SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - YEMEN
Madaxda wadamada Yemen,Suudaan Iyo Itobiya oo shir kuleh magaalada sanca

I  I  D  H  E  H


Shirkadda Xawaaladda Degdega ah ee Amal Express ...GUJI...

Waxaa lafilayaa in maanta uu ka bilowdo magaalada sanca ee caasimada wadankaan yemen shir sadex geesood ah oo ay leeyihin wadamada Yemen Suudaan iyo Itoobiya Ayadoo lasheegayo in madaxda wadmada kulaalayo badda cas eey kawada hadlayaan arimo badan oo kusaabsan arimaha gobolka geeska afrika, siiba arimaha nabad-galyada ee guud ahaan geeska afrika iyo waliba gaar ahaan dadaalka nabad raadineed ee soomaaliya iyo waliba xal uhelida arimaha soomaliya.

Sidookale waxaa sida uu sheegay wasiirka arimaha dibadda ee dowlada yemen Dr:Abuubakar Al-qirbi oo u waramayay jariidada 26september in madaxweyna yaashu ey kawada hadli doonaan arimaha ganacsiga ee gobolka iyo waliba arimaha bariga dhexe.

waxaa wararku sheegayaan in madaxweynaha dowlada Eratariya uu ka baaqasaday in uu yimaado shirka, ayadoo sidookalana uu ka cudur daartay madaweyne Geellaha jabuuti, sida la shegayana uu madaxweynaha DKG, C/qasimna uu mashquul ku yahay shirka dib u heshiisiinta ee la filayaom in uu barrito kabilowdo wadanka kenya.

W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji

Sana'a Yemen

abuukarsom@hotmail.com 

Oct 14, 2002

..........

FADLIGA BISHA SHACBAAN

Asalamu aleykum Yaa Muslimiin!

In maalmo badan laga soomo bisha SHACBAAN. 

Caa'isha (a.k.n) mar ay ka sheekaynaysay soonkii Rasuulka SCW ayey waxay tiri: "Ma aanan arkin Rasuulku SCW bil uu ka soon badnaa bisha Shacbaan."

Sidaa daraadeed walaalayaal waxaa nafteyda iyo tiinaba ugu dardaarmayaa inaa bishaan ka faa'ideysano, oo aan soonka badino inteyna bishaan dhamaan, waayo xikmado badan ayaa ku jira soomida bisha Shacbaan waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha Ramadaan. Yacni adigoo soonka la qabsaday ay bishii Ramadaan soo galeyso, saas daraadeed aan ka faa'ideysano fursadaan qaaliga ah! Wabilaahi Towfiiq. W/C/W/W.-

Osmanbilad  osmanbilad@hotmail.com 

Columbus, OH, USA: "Waxaan Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo Aakhiro!"

Dheelmidii Nebiga Sallallahu Calayhi Wasalam GUJI

»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo dhow GUJI

»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey oo MN Booqday! GUJI

»»  Ninkii Beeniyey Dajaal oo Lasiiyey Jawaab Xaqiiqtusida GUJI

Oct 14, 2002

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD