SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MAQAAL
Ileen nin aan xishoonayn dagaal xeeli kama raacdo

“Ho-hey arrimaad halaysay habeen nacasnimo ku dhaafay ileen hibashiyo ma waydid naftaadu inay is hiifto”.

Qadartu kaa adage-tani ma waxaan bi’inaa mise Qalinka xoogga badan baa khaddii lagu qoray qallashay? Oo majaraha doonista Eebe amar ku dareeray ayaa sidaa wax yiri duwidooduna lamid tahay dameeraa waylo dhalay. U hogaanisigeeduna noqon imtixaanka gaal iyo islaam lagu kala shaandheeyo?

Taasaa ii fududaan lahayd si aan hifashada nafta uga daayo oo meel adag u cuskado. Samraa sad hela ee xag Eebe ku xisaabo aan nafta ku xakameeyo.

Ha yeeshe runtu saa maaha! Oo dunuubtii la galay ayaa layska gooynayaa. Waa markale iyo walaahowgii colaadeed iyo daadintii dhiig xaqdaro. Asalkeedana wuxuu ahaa Hal booliyi nirig xalaala ma dhasho.

Doorashadii C/llahi Yussuf ee aasaaskii maamulka Waqooyi Bari waxaa gaashaanka loo daruuray hogaamiyaal ka kasmo iyo hufnaan badan. Ruug cadaa caqli iyo garasho dheer leh. Rag sooyaalkooda wax qabad iyo samaantooda guud aan saxar ku jirin. Waxaa la cuskaday qalafsanaanta wakhtiga iyo mar uun wax ha inoo dhaqaaqeen.

Waxaa loo hiiliyay dumiyiha nidaam kasta oo dhisan, kala dilaha dadka isjecel, dambiilihii qabiilka, dulligii xukunka u waashay. Askari shaydaan darderey ee diinta eebe ku caasiyay. Haddaan si kale u sheego shakhsiyad liidata, dhan walboo laga miisaamo.

Baroortu orgiga k aweyne, waxaa run aad u xanuun badan ah isimada iyo hoggan dhaqameedka laga dhigtay sallaan lagu gaaro duminta maamulka iyo kala fogeynta dadka wada dhashay. Kana indha saabtay oraadii oranaysay: “Tol wuxuu samadaa nin qaldan qabashadii, nin qatan quudintii iyo nin qumman quweyntii.”

Arrintu si kasta ha ahaatee, dantaydu maanta maaha inaan ka hadlo damaca liita ee askariga qamaamay uu ku kufsaday maamulkii Waqooyi Bari, cimaamadana uga tuuray intii la cisayn jiray caqli wax hagana lagu ogaa.

Caradaydu maanta waa Jamac Cali Jaamac iyo inta la socota oo aan qof ahaan ku tuhmayay caqliyad ka saraysa midda caamiqiga ee hoosaysa.

Koofiyadaan u siibay fadhigana waan uga kacay go’aankii qiimaha badnaa ee Jaamac iyo intii la halmaashay ay Boosaaso kaga bexeen dagaalkii kal hore ee uu hogaamiyaha jiitaaga ahi la beegsaday gobolada Bari.

Jaamac wuxuu helay taagerada inta samaha jecel. Wuxuuna hantay quluubtii shakiga qabtay shakhsiyadiisa. Waxayna ahayd tusaale aan hore loogu arag is caraynta ceebta huwan ee cadaabta ciilka laga doortay. Waxay ahayd tusmo ka saraysa maanka guracan iyo miisaanka falsafo ee hooseeya ee aarsiga iyo danaysigu hagaan.

Waxaan sawirtay shakhsiyad u turaysa dadkeeda taagta daran iyadoo meel ku tiirinaysa qori qori ku taag . Waxay farxad gelisay inta nabadda, samirka, dadnimada iyo diinta Eebe jecel. Waxaan u arkayey inay ahayd tallaabo lagu badbaadiyay nafo gaajo u gayasay inay dabagalaan nin waalan. Waxaan u arkay inay ahayd talaabo mudan ku dayasho taariikhdana baal dahaba ka gashay.

Toogaba waa toogee markaan Jaamac Cali jaama iyo kooxdiisu gobanimo ku dirirkii way laaleen. Maanta waxay fadhiyaan goob ceebeed iyo dhiigbax gacal. Waxaan aaminsanaa in maamulka Jamac Cali Jaamac ku mintidayo xaqiiqada quruxda badan ee xinka ka fog. Inuusan xiiso u hayn la xafiiltanka kornaylka nolosha ku xiiqay. Inuu xag Eebe u ajar xisaabtay oo uu ka fogaanayo xumi horseedda xinjir dhiig walaal oo kibir dhulka loogu xardho.

Nasiib darro taasi ma dhicin, war laqabana xiiso ma leh. Sidaa darteed ayaan maanta EED kulul dhabarka uga tuurayaa Jaamac Cali Jaamac, xulufadiisa iyo intii la talisay. Maanta wax laguu qabayba waxaad dhankaaga ka huwatay Ileen nin aan xishoonayn dagaal xeeli kama raacdo”.

Waxaan canbaarayn iyo haaraan dusha ka saarayaa intii soo abaabushay dagaalkii hubaysanaa oo ummada lagu halaagay. Intii miisaaniyad iyo kharash ku taageertay, intii caadifad ugu guclaysay aarsi garaaad li’ iyo gawaan raacinta nidaamka. Inta hubka iyo saanada ku soo daldalaysa degaanadii nabada ahaa. La socda waxaad masuul ka tihiin si is le’eg markaan naf walba oo u qur baxda cirwaynida xukun doon. Sharafna loola siman inta shaarka dhiiga leh ku shoobta.

Marna qiil ma noqonayso difaac baan ahayn. Laba mid ayaa maanta banaan Rag ciil buu, cadaab ka doortray ama Rag cadaab buu, ciil ka doortay!

Dhanka hogaamiyaha jiitaaga ah, hadal igama saarna, waayo dhagax tuujin iyo taabasho waa isaga mid. Sidaa darteed waxaan ergo kuugu ahay(Cali iyo Hogaankiisa), Allaha keli awooda lehna kugu dhaarinayaa:

inaadan mar dambe dagaal la gelin kana hor imaan noolaha aad garanayso inta garashidi le’egtahay. Inaad dib ugu noqoto go’aamadii qiimaha badnaa ee aad dagaalka ku diiday, waa haday jireen go’aanmo noocaas ah, hadaysan jirina aad maanta qaadataan.

Inaad xakamayso inta dhiigoodu ficil la kululaaday magacaagana ku duulaya.

Waayo taasaa ah kuruska baarkiisa hadii kale ”... nin aan xishoonayn dagaal xeeli kama raacdo” Rag badanina naarta waysku arkayaa!

 

Tixgelin

Hussein Salaad

Hussein.Salad@era.ericsson.se 

Jimce 9 Agoosto 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

FAAFIN: SOMALITALK.COM | AGOOSTO 12, 2002

MAQAALKA XIGA - GUJI 

 

Bogga Maqaalada: www.somalitalk.com/maqaal
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA
Bogga Maqaalada: www.somalitalk.com/maqaal
. GUURKA.&.GURIGA MUSLIMKA 
. DHIBAATOOYONKA QURABAHA |
. IS-XISAABI INTAAN LAGU XISAABIN
. GEERAAR ALLAH AMMAAN AH
. AHMIYADDA SALAADDA...
. QORAALADII WARDHEERE
. QORAALADII IBRAAHIM SAALAX..

NOLOSHII SAXAABIGA ABUU DAR AL QHIFAARI
Casharkii 23aad ee Saxaabadii Rasuulka (scw)
DHISITAANKII MASJIDKA RASUULKA SCW
Casharkii 33aad ee Siiradii Rasuulka (scw) 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD