·Warka madaxdiisii
·Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Dad badan ku xidhxidhay dagmoyin iyo tuulooyin
katirsan Ogadenya.
·Kulamo ay yeesheen masuuliyiin kakala socda Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogadeenya
iyo Jabhada Xorenta Oromiya.
·Wax-garadka Galaguduud oo Itoobiya ka codsaday inay sii dayso guddoomiyihii
Guri-Ceel
·Dawlada Jabuuti oo Calamka ku eedaysay in ay Soomaliya ka seexdeen .
·Warkii oo fahfaahsan
·Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Dad badan ku xidhxidhay dagmoyin iyo tuulooyin
katirsan Ogadenya.
Sida ay noo soo tabisay wariyahayaga Maryama-Ruun Liibaan.
Dad ay tiradoodu aad u badan tahay ayaa lagu xidhxidhay magaalooyin iyo
tuulooyin kala duwan oo ka tirsan dalka Ogadenya, kuwaas oo uu cadowga Itoobiya
sidii caadadaba u ahayd uu xabsiyadiisa naxariis la’aanta ah u taxaabay,
iyagoon galabsanin wax denbi oo xidhaygaas u soo jiidi kara.
Dadka laxidhxidhay iyo melaha lagu xidhxidhayna waa skuwan.
·Magaalada Gurdumi waxaa markii ay taariikhdu ahayd 5/09/02 lagu xidhxidhay:-
1- Faadumo Xaji Cismaan
2- Ardo Gurdumi
3- Jamaad yuusuf Aar
4- Cabdullaahi Kaafi Cumar.
5- Ilka Casse Xirsi
6- Xaji Sayfle Cumar Ismaciil
7- Salaad Cumar Ismacil
8- Mohamed Cabdullaahi Cumar
9- Ibraahin Cabdi Gacanlow
10- Cumar Xassan
·Magaalada Gunagado waxaa iyadana lagu xidhxidhay:-
1- Dayib Shah-qabooje.
2- Saynab Yuusu Faarax
3- Faadumo Fariid_magaalo
4- Xassan Cabdi
5- Xassan Qeex.
·Farmadow waxaa sidoo kale lagu xidhxidhay
1- Sh. Moxamed-ikhyaar sh. Ahmed-nuur
2- Sh. Cabdi Sh. Cumar-nuur
3- Ahmed-nuur Mataan
4- Cabdi-madoobe Cali-cadde
5- Anas Xaji Yusuf Xayle.
6- Mohamed Daahir
7- Cabdi-raxman Cumar Siraad
8- Ahmed Haybe Cumar
9- Ahmed Dayr
10- Cadaani Cabdi-qaadir
11- Barre Cabdi Adar.
12- Cabdi Maxamuud Sarhaye
13- Ina Indha Yare
14- Cabdi Cismaan Dubad
15- Mohamed Aaden.
·Gabagabo waxaa iyada markii ay taariikhdu ahayd 15/09/02 lagu xidhxidhay:-
1- Haybe Xassan Aamin
2- Shukri Makhtal Haybe
3- Cabdi Siyaad Canshuur
4- Mohamed Mawliid
5- Cali Dheere
6- Mohamed Buraale.
7- Ina Cali Dheere
8- Xassan Cabdi Ahmed
9- Cabdi-raxmaan
10- Cabdi-razaaq
11- Qarri
·Jiiqley oo Gobolka Godey ka tirsan waxaa ninka lagu magacaabo
1- Baar-cad Macallin Suldaan laga xareeyay 50 halaad oo Geel ah.
·Qabridahare markii ay taariikhdu ahayd 3/09/02 waxaa lagu kufsaday gabdhaha
kala ah:
1- Fardowsa Ahmed Xirsi
2- iyo Aamina Weli, waxaana labadaas gabdhood wali lagu hayaa Taliska Gaaska
Ciidamada Gumaysiga Xeradiisa.
·Kulamo ay yeesheen masuuliyiin kakala socda Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogadeenya
iyo Jabhada Xorenta Oromiya.
Masuuliyiin ka kala socota Labad jabhadood ee ONLF& OLF ayaa kulamo is daba joog
ah oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac yeeshay billowgii toddobaadkan.
Masuuliyiiynta labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii laysaga kaashan lahaa
dhinacyada Ciidamada, siyaasada, warfaafinta iyo bulshadaba.
Masuuliyiintu waxay isla garteen sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa dulmiga
gumaysiga Itoobiya uu ku hayo Labada Shacab ee walaalaha ah ee uu gumaysto.
Waxay ugu dambayntii masuuliyiintu isla meel dhigeen sidii ay usoo afjari
lahaayeen Gumaysiga dhiigya-cabka ah , waxayna meesha ka saareen siyaasadii
Gumaysiga ku dhisnayd ee ahayd Qaybi oo xukun, waxayna labada dhinacba muujiyeen
niyad sami iyo isku kalsoonaan.
·Wax-garadka Galaguduud oo Itoobiya ka codsaday inay sii dayso guddoomiyihii
Guri-Ceel
sida uu noo soo tabiyay wariyahayga Soomaaliya, Ahmed yare Calasoow magaalada
Guri-Ceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka anbabaxay wax-garad u dhashay
gobolkaas, una badan kuwa deggan degmada Guri-Ceel, wax garadkaas ayaa u
anbabaxay dhinaca gobalka wardheer si ay ugala soo Xajoodaan Ciidamada Itoobiya
ee aagas dagan sii deynta guddoomiyaha Guri Ceel Axmed Macalin Xuseen iyo
nabadoonkii la socday.
.Labadaas Masuul ayay Cidamada Xukuumada Itoobiya ka qafaasheen tuulada Geri
Jir oo ka tirsan gobolka Galgaduud Totobaad kahor.
Xubnahaan oo isugu jira wax garad iyo odoyaal tiradooduna ay gaadhayso 15
xubnood waxaa hogaaminayaa nin lagu magacaabo Cali Barre Sahal, waxaan la
filayaa inay tegaan degaanka wardheer oo lagu hayo guddoomiyaha deegaanka Guri
Ceel Axmed Macalin Xuseen iyo nabadoon Cadaawe Xaashi.
·Dawlada Jabuuti oo Caalamka ku eedaysay in ay Soomaaliya ka seexdeen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa ku canaantay beesha
caalamka inay meel cidlo ah kaga dhaqaaqday Soomaaliya. "Dunidu way ku eegatay
Soomaaliya meesha ay maanta taallo" ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayey golaha loo
dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa faahfaahin dheer ka siiyey xubnihii
metelayey dalalka dibadda qabashadii shirkii Carta iyo abaabulkiisii iyo weliba
natiijadii ka dhalatay ee ahayd dowladda ku meel gaarka ah.
"Toban sano kaddib waxay ahayd markii ugu horreysay ee Soomaali si dhab ah u
wada fariisato, kana arrinsato aayaheeda" ayuu wasiirku hadalkiisii ku yidhi.
Dhinaca kale Maraykanka ayaa taageero lacageed oo 12 milyan oo doollar ah u
ballanqaaday dalka Jabuuti, tasoo la xidhiidha dhinacyada mashaariicda
horumarineed iyo gargaarka bani’aadamnimo, waxaana taageeradan lagu
tilmaamay inay tahay mid billow ah, iskaashiga labada dal ka dhexeeyana uu sii
xoogaysanayo.
Taageeradani waxay ka denbaysay, ka dib markii ay ciidamo Maraykan ahi ku soo
degaan dalka Jabuuti, isla markaana la filayo in kuwo kalana la keeno.
Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Maraykanka ee Jabuuti la keenay ay qayb ka
yihiin kuwa lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah.
Hibaaq Samatar.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga
Afrikada Bari.
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk