru Kenyatta In Uu Noqdo Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kanu.

Sameeyanta Arrintaasi Madaxweyne moi Waxa Uu Sheegay In Uu U Marayo Awoodiisa Dastuuriga Ah,Taasoo Ka Duwan Waxa Qaar Dadka Ka Mid Ahi Ku Fekerayaan.

Madaxweyne Moi Waxa Uu Sheegay In Isagoo U Maraya Wayo-Aragnimadiisa Siyaaso Uu Ku Hagaagsan Yahay Soo Jeedinta Qofka Ku Haboon Madaxweynenimo ,Kartina U Leh Dhamaan danaha Dadka Kenya Isagoo U Eegin Qabiil Ama Xisbi.

Madaxweyne Moi Waxa Kaloo Uu Shaaca Ka Qaaday In Aan Mar Dambe Dawladdu Uga Baahan Doonin Screening Cardska Ee Mujtamaca Somalida Lagu Xanibi Jirey Bixinta Warqadaha Aqoonsiga Ee ID-ga Loo Yaqaan.

Madaxweyne Moi Waxa Uu Sheegay In Arrintaasi Bilowgii Looga Dan Lahaa Sababo Xagga Amaanka Ee Ayan Ahayn Ujeedooyin Ciqaab Iyo Faquuqid,

Madaxweyne Moi Waxa Uu Ka Hadlayey Fagaaraha Baraza Park Ee Magalada Garissa Oo Lagu Ururiyey Sh.16,051,727,80 Oo Lagu Taageeray Kooxaha Haweenka Degmada, Moi Waxa Uu Ka Bixiyey Hal Million. 

Madaxweyne Moi Waxa Uu Sheegay Maadaama Gobolka Yahay Lama Degaan-U-Eke Tixgelin La Siiyo Mac-hadka Tababarka Macaliniinta.

Madaxweyne Moi Waxa Uu Sheegay In Dhibatooyinka Qaxootigu Ku Keenay Gobolka Woqoyi Bari ay ka hadasho UNHCR,Wuxuuna hadalkiisa Ku Yiri Dadweynaha Gobolku waa In Ay Si Nabad Ah Ku Wada Noolaadaan,Wuxuuna Yiri Waxa Loo Dejiye In Dadweynaha Gobolka Dersi Ku Qaataan Qaxootiga Ay Marti Geliyeen.

Madaxweyne Moi Waxa Uu Uga Mahad Celiyey Dadweynaha Gobolka Taageerada Ay Siiyeen Musharaxa Uu Soo Bandhigay Ee Uhuru Kenyatta.

Dhanka kale Waxa Ka Noqday Musharaxnimadii Madaxweyne Gudoomiye Ku-Xigeenka KANU Mr. Katana Ngala,Wuxuuna Codkiisa Ku Biirey Taageerada Uhuru Kenyatta.

iqrafm@bidii.com  

####

WARARKII HORE EE IQRA

FAAFIN: SOMALITALK.COM 


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD