SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Ururka Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota

MAS waa Muslim American Society oo ah ururka muslimiinta Maraykanka oo faracyo ku leh gobolada Maraykanka qaar ka mid ah. 

Ujeedada urukan waa in la helo qof, qoys iyo bulsho dhaqankeedu uu Islam yahay kana dhimbil qaata Quraanka iyo Sunnada nabiga N.N.K. 

Si loo gaaro ujeedooyinkaas waxaa uu ururkani adeegsanayaa waddada At-tarbiya (Tarbiyad) oo loo jeedo in lagu dhiso caqliga iyo qalbiga muslimka barashada iyo fahamka ruuxda islaamka iyo waaqaca nolosha adduunyada. 

I  I  D  H  E  H

Si ay howlahaan u suura galaan ayaa MAS waxay abuurtay Masaajido, iskuulo islaamic ah, iyo xarumo leh adeegyada bulshada ee kala duwan. 

MAS-MN waxay iibsaneysaa xarun aad u weyn (Islamic Center) uu qiimahiisa yahay $1.3 Milion. Xaruntaa Muslimiinta waxay ku taalaa Inver Grove ee ah koofurta St. Paul. Xaruntaasi oo leh Masaajid, Islamic school, legal and social clinic, Islamic day care, foodshelf iyo adeegyo kala duwan. 

MAS-MN waxay booqataa xabsiyada si ay ugu warheyso xaaladda muslimiinta ee xabsiyada ku jira. Muddo dhowr bilood ah markaan booqanaynay muslimiinta ku jirta xabsiga Lino Lake ee Minnesota ayaa waxaa si rasmi ah ruqsad (permit) naloo siiyey inaan ka furno xabsiga fasal lagu barto diinta Islamka. Mahad Ilaahey ka dib, halkaan waxaan u mahad celineynaa maamulka xabsiga Lino Lake ee Minnesota sida wanaagsan oo ay noo qaabileen. 

Xabsiga waxaa ku jira muslimiin badan oo dhalinyaro ah oo ay Soomaali ku jiraan oo ku kala xukuman 2 sano ilaa 8 sanadood. Kuwa aan heysan dhalashada maraykanka, markay xabsiga dhameystaan waxaa sugaya tarxiil (deportation) oo ah dhoofin waddamadooda loo dhoofin doono sida ku xusan xeerarka waaxda socdaalka (immigration nationality act-INA). 

Ururka Muslim American Soceity-MAS faraciisa Minnesota, waxaa uu sameeyey sedex ujeedo oo uu ka leeyahay booqashada xabsiyada Minnesota: 

  • 1) In muslimiinta xabsiga ku jira la daboolo baahidooda guud siiba ta la xiriirta barashada iyo ku dhaqanka diintooda Islamka si xor ah. 
  • 2) In muslimiinta xabsiga ku jira la ilaaliyo xuquuqdooda sharciga ee ay leeyihiin inta ay xabsiga ku jiraan. 
  • 3) In dacwada Islamka xabsiga Mareykana la geeyo oo fasalada barashada islaamka ay u furan tahay cid kasta oo xabsiga ku jira. 

Waxaan tababarnay qof xabsiga ku jira oo imaam noqon kara si uu salaadaha u tujiyo isla markaana khudbada jimcaha uu u akhriyo. Xabsigan howlahiisa markaan dhameyno waxaan u gudbi doona xabsiyada kale ee gobolka ee haya dad muslimiin ah. 

Waxaan u baahannahay dad muslimiin ah ee diyaar u ah inay walaalahooda booqdaan waxna baraan. Waxaa lama huraan qofka howshaan qabanay inuu ku hadli kara luqadda Englishka iyo Somaliga. Haddii aad rabto inaad la shaqeyso MAS-MN ama aad rabto inaad wax badan ka ogaato howlaha ururka MAS faraciisa Minnesota ka akhriso www.masmn.org ama e-mail u soo dir info@masmn.org or tel. (612)242-3273 ama (612)963-1764.

By: Garyaqaan Sh. Xasan Jaamici, J.D.
Gudoomiye ku xigeenka MAS-MN. hmohamud@midmnlegal.org 

 

SomaliTalk | Oct 2, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Kulankii Ardayda Soomaaliyeed

ee dhigta Jaamacadaha Gobolka Minnesota: Jaamacadaas oo keliya waxaa dhigta 150 arday Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in... GUJI 29/9

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
The Nigerian Scam Defined [Sharaxaad dheer ayaa laga bixiyey khiyamadii 419 ee Nayjeeraya, waa hab qofka loo soo xeragelinayo ayadoo si khiyaamo ah looga qaadayo lacag hormaris ah,  taas oo ahayd khiyaamo aad u weyn oo soo foodsaartay caalamka... Click] 
Warbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal..
GUJI.. 
Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
»Maxamuud Wardheere oo waraystay carruur Soomaaliyeed oo dhigata dugsiyada Minnesota, kuwaas oo sheegay in...
»Jabuuti oo ahayd usbuucii tegay shaacirada ugu waynayd cawaysinka Jay Leno USA...

»Xukuumadda Bush oo bedeshay istiraajiyada... GUJI...
Wiil Dhallinyaro ah oo  Gubtey
oo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta.. GUJI..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD