SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA, USA
somaliKulankii Ardayda Soomaaliyeed ee Dhigta Jaamacadaha Minnesota 

Warbixin: Qaybtii 1aad | 2aad
Wq.Maxamed Cali | webmsater@somalitalk.com

"150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota" Tiicey

(SomaliTalk.com Sept 29, 2002)

Xalay ayey ahayd markii loo balansanaa kulankii ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadaha kuyaalka gobolka Minnesota. Ballantaas oo gaar ahaan ku saabsanayd doorashada gudiga ardayda jaamacada Minnesota (MSSU). Kulankan waxa lagu qabanayey Jaamacada dhexdeeda, gaar ahaan kuliyada "Carlson school of managment".
mssu
Yaasiin Garaad "mas'uuliyadda aan dareeno"

Kulankii waxa uu bilaabmay qiyaastii 30 daqiiqo kaddib markii la qorsheeyey, waxaana lagu furay wacdi uu soo jeediyey Yaasiin Garaad. Bilowgiiba waxa uu Yaasiin xusay sida ay diinta islaamku u tahay Nasteexo. Waxaana uu halkaas kasoo jeediyey qisooyin dhawr ah oo uu dadkii kulanka kasoo qaybgalay ku xusuusinayey sidii ay u dareemi lahaayeen macnaha iyo miisaanka ay leedahay mas'uuliyaddu. Waxana uu is barbardhigay bini-aadamka iyo mas'uuliyadda uu qaaday iyo xayawaanka iyo mas'uuliyadda uu qaaday. taas oo uu yiri ma xayawaanka ayaan ka liidanaa sida ay u garteen mas'uuliyada.

Yaasiin Garaad qisooyinka uu xusay waxaa kamid ah ahaa qisaadii Fircoon iyo ilaahnimadiisii iyo dagaalkii uu la galay Nebi Muuse. Qisadii ninkii qaaday masuuliyadda ahayd in uu dadka ugu yeero in ay Allah iyo nebiyada adeecaan kadibna naftiisa ku waayey oo Allah ugu abaal gudey janada.

Waxa kale oo Yaasiin xusay qisadii Nebi Suleymaan iyo Quraanyada ee suuradda Al-Namal, iyo qisaadii Hud-hudkii amar la'aanta nebi suleymaan kubaxay oo markii uu maqlay in loo carooday balanqaaday mas'uuliyada ah in uu naftiisana badbaaadiyo kana warkeeno qoom dhan (oo reer Yaman ah) kuwaas oo markii dambe nebi suleymaan raacay. Waxana uu Yaasiin hadalkiisa kusoo gabagabeyey xusuusinta "kulu-kum mas'uulun can raciyatihi...." oo uu yiri mas'uuliyadda aan dareeno.

jamal aden
Jamaal Aadan "mas'uuliyadda aan dareeno"

Kaddib waxaa cod-tebiyaha lagusoo dhoweeyey madaxweynihii hore ee ururka ardayda Soomaalida ee Jaamacadda Minnesota, Jamaal Aadan, oo ka hadlay taariikh kooban ee ururka isagoo ku bilaabay su'aal uu dadweynihii weydiiyey oo ahayd maxay u taaganyihiin kelmedaha MSSU, taas oo qayb dadweynihii kamida gacanta u taageen in ay garanayaan oo ay tahay "Minnesota Somali Student Union". Waxa markaas kabacdi uu Jamaal xusay in fikrada ururka ay koox arday ah isla soo jeediyeen sannadkii 1997kii, laakiin waxa uu yiri ururkani ma hirgelin ilaa bishii May 25keedi, 2000 markaas oo ay shirweyne isugu yimaadeen 50 arday Soomaaliyeed si ay salka ugu dhigaan ururkaan. 

Jamaal waxa uu sheegay in waqtigaas meel la isla dhigay magaca ururka, ujeedadiisa, dastuurkiisa iyo yoolkiisa ama waxa uu higsanayo. Waxana markaas la magcaabay ayuu yiri shan sarkaal oo uu yeeshay ururku.

Waxa uu sheegay in ururka asaas looga dhigay saddexda qodob ee ah:

  1. Muslim-nimada oo uu salka ku hayo
  2. Soomaali-nimo
  3. Aqoon ku tiirsanaan

Waxana uu sheegay in ururka laga xaarantinimeeyey saddex arimood oo ah:

  • Qab
  • Qabiil
  • Qaylo

Waxa kale oo Jamaal uu sharaxay qaab dhismeedka ururka ardayda Soomaaliyeed in aan lagu salayn habka loo yaqaan saddex-dagalka balse lagu saleeyey habka siman  [saddex-dagalka waxaa looga jeeda in amarka oo dhan ay isugusoo biyo shubtaan hal qof, balse qaabka siman mas'uuliyada in loo simanyahay, eeg sawirka midig]. Waxana Jamaal xusay in doorasho xor ah sannad walba mar la qabto si loosoodoorto xubnaha hoggaaminaya ururka - taas oo ahayd waxa uu kusaabsanaa kulankii caawa.

somali
"Mahadsanid Jamaalow, laakiin 10 daqiiqo oo aan meesha kujirin ayaad iga qaadatay" qaybiyii xaflada ayaa yiri.

Intii aan xafladu bilaaban ayey iisuurta gashay in aan daalacdo wargeys ay ardayda jaamacaddu soo saaraan oo lagu magcaabo "Somali Student Journal". Waxaa markiiba indhahaygu qabteen maqaal ku qoraa bogga ugu horreeya kaas cinwaankiisu ahaa  "ISLAAM, ISIRKA LIIBAANTA: QEEXIDDA ISLAAMKA". bilowga qoraalkaas waxaa ku xusan suuradda Aal Cimraan aayadeeda 19 ,  iyo isla suuradaas aayadeeda 85. Qaybaha dambe ee qoraalkana waxaa ku xusan suuradda Al-Xijri aayadeeda 9. Akhristaha ayaan u dhaafay in uu derso macnaha aayadahaas. [Quraan].

Wargeyskii ayaan weli kujiraaye, marka la sii dhexgalo waxaa ku qoraa laba maqaal oo si gaar ah u taabanaya Soomaalida qurbaha, kuwaas oo kala ah: 

  • "Sidee loo ababiyaa Carruur wax ku ool ah" oo ay qortay Safiya Yaasiin Faarax oo dhigata "Century College of Minnesota"
  • "Soomaalida Dibadaha kunool oo dayacday isticmaalka Af-Soomaaliga" oo uu qoray Saciid Shekh Cabdi oo dhigta Jaamacada Minnesota.

I  I  D  H  E  H

Intii aan qoraaladaas akhrinayey waxaa meel agtayda ah fadhiyey arday Soomaaliyeed oo dhigta Jaamacadda oo ku sheekaysanayey Luqada Afkasoomaaliga iyo Ingiriis iku dhafan. Waxaa iiga muuqatay hadalkooda marka ay isku dayaan in ay Afsoomaali ku sheekaystaan in aysan isu gudbin karayn nuxurka waxa ay ka hadlayaan, taas oo aad arkeysid in marwalba ay ku laabanayaan luqada Ingiriiska.

Waxaa taas iiga yaab badnaa waxyar ka hor intii aanan shirkan aadin ayey iisuurta gashay in aan daalacdo cajlad Video ah oo kusaabsan culimo Soomaaliyeed oo ka hadlaayey dhibaatada qaadku u leeyahay umada Soomaaliyeed, waxaa iga yaabiyey in qiyaastii boqolkiiba 30% hadalka culimadaas uu ahaa luqada Ingiriiska oo kulaban AfSoomaliga, oo markasta oo ay isku dayaan in ay xigmad ama oraah qiima leh jeedayaanba ku sheegayey luqda Ingiriiska, waxaa taas ka yaab badnaa in meesha cajladaas lagu duubay ay ahayd shir ballaaran oo lagu qabtay wadan Yurub kuyaal oo dadka joogaa aysanba ku hadlin ingiriiska.

Halkaas waxaa kaaga soo baxaya in aqoon yahanadii cilmiga maadiga (waa ardada jaamacada'e) iyo aqoon yahanadii culuunta Islaamka (waa culimaa'u diinka'e) aysan xigmada ku gudbin karayn Af-Soomaali Barax La'.

mohamed aden tiicey
Maxamed Aadan (Tiicey) "Hadaydin hawshaan (ururka ardayda) qabankarayn hadaba ha isu sharixina"

Aan kusoo laabanee shirkii caawa oo meeshii kasii socda ayaa waxaa cod-tebiyaha lagusoo dhoweeyey Maxamed Aadan (Tiicey) oo kamida madaxda ururka soowadey sanadkan, waxana uu ku bilaabay soo dhoweyn martidii shirka iyo ardayda uu usoo gudbiyey asagoo ku hadlaayey magaca ururka ardayda. Kaddib waxa uu Tiicey ka hadlay waxyaabihii ururka u qabsoomay iyo waxyaabaha aan qabsoomin mudadii sannadka ahayd ee ay majaraha u hayeen hogaanka ururka. 

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Tiicey sheegay in ay qabteen waxaa kamid ahaa website ay u dhiseen ardayda si ay aaraa'dooda isugu weydaarsadaan, xiriiro badan oo ay sameeyeen kuwaas oo kusaabsana wacyi gelinta shacabka Soomaaliyeed  maadaama waqtigaasi uu ku beegnaa September 11,  Hirgelinta ururo Soomaaliyeed oo kajira dhammaan jaamacadaha iyo mac-hadyada gobolka Minnesota,  iyo cilmi baarisyo socda oo kusaabsan "DHUXUSHA SOOMAALIYA" oo dhowaan soo gabagaboobi doonta, ayuu yiri Tiicey.

somalia
Calanka Soomaaliya oo goobta shirka lagu qaybinayey, qiime jaban.

Waxyaabaha uu sheegay Tiicey in aysan qabsoomin waxaa ugu weynaa in aysan hirgelin barnaamijka ardayda loogu helilahaa dad ka caawiya waxbarashada iyo Joornaalka ardayda oo aan soo bixin bil-kasta sabatoo ah ayuu yiri qoraa joogto ah oo heegan u ah oo lawaayey iyo kharash lagu socodsiiyo oo aan jirin.

Waxaa xusid mudan in markii uu Tiicey sheegay in ururo Soomaaliyeed laga sameeyey dhammaan jaamacadaha iyo MacHadyada uu wiil aad u da'yar (dhawr sano jir ah) lasoo boodey kelmed aan u maleeyey "Bravo" oo uu si qiiro leh u yiri, dadkiina ay aad ugu riyaaqeen wiilkaas yar.

Tiicey waxa uu ardayda u sharaxan gudiga la dooranayo in ay siweyn uga taxadaraan in aysan doorashada isu taagin haddii aysan hawshaan qabankarayn. Waxa kale oo uu ardayda kula taliyey in ay waxbarashadooda ku dadaalaan.

haashim
Haashim Maxamed "xil weyn oo iskaa wax u qabso ah ayaan isa saaray"

Waxaa kaddib hadalkii lagu wareejiyey madaxweynaha ururka ardayda Soomaaliyeed ee (SSA UOM), Haashim Maxamed. Waxana uu hadalkiisi ku bilaabay in ardayda hadda ee dhigata Jaamacada Minnesota ay tiradoodu dhantahay 150 arday, tiradaas oo uu sheegay in ay kasoo siyaadey intii sanadihii hore, taas oo weliba uu sheegay in la filayo in ay sii kordhi doonto sanadaha soo socda.

Haashim waxa uu sheegay waxyaabaha ugu weyn ee ay qabtaan in ay ka mid tahay in ay tagaan dugsiyada Sare ee magaalada si ay ardayda Soomaaliyeed ugu dhiirigeliyaan sidii ay ugu dadaali lahaayeen waxbarashadooda si markaas u soo galaan jaamacadaha.

cabdifataah abdi
C/Fataax Cabdi "waa inaad lahaataan Yool"

Waxaa kaddib hadalkii lagu wareejiyey C/Fataax Cabdi oo ah madaxa ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacada lagu magcaabo "Metro  State University". Waxana uu sheegay in sannadkii 1999kii ay Jaamacadaas dhigan jireen 4 (AFAR) arday oo keliya, hadda oo 2002 ahna ay dhigtaan 40 (AFARTAN) arday. Aad ayaa hadalkaas loogu riyaaqay. C/Fataax waxa uu ardayda ku booriyey ama ku dhiirigeliyey sidii ay ugu dadaali lahaayeen wax barashadooda, waxana uu yiri waa inaad lahaataan yool sugan oo aad higsaneysaan. waa in anaga marka hore istaagnaa oo wax qabsanaa ayuu hadalka kusoo xiray.

mohamed
Maxamed Ismaaciil "dadaalka dhiiri gelinta"

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Maxamed Ismaaciil oo ah madaxa ardayda Soomaaliyeed ee dhigta MCTC, waxana uu sheegay in ururkaas la asaasay sannadkii 2001, waxana uu xusay in asaaska ururkaas ay sabab u ahaayeen labada arday ee Xayle Samatalis iyo Jamaal Aadan. Waxa kale oo Maxamed Ismaaciil sheegay in ay ardayda ka caawiyaan sidii ay u haysan lahaayeen dhaqankooda, isla mar ahaantaana u heli lahaayeen meel ay ku tukadaan salaadaha xiliga ay joogaan Jaamacadda. Waxa kale oo aan tagnaa ayuu yiri dugsiyada sare si aan usoo dhiiri gelino dhallinta yaryar si ay ugu soo biiraan waxbarashada sare ee Jaamacadaha.

daahir
C/Qaadir Daahir "hadaan Koynaa urur inaan hogaamino waa rabnaa"

Kaddib waxaa cod-tebiyaha lagu soo dhoweeyey C/Qaadir Daahir oo kasocdey ardayda St. Mary, waxana uu hadalkiisii ku bilaabay hadal dadkii u muusoodeen oo ahaa "Dhallinyaro badan oo aan halkaan ku arkay waxaan markii hore u malayn jirey in ay yihiin What's Up" -[Kelmedda What's UP waxaa carigan galbeedka looga yaqaan wixii Soomaaliya looga aqoon jirey "Ciyaal Ziyaha" ama "Ciyaal Macna Maleh"].

C/Qaadir waxa uu sheegay in aysan lahayn wax urur ah oo ay leeyihiin ardayda Soomaaliyeed ee kuliyadaas dhigta, kuwaas oo sida uu sheegay tiradoodu dhantahay 14 arday oo da'weyn. waxana uu yiri "Anaga Haddaan Koynaa, inaan urur hogaamino ayaana rabnaa". 

Waxaa kaddib hadalkii lagusoo dhoweeyey Hibo Cilmi oo ah madaxa ardayda Jaamacada Mankato. Waxa ay sheegtay in Markii ay Jaamacadaas bilaabaysay ay ahaayeen laba qof oo keliya, inkasta oo aysan xusin tirada rasmiga ah ee hadda dhigta, hadana waxa ay sheegtay in ay ku guuleysteen in ay dhisaan ururka ardayda Soomaaliyeed. Taas oo ay carrabka ku adkaysay in dad badani ku yiraahdeen ururkaas waxba kama socondoonaan oo sidii Soomaaliya ayuu u burburayaa, waxana ay tiri si aan taas u beeniyo ayaana u guntadey dhisida ururkaan waana ku guulaystey ayay hadalka ku xoojisey. Hibo waxa ay sheegtay in ay April 4 iyo 6 ay qaban doonaan "Work Shop" iyo "Somali Night" waa siday hadalka u dhigtaye, taas oo aan filayo in ay uga jeedey "kulan Dhaqameed" iyo "caweys".

Hadal qaybiyihii (anigoo ka cudur daaranayaa in aanaan magaciisa soo qaban) ayaa markii ay Hibo hadalka dhamaysay yiri "Hibo waa an other Xaawo Taako" (oo uu uga jeedey waa xaawo Taako Kale), waayo ayuu yiri "waxa ay wax ka bilowday meel aan waxba jirin".

keynaan
Maxamed Keynaan "Bogaadin ardayda Som."

Waxaa kuxigey oo hadalka qaatay Maxamed Keynaan oo kasocdey ardayda Soomaaliyeed ee machadka "Century Collage". Waxa uu sheegay in MacHadkaas ay dhigtaan arday Soomaaliyeed oo tiradoodu dhantahay 50 arday. Waxana uu bogaadiyey ardayda Soomaaliyeed, taas oo uu weliba xoojiyey hadalkii hore ee ahaa ha isu soo taagina sharaxaada ururka ardayda haddii aydin awood u lahayn qabashada hawsha ururkaas oo aad u baaxad weyn waxweyna laga filayo.

ubax nuur
Ubax Nuur "Computerka ayaan bartaa"

Markaas kaddib waxaa hadalkii lagusoo dhoweeyey Ubax Nuur oo kasoctey ardayda Soomaaliyeed ee dhigta macHadka "St.Paul Technical Collage", isla mar ahaantaana ah madaxa ururka ee ardada machadkaas. Ubax waxa ay tiri "Computerka ayaan bartaa, wiilasha Soomaaliyedna waxay i yiraahdaan maxaad Caafimaadka u baranweydey ilaa Computerka madaxa ayaa kugu xanuunaya'e" taa oo in badan oo kulanka fadhidey kaga qoslisey.

sharmarke
Sharmaarke "buugaata ardadaan siinaa"

Kaddib waxaa cod-tebiyaha lagusoo dhoweeyey Sharmaarke oo kasocdey "Normandle". Waxana uu Sharmaarke sheegay in ragii asaasay ururkooda ay hadda ku jiraan ururo kale, taas oo ardayda halkaas dhigta uu ku qiyaasay ilaa 250 arday. Waxana uu sheegay in ay ururiyaan buugaag oo sida uu sheegay aysan Soomaaliya u dirin ee ay siiyaan ardaayda dhexdeeda, taas oo uu yiri buuga ardaygu ka gudbo waxaan siinaa ardayga kale oo sannadkaas geliya meeshii kii hore ka gudbey.

Halkaas waxaa kusoo gabagaboobey qaybtii hore ee shirka ardayda, taas oo qaybiyii warku uu sheegay in la qaadan dooro "biririf" si loo soo tukado salaada maqrib. Waxa kale oo intii uusan hadalka xiririn uu sheegay in marka la'isu soo laabto Afartan daqiiqo kaddib ay dhici doonto doorashadii ururka cusub ee ardayda Soomaaiyeed, waxana uu codsaday in aan loo dooran qofka la dooranayo iskuulka (dugsiga) uu kasocdo, ama color-ka (midabka) uu yahay, tan danbe ee midabka oo in badan huuuuh ka dheheen.

Isku soo xoori oo, natiijada iyo waxqabadka ururkaas xukunkiisa waa mid u taal sida ay u arkaan ardayda dhigata Jaamacadaas, laakiin tii caawa ee qaybta hore ee kulanku waxay ahayd mid yididiilo weyn gelineysa umadda Soomaaliyeed, marka laga eego qaabka nidaamka ee shirku ku socdey, taas oo xataa dhegeysiga ardaydaas qaabka ay usoo diyaarsadeen barnaamijkooda, sida ay u dhawrayaan waqtiga, sida ay isu dhegeysanayaan iyo is tixgelinta ka muuqata ay tahay mid tusaale weyn u noqonkata mujtamaceena, kuwaas oo aan u arko in hogaan cusub oo qaayo leh uu halkaas ka soo bixikaro haddii la kobciyo.

Waqtiga oo aan ii saamaxayn awgeed, goob joog kama ahayn qaybtii labaad ee kulanka iyo sida ay u dhacday doorashadii, waxaanse nasiib wanaag gadaal idiinka soo gudbin doonaa warbixin aan ka sugeyna qorayaal goob joog ka ahaa qaybtii labaad ee kulanka xalay.

 

Qoraalkaan waxaa isku soo dubaridey: Maxamed Cali | webmaster@somalitalk.com  

 

Warbixinta: Qaybtii 2aad - Ka Akhri Halkan

SomaliTalk | 29.9.2002 | Dib-u-eegid: 30.9.2002

WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

somalia

WARARKA KALE EE MAANTA
Waxaa kamida
. DKG oo soo saxaafada usoo saartay sharci cusub
. G/W/Bari Kenya oo ka biyo diidey dastuurka qabyada ah...
. Sacuudiga oo u yeeray safiirkii u fadhiyey qadar
Dhammaan ka akhri halkan

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
The Nigerian Scam Defined [Sharaxaad dheer ayaa laga bixiyey khiyamadii 419 ee Nayjeeraya, waa hab qofka loo soo xeragelinayo ayadoo si khiyaamo ah looga qaadayo lacag hormaris ah,  taas oo ahayd khiyaamo aad u weyn oo soo foodsaartay caalamka... Click] 
Warbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal..
GUJI.. 
Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
»Maxamuud Wardheere oo waraystay carruur Soomaaliyeed oo dhigata dugsiyada Minnesota, kuwaas oo sheegay in...
»Jabuuti oo ahayd usbuucii tegay shaacirada ugu waynayd cawaysinka Jay Leno USA...

»Xukuumadda Bush oo bedeshay istiraajiyada... GUJI...
Wiil Dhallinyaro ah oo  Gubtey
oo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta.. GUJI..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]