SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GEDO

Aragtida uu Xoghayaha guud ee SNF/SRRC, Abdi Dahir Hassen (Abdiyare-garabroor) ka qabo dagaalada ka socda Gobolka Gedo, iyo sida uu u arko in uu xalku yahay.

Dagaalka ka socda Gobolka Gedo maxaa dhaliyay, xalkuse maxuu yahay?

ABDI DAHIR HASSEN, oo ku magac dheer (Cabdiyare-garabroor), ahna Xoghayaha guud ee SNF/SRRC oo hadda ku sugan Eldoret, Kenya - ayaa waxuu rabaa in uu halkaan kusoo bandhigo qoraal uu kaga hadlayo 3 qodob:

1) Dulmar gaaban oo uu ku sameynaayo guud ahaan dagaalkii sokeeye ee dalkeena ka bilowday sanadkii 1991-kii iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.

2) Waxyaabaha kalifay in Mareexaan uu hubka isu qaato oo u kala jabo labada garab ee kala ah: SNF uu hogaaminaayo Col. Cabdirisaaq Isaaq Biixi, iyo SNF/SRRC uu hogaaminaayo Mudane Maxamuud Sayid Aden.

3) Iyo, ugu danbeyntii sida uu u arko in xal waara iyo cadaalad loo siman yahay oo reer SADE dhexdiisa ah loo gaari karo.

Hoos Akhri
KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Qoraalkii Cabdiyare-garabroor waa kan:

Asalaamu caleykum

Ugu horeyntii, waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba, salaam kaddib aniga oo ku hadlaya magaca ururka aan Xoghayaha ka ahay ee SNF/SRRC ayaa waxaan door biday in aan halkaan kusoo bandhigo 3 qodob oo kala ah:

1) Dulmar gaaban oo aan ku sameynaayo guud ahaan dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka bilowday sanadkii 1991-kii.

2) Sababaha dhalilay colaada maanta ka taagan Mareexaanka dhexdiisa, gaar ahaan Gobolka Gedo.

3) Iyo ugu danbeyn sida aan u aragno in colaadaas iyo isfahan la’aantaas Mareexaanka dhexdiisa ah aan uga gudbi karno.

HORDHAC

Bilowgii, sanadkii 1991-kii waxaa somalia ka billowday dagaallo sokeeye, dagaalladaas oo soo maray marxalado badan,ayadoo ay maalinba maalinta ka danbeysay kooxihii ama qabaa’iladii horay u mideysnaa ay sii kala daadanayeen, kuwaas oo markii danbe u gudbay heer qabiil-qabiil, koox-koox ama jilib-jilib isku dad iyo degaan ah in ay dagaal iskaga horyimaadaan kaddib markay ayagu dantu is badday. Dagaalladaas foosha xun ee ay dadkaas wada dhashay isaga horimaanayeen, gobollada dalka Soomaaliya isku si uma saameyn, waxaana la oran karaa waxaa ka badbaaday Gobolada Waqooyi iyo Waqooyi-Bari, marka laga reebo iska horimaadyo yar-yar oo goboladaas ka dhacay, kuwaasoo aanan marnaba la bar-bar dhigi Karin tan ka dhacday Gobolada Koofureed sida: Muqdisho iyo Gobolka Gedo. 

Dagaalka 12 jirsaday ee soomaaliya waxaan ku tilmaami karnaa dagaalkii Koofurta Soomaaliya ee Qarniga 21-aad, ilaa maantana waxaa si gooni ah farta loogu fiiqi karaa Gobolada ay dagaalada ka dhammaan waayeen: Banaadir, Shabeelooyinka, Jubbooyinka, Bay, Bakool, Gedo iyo Hiiraan. Gobolladaas marka la isku wada daro waxaan ku magacaabi karnaa GOBOLADII DADKII SHACABKA AHAA EE LA XUKUMI JIRAY xiiliyadii dowladihii soo maray dalka Somalia oo dhan. Halka Gobollada Waqooyi, Waqoyi-bari iyo Mudugna aan oran karno waxay ahaan jireen GOBOLADII WAX XUKUMI JIRAY ama dadkii dalkaan xukumi jiray ay ka soo jeedeen. 

Dagaallada dabada dheeraaday ee ka socda Gobollada Koofureed ee dalka Soomaaliya waxaa saameyn weyn ku leh dad ka soo jeeda Gobolada xukunka Soomaaliyed hayn jiray, kuwaasoo doonaya in uusan shacabka gacantooda ka bixin kaddib markay ayaga deegaankooda xallisteen. Tusaale wanaagsan waxaa arrintaas u noqon kara, haddii aan firinno hogaamiyayaasha iyo ciidammada gobolladaas u dhashay ee maanta jooga Koonfurta Soomaaliya. Aan is weydiinee, ma jiraan ciidamo iyo madax ka socda Gobolada Koofureed oo hadda ku sugan Gobollada Waqooyi, W/bari, Mudug ama Galgaduud? Jawaabtu waa maya. Halkaas waxaad ka garan kartaa in Soomaalida Koofureed aanay u madax banaaneyn in ay aayahooda u tashadaan. 

Dhanka kale, waxaa in la xuso mudan in aan wada ogaanno raadka iyo cawaaqib xumada uu bulshada Soomaaliyeed ku reebi karo dagaalada iyo maamul la'aanta ilaa iyo mudadaas 12ka sano ahayd dalka ka jirta. Waxaa la hilmaamay nooc kasta oo sharci iyo kala danbeyn ahaa. Waxaa la qaddariyaa dadka danbiyada caadaystay cabsi laga qabo awgeed. Waxaa sammeysmay caymis Qabiil, waxaana lugu kala xaq baxaa in aad geysato danbi kii luguu gaystay la eg ama ka weynba. Haddii aad aragto shaqsiyad jecel in wax laga qabto dhibaatooyinkii dhacay, waxaa mar walba ka awood badan xintanka qabiil ee ku xisaabtamaya xumaan horay loogu geystay reer hebel,ama kuwii ay horay u geysteen. 

Haddaba arrimahaas kor ku xusan oo dhan markay is biirsadeen waxay umadda Soomaaliyeed u jideysay in xummaanta la is faro wanaagana laga fogaado. waxaa soo baxay jiil ku caqliyeystay dowlad la'aanta iyo dagaalada sokeeye kuwaas oo aaminsan in waddada kaliya ee qaad iyo qado joogto ah lagu heli karo uu yahay QORIGA, kuwaas oo aan wax shaqo ah ku lahayn berrito iyo mustaqbal danbe toona. Waxaa deynka lagu kala qaataa qori ma leeyahay? Qeyr laawana ma yahay?. Qaan wuu iska bixin karaa, qarash ma waaye ayaana loo yaqaan dadka noocaas oo kale ah. Waxay aaminsan yihiin in ay yihiin kuwa ugu mudan halganka ummadda lugu badbaadinaayo,oo midkii ku dhaawacma isbaaro uu jidka dhigtay wuxuu ku xissaab-tamaayaa xuquuq ma dhamaato ah oo uu dadkiisa iyo dalkiisaba ku yeeshay. Akhristow, waa la yaabe maxaa dadka qaab u fekerkooda heerkaan gaarsiiyay? Waxaa gaarsiiyay colaadda iyo sharci darada baahday ee maalinba maalinta ka danbeysa sii gaamureysay ee dalkooda ku habsatay. Xalka dhibaatada heerkaas gaarsiisan, waa mid u taala qof kasta oo Soomaaliyeed ee waxgarad ah ee waa in aad taas maanka galisaan.


Ugu danbeyntii, waxaan halkaas uga baxayaa HORDHACII ku saabsanaa heerka uu maraayo xaalka guud ee gobollada koofureed ee soomaaliaya.

XAALADDA GOBOLKA GEDO


Sida aan horayba usoo sheegay, dagaalka dabada dheeraaday ee gobolka gedo wuxuu dhibka la wadaagaa Gobolada Koofureed ee Soomaaliya. Waxaase cad in ay jiraan dagaalo dheeri ah oo ku soo noq noqday Gobolka Gedo, sababtana qof walba si gaar ah ayuu u fasiri karaa. Aniga aragtideyda waxaan u arkaa in dagaalka maanta ka socda Gobolka Gedo sababtiisa ay tahay labadan qodob ee hoos ku qoran:

1) Loolanka awoodda gacan ku haynta gobolka

2) Iyo, Siyaasadda mustaqbalka Soomaaliya aragtiyada kala duwan ee laga qabo.

Labadaas qodob ayaa asal u ah dagaalka Gobolka ka dhammaan waayay,ayadoo cid kasta ay mabda'eeda saaxiib kula tahay qaar ka mid ah qaybaha siyaassadda Soomaaliya iyo waddamada deriska ah. Ayada oo ay taasi jirto, ayaa waxaan ilaa iyo hadda weli dhicin in si cad la isugu yimaado oo laga wada hadlo qaabka xuquuqda loo wadaagi karo iyo halka ay siyaasad ahaan danta umadda ku jirto. Waxaa xaqiiqa ah in aanay meesha ka marnayn fara galinta dad kasoo jeeda Goboladii xukunka hayn jiray oo qaar dadkooda ka mid ah ay dhalasho la wadaagaan dadka reer Gedo,taas oo keentay in ay fududaato fara galinta dheeraadka ah ee lagu hayo Gobolka. 

Mar kale, waxaa marqaati cad u ah arrintaan aan kor ku sheegay in madaxdii iyo hogaamiye-yaashii Mareexaan ee Gobolada Koofureed ay ahaayeen kuwo ka soo jeeda Galgaduud. Waxaa kale oo aan soo qaadan karnaa madaxda kooxda Carta ee Mareexaan oo iyaguna badankooda ka soo jeeda Mareexaanka Galgaduudeed. Arkhriste, bal eeg dhibaatada ka dhalan karta hogaaminta madax deegaan aysan u dhalan waxa laga garan karaa raadka ay ku reebtay Gobolka Gedo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (rujaal laba qalbi ma yeelan karo). Marka aan sidaas wax u fahano, waxaan oran karnaa eed kuma laha in ay ragaas (waa madaxda reer Galgaduudeede) danaha gobolka G/Gaduud ka hormariyaan kan Gobolka Gedo, balse waxaa meesha ka maqan hogaaminta madaxda Mareexaanka Koofureed, kuwaasoo ayagu si toos ah uu xil uga saaran yahay ka fekerka danaha shucuubta ku dhaqan Gobolka Gedo iyo sidoo kale Mareexaanka Koofureed oo dhan.

Warsaxaafadeedkii Madax Dhaqameedyada Beelaha Marexaan ee G/Gedo GUJI....
[Agoosto 13, 2002]

Ninkii Diley Ugaas Maxamed Ugaas Faarax Ugaas Cabdulle oo CaabuqWaaq   Laguqisaasay GUJI...
[July 12, 2002] 

Gedo iyo Geedi Socodka nabada GUJI....
[ Aden April 27, 2002]

War-murtiyeedkii Mareexaanka Gedo GUJI....
[Aden, April 7, 2002]
 

Tan kale, marka aan ka hadlayno loolanka awood qaybsiga, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa sida loogu kala gedisan yahay hanka awood qaybsiga Gobolka. Maamulkii ka dhisnaa gobolka waqtigii uu mideeysnaa hogaankii ururka SNF ee ay hogaaminayeen Cumar Xaaji iyo Dr. Cali Nuur Mukhtaar (alaha u naxariistee), degmooyinka Luuq, Doolow iyo B/Xaawo ma jirin Qabiil laga qaaday xilkii ay waqtigaa deegaanadaas ku lahaayeen oo qabiil kale lugu badalay, waxaase jirtay qof masuul ah oo lugu badalay mid ay isku jifo ahaayeen. 

Dhanka kale, bal aan eegno wixii ka dhacay degmooyinka Garbaharey iyo Buurdhuubo. Dadka Degmooyinkaas ugu badan oo ah Reer Faarax Ugaas iyo Reer Yuusuf waxay kala lahaayeen labada xil ee ugu sareeya Degmooyinkaas. Reer Faarax waxay lahaayeen Guddoomiyaha Garbahareey iyo Guddomiye ku xigeenka Buurdhuubo, halka Reer Yuusufna ay lahaayeen Guddoomiyaha B/Dhuubo iyo G/xigeenka Garbaharey,waxaana taas lagu bedalay in laga wada dhigo labada Guddoomiye iyo ku- xigeenada labadaas degmo Reer Faarax kaliya. Taas waxay fasiraad ka bixinaysaa in dadkaasi kuraastoodii la duudsiiyay in deegaankooda looga adkaaday mar haddii xubnihii maamul ee ay deegaankaas ku lahaayeen xoog loogala wareegay, meeshaana waxaan ka garan karnaa kala duwanaashaha dareenka uu dadku kala aaminsan yahay. Waxaa xuquuq duudsigaas oo kale lagu sameeyay Degmada Baardheere oo markii la dilay Guddoomiyihii hore ee degmada Dr. Xassen Ugaas lagu bedelay nin kale oo reer Faarax ah. Aragtida ka danbeeysa weerarada lugu soo qaado mar kasta degmooyinka Luuq iyo B/Xaawana kama foga in laga hirgaliyo fikir kaas aan kor ku soo sheegay la mid ah.

Waxaa xusid mudan in hanweyninka iyo waxwalba isku koobka ay jifadaasi caadeysatay aanay aheyn mid maanta bilowday ee waxaan oran karnaa waa qalad ama wado ay jidaysay dowladdii kacaanka oo xukunkeedi sabab u ahaa kala fogaanshaha iyo colaadda soo kala dhex gashay ummadda somaliyeed guud ahaan, caddaalad darrada dhacdayna somalida kale ayaan la qabnay,waxaana Gobolka ku soo ururay intii ugu badnayd madaxdii Mareexaan ee deegaannadii ay xukumi jireen laga soo eryay,doonayana in ay wada xukumaan Gobolka ay ku soo qaxeen ee Gedo. Waxaa iyana in la xuso mudan, dhaqan xummida ka dhalatay dagaalka dabada dheeraaday ee aan horay u soo sheegay iyo dhiiri galinta dhaqaale darida uu Gobolka caanka ku yahay oo sababtay in dhallinyaro badan oo shaqo la'aan ah ay qoryaha qaataan nolol raadin darteed. Sababahaan aan kor ku soo sheegay ayaa ah kuwa ugu muhimsan ee uu la istaagi waayay dagaalka Gobolka Gedo.


DERISYADA GOBOLKA IYO DAREENKA JIRA

Gobolka gedo wuxuu ku yaallaa geeska Koofur Galbeed ee Soomaaliya, wuxuuna xudduud la wadaagaa dalalka Geeska Africa ee Kenya iyo Ethiopia. Dadka Gobolka Gedo degan waxaa kale oo ay deris wadaag yihiin qowmiyadaha kala ah:

  • a) Daarood
  • b) Digil & Mirifle, iyo
  • c) Dirta Koofureed.

Dadka Gobolka ku nol waxay u badan yihiin dad reer guuraa ah,waxayna dano ganacsi iyo daaqba la wadaagaan waddamada deriska ah iyo gobolada kale ee ku dhow deegaankooda,sidaas awgeed ayaa dagaalka gobolka saameyn weyn ugu yeelan karaa darisyada iyo dhowridda danaha guud ee ka dhaxeeya shacabka gobolka iyo SNF/SRRC. Hogaanka SNF/SRRC, waxay isku aragti yihiin madaxda kale ee deriskooda oo ku wajahan sidii danahooda dhaqan, bulsho iyo siyaasadba isku meel looga soo wada jeesan lahaa. Halka garabka kale ee SNF uu jideeyay aaminsan yahayna in colaad ay dhex marto derisyada gobolka, isla markaana siyaasad ahaan ku xiran dad gobolka Gedo uusan ka dhaxeynin derisnimo,dhaqan iyo dano siyasadeed oo gaar ah midna. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa dadka reer guuraaga ah ee reer Gedo ee ay mudddadaan danbe la soo deristay abaar iyo colaad, waxay badankoodu u qaxeen ilaa iyo imankana ku nool yihiin deegaanada gobolada aan deriska nahay sida: Bay, Bakool iyo gudaha waddamada Kenya iyo Ethiopia. Ilaah baa bad-baadiyaye, waxay dadkaas reer guuraaga ah ku badbaadeen isku duubnaanta iyo dareenka darisnimo wadaagga ah ee nagala dhaxeeya dadka aan deriska nahay sida gobollada noo dhow iyo waddamada aan xadduudda leenahay.


WAA MAXAY XALKA?

Xalka rasmiga ah ee gobolka Gedo wuxuu ku xiran yahay xal guud oo loo helo dalka Soomaaliya,waxaana ilaah ka rajaynayaa in xal kama danbeys ah Soomaalidu ay ku gaarto shirka eldoret,kenya.

Xalka gaarka ah ee Gobolka Gedo wuxuu u yaalaa dadka Gobolkaas u dhashay in ay ka wada fakaraan meel kasta oo ay joogaanba, gaar ahaan wuxuu xil ugu saaran yahay hoggamiyayasha dhaqanka, siyaasadda iyo aqoonyahanada u dhashay Gobolka, kuwaas oo meel uga soo wada jeesta xallinta qilaafaadka Gobolka, iskana ilaawo xal u raadinta qaybo yar oo ka mid ah dadka iyo deegaanka Gedo, isla markaana u midooba xal guud oo waara sidii lugu heli lahaa Gobolka Gedo, ayadoo muhimadda la siinaayo midnimada Marreexaan. Qof kasta oo qaba feker kan ka badalan ama dalka ka war qaba oo bixin kara xog dheeraad ah,waan soo dhaweeynayaa in uu aragtidiisa ka hadlo, asagoo taabanaya Group, Qabiil, ama shaqsiyaad uu is leeyahay qaladkooda bulshada waa lagu qancin karaa, waana in uu la yimaadaa caddeymo buuxa oo lagu qanci karo. Sidaasi markii la yeelo oo si cad oo aan leex-leexad laheyn loo doodo, waxaan qabaa in ay sixitaanka qaladaadka jira qayb ka qaadan karto, waxaana sidaas u leeyahay cudur marka la garto ayaa daawadiisa la helaa.

I  I  D  H  E  H

Qof kasta oo doonaaya in uu kasoo jawaabo ama uu aragti ka dhiibto qoraalkaan, jawaabtiisa hakusoo aadiyo email address-ka hoos ku qoran.

Abdi Dahir Hassen (Abdiyare-garabroor)

Xoghayaha Guud ee SNF/SRRC

snfsrrc@yahoo.com 

December 25,  2002 

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

Aragtidii Soomaalida ee 2001 ay ka qabeen Xabashida..... 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]