SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - WARAR
Qoraalkii Culimada Islaamku ay Ka Qoreen Ciraaq iyo Maraykanka

Sida uu qoray Bogga Internet-ka Islaamiga ah www.islamadtoday.net ee uu maamulo Sh.Salmaan Al-Cowada, ahna Caalim u dhashay Dalka Sacuudiga: Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
 

I  I  D  H  E  H

Culimada ugu magaca dheer Caalamul Islaami ayaa soo saaray qoraal ay ku dhaleeceynayaan in weerar lagu qaado Dalka Ciraaq, Culimaad oo u kala dhashay Dalalka Sacuudiga, Masar, Aljeeriya, Yaman, Marooko, iyo meelo kale oo aduunka Islaamka kamid ah, Culimadaas dhamaantood waxay ku tilmaameen werar lagu qaado Ciraaq in Muslimiintu ay dib usoo xusuusan doonaan waaydii Isticmaarka iyo dagaaladii u dhaxayn jiray Muslimka iyo gaalada, dagaaladaas oo ay Muslimiintu guusha ku gaarteen, waxayna yiraahdeen colaadan cusubi waxay kor u qaadeen carada ay qabaan muslimiinta, sidoo kale waxay furi doontaa Albaabada Jihaadka iyo iska caabinta, waxay kaloo xuseen in haddii uu dagaal dhex maro Mulimiinta iyo Gaalada ay taariikh ahaan u hayaan in mar walba uu Mulimku xoog roonaan doono.

Danta laga leeyahay duulaankan ayey ku macneeyeen in uu yahay, mid looga gol leeyahay in lagu hanto Batroolka Gobolka gaar ahaan midka Ciraaq, sidoo kale in Israa'iil ay noqoto Dawladda kaliya ee Gobolka B/Dhexe ugu awooda si hadhaw loo helo in la xakameeyo dunida muslimka, waxay kaloo tilmaameen in qorshaha uu yahay duulaanka Ciraaq kadib in lakala qaybiyo dawladaha ka dhisan B/Dhexe, si hadhaw loo helo wadama yar yar oo aan awood lahay.

Culimadan Saxiixay Bayaankan waxaa ugu Magac dheear

Sh.Yuusuf Al-Qardaawi, Sh.C/Majiid Al-Zandaani, Sh.Salmaan Alcawda, Daariq Al-Bishi, Casaam Al-Bashiir, iyo Culimo kale oo aad looga yaqaan Dunida Islaamka.

Bayaankan oo ay kusoo koobeen sidatan iyagoo la hadlaya marba qayb kamid ah bulshada.

Dowladaha Islaamka 

waxa ay ka codsadeen .

1. in dawladuhu ay ku dhaqmaan diinta islaamka si bulshada muslimka ah ay u midowdo, iyo iney u ogalaadan bushada ay xukumaan in ay aragtidooda dhiiban karaan.

2. in ay ka soo horjeestaan faragalinta uu Maraykanku ku hayo arimaha hoose ee Dawladaha islaamka.

3. in Dawladuhu ay wax ka qabtaan is afgaran waaga udhaxeeyo bulshooyinka islaamka si loo helo midnimo waarta ayna kor u qaadaan dhaqaalaha si dadku ay u kala jeestaan.

4. in ay raadiiyaan saaxiib aan ahayn Maraykanka si looga baxo afduubnaanta loo afduuban yahay Maraykanka iyo in gobolku uu noqod meel dheeli tiran, waxayna ku tilamameen haddii lala xirto awoodo kale oo dunida ka jirta in la gaari karo danaha dowladaha islaamka.

Bushooyinka Islaamka.

waxayna ka codsadeen

1. in ay ilaahay ulaabtaan oo diinta ku dhagaan towbad dhab ahna la yimaadaan, waxayna sheegay dhibaatooyinka haysta in ay qayb ka tahay fagaanshaha laga fogaaday diinta, hadaba si looga baxo waa in ilaahay loo laabtaa.

2. in ay ogaadeen guusha iney u hareyso Adoomaha ilaahay, eebana uu balan qaaday in adoomihiisu ay guuleysan doonaan, sida ku cad aayado badan oo quraanka kamid ah.

3. in ay meel iska dhigaan muranka iy khilaafka, ayna danahooda ka hormariyaan kuwa guud, kuna dhaqmaan Ayadaha kadigaya khilaafka.

4. in dhalinyarada Islaamka ah ay ka taxadaraan in ay dhibaato u keenaan wadamadooda iyo in aysan marmarsiiyo u noqon dhibaato loo geysto dalalka islaamka, waa iney ogadaan in cadwgu uu doonayo sabab uu ku soo weeraro dunida islaamka, waxay kaloo yiraahdee marka aan saa leenahay waxaan ogsoon nahay sida ay bushada Muslimka ah xaqa ugu leedhay in ay la dagaalanto cadowgeeda.

Aqoonyanka, iyo wax ka garadka.

waxayna ka codsadeen

1. in ay ku dhagaan hadalka ilaahay iyo kan nabiga S.C.W. iyo iney diinta dhab u qabsadaan.

2. in ay faafiyaan aragtida dhexdhexaadka ah ayna baraan umada in wax la isku diidi karo waxna la isla ogolaan karo, iyagoo cadeynaya meelaha aan dhexdhaadka laga noqon karin iyo meelaha laga noqon karo.

3. in ay dadka khayr u sheegaan, fahamsiiyaanna diintooda.

Dadka nabad jecel

waxayna ka cosadeen,in ay ka hortagaan duulaanka uu Maraykanka la damacsan yahay dunida islaamka, waxay kaloo ku booriyeen in ay ashtakooyin ka qoraan sameeyaanna qoraalo lidi ku ah arintaa.

gabagabadii waxay ilaahay ka baryeen in Muslimiinta uu Ilaahay ilaaliyo, cadowgoodana uu uga gargaaro.

Waxaa Tarjumay

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir [www.somalitalk.com/column/fahad/]  

Sh. Salmaan Al-Cawda. Maamulaha Bogga www.islamtoday.net ka akhriso warkan oo carabi ah http://islamtoday.net/albasheer/show_news_content.cfm?id=5102 

 

Dec 1, 2002

"Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim"
Faallo dheer oo Fahad Yaasiin ka qoray booqashadii uu dhowaan kutegey Muqdisho GUJI... 2
0/11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD