SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARARKA
Qoxootiga Bantuga oo gudniinka ku boobsiinaya gabdhohooda !  
Gudniin
Qoxooti somaliyeed oo jooga Kenya.

 sida eey sheegtay wakaalad warar oo laga leeyahay waddanka Holland, waxaa xeryaha qoxootiga ee somali-bantu-gu daggan yihiin ee dalka Kenya ka billowday olole si habsami ah u socda oo lagu gudayo gabdhaha soomalida ah ee ku guuleystay in mareykanka dib u dajin loogu qaado, waalidkooda ayaana howshan ku dhaqaaqay ka gadaal markeey maqleen ineeysan u suuroobeen ineey gudniinka ku sameeyaan waddankan mareykanka.

tiro aan caadi aheyn ayaa lagu boobayaa gudniinka gabdhaha Bantu-ga ee ku jira xeryaha qoxootiga, sidaas waxaa xaqiijiyey shaqaalaha gargaarka.

ku dhawaad 12,000 oo reer bantu ah ayaa loo ogolaaday in dib loo dajiyo mareykanka, waxeeyna iyana dhinacooda bilaabeen ineey gudaan hablohooda, oo xitaa qaar laba jir lagu guday.

caadi ahaan dhaqanka soomalida gabdhaha waxaa lagu gudaa inta u dhexeysa 8 jir ilaa & 12 jir.

Gudniinka gabdhaha - oo qolooyinka ka soo horejeeda eey u yaqaanaan " xubno goynta gabdhaha" - ayaa lagu farsameeyaa xubinta taranka ee gabdhaha, oo xitaa la yiri " qaarkood waa lagu xadgudbaa" .

gudniinka waa caado baadiyeed lagu qanciyo gabdhaha ineeyan dumar sax ah noqoneen jeer la gudo mooyee, khubarada caafimaadkuna waxeey ku andocoodaan " inuu dhibaatooyin caafimaad oo qota dheer gaarsiiyo hablaha, islamarkaana dareema tiro gabdhaha"

I  I  D  H  E  H

Mareykanka & inta badan dowladaha reer yurub ayaa mamnuucay in dhulkooda lagu farsameeyo gabdhaha, sidoo kale waddanka Kenya ayaa inka yar sanad la mamnuucay gudniinka, laakiin " suuqa madow ayaa lagu sanceeyaa howlahan"

dowladda mareykanka ayaa iyadoo adeegsaneysa " casharada dhaqan celinta" ee la siiyo qoxootiga intaan la soo qaadin u sheegtay qoxootiga inaan la oggoleyn gudniinka, afhayeenka safaarada Mareykanku ku leeyihiin Nairorbi-na wuxuu saxaafadda u sheegay " ineey hey'aduhu ka warqabaan dhibaatooyinkan, eeyna isku dayayaan qaab eey uga hortagaan" .

Hey'adda (dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn) ee fadhigeedu yahay Belgium ayaa xaqiijisay " in xubna goynta gabdhuhu si xowli ah uga socoto qoxootiga bantuga dhexdooda" waxaana ilaa & hadda soo gaaray 3 kays oo gabdho ka yar 3 sano oo lagu guday, oo hadda dhibaatooyin caafimaadi heystaan.

shaqaalaha hey'adaha gargaarka ah ayaa sheegay ineey isku dayayaan ineey la hadlaan doqowda beesha Bantuga si eey bal isugu dayaan ineey arrintan joojiyaan.

Bantugu waa ka soocan yihiin arag ahaan inta badan soomalida, sidaas awgeed ayaana lagu midab takooraa oo shaqooyin badan looma oggola ineey ka shaqeeyaan, waxaana loogu yeeraa aflagaadooyin ka turjumaya yasid & quursi, waxaana ka mid ah " Adoon" .

200 sano kudhawaad ayaa laga joogaa markii eey bantugu markii ugu horeeysay kasoo hayaameen dhanka koonfureed ee qaarada madow (africa). ha yeeshee wexeey ku sii dhaganaadeen beeraleynimadoodii, walow eey soomalida isaga milmeen diin ahaan & luqad ahaanba.

1999-kii ayeey dowladda mareykanku ku dhawaaqday ineey dib u dajineyso bantuga, ha yeeshee waxaa hakad galiyey dhacdooyinkii Sept 11. waxaana lagu soo daabulay xerada dhadhaab iyagoo hadda la soo dajiyey xerada Kakuma si loo fududeeyo su'aalo weydiintooda.

culimo badan oo soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyey caada dhaqameedkan, ha yeeshee cid dhag jalaq u siisay lama arko, walow eey jirto in guud ahaan dadka magaalooyinka ku nool ee waxbartay eey ka ilbaxeen caadadan.

Arrinta sheegidda mudani wexeey tahay in qaar ka mid ah gobolada soomaaliyeed eey isbitaaladooda ka mamnuuceen in gudniin gabdheed lagu sameeyo.

Aragtida dadweynaha iyo Gudniinka Fircooniga (dhiibo ra'yigaaga)

C/raxaman Ceynte

St.Paul, MN

ceyntejournalist@attbi.com 

ISHA QORAALKA - GUJI HALKAN 

SomaliTalk | Oct 2, 2002

WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Kulankii Ardayda Soomaaliyeed

ee dhigta Jaamacadaha Gobolka Minnesota: Jaamacadaas oo keliya waxaa dhigta 150 arday Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in... GUJI 29/9

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
The Nigerian Scam Defined [Sharaxaad dheer ayaa laga bixiyey khiyamadii 419 ee Nayjeeraya, waa hab qofka loo soo xeragelinayo ayadoo si khiyaamo ah looga qaadayo lacag hormaris ah,  taas oo ahayd khiyaamo aad u weyn oo soo foodsaartay caalamka... Click] 
Warbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal..
GUJI.. 
Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
»Maxamuud Wardheere oo waraystay carruur Soomaaliyeed oo dhigata dugsiyada Minnesota, kuwaas oo sheegay in...
»Jabuuti oo ahayd usbuucii tegay shaacirada ugu waynayd cawaysinka Jay Leno USA...

»Xukuumadda Bush oo bedeshay istiraajiyada... GUJI...
Wiil Dhallinyaro ah oo  Gubtey
oo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta.. GUJI..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]