SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa ee ka dhaca muqdisho oo dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay
W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji | SomaliTalk | Dec 26, 2002

Layaab malaha in aad la kulanto intaad joogto xamar dhibaatoyin badan sida dad la dilaayo ama la dhacaayo amaba dhibaato kale laakiin waxaa layaab badnaa dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee shalay iyo darraad ka dhacay magaalada muqdisho. Shalay ayeey aheyd markii la laayay arday ka timi iskuulkoodii oo ey kagasoo baxeen imtixaanka teramkii koobaad ee iskuulka.Hoos Akhri

ADEEGSO XAWAALADA KAAH
KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Shalay xiligii duhurka ee la qadeynayay ayaan waxaan u tagay wiilal walaalladey ah intii aan la joogay ayaa waxaa usoo dhacay TELEFOON uu usoo diray wiil eey isku fasal ahaayeen iskuulka, wuxuuna si arga-gax ku jiro uweydiiyay baska larasaaseeyay makiiniibaa? wiilkii walaalkeey ahaa ayaa ugu jawaabay mayee ma basbaa la xabadeeyay? wuxuuna kuyiri haa waxaa la xabadeeyay baskii ciyaal wardhiigleey waxaana ku dhintay qaar ardadii kamid ah qaar badana waa dhaawac waxaa markiiba eey ilmihii ayagoo arga gaxsan TEL:uwada direeen asxaabtoodii iskuulka waxaana soo baxay in wararka lasheegaayo eey dhab yihiin ilma dhowr ah oo ilaa sadex ahna eey ku geeriyoodeen falkaas foosha xun.

waxaa shalan galinkii danbe shaqadii joojiyay ciyaalkiina soo fasaxay ikuuladii magaalada imtoodii badneyd, arintaasi awgeed waxaa uu iisheegay mid kamid ah macalimiinta iskuulada muqdisho waxka dhiga oo shalay galabtii iskuul wax ka dhigaayay asagoon maqlin arinta in ey u suura galiweysay in ilmihii uu casharka u dhigaayay ka helo dhageysigii casharka ee uu ka heli jiray uuna ka dareemay dareen aad u sareeya iyo shux shux eey isku dhexwadaan dhexdoona kadibna markii uu casharkii wadi waayay uu su’aalay waxa dhacay eeyna uga warameen dhibaatada ku dhacay ciyaalkii lamidka ahaa ee saakay u soo kalahay iskuulkoodii waxaa saakana lagula tukanaayay janasadii iskuulkii Axmed Gurey ayadoo saakana aanay ciyaalku u dareerin iskuuladoodii naxdin owgeed.

Falalkaas dilka ah ayaa ah kuwo kusoo badanaayay maalmahaan danbe magaalada muqdisho, iyadoo isla daraadna uu ka dhacay fal aad u foolxun oo lagu laayay niman sadex ahaa meel aan ka fogeyn meesha shalay lagu laayay ciyaalka iskuuleeyda ah, waxaa loo aaneynayaa falalkaas oo dhan in eey lug kuleeyihiin ama eey xiriir la leeyihiin aanooyin iyo aar goosiyo qabiil, waxaase muuqata in aaney in badan oo dadka dhimanaayo ka mid ah wax shaqo ah ku laheyn israad-sashada qabiil sida ardaydii shalayba ku dhacday.

Hadaba waxaa isweydiinleh yaa kams’uul ah falalkaas? Yaase looga dacwoodaa oo wax ka qaban karaayo?

Su’aalahaasi iyo kuwo kalaba waa kuwo laweeydiinaayo qab qablayaasha dagaalka ee sheegto awoodda muqdisho iney ayaga leeyihiin.

I  I  D  H  E  H

 

W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji 
abuukarsom@hotmail.com
 

Muqdisho

Soomaaliya

Dec 26, 2002

... Qoraaladii hore  ee Abuukar Yaasiin

Xasuuqii ardayda loo gaysatay iyo dadwaynaha muqdisho oo ka xumaaday: Maalintii shaley aheyd ayaa waxaa magaalada muqdisho ka dhacay Xasuuq loo geystey ardey dhigata dugsiga sare fasalka koowaad ee AXMED GUREY ee.. IQRA...  25/12

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD