SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNESOTA
Warbixin ku saabsan shirkii ardada soomaalida ee Minnesota

Galabta saacaddu markeey shantii galabnimo aheyd ayaa shir si caalami ah loo soo agaasimay oo eey soo qaban-qaabiyeen naadiga ardada soomaaliyeed ee gobolkan minnesota lagu qabtay jaamacada Minnesota.

horeba xafladii ayaa aayada qur'aan kariim ah lagu furay, kadibna xoghayaha ardada somaliyeed Mr Tiiceey ayaa hannaanka xafladda & danta laga lahaaba ka waramay, isagoo sheegay in loogu tala galay in lagu taageero ardada waxbarashada sare ka dhigata soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyey inaaneey wax lacag ah oo cadaan ah u diri doonin ardada balse eey ka caawin doonaan dhanka buugaagta, qalmaanta, jeestooyinka & qalab kale oo waxbarashada, Tiiceey ayaa ii sheegay in dadweynaha & ardada laga soo xuli doono guddi ogaada halka lacagta lagu bixinayo, wuxuuna sheegay inuu xitaa warbaahinta soomaalida u ogolaan doono ineey arkaan dhamaan qaabkii wax loo bixiyey, iyadoo si cadaalad ah loogu kala diri doono gobolada somalia.

Sahra N. Siciid ayaa lagu soo dhaweeyey ineey ka hadasho " aragtida ardada ee ku aadan dhibaatooyinka ka jira somalia" sahra oo la sheegay ineey Nursing Associate degree ka wadato jaamacadda St.Catherine haddana ka shaqeysa cisbitaalka Hennpin county-ga ayaa taariikh yar oo gaaban misan dabacsan ka soo gudbisay somalia, deedna u soo dhaadhacday dagaalada sokeeye ee hadda ka jira wadanka & fool-xumada qabiilka, sahro oo aad u soo jiidatay dhagaha ka soo qeyb-galayaashii xafladda ayaa ku soo gaba-gabeysay bandhigid eey ardadu soo bandhigayeen todobo qodob oo eey arkeen ineey dabcin karto xaalada aloosan ee somalia, waxaana ugu muhiimsanaa " in la xadido kooxda masuulka ka ah dhibaatadan" .

Arday kale oo ku takhasusay cilmiga kiimikada oo Hashim la yiraahdo ayaa loo xulay inuu ka hadlo mowduuc muhiim ah isla markaana xasaasi ah oo soomali badan eeysan daneyn ama iska indha-tiraan oo ah " xaalufinta dhirta & daaqa soomaaliyeed & wasakhda Nuclear-ka oo si aan naxariis laheyn loogu daadiyo xeebaha somalia" hashim oo runtii si xirfadeysan baaritaan u soo sameeyey ayaa sheegay in wadamada Sucuudiga & imaaraadku yihiin xaalufiyayaasha dhirta & daaqa soomalida, maxaa yeelay buu yiri " iyagaa iibsada dhuxusha laga sameeyo dhirteena" sidoo kale wuxuu tibaaxay in si aan raxmad laheyn loogu qubo xeebaha wadankeena -oo ah midda ugu dheer africa- wasakhda ka soo harta warshadaha iyo keydadka nuclear-ka caalamiga ah, wuxuuna sheegay ineey " somalia tahay meelaha eey ugu jecel yihiin istaraatiijiyada ahaan" ileeyn cid ka dhacsaneysaayi ma jirtee !

Hashim wuxuu sheegay inuu qorsheynayo mudaaharaadyo lagu qabto washinghton DC safaaradaha labadaas dowladood oo looga andacoonayo xaalufinta guracan eey ku hayaan dhulkii hooyo, "iyagoo doonaya ineey wadamadooda oo kale ka dhigaan, laakiin iyagu saliid beey hodan ka yihiine anagu maxaan heysanaa" ayuu ku cabaaday Mr Hashim oo sidoo kale sheegay inuu dhawaan warbaahinta ku baahin doono meelaha lagala xiriiro dowladahaas .

Marwo Xalima Ibrahim oo ah mutaclimad soomaaliyeed isla markaana iyana u shaqeysa Hennepin County-ga qeybta Ceyrta ayaa loo qoondeeyey ineey ka faalooto " sida ugu wanaagsan ee carruurta loogu barbaarin karo qurbaha" wexeeyna isla markiiba aad u dhaleeceysay ceyrta & qaab nololeedka qoysas badan oo soomaali ah " oo caadeystay ceyrta, waxaad arkeysaa nin dafiraya caruurtiisa oo guriga xaaskiisa daaqada ka soo galaya maxaa yeelay guriga, caruurta & xaaska inuu isku qoro ma doonayee wuxuu rabaa inuu dhowr & toban saac Taxi saarnaado " beey tiri marwo xaliimo oo dad badani ii sheegeen ineey aheyd qofkii ugu xiisaha badnaa ee halkaas ka hadlay.

C/salaam aadan oo ah macalin wax ka dhiga dugsiyada sare ee gobolkan isla markaana Masters degree ka heysta jaamacada minnesota ee St. Cloud ayaa isna ka hadlay " doorka eey macalimiintu ku leeyihiin jaaliyada" wuxuuna aad ugu dheeraaday muhimada wax-barashada, wuxuuna sheegay ineey dhawaan aasaaseen urur la yiraahdo (Somali Parent Teacher Association) oo ah urur ka dhex shaqeeya waalidiinta & macalimiinta, wuxuuna intaas ku daray ineey ugu yaraan 50 macalin oo heerkiisa ah eey kula jiraan ururkan, laakin Mr C/salaam wuxuu sheegay in qiyaas ahaan 5000 oo arday soomaaliyeed eey ku dhaqan yihiin magaalooyinka mataanaha ah, mar uu ka hadlayey tasiilaadka loo sameeyey soomaalida gobolkan ayuu sheegay in " iskuulada qaar lagu tukado salaada jimcaha" wuxuuna aad ugu booriyey ka soo qeyb galayaashii ineey culuumta manaafacaadka leh bartaan oo dalkooda & diintoodaba eey ku anfici karaan.

Imam Ibrahim ayaa ahaa qofkii diinta & dhaqanka kaga hadlay shirkan, sh.Ibrahim oo sheegay inuu Masters degree ku diyaarinayo jaamacada " American Open University" oo ah jaamacad lagu dhigto nidaamka " Aqoon daris" ka ayaa ku celceliyey in dhaqanka & diinta soomalida eeysan laba kala aheyn, mar wax laga weydiiyey taariku-salaadkana wuxuu yiri " koleey madhabteena shaaficigu weey ku ad-adag tahay arrintan, culima badanina weey gaaleysiiyaan qofka salaada ka taga, inkastoo eey mas'alo leysku heysto tahay". wuxuuna ku booriyey in jaaliyadda somalidu aasaasto urur u dooda xuquuqohooda islamiga ah, lana dhiso macaahid islami ah inta lacag badan lagu kharash gareynayo masaajid ayuu ku soo gaba-gabeeyey Imam Ibrahim.

gabay uu waxbarashada kaga hadlayo ayuu noo tiriyey gabayaaga Minnesota Cismaan Ducaale Daahir. 

galayr1 Dr. Galaydh : Sawirka Star Tribune

Prof Galayr ayaa lagu soo dhaweeyey inuu ka hadlo " sida jaaliyadu ula jaan qaadi karto dhibaatooyinka jira isla markaana u feejignaan lahaayeen gaar ahan wixii ka danbeeyey sept 11" ayaa hadalkiisa ku bilaabay amaan uu u soo jeediyey naadiga ardada soomaaliyeed oo si aan horey loo arag u maamulay kulankan, isagoo sheegay inuu la yaaban yahay xitaa sida waqtiga loo ilaaliyey oo aalaa ah meel eey somalidu ku liitaan. Dr Galayr ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku soo biiray jaaliyada wuxuuna raaciyey " sida ugu wanaagsan ee jaaliyada & bulshadaba leysugu keeni karaa waa in la aasaaso ururo bulsho oo iskood wax u qabsa ah" wuxuuna tusaale u soo qaatay (Somali Paren Teacher Association) oo uu ku sheegay inuu yahay mid dhaxal gal ah, Mr Galayr ayaa aad ugu mahad celiyey hey'adda Lutheren church oo uu sheegay ineey si gaar ah u gacan qabatay jaaliyada, wuxuuna ku booriyey ineey jaaliyadu si wanaagsan u degaan oo eey " guryana ku yeeshaan, inkastoo aan fahmi karo carqaladaha kaa hor iman kara" ayuu yiri, intaas kadib wuxuu ka hadlay feejignaanta wixii ka danbeeyey sept 11 oo uu sheegay ineey sabab u ahaayeen " Al-qacida... aniga maba aamin sani ineey muslimiinta ka mid yihiin kuwa xalaaleystay dhiiga dumarka, caruurta & waayeelka" ayuu ku qeyliyey.

mar uu ka hadlayey arrinta ah in sucuudiga & imaaraadku xaalufiyaan somalia ayuu yiri " waa run, ha yeeshee iyagu noo ma yimaadaan ee innagaa u tagna oo dhuxusha u iib geyna" wuxuuna sidoo kale sheegay" inuu Qaramada midoobay gaarsiiyey arrinta ku saabsan wasakhda Nuclear-ka lagu daadinayo xeebaha somalia" wuxuuse kaga naxsaday ka soo qeyb-galayaashii markuu u sheegay in qolooyinka geedaha gubaa eey xitaa hadda gubaan geedo dhidig oo miro dhala sida cambaha " oo waliba qoyan" waa sida uu warka u dhigaye !

ugu danbeyntii ayaa la weydiiyey su'aal aheyd" sidee loo mideeyn karaa jaaliyada?" wuxuuna la soo booday" bal waqti ha leey siiyo aan ku indha-indheeyo xaaladaha, anigu waan ku cusubahay gobolka & jaaliydaba" ayuu uga baxay Prof. Galayr.

Mr Shafi ayaa dhowr daqiiqo isna ka hadlay qorshe eey ku damacsan yihiin isaga & guddi uu xubin ka yahay oo layiraahdo ( Somali Voting Registration) ama diiwangalinta codbixiyayaasha somalida in hadafka laga leeyahay eey tahay " in la abuuro isku duubnaan cod bixin si markaas loo helo xubin aqalka odayaasha gobolkan oo diyaar u ah inuu codadka ku beddesho fulinta masaalixda soomaalida" arrintan oo runtii muhimmad gooni ah leh, ahna markii ugu horeysay oo dhaq-dhaqaaq noocan oo kale ah la helo. Mr Shafi ayaa ii sheegay ineey berritoolabe bilaabi doonaan mashruucan oo eey soomalida heysata dhalashada wadankan ka codsan doonaan ineey is diiwaan galiyaan misana u codeeyaan qofkii maslaxadooda ka shaqeynaya.

Dr Abdirahman Mohamed oo ah dhaqtar caafimaad ayaa ka hadlay mowduuc loo dooray oo ah " nabad-galyada & dibu-heshiisiinta" inkastoo uu isagu jecleystay ineey areyada is weydaariyo " Dibu-heshiisiinta & nabad galayada" ileeyn nabada iyadoon dib loo heshiini ma timaadee ayaa ahaa qofkii ugu hadal murugo badnaa, wuxuuna markiiba soo tixay 3 sheeko oo layaab leh oo dhamaantood ka dhacay somalia min 1983 illaa & 2002, waa midda ugu horeysee wuxuu sheegay inuu garanayo nin gurigiisa lagala baxay 1983 oo bar-baro ku yiil halkaas oo caruutii & xaaskiisiina lagu xasuuqay isna la jirdilay illaa la xiniinyo gooyo, ninkaas ayuu sheegay inuu hadda ku dhaqan yahay magaalooyinka mataanaha ah ee Minnesoto ! midda labaad ayaa ah haweeney soomaali ah oo magaalada muqdisho ka soo qaxday oo shalaanbood looga daba yimid oo gurigeeda loogu galay gacmahana qori-baadkiis looga jabiyey isla markaana la kufsaday, haweeneydani waa 73 jir iyana ku nool gobolkan Minnesota, midda ugu danbeeysa ayaa iyana ah qoys soomaaliyeed oo gurigooda magaalda beydhabo loogu galay 1997-dii aabihii reerkana la toogtay iyadoo lagu eedeynayo inuu Bible iibiniyay ! dabadeena gabadhiisii la kufsaday eeyna halkaas uur ku qaaday, laakiin eey Nairobi timid oo eey caruurtii iska soo riday !! " dhamaan dadkan waxaa loo wax yeeleeyey dadka eey u dhasheen" ayuu ku cabaaday Dr Abdirahman oo ku dheeraaday xuquuqda qofka bani-aadamka ahi leeyahay, isagoo sheegay inuu soo jeedin lahaa in dadka waxan sameeyey la cafiyo laakiin bishardi ineey iyagu qirtaan khaladkooda sidii ka dhacday South Africa buu yiri, arrinta la yaabka leh ayaa ah inuu Dr Abdirahman sheegay inuu hayo warqad oo ka keenay wadanka Sudan oo cadeeyneysa in nin jeneral ah oo soomali ah uu xilligii dowladii hore amar ku bixiyey " in la sumeeyo ceelal ku yaal boorame & meelo kale" wuxuuna raaciyey" ninkani wuu nool yahay oo waliba sharaf ayuu ku maraa gudaha somalia" Dr Abdirahmaan ayaa ii diiday warqadaas mar aan weydiistay inaan u gudbiyo shacabka isagoo sabab uga dhigay" waxaa laga yaabaa in dad ka xanaaqaan oo ninkaas dilaan" walow uu sheegay in qofkasta " oo aan warbaahin ka socon" uu tusi karo waqti walba.!

Prof Abdi samatar ayaa abaarihii 9:30 fiidnimo lagu soo dhaweeyey inuu ka hadlo " qeybta eey soomalida dibaddu ku yeelan karaan tacliinta gudaha" wuxuuna markiiba sheegay inuu ugu horeynba noo hayo filim taariikhi ah oo ka hadlaya waxbarashada soomalida " gaar ahan woqooyi" oo la duubay 1964-tii, filimkan ayaa socday ku dhawaad 28 daqiiqadood, dhowrkii daqiiqo ee u hartayn wuxuu kaga hadlay (Jaamacada Xamar) oo uu aad u amaanay isagoo sheegay in waxbarashada lagu soo celin karo laba qodob: 1- dhaqan wanaagsan 2- iimaan sugan, iyadoo kuwaa lahelina eeyan wax barasho hagaageyn, wuxuu daboolka ka qaaday in jaamacada Mogadisho eey bilaabeen Dr Ali sh. Abubakr & C/raxman Badiye oo uu sheegay in labadooduba eey heli kareen ineey dibadaha wax ka dhigaan " oo eey calooshooda u shaqeystayaal noqdaan sida aniga & kuwa ila midka ah" ayuu yiri wuxuuna sheegay in 968 arday eey dhigtaan jaamacadaas waqtul-xaadirkan isagoo ka faalooday dhibaatooyinkii dhaqaale ee soo maray jaamacadan, isagoo taa ka hadalayana wuxuu yiri " Jaamacadaha Hargeysa & camuud dhul eey leeyihiin ayeey ku jiraan, laakiin midda muqdishow dhul kiro ah ayeey ku jirtaa" wuxuna sheegay ineey soo saartay arday deeq waxbarasho ka helay dunida oo dhan sida : Malaysia, Sudan, xitaa markii ugu horeysay arday ayaa hadda imanaya gobolka Ohio ayuu yiri prof Samatar oo eey ka muuqatay inuu aad ula dhacsan yahay jaamacadaas, ha yeeshee mar la weydiiyey " sababta uusan jaamacada boosaaso ugu soo darin liiska jaamacadaha uu ka hadlay ?" ayuu ku jawabay" Daar waa la furi karaa .... haa waa labilaabay jaamacadaas laakiin uma dhawa midda Camuud & midda xamar... ha yeeshee dhamaantood inaanu isku darno ayaan mustaqbalka fog noo qorsheysan, ileeyn qalab-yaal kala duduwan uma wada iibin karnee" ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisii gaabnaa, wuxuuse ku booriyey dhamaan ka soo qeygalayaashii ineey ka qeyb galaan qorshe lagu damaanad qaadayo (Sponsership) ardada waxbarashadooda, isagoo sheegay in sanad dugsiyeedkiiba gaarayo lacag dhan 300$ oo macneheedu yahay buu yiri " in ka yar doolar qura maalintii inaad arday dhan waxbarashadiisa kafaala qaadi karto".

Cidii taa daneyneysa Prof Samatar waxaa lagala xiriiri karaa e-mailkan : samat001@umn.edu  ama taleefonka ah : 612-626-1877.

dad lagu qiyaasay ilaa 350 qofood ayaa ka soo qeyb galay shirkan.

C/raxman Ceynte

MPLS, MN

Ceynteyare@hotmail.com

 

FAAFIN: SOMALITALK.COM | Agoosto 16, 2002


Prof. Samatar oo Kufashilay Diidmadii Galayr
Xaflad lagu qabtay  machadka Humphrey oo ah halka uu Dr galayr wax ka dhigi doono ayaa GUJI   Agosto 14
Prof. Samatar oo Diidan in Dr. Galaydh  Waxkadhigo Jaamacada Minnesota
Qoraal dheer oo ay maanta qortay jariidad kasoo baxda Minnesota ayaa Prof. Cabdi Samatar kusheegay in.. GUJI...
DOODFURAN: Pro. Samatar vs Dr. Galaydh  

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
ARDAYDA SOMALIDA MINNESOTA MSSU
Eeg Sawirka oo Weyn.
 
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD