SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - SWEDEN

Somalitalk oo lagu maamuusay bixinta koobka Ramadaanka ee Sweden

Abdulhakim Ahmed Guled

guledhakim@yahoo.com 

SomaliTalk | Stockholm, Sweden 

Soomalida Sweden ayaa horyaal u ahayd in mudo ah Soomaali weynta kale ee ku dhaqan Qaarada Yurub, marka laga eego isku duubnaanta iyo horumarinta noocyada kala duwan ee Isboortiga, waxaase beryahan dambe soo if baxaya kala qoqobnaan inkastoo inta badan ee bahda Isboortiga Skandinavianka ay dhan u bateen kuna dadaalayaan badbaada midnimada bah weynta Isboortiga. Waxaase dhanka kale la yaab igu noqoqtey markii ay Somalitalk casumaad maamuus ka heshey bahda Isboortiga ee Degmada Sollentuna (Stockholm). Bahda Isboortiga ee Sollentuna ayaa waxaa ay uga duwan tahay dhamaan bahweynta Isboortiga Sweden inay iyaga jeebkooda iska maalgaliyeen oo aysan cidna kaalma weydiisan ilaa 1994 oo la aasaasey bahdaan. 

Mar aan wax ka waydiiyey aasasayaashii bahdaan oo ah dhamaantood ciyartooy hore, sababta kaliftey inaysan kaalma dalban ilaa iyo 1994 , waxuu Yaasiin Maxamuud Karaani oo aasaasayaasha bahdaan ka mid ah iigu jawaabay 

walaal waxaan uga maagnay inaan hay’adaha dawlada kaalmo weydiisano anagoo u baahan waxaa weeye cashar aan ka baranay Soomaalida walaalaheen ah ee Sweden nagula nool oo maalin iyo habeenba iska haya wax yar oo sandareero ah oo aan u qalmin in lagu kala tago (uma jeedo Soomaalida oo dhan oo inta badan shaqo kuma leh kamana war hayaan), sidaa daraadeed ayaan goosanay inaan jeebabkeena ka wadno howshaan.

 Dhaqaalaha aad iska qaadaan ma ku filan yahay howshaan sideese isaga qaadaan? Haa walaal waa nagu filan yahay oo waa adiga arka ilaa iyo hada wax dhib dhaqaale la’aan u xayirmay ma jiraan, wax yar oo aan badnayn ayaan iska qaadnaa. 

Yaa ka mid ah dadka kula aasaasey howshaan? 

Walaal wey badan yihiin waxaanse hadda ka xusi karaa Cumar Cartan Mire oo u ciyaari jiray Gobalka Jubada Hoose , Axmed Maxamed aw-Aadan iyo Maxamed Faarax (Boostaale). 

Maxay ahayd ujeedada aad u aasaasteen Bahdaan? 

Xaqiiqdii waxaan u aasaasney inaan anaga ka dhigno dhaqdhaqaaq jireed markii hore kadibna waxaa noo soo baxay inaan da’yarta soo koreysa aan ku mashquulino si ay uga badbaadaan dhaqanka xun iyo halista noocyada kala duwan ee maan dooriyayaasha.

Waxaa koobkaan ku tartamayey afar kooxood oo sedex ka mid ah ay ka mid yihiin bahdaan, kooxda afaraadna lagu marti galiyey ayaa waxay ku kala ciyaarayeen A, B, C,iyo D waxaana kala hogaaminayay:

  • A-C/casiis Axmed Cabdi (Wagad)

  • B-Cabdi Axmed Xasan (Dhicis)

  • C-Mahad Cabdi Daahir (Jarmal)

  • D-Cumar Cartan (Shabateey)

Waxuuna iska horimaadka oo hal wareeg ahaa u dhacay sidan:

  • A-B = 1x2

  • C-D = 1x3

  • A-D = 1x1

  • B-C = 2x1

  • B-D = 4x5

Waxaana ciyaartii kama dambeysta ahayd isugu soo haray kooxaha ku kala ciyaarayey B iyo D, waxayna guushau ku raacday D 5 gool iyo 4 gool oo ay kaga badisay B oo ahayd kooxdii martida ahayd.

Si kastaba ha ahaatee cayaartaan ayaa ahayd mid xiiso iyo xamaasad badan leh iyagoo dhamaan kooxihii kale ay taageerayeen kooxdan D halka martiduna ay taageerayaan dad aan sidaa u badnayd.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa Somalitalk ku soo dhaweeyey Axmed Maxamed aw-Aadan oo ka mid ah wax garadka iyo odayaasha soo abaabulay tartankaan, si aan u gudoonsiiyo kooxdii D oo ku guuleysatey koobka, waxaase isoo jiitay koobkaan oo aad ugu eg koobabka laga bixiyo meelo badan oo caalamka ka mid ah iyo Far aad loo qurxiyey oo ku qorneyd salka hoose ee koobka. Waxay Somalitalk si rasmi ah koobkii ugu wareejisay kabtanka kooxda D halkaas ayaan si rasmi ah loogu soo af-jarey tartankii kubada cagta ee Soonka ee lagu qabtey Sollentuna Sweden.

Abdulhakim Ahmed Guled

guledhakim@yahoo.com 

Stockholm, Sweden 

12/12/02

... ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA KALE EE DECEMBER -GUJI

  SEPTEMBER AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD