SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - K/AFRIKA
 
X A Y A Y S I I S
Internet-Access Soomaaliyeed oo laga furay Minnesota GUJI...
BOOQO BOGGA IIDHEH-DA
Waa Maxay IP-address:
Computerkasta oo dunida yaal waxa uu leeyahay lambar u gaara, kaas oo aan Computerkale la wadaagin, kaas ayaa loo yaqaan
IP-address, waana kan lagu garto halka uu dunida ka yaal Computerkaas. Waa lamba u qorma sidan: 123.45.6....., waana lambar aad muhiim u ah, waa lambarka lagu helo dadka rabshada u geysta website ama email iwm. Sida lagu ogaado IP-addresska email laguusoo diray iyo macluumaad la xiriira IP-address iyo ISP waxaad ka helidoontaan CD-ga AfSoomaaliga insha Allah kusoo bixi doona dhowaan.
XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF OO KA DHACDAY JOHANNESBUR.K/AFRIKA

Taariikhdu markey ahayd 17/8/2002 waxaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur afrika lagu qabtay xaflad ballaadhan oo lagu xusayo sannad guuradii 18aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF), xafladdaas oo ay kasoo qayb galeen dadweyne farabadan waxaa hadal dheer kasoo jeediyey Daahir Maxamed Cali (Baasto) oo katirsan golaha dhexe ee Jabhadda, ahna wakiilka jabhadda u jooga waddanka K/Afrika.

Daahir-Baasto waxa uu warbixin dheer ka bixiyey goorta la aasaasay Jabhadda, baahida keentay aasaaskeeda, heerarkii kala duwanaa ee ay jabhaddu soo martay, guulaha siyaasadeed iyo kuwa ciidan ee ay gaadhay muddadii ay halganka xornimo doonka ah ku jirtay. Sidoo kale wuxuu masuulku hadalkiisa ku sheegay heerka wanaagsan ee uu marayo bisaylka iyo baraarugga shacabka Ogadeniya ee qaddiyadda iska leh.

Mar uu halgame Daahir-Baasto ka hadlay xaaladda Itoobiya ay ku sugantahay maanta  ayaa wuxuu sheegay in EPRDF uu maamulkii faraheeda ka baxay, burburna qarka u saarantahay kaddib markii ay ka hor yimaaddeen dhammaan qowmiydaha ay cabbudhiska ku hayaan lagalana soo hor jeedsaday halgan adag, wuxuu intaas raaciyey Daahir in rasaasta ka dhaceysa caasimadda Addis Ababa habeenkii laga maqlo daafaha magaalada, mudaharaadyaduna ay joogto yihiin, arrimahaas oo caddeynaya degganaansho la’aanta ka jirta Itoobiya.

Halgame Daahir Maxamed Cali (Baasto) wuxuu ugu baaqay shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan Ogadeniya in ay midoobaan oo dantoodana meel ugasoo wada jeedsadaan kana digtoonaadaan shirqoollada joogtada ah ee uu cadowgooda iyo dabadhilifyadiisu u maleegayaan, sidoo kale wuxuu ugu baaqay shucuubta iyo dowladaha Afrikaanka, ururrada samafalka ah iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha in ay xog ogaal u noqdaan xaaladda murugada leh ee ka jirta Ogadeniya iyo xadgudubyada joogtada ah ee ay ciidamada Tigreegu ku hayaan shacabka aan waxba galabsannin ee ku dhaqan dhulkaas.

Guntii iyo gabagabadii wuxuu ka codsaday dowladaha deeqda bixiya in ay kaalmada ay siiyaan ka joojiyaan maamulka Zinawi ee ku caan baxay xaasidnimada iyo beenta, ayna gartaan xilka iyo masuuliyadda ka saran xaqdhowrka shucuubta adduunka oo uu ka midyahay shacabka Ogadeniya.

Intaas kaddib waxaa masuulka Daahir-Baasto la weydiiyey su’aalo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen:

S- Maxaa ka jira gudaha Ogadeniya?

J- Waxaa gudaha Ogadeniya ka jira wixii aan caawa oo dhan akhriyeynay, waxaa ka jira halgan gobanimo doon ah oo lagu doonayo in lagusoo dhiciyo xaqa shacabkayaga dulman. Haddii aan sii faahfaahiyo ayuu yidhi Daahir-Baasto waxaa ka jira howlgal ciidan oo joogto ah iyo abaabul shacab oo ballaadhan kuwaas oo saldhig u ah hawsha socota.

S- Ma lagu biiri karaa jabhadda?

J- Waa lagu biiri karaa, waana loo baahanyahay in lagu biiro

S- Yaa ku biiri kara jabhadda ama xubin ka noqon kara?

J- Waxaa ku biiri kara jabhadda cid waliba oo buuxisa shuruudaha ku cad xeerarka kala duwan ee jabhadda iyadoo aan loo eegeynin jinsiyad, qofka somaliga ahna isagu waa ma huraan ku biiristiisu.

S- Maxay jabhaddu u baddali weyday magacan Ogaden oo loo arko in uu yahay magac qabiil?

J- Magacan haddii ay jirto cid uga dideysa aragti qabiil waxaan leeyahay:
SHIR LAGU TAAGEERAYO ONLF OO KA DHACAY KOONFUR AFRIKA GUJI...

· Marka dib loo eego taariikhda ilaa hadda ma ogin qabiilka magacan leh meel intay isugu yimaaddeen ay ku go’aansadeen aan magacan dadka ku khasabno ee waxay ka mid yihiin bulshada uun aragtay magacan oo diiwaannada ku jira, waxaana jira qaar ka mid ah qabiilka magacan leh oo haddana kasoo hor jeeda magacan laftiisa.

· Dhanka kale waxaa wax lala yaabo ah in uu jiro qof uu dhibayo magacan Ogaden haddana uusan dhibeynin magaca Itoobiya.

· Tan kale; gumeysigii shalay magacan bixiyey ee u arkay in ay maslaxo ugu jirto isagoo ayna dadkaasi ka dhaxeynin dhul iyo dhalasho midna ayaan annaguna aragnay in ay annaga tahay cidda masalaxada dhabta ah ugu jirto mar haddii aan ka xigno.

· Waxaa wanaagsan ciddii ka xanuunsaneysa ku dhawaaqidda magacan in uu ka xanuunsado jiritaanka gumeysiga Itoobiya.

· Waxaan odhan karaa muhiimaddu magac ma ahee waa in si kasta oo ay suuragal u tahay gumeysiga isaga qaadnaa, kaddibna aan danaheenna ka tashannaa.

· Haddiiba aan ku qaddarno in cidda magacan wadataa ay Ogaden kaliya tahay oo ay sidaana gumeysiga kula dagaalamaan sow Ogaden markaa ma noqonayo qabiil howshiisii qabsaday oo kaalintiisii buuxiyey, adiguna ma tihid nin kaalintiisii gabay.

· Haddii aad dooneyso in aad saxdo wax khaldan waa in aad tahay qof u taagan waajibaadkiisa markaas ayuu hadalkaagu qiima leeyhay, haddiise aad bannaankaa ka hadasho oo aadan diyaar u ahayn gulufka gumeysiga layskaga qaadayo markaas ma dhici karto in uu hadalkaagu wax tar noqdo, cidda aad la hadleysaa ee shaqadeedii haysatana ha ka sugin tanaasulaad.

· Jabhaddu waxay magacan u qaadatay aragti siyaasadeed iyo taariikheed, ujeeddada kama danbeysta ahna ma aha magaca ee waa helidda xaqa shacabka ay jabhaddu u halgameyso, wayna ku khasbantahay jabhaddu in ay magacan wadato inta ay Itoobiya halgan kula jirto, midda kale yey u tanaasushaa jabhaddu oo magaceeda u baddashaa oo kala qayb qaadanaya culeyska halganka waddada dheer ku jooga? Yaa diyaarsan oo kaalinta taagan?.

· Guntii iyo gabagabadii waxaa magacan lagu sameeyey shirweyne, wuxuuna ka mid yahay qodobada aan lagu baddali Karin meel aan shir weyne ahayn, waxaana  go’aan ka gaadhi kara shacabkii shalay go’aansaday in ay magacan wataan inta ay dagaalka ku jiraan, cid walibana ha ogaato haddii uu waddankan xoroobo in magacan laga go’aan gaadhi doono.

Su’aalahaas iyo jawaabahooda ayaa uu kusoo xidhmay shirkii iyo xafladdii oo socday muddo saddex saacadood ah.

Laxiriir: qamuuda@webmail.co.za 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan, 

FAAFIN: Agoosto 22, 2002  


Warbixin Shirkii Ardada Somalida Minnesota
Shir si caalami ah loo soo agaasimay oo eey soo qaban-qaabiyeen naadiga ardada soomaaliyeed ee Minnesota ayaa xalay lagu qabtay jaamacada Minnesota
GUJI...  17/8  

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QADO SHARAF LAGU SAMEEYEY QASRIGA MADAXTOOYADA PUNTLAND: 9 Agoosto 2002-Waxa booqday Boosaaso wafti reer  Jubaland oo uu hogaaminayo Gen. Morgan.

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa  u sameeyey Waftiga reer Jubaland qado sharaf Qasriga Madaxtooyada
Puntland.

Waxaa ka soo qayb galay Qado Sharafta Madax Sare ee Dawladda Puntland sida Madaxweyne ku Xigeenka, Wasiirro, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo marti sharaf kale.

ISHA: Xafiiska plpresidency@yahoo.com  


cigaal Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal xilligii uu safiirka ka ahaa india 1975-1976 oo salaamaya madaxweynahii india ee waqtigaas, Fakhrudin Ali Ahmed. Fakhruddin waxa uu madaxweyne ka ahaa India August 24, 1974-Feb. 11, 1977  GUJI

Kaqayb qaado dhismaha Masjidka Abubakar ee Seattle, Washington GUJI... 



prof. Samatar"Hinaase waa jiraa, Daar waa la furi karaa..." Prof. Samatar
Sidaas waxaa yiri Prof Cabdi I. Samatar oo ka jawaabaya su'aal la weydiiyey oo ahayd sababta uusan uga hadlin jaamicada Boosaaso, GUJI.. 20/8 


QuraanGudoomiye Maxkamadeed oo Ogolaaday in Quraanka Lagadhigo Jaamacad Maraykan ah
Qareen Maraykan ah ayaa xakumay in Jaamacada North Carolina lagu dhigi karo Quraanka, waxana uu yiri “quraan aqriska kama qaado qofka xornimada" .... GUJI... 19/8 

MACLUUMAADKA INTERNETKA


Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD