SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - GERMANY

MUSLIMIINTA ETHIOPIA OO CAAWIMO GAYSANAYA:

WQ. Xagar Yare

Dalwaynaha ethiopia oo ay tirada dadku kor u dhaafaan 65 milyan ayaa lagu qiyaasaa 63% muslimiin, inkastoo tiradaas uu khilaafsanyahay maaamulka dawladda dhexe iyo christiankuba illaa xiliyadii hore ee dawladihii kan kasii horeeyay, waxaase cad in maamulka sare ee xukuumadihii isasoo bad badalaayay ilaa boqor xayle silaase uu yahay 99.9 dad aan mulimiin ahayn iyadoo mararka qaarkood ayba sharciyan mamnuuc ka ahayd in uu ruux muslim ahi maamulka sare lug la soo galo.

qawmiyadaha muslimiinta ayaase xagga dhaqalaha gacanta sare waligoodba iska lahaa iyagoo dhanka ganacsiga iyo xadaaradaba kaga horeeya qawmiyadaha kale ee ethiopianka, qawmiyadda looyaqaanno GURRAAGE ayaanay waayadii hore guursanba jirin gabdhahooda iyagoo yasi jiray axmaaradu, balse dhaqaalahooda oo silayaableh cirka isugu shareeray dartii haatan abaal lagu qabaa in lala xidido. 

dadka hereriyiinta ah oo 100% musllimiin ah ayaa ethiopia loogayaqaan (ya igzahaber ganzab) oo micnaheedu yahay ILAAHII LACAGTA. qabiil kamida axmaarada oo dega gobolka GONDHER ayaa lagu tilmamam in ay axmaarada kale amaahda waydiisato. 

gobolada eritrea iyo tigraay ayaa waxaa dega qawmiyadda xagga ganacsiga dibeda ugu haysata dalka oo looyaqaan JABARTI iyadoo ay ragga reer addis-abeba halhays u leeyihiin marka ay xaaskoodu ku dhibto lacagta biilka ah//anjii jabarti as masalkush weey//(naayaa ma jabarti baan ahay xageen lacagta ka keenaa).

dhinaca wax-soosaarka khayraadka dhulka ayaan kolaba lagaga daba dhufanin OROMO qaybtoodad muslimiinta iyadoo OROMADA gobolka shawa oo ah gobolka ay magaalada ADDIS-ABEBA KUTAALO ay yihiin kiristian aad dhaqaala ahaan u liita,

dhanka dhaqashada xoolaha ayaa aad farta loogu fiiqaa gobolka ay degenyihiin ethiopianka ku hadlla afka soomaaliga.

hadaba bishan aynnu ku jirro ee SEPTEMPER ayuu urur ay leeyihiin muslimiinta fadhigiisuna yahay magalada ADDIS-ABEBA oo layiraa EMDA//Ethiopian Muslim Development Agency// shaaca ka qaaday in uu ka abuuraayo magaala madaxda xarun tabarucaad oo HIV.

sii hayaha xoghayaha guud ee ururka mr Ahmed Badaso ayaa saxaafada u sheegay in mashruucani uu ka mid yahay daddaallo badan oo ay muslimiinta ethiopia ku bad baadinaayaan dadka uu halista ku hayo cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, mudane Axmad Baddaso oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu sheegay in xarunta qorshaysanayso in la bilaabo dhowaan baraarujinta dad kor u dhaafay 8 milyan oo qof oo uu saameeyay cudurkani, dadkaasoo lagu baraarujin doono qaabka ay uga hortagayaan cudurkan iyadoo duruus la siinaayo qaabka loobixinaayo duruusta ayaa noqonaaya iyadoo guryahooda loogu tagaayo, iyo iyadoo loo balaqaayo masaajidada diintay doonaan ha haystaane si loo gaarsiiyo fariimo xanbaarsan halista iyo ka hortagga cudurkan oo waayadan danbe FARA BA'AN KU HAYA DADYAWGA ETHIOPIANKA AH, waxaa dadka dhaqaalahoodu liito ay xaruntan cusub isku baadhidoonaan lacagla'aan.

waxaa uu mudane Axmad Badaaso saxaafadda u sheegay in hawlgalkani uu ugu horayn si wayn uga dhaqangalida 16 gobol sida gobolada AMHARA; OROMIA; QARAMADA KOONFUREED iyo GOBOLKA HARAR: iyadoo ay xarumihiisa waawayni ku oolli doonaan magaalooyinka Diridhabo iyo Addis Ababa.

dhinaca kale koox dhaqaatiir ah oo ku xeeldheer cudurada indhaha oo ka socda dalka Sacuudi Caraabiya oo uu soo hawlgaliyay amiir suldaan imn cabdul caziz ayaa si wayn ugu hawlanaa maaalmahanba daweynta xagga indhaha 3000 bukaanjiif gobolka Jimma ee ismaamulka Oromia. isu duwaha kooxdan oo layiraa Siciid Maxamed ayaa sheegay in haatan indhahooda dawaynteeda gacanta lagu hayo 3000 qof oo kamida 4000 bukaanjiif oo liiskoodu uu gacanta ugu jiro dhakhaatiirta hawlgalaysa.

waxuu intaa raaciyay in 238 qof oo aragtidooda waayay ama indhobeelay 5 illaa 10 sano kahor lagu guulaystay in ay markale wax arkaan kadib markii qaliimo indho fiiqa loogu sameeyay Isbitaalka guud ee Jimma State.wuxuu dr siciid sheegay oo kale in hawlgaladan kuwo lamida laga soo sameeyay gobolada Canfar, Harar, Oromia, iyo gobolka Gambbella.

Xagar yare
xagar91@hotmail.com 
Germany

SOMALITALK.COM | Sept 30,  2002


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

QORAALADII HORE EE XAGARYARE

XAGARYARE: Booliiska Jarmalka oo Heegan Galay 


"Sool iyo Sanaag waa qayb kamida Puntland"
Sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo katirsan DGPL oo u waramayey saxaafadda GUJI... 2/9

KOONFUR SOOMAALIYA SIDA HALOO DHAAMO

DOORASHADA UGAASKA BEESHA CIISE
Gudoomiyaha gudiga sare ee midawga qabiilka wayn ee Ciise, mudane maxamed Ugaas Xasan GUJI  16/8

Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
GERMANY - Faaladii Xagar Yare ee maanta ayaa kusaabsan "Ciidamada qalabkasida ee Jarmalka oo. GUJI..   Agosto 12

Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi GUJI.HALKAN  

Maqaaladii Hore ee Xagar Yare 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SomaliStar SomaliStar waa wargeys Soomaaliyeed oo kasoo baxa magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis, St. Paul ee gobolka Minnesota, USA, waa bille ee hamoogaan

 Kala xiriir halkan

MACLUUMAADKA INTERNETKA


Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD