SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 Shirka Eldoret: Kala Tagii Soomaaliya Mise Isu Keenkeedii.?

 

I  I  D  H  E  H

 

Waxaa bisha fooda inagu soo haysa ee November dhexdeeda shir lagu qaban doonaa Jaamcada la yiraahdo University of South Florida ee ku taala wadanka Maraykanka, shirkaas waxaa looga hadli doonaa sidii Itoobiya, Soomaaliya, Eretereya iyo Jabuuti ay u wada samaysan lahaayeen nidaamka Confederalka layiraahdo. Konfederaalku waa in iyadoo dawlad walba oo Dawladahaas ka tirsan sideeda u jirto hadana ay ka midoobaan dhinaca Gashaandhiga iyo Arimaha dibada, yeeshaana lacag halnooc aha, wadaagaana suuq dhaqaale, waxaa taas tusaale u ah Midowga reer Yurub. Hadaba waxaa is weydiin mudan maxaa xiligaan loogu soo aadiyay? maxayse tahay xiriirka arintaan kala dhaxeeya shirka Eldoret ee ka bilaabmay Kenya?.

Runtii waa su,aalo isweydiin mudan, waxayse u muuqataa in xiriir ka dhaxeeyo arintaas weliba markii qudbadii Ra,iisulwasaaraha Itoobiya lala xariiriyo arinkaan, Zanawi wuxuu u sheegay shirka Eldoret in shirkani yahay kii ugu danbeeyay ee Soomaalida loo qabto, hadaba waxaa lays waydiin karaa hadii shirkaan fashilmo cid shir kale qabanaysaana aysan jirin sidee xaalka Soomaaliya noqon karaa?. Hadii aan ku horeyno shirka Eldoret wuxuu u muuqdaa mid aan guulaysan doonin dhowr sabab awgood laakiin waan soo koobi doonaa.

Tan hore hogaamiye kooxeedyada oo aan marna doonaynin heshiis dhab ah sababt ugu wayna waxeey tahay iyagoon isku kalsoonayn, waxaan marna suurta gal ahayn Caato ama Caydiid, Qanyare ama Suudi wixii ay kawaayeen Dawlada Carta in ay ka helayaan shirka Eldoret, tan kale kala qaybsanaanta waa sii badatay oo shalay Suudi iyo Finish waa wada jiree sida Shaati Guduud iyo Sh. Madoobe oo kale halka Puntlandina ay lahayd hal maamul maantase waa labo Caato iyo Saciid Bul bulna waa wada jire koleey Cartana sida muuqata shirkaan ayeey ku qaybsami doontaa. Tan labaad, cida leh qabanqaabada Shirka waa IGAD.

Igaad waa Dowladu isu tegey oo markii Dowladahaas ay maslaxadooda meesha ka waayaan way ka baxayaan arinta, weliba arintaas waxeey cadaan doontaa markii la gaaro qaybsiga xukunka waxaana hada sii muuqata maqnaashaha Jabuuti oo la oran karo waxay la maqan tahay waa iyadoon sidii ay rabtay wax loo wadin lana ictiraafin kaalinteedii lixaadka lahayd ay ka qaadatay shirkii Carta iyo waliba natiijadiisii oo ah DKM. Tan sedexaadna majirto sida muuqataa Quwad sidii Afgaanistaan daba taagan oo shirkaan balan qaadaysa wixii ka soo baxaa in ay fulintiisa iyo culaykiisaba shafka u garaacaysa, Qaramada Midoobay iyo reer Yurub hada wax ay xalin karaan marka la fiiriyo siyaasada caalamiga ah majirto, balse reer Yurub markii ay wax kaqaban waayeen arintii Kosovo oo Yurub ka tirsan Maraykanka ayaa wax kaqabtay Waxaasoo idil markii laysku geeyo waxaa muuqata rajada Eldoret in aad u yartahay hadaba su,aashu waxeey tahay maxaa ku xiga hadii uu fashilmo shirkaas.

Waxaa marka hore la ictiraafi doonaa Somaliland sida muuqata oo aan iyada lagu marti qaadin shirka. waxaa iyana meesha ka bixi doona ictiraafkii ay Carta ka haysatay dunida oo waxeey noqon doontaa koox kooxaha ka mid ah. Ka dib waxaa laysku deyi doonaa in Somaliland iyo Soomaalida inteeda kale ay konfederaal lagalaan Itoobiya. hadii intaas suurtoobi wayso waxaa aad suurta gal u ah in Soomaaliya loo magacaabo Tomy Frank Itoobiyaan ah taa soo ah moodo ama style siyaasadeed oo cusub uu Maraykanku dunida barayo. Dagaalka Ciraaq ka hor Maraykanku wuxuu dunida baray moodeel siyaasi ah oo la yiraahdo "Karazaay" oo ah in dawlad banaanka laguu soo dhisay qasab gudaha wadan kale loga hirgeliyo laakiin taas waxeey u muuqatay in ay fashilantay waxaase hada bilaawday moodo kale oo la yiraahdo Tomy Frank oo ah in Janan Maraykan ah uu xukumo Dawlada madax banaan waa qorshaha Ciraaq lala damacsanyahay, taasina waa looga daysan doonaa maraykanka mar hadii uu dhumo sharciga Dawliga ahna wax walba filo.

Gabagabadii, waxaa laga yaabaa in aan ahay (pessimistic) ama “Sharayste” horaase loo yiri “Khayr waxba kaama dhibee Shar u toog haay”. Hadaba waxaa la gudboon indheergaradka Soomaaliyeed oo mas,uuliyada sida goonida ah ugu dhacayso in ay u tafaxaytaan sidii looga badbaadi lahaa qatarta ku soo socota wadankooda taa soo nawada saamayn doonta noqdaana dad jooga heerka mas,uuliyada.

Bulshada Rarayadka Ah (Civil Society) Boos Ma Ku Leedahay Nabadaynta Soomaaliya.
 

WQ. Abdirahman Abdishakur Warsame

(LLM) (LLB) Email. cabdirahman@hotmail.com

Tel: 447932423202

 

Oct 18, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka 

 DKG oo Diyaar u ah in ay Itoobiya kula Midowdo Nidaamka Confederalka 
hadii eey " dowladda itoobiya taageerada ka joojiso mucaaradka DKMG ah" isla markaana GUJI 12/10
DOODFURAN:
Sidee Dadweynaha Soomaalidu u arkaan hadalkaas 

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD