| PUNTLAND : XAALAD DAG-DAG AH OO MIISKA
 USAARAN MAAHA DHULKASI
  
 
     Gobolada muranka ba,ani
 kataagan yahay ee SOOL iyo SANAAG waa qayb ka mid ah dawlad goboleedka PUNTLAND
 sidas daraadeed maaha arin degdeg ah oo wakhtigan xaadirka ah miiska u saaran
 oo ay koox kale doodi uga furantahay. sidaas waxaa sheegay sarkal
 sare oo ka tirsan dawllad goboleedka PUNTLAND mar uu u waramayay saxaafadda. dadwaynaha reer SOOL iyo
 SANAAG ayaa si xor ah oo ay ku niyad sanyihiin u go,aansaday inay yihiin dad
 reer puntlandi ah oo aanay diyaar u ahayn inay ku hoos noolaadaan dad aanay
 ahayn,anagana taasaa noo jirta warkuna go,ankoodaas ayuu nagaga dhanyahay ayuu
 yiri mr Ismaaciil Warsame oo ah xoghayaha xafiiska madaxtooyada(chief of
 cabinet)ee madaxwaynaha dawlad goboleedka puntland COL/Cabdullaahi Yuusuf
 Axmed. mr Ismaaciill Warsame oo
 hadalkiisa sii wataa waxaa uu sheegay inaany wakhtigan xaadirka ah qorshaha ugu
 jirin madax waynaha puntland Col/cabdullaahi yuusuf in uu booqasho gaar ah ku
 tago gobolada sool iyo sanaag,laakiin buu yiri waa mid u furan madaxwayne ahaan
 inuu halkaas tago xiligii kasta oo ay isaga ka soo go,do. marnaba kulayl u gaar ah
 puntland kuma hayaan ku wajahan shaki isku haysasho goboladaasi ayuu yiri mr
 warsame. gobolada sool iyo sanaag oo
 qariirad ahaan saaran xuduudii oo horay ingiriisku uga talin jiray oo markaas
 la oran jiray British Somaliland laakiin ay badiba dadkaasi la oday wadaagayeen
 dadka u badan puntland ayay labada dal puntland iyo dalka isnna la magac baxay
 somaliland midba dhankiisa u sheegtaa inay goboladaasi iyaga hoos yimaddaan! mr warsame mar uu ka hadlayay
 dhankakale wuxuu yiri labada dal somaliland iyo puntland waxaa ka dhexeeyay
 derisnima wanaag oo haatanna loobaahanyahay in aan sii xoojinno xiriirada
 siyaasadeed ganacsi iyo iswaydaarsiga xadaarada iyo dhaman dhinacyada aannu u
 aragnno in labada dal iyo dakoodaba dani ugu jirto,iyada oo buu yiri aan
 wakhtiga layskaga luminin arin aan hor oolin. dhinaca kale waxaa xalay oo
 ahay 01.09.2002 lagu dhaariyay guriga madax tooyada ee magaalada boosaso
 golihii wasiirada ee uu col.cabdulaahi yuusuf dhowaan magacaaba, [Magacyada
 Wasiirada]. xafladda dhaarintaasi oo si
 wayn loosoo agaasimay waxx ka hadlay madaxwaynaha dawlad goboleedka punt
 lancol,cabdulahi waxaanu u sheegay wasiiradasi cusub in ay u xir-xirtan xagaas
 iyo garoowe oo uu u sheegay inay tahay magala madaxda dalka,isagoo sida ay
 wararku nagu soo gaaraayaan isla saaka oo isniin ahayd 02.09.2002 kornaylku
 usii jeeni qaaraa dhankaas iyo garoowe inkastoo aan naloo xaqiijionin inuu
 gaaray iyo inkale    XAGARYARE: 
 HARGAYSA
 IYO XORNIMADA SAXAAFADDA Xagar yarexagar91@hotmail.com
 Germany
 SOMALITALK.COM | 
 SEPTEMBER 2, 2002 
 XAGAR YARE WAA
WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO
RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka. QORAALADII HORE EE XAGARYARE KOONFUR
 SOOMAALIYA SIDA HALOO DHAAMO
 
 
 DOORASHADA UGAASKA BEESHA CIISE
 Gudoomiyaha gudiga sare ee midawga qabiilka wayn ee 
Ciise, mudane maxamed Ugaas Xasan 
 GUJI 
 16/8
 Ciidamada
 Jarmalka iyo CiraaqGERMANY - Faaladii Xagar Yare ee maanta ayaa kusaabsan "Ciidamada qalabkasida
 ee Jarmalka oo. GUJI..  
 Agosto 12
 
 
 
 
Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi
  GUJI.HALKAN   Maqaaladii
Hore ee Xagar Yare  
WARARKii 
July» GUJI
»
 June |  MAY
APRIL | 
 MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001
 
.
 |