SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - IQRA
 Reer Galbeedka oo soo dhoweeyay Dawlad laga dhiso Soomaaliya.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali

2 October 2002, Nairobi-Kenya

Somalitalk / IQRA

Doblamaasiyiin reer galbeed ah oo u waramayay saxaafada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay soo dhowaynayaan dawlad laga dhiso dalka soomaaliya maxaa yeelay tan iyo qaraxyadii dalka maraykanka ee 11 september ayaa caalamka waxaa uu garwaaqsaday in soomaaliya ay gabaad u noqon karto argagixisada caalamiga ah.

Waxaana lasoo afjaray heshhiis dawlada Kenya ay Kala Saxiixdeen Dhowaan reer yurub oo Ku Saabsan Taageero Maalgelineed Ee Shirka Soo Socda Ee Dib U Heshiisiinta Somalida.
DIGNIIN:

»» Virsuka Halista ah ee Goldfish
»» Virus cusub oo cinwaano badan wata
»» Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT
»» Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
»» Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka

 Dhammaan ka akhri halkan

 

Heshiiskani Waxaa Uu Qayb Ka Yahay Kaalmada Yurub Ku Gacan Siinayso Hanaanka urur goboleedka IGAD Isku Soo Dubariday Ee Ay Wadajirka Uga Shaqaynayaan Dalalka Kenya , Djibouti Iyo Ethiopia Iyo Xoghaynta IGAD Ee Nabadda Dalka Somalia.

Dawladaha reer galbeedka ayaa waxay soo dhoweeyeen haanaanka Dadaalka Dalalka IGAD Ee Safka Hore arimaha Somalia Ee Horumarinta Dib U Heshiinta.

Shirka soomaalida oo dhowr fadhiyo noqon doona ayaa waxaa lagaga hadli doonaa arimo dhawr ah oo ay kamid yihiin :

1-Heshiisiin marka hore dhinacyada siyaasada soomaaliya.

2-In laga hadlo qaabka dawlada loo dhisayo

3-Awood qaybsi dhinacyada siyaasada.

4-Dhisitaanka dawlad qaran ugu danbayn oo lagu soo afjaro colaada 12ka sano ka taagan soomaaliya sida aan ka helay ilo lagu kalsoonaan karo.

Dawldaha ugu deeqay lacagaha lagu maalgalinayo shirka soomaalida ee magaalada Eldoret bartamaha bishan ayaa u badan reer galbeedka.

Dalka jarmalka waxaa uu ugu deeqay shirka dib u heshiisiinta 750’000 oo lacagta euro

Dalka Ingiriiska waxaa uu ugu deeqay 25’000 oo Pounds.

Dalka Maraykanka waxaa uu ugu deeqay 100’000 oo Dolar waxaana uu balan qaaday 250’000 dolar

Dalka taliyaankga waxaa uu gacan ka gaysan doonaa waxyaabaha ay saadku kamid yihiin.

Ururka jaamacada Carabta waxay ugu deeqeen 50’000 oo doolar.

Shirka soomaalida waxaa loo qoondeeyay ilaa iyo haatan sida aan ku helay warar xogogaal ah 300 oo ergo oo 200 kamid ah ay yihiin kooxaha iyo dhinacyada hubaysan halka 100 ay yihiin bulshada rayidka.

ridwanhaji@journalist.com   

Nairobi,Kenya

Oct 2, 2002

Yurub iyo Kenya oo kala saxiixday Heshiis
ku saabsan Maal galinta Shirka Soomaalida ee Eldoret. Guddiga Yurub ee lagu soo gaabiyo (EU) Iyo Dawladda Dalkan Kenya Waxay GUJI.. oct 1

Bulgaria iyo Romania oo Mucaawino Gaarsiinaya Somaliya
u qaybsanaha arimaha gobolka Baalkanka ee DKMG , ahna safiirka Soomaaliya u fadhiya Liibiya ayaa GUJI..  
Wararka kale ee Maanta waxaa kamida

»» Urur Islaami ah oo Booqday Soomaali Kuxiray Minnesota GUJI
»» Sharci liddi ku ah saxaafada Xorta ah oo kasoobaxay DKG GUJI
»» Qoxootiga Bantuga oo gudniinka ku boobsiinaya gabdhohooda GUJI
»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo dhow GUJI
»» Kalfadhiga Islaamiga ee 5aad oo laguqabanayo Ottawa GUJI

Wararkaas oo dhan ka akhri halkan


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

 

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya
 
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
Wiil Dhallinyaro ah oo Siweyn u Gubtey
wiiloo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta ah... GUJI..

 



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD