SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - BARI
WARARKA DAGAALKII DHUUDO
G/Bari, Puntland, Soomaaliya | Dec 31, 2002

Qaybo kala duwan oo ka tirsan ilo wargal ah oo kusugan Puntland oo la soo xiriiray SomaliTalk ayaa tibaaxay dagaalkii ka dhacay Puntland, taas oo weli ay socoto sidii loo heli lahaa macluumaad dheeraad ah oo la xiriira dagaaladaas ayaan halkaan akhristashaaya ugu soo tebienyaa wararka aan ilaa hadda helay waana kuwan:Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 halkan ka akhri warsaxaafadeedkii Somalitalk kasoo gaarey DGPL

<><><>

WARKAAN HOOSE SIDAAS UU U QORANYAHAY WAXAA SOMALITALK KU SOO GAARSIIYEY ILO WARGAL AH OO JOOGA PUNTLAND OO WEYDIISTEY IN AAN LA MAGCAABIN: 

Run ahaantii, dadka badankoodu ma caddayn karaan sida wax u dheceen, sababtoo ah dagaalkan waxaa uu ka socdaa ama ka dhacay dhul buuralay ah oo aad ugu fog magaalooyinka caanka ah ee dadku wada degaan.

FOGAANTA U DHEXEYSA
Gaalkacyo Hobyo 256 km
Gaalkacyo Garoowe 260 km
Garoowe Eyl 219 km
Garoowe Qardho 222 km
Qardho Boosaaso 258 km
Qardho BandarBayla 221 km
Isku-Shuban Caluula 280 km
Caluula Bareeda 40 km
Caluula Baargaal 105 km
Garoowe Laascaanood 132 km
Laascaanood Ceel-Dhaab 141 km
ISHA: Bogga Fogaanta... GUJI

BBC-du waxaa ay sheegtay in korneelka jab loo gaystay, haseyeeshee joornaal lagu magacaabo Puntland oo ka soo baxa magaalada Boosaaso saaka waxaa uu qoray in korneelku gacan sarreeyo oo uu qabsaday 6 gaari oo tignoko ah iyo 150 maxbuus. Wax dhaawac ah wali lagama keenin cusbitaallada Boosaaso iyo Qardho midna.

Si kastaba xaalku ha ahaadee, waxaase jirta in waayadanba uu korneelku u diyaar garoobayey in uu weerar ku qaado fariisimo lagu taba baro, laguna aruuriyo ciidamada taabacsan Jaamac Cali Jaamac oo uu hoggaaminayo korneel lagu magacaabo Cadde, waa sida wararku sheegeene, fariisimadaas oo u dhow tuulada lagu magacaabo Dhuudo. Tuulada Dhuudo ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay halkii lagu jabiyey duulaankii Sayid Maxamed C/le Xasan uu ku qaaday boqortooyadii Majeerteenya, ka dib markii uu soo qabsaday boqortooyada inteedii kale oo dhan.

Sababta ugu wayn ee korneelku dagaalka u qaaday ayaa lagu macneeyaa in ay tahay in uu ka baqay in uu ka hortago in aan ciidanka Dhuudo helin taageero ka badan midda hadda loo hayo iyo in ay joogsato kororka ciidankaas uu ka helayo taageerayaasha Jaamac Cali Jaamac.

Dadka kale ee reer bariga ah ma ay jecla Korneelka, dhinaca kalena wax taageero ah oo dhaafsiisan afka uma ay hayaan Jaamac Cali Jaamac.

Sida wax u dheceen iyo meesha xaal uu marayaba waxaa lakala xaqiijin karaa 2da maalmood oo inagu soo aadden.

-dhammaad-

Wararka kale oo nasoo gaarey ayaa tibaaxay in isgaarsiinta Qardho ay go'nayd, warkaas oo faahfaahin ka bixinayeyna waxa uu yiri " ..... waxaa dhacay Dhibaato balaaran  laakiin waxaa adag in lahelo Xaqiiqada sugan waayo waxaa lagooyey Khadkii Telecomunecation-ka, gebi ahaanba Raadiyashii Telphone-dii Mobile-ladii, taasina waxay keentay in laheli waayo Akhbaarta sugan ee runtaa iyo siday wax udheceen, hadda intaas ku gaabso, waxaana ku daba jiraa sidii aan u heli lahayn xaqiiqada....."

-dhammaad-

Wararkaas waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey ilo wargal ah oo ku sugan Puntland.

Dhanka kale warsaxaafadeed SomaliTalk kasoo gaarey MDGPL ayaa tibaaxay in......  ka akhri halkan

I  I  D  H  E  H

-dhammaad-

Ilaa hadda ma jiraan war rasmi ah oo SomaliTalk kasoo gaarey dhanka Jaamac Cali Jaamac.

Faafin: SomaliTalk.com

December 31, 2002

 

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara isha nasoo gaasiisey. 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD