SomaliTalk DALSAN
SomaliTalk.com
Online Community
WEATHER LINKS
. AccuWeather
. WeatherNetwork
. WeatherBase
. Weather
. nws.noaa.gov
. IntelliCast
. WeatherOffice
. Environment Canada
SCIENCE
. NationalGeographic
. Discovery
. Animal Discovery
. Discovery ca.
. Nature Magazine
. Science Magazine
. The Lancet
ENGINEERING
. Eng. Net Base
. Clearing House
. ASCE Publications
. Eng.Virtual.Library
. Engineering Info.
. Civil Eng. Journals
. Testing&materials
. CSA International
. P. E. Ontario
. N. S. P. E.
HEALTH TALK
. Asthma Edu. Network
. Asthma Resource
. Asthma & indoor
. Asthma and Immun.
. Asthma and Allergy
. Astham Campain
. Allergy & Asthma

Home | FreeWebs | FreeEmail | TellFriends | Search
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RAJAB 1423
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakat | Saxaabada | Siiro | Haj
DHEELMINTII NABIGA SALLALLAAHU CALAYHI WASALAM

 Suuradda Al-Israa (Dhegeyso 17:1)

I  I  D  H  E  H

Todobo iyo labaatankii bishii Rajab sanadkii 10naad ee soo saaridii Nabiga Sallalaahu Calayhi Wasalam ayaa ahaa habeenkii la dheelmiyay Nabigeena suuban sallallaahu calayhi wasalam. 

Dhacdadan qiimaha leh oo loo yaqaan AL ISRAA WALMICRAAJ ayaa ku beegnayd habeenimadi Jimcihi ee taariikhdu ahayd 4ti bishan aynu ku jirno ee Oktobar 2002. 

Waxaa Nabiga Sallaallaahu calayhi wasalam laga kexeeyay habeenkaa Xaramka Makka ilaa Masjidul Aqsaa halkaa oo uu salaadii horkacay dhamaan Anbiyadii Ilaahay Jalla Jalaaluh. Ka dib waxaa halkan looga qaaday oo la saaray samaawaadka wuxuuna Nabigu sallallaahu calayhi wasalam sama walba kula kulmay qaar ka mida Anbiyadii uu ku soo tujiyay dhulka halkaas ooy mar labaad ku soo dhaweeyeen iyagoo ugu hambalyaynaya martiqaadka sharafta leh ee uu ka helay Eebihiis Jalla Jalaaluh. Wuxuu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam habeenkaa arkay qaar ka mida ayaadaha ugu waawayn ee ilaahay Jalla Jalaaluh, wuxuu halkaa uga gudbay geedka loo yaqaan Sidratul Muntahaa iyo aqalka la yiraahdo Baytul Macmuur. [Eeg meelihii uu Nebigu kula kulmay anbiyada kale]

Intaa ka dib wuxuu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam gaaray sharaftii soo dhawaynta Eebe Jalla Jalaaluh taas oo ah darajo aanu gaarin makhluuq aan isaga ahayn -Allaahu Akbar- ilaa uu maqlay sharqanta qalinka iyo looxal . Waxaa Eebe Jalla Jalaaluh uu habeenkaa Nabigiisa sallallaahu calayhi wasalam ku karaameeyay aragtidiisa iyo la hadalkiisa wuxuuna nabigu Sallallaahu calayhi wasalam akhriyay salaan uu u jeediyay Ilaahay Jalla Jalaaluh, waana salaanta maantay qof kasta oo muslim ah uu ku akhriyo salaadiisa(Atixyaadka). 

Waxaa halkaa Nabiga sallallaahu calayhi wasalam lagu soo gudoonsiiyay hadiyad aad u qiima badan oo ah 5 salaadood ee muslimiinta oo idil meel walba ooy joogaan maalin walba 5 jeer tukadaan, gudashada waajibkan ka sokow waxaa Eebe ugu tala galay in aan maalin walba dareeno dhawaanshahiisa iyo la hadalkiisa waana laba shay oo ka mida waxyaalihii uu Nabigeenu sallallaahu calayhi wasalam habeenkaa gaaray. 

"Usheeg Umadaada in qofkii yiraahdo "Subxaanalaah walxamdulillaah walaa ilaaha illallaahu wallaahu akbar" Janada loogu beeri doono geed ka mida geedaha janada.

Waxaa habeenkaa Nabiga Sallallaahu calayhi wasalam la tusay nicmooyinka faraha badan ee Eebe Jalla Jalaaluhu u diyaariyay adoomadiisa wanaagsan, waxaa gaar ahaan la tusay maqaamkiisa uu ku leeyahay Janada ilaa uu damcay inuu galo markaasaa Malakul Jibriil wuxuu ku yiri wali waxaa kuu haray waqti ay tahay inaad soo dhamaysato, sidoo kale wuxuu arkay oo la tusay Naarta iyo Malga maamula Maalik waana sababta uu u yiri "Hadii aad ogtihiin waxaan ogahay in yar ayaad qosli lahaydeen in badanna waad booyi lahaydeen". Waxaa habeenkaa uu Nabigu Sallallaahu calayhi wasalam hadiyad kale inooga keenay Nabi Ibrahiim calayhi salaam oo uu kula kulmay samada todobaad wuxuu yiri hadal micnihiisu yahay "Usheeg Umadaada in qofkii yiraahdo "Subxaanalaah walxamdulillaah walaa ilaaha illallaahu wallaahu akbar" Janada loogu beeri doono geed ka mida geedaha janada.

MAWQIFKII REER MAKKA

Waxaa reer makka aad ula waynaaday in Nabigu Sallallaahu calayhi wasalam uu uga warramo akhbaar aan caqli gal la ahayn waxaanay ku jawaabeen "Laba bilood ayaan u soconaa Qudus adiguna waxaad inoo sheegaysaa in habeen qura aad uga soo laabatay waliba uu Alle Jalla Jalaaluh samada kuu qaaday, maahan caqli gal mana rumayn karno". Maadaama ay ogaayeen in Nabigu Sallallaahu calayhi wasalam aanu waligi aadin Qudus ayay yiraahdeen hadii ay runtaa tahay bal wax inooga sheeg Masjidka Qudus iyo calaamada kale ooy markaa garanayeen Nabiguna Sallallaahu calayhi wasalam mid mid ayuu uga jawaabay su'aalahoodii hayeeshee waxay ka qaadeen kibir iyo waali mana ayan rumayn bal waxay u tageen Abuu bakar ooy ogaayeen inuu yahay gacanta midig ee Nabiga Sallaallaahu calayhi wasalam si ay uga faa'iidaystaan fursadan qariibka ah ee ula muuqata in ay suura galin karto sidii Abuu bakar loogu beeri lahaa shaki hayeeshee waxay kala kulmeen wax ka fajiciyay wuxuuna ugu jawaabay hadii uu Muxammad Sallallaahu calayhi wasalam sidaa yiri waan runtii aniguna waxaan rumaysanahay wax intaa ka xag jira, waxaan rumaysanahay in mudo ka yar il milicsi samada waxyi uga yimaado idinkuna waxaad ka hadlaysaan habayn dhan -Allaahu akbar-.

GUNAANAD

Waxaa waaqicadan si tafaftiran uga hadlay dhamaan kutubta tafaasiirta, kutubta siirada, iyo kutubta axaadiista Nabiga sallallaahu calayhi wasalam, waxaanan jeclaystay inaan isku baraarujino muhimada ay leedahay xaadithadan maadaama lagu jiro waqtigii ay dhacday isla markaana ay anaga iyo website-keenan soomaaliyeedba ay sharaf u noqoto sheekada Nabigeena udgoon Sallallaahu calayhi wasalam. Waxay dhacdadani shaaca ka qaaday in Nabigeenu Sallallaahu calayhi wasalam yahay kan ugu fadli iyo khar badan inta Eebe uumay Jalla Jalaaluh, in salaadu tahay rukni aad u sareeya iyo waajib muqadas ah oo aad u wayn, in rumaynta Eebe Jalla Jalaaluh iyo Rasuulkiisa Sallallaahu calayhi wasalam ay sal dhig u tahay rumaynta wax walba ooy sheegeen, waxaa kale ooy dhacdadini inoo tilmaamaysaa darajada iyo maqaamka siyidinaa Abuu bakar Sidiiq Alle ha ka raali noqdo. Arinta ugu dambaysa ee mudan inaan ka fikirnaahi waxay tahay xaalada Qudus iyo xaalka muslimiinta, in kastoon ogahay in taayadu na cuslaysay hadaan nahay Soomaali hadana dareenkeena waa inaanay marnaba ka maqnaan in mas'uuliyad toos ah ay inaga saarantahay dhamaan qadaaayaadka Islaamka iyo Muslimiinta. Waad mahadsantihiin.

WQ Faysal Cali Ciise  

awfaysal@hotmail.com 

Oct 6, 2002

»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo dhow GUJI

»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey oo MN Booqday! GUJI
»»  Ninkii Beeniyey Dajaal oo Lasiiyey Jawaab Xaqiiqtusida GUJI...  

»  CASHUURA WAA MAALIN FADLI BADAN 

» 1423: Maalmaha Muhiimka ah ee Sannadkan Islaamka

 

.... SU'aalo Cilmiyeed 


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
KNOWLEDGE.CENTER
health
Chemicals and Health
kaneeco
Mosquito bytes
poluution
Air pollution
smookin.gif (16385 bytes)
Still smoking

Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved.



HTML CD