SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - UK
Wasiiradii C/hi dhibta lasoo sameeyey oo la suntay
Magcaabidda Golaha Wasiirada Puntland
MDGP, Cabdullaahi Yuusuf, ayaa magcaabay golaha wasiirada, wasiir ku xigeenada, taliyaha ciidanka booliska iyo kuxigeenkiisa  GUJI.. 30/8

cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com

C/hi: Puntland-neey waxaan sameeyey nina caad kama saarna. Madaxtinimo imaydaan siin ee saanadayda iyo ragaan maqaarka u sido baa ii suurtagaliyey. Sokeeyahay laayey, dadkii samaha jeclaana sun baan kala dhexdhigay. Masaajidii subac u diiday iyo in towxiid la isku siiyo. Dhalinyaro badan baan aakhiro usocodsiiyey iyagoon aduun af saarin. Kursi baa la igu salladay iyo in uun mar madaxwaynanimo la i siiyo walina iima suurtagelin, sansaankeediina iima muuqdo. Mowdka dadkaan ula simanahay oo sakaraadkiisii waa igu soo socdaa. Hadii xataa xoogaa la ii seeto dheereeyo kursi saani ugama fariisankaro waxna qumaati uma saxiixi karo, sariirna waan ku ururi doonaa sirqinimo darteed.

Dhiigaan sunsumaya iyo sawaxankan laga seexan waayey waa jizihiinii oo idinkoo nabad soo maray, Soomaali oo dhana ay markhaati idin siisay baad inta keeno qoorta surateen hogaankii gacanta iisoo galiseen. Aniguna casharadii la i siiyey baan miisaanka idiin saaray. Sibraar kasta wixii lagu shubo buu qofkii socdaalka ahi saad ka dhigtaa. Haduu caano saafi ah yahay inta sal mugi u fariisato baad dibnaha saartaa. Hadii sun ku jirto, Ilaah oo kaa samata bixiya mooyee, mowd isa seegi maayaan.

Puntland ciqaabtoodii iyagaa sacabada ku sitay markay kursi igu soo dhaweeyeen. Labo nin oo saado ahaa, gabayadana usitay baa boqor usocdaalay. Labo warqadood inta siiyey buu yiri naa’ib-kayga xagiisa u socdaala isagaa idin soori doona, warqadahana indhaha ma saari kartaan oo isaga kaliya bay ku socotaa. Safarkoodii bay sii wateen ilaa ay kusoo baxeen nin dariiqa dhexdi saxaro la fadhiya, injirna iska soo qaqabanaya, timirna cunid u saaray. Mutalamis baa yiri si xun u bax maxaa ninka si ka ah, ma caqligii baa ka suulay. Ninkii dariiqa saxarada la fadhiyey baa yiri waxyar sug. Anigu quruna waan iska saarayaa (saxaroonayaa), cadowna waan suulinayaa (injirta) calaf dhayib ahna gowsahaan saarayaa (timirta) laakiin waxaa doqonimo sad u noqotay ninkii wadkiisa gacantiisa ku sita(waraaqaha). Mutalamis gabyaagii la socday baa shakiyey oo yiri war ninkan waxbuu noo sarbeebaye ee aan waraaqaha waxa ku qoran sugno. Mutalamis wuxuu yiri nin sare baan ahaye yaa makri ii samaynkara. Iyadoo arintu sidii tahay ayaa wiil yar oo Carabiga si sax ah u akhrinkara kusoo baxay. Gabyaagii Mutalamis la socday inta wiilkii usoo dhowaaday buu yiri adeer sadarada halkan ku qoran saani iigu akhri. Wiilkii wuxuu yiri adeer waadba sigatay oo waraaqdu waxay ku socotaa naa’ibkaas si uu surka kaaga gooyo. Gabyaagii warqadii waa seereeyey sidii isagoon wax loo soo dhiibin. Mutalamis markuu warqadii naa’ibkii farta ka saaray, suu sooryo u sugayey baa la yiri geeridii baa ku saarane sideen kuu dilnaa!. Maalintaa laga soo bilaabo Carabtu maahmaah bay kasoo saartay ay ugu magac dareen “saxiifadii Mutalamis”. (yacnii ninkii wadkiisa sacabada ku watay). Anigu maqaal Punland ku socda baan ka soo saaray oo aan ubixiyey “wadkeed uyeeratooy wiiq-wiiqi makaa yeertay”

Reer Puntland in caqli dheeraad ah la siiyey bay suuqa marin jireen. Reer Muqdisho waxay oran jireen si baa wax ka yihiin. Reer Hargaysana iyagay sii xigaan. Laakiin Caydiid Xamar beeco lagama siin. Garoowe uun baa C/hi gaardis loogu sameeyey.

C/hi: Puntland-neey qadarkii Ilaahay baa idin salfaday waana sooma noqoto. Waxaan hada idin ku saacidi karaa in nimankii sirta ila maleegi jiray, sokeeyahayna ii soo jaajuusi jiray oo saqiirada baadiyaha iiga soo qabqaban jiray, oo sanuuda ugu caawin jiray iyo baabuur aan saanada ku rarto oo xataa hadaan dhaho kuwii caloosha lagu wada siday suga leh waa yahay sayid, in aan sumad ku dhajiyo.

Wasiirnimo ayaan wajiga uga suntayaa. Iyagoo sandareero raadis ah bay siriq luqanta suran. Caqli inaan la siin oo dugaag lagu suurayn karo waxaa daliil u ah anigiiba madaxwaynanimo layma siin oo ma jiro suldaan kaliya oo ii saxiixay. Dariiqana saani uma mari karo ilaa aan sodomeeyo tikniko ah dhinacyada iskaga safo ma ahane. Yaa wasiir kasta sodon tikniko ah siin kara si uu sandareero u helo.

Mar hadii diintii Ilaahay soo dajiyey aan saf uga soo wada jeedno, aakhiro seegnimadooda way sugantahay. Dhaarna waa isiin doonaan iyo inay daacad sax ah ii yihiin. Marka magacyadoodi waa soo qornay ee nin walbow si fiican uga bogo. Dad la sixray baad tihiin oo sooyaalka taariikhda way idin seegtaa ee hada waxaaan idiin soo soocay ragii si xil leh wax u samayn jiray oo qaarbaaba inaga iga sita. Anigu sallaan baan ka dhigtaye, baarkii sarana ku gaaray laakiin hadii sakaarku ii yimaado ragaas magacyadooda waan idiin siiyey.
Ragaas magacyadooda waan idin siiyey
Ragaas magacyadooda waan idin siiyey.
Ragii Maxamed Siyaad lasoo shaqeeyey “haraadi” baan siinay laakiin ragii aniga ila soo shqaqeeyey wixii la siin lahaa Soomaali bay utaal.

 cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

 

FAAFIN: Agoosto 30, 2002 | SOMALITALK.COM

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan 

Prof. Samatar oo Diidan in Dr. Galaydh  Waxkadhigo Jaamacada Minnesota


Mashruuca Cisbitaalka Boossaso
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Dalsan USA oo Jebisey Khidmada Lacagta
Gudiga Farsamada oo Tegey Kismaayo
Ciidanka ShaatiGuduud oo si Buuxda ula Wareegey Magaalada Baydhabo
Sucaad oo Sabtida Bosaso Lookaxayndoono
Ururka Dhallinyarada Ogadeenya oo Jawaab Kulul Kabixiyey Baqii Waxgaradka S.G...


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
Nin Soomaaliyeed oo u Baahan in Degdeg Kelyaha Looga Bedelo

AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02
 

Shirka Eldoret oo Qabsoomidoona 16ka Sept


Cabdullaahi Yuusuf oo Jooga Garoowe
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Warsaxaafadeed: Beelaha Mareexaan
Prof. Samatar oo Kufashilay Diidmadii Galayr
Degaalo lagu Jabiyey Ciidanka Gumeysiga
Kulan Laguqabadoono London, UK
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
Puntland oo Beenisey Warkii UN-ka
AIDS oo Agoomeeyey 1.1 Million Carruur ah
Waan-waan Nabadeed oo Kasocota PL
Ciyaaraha Xagaaga ee Soomaalida Yurub
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa

Baaq Xabad Joojin, Dagaal Joojin & Nabad


Warsaxaafadeed: Qardho
Iran & Carab kusoo badanaya Jaamacadaha
Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
Murshid Barud oo Kalaabtay sharaxaadii
SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK  OO U QAXAYA DALKA ENGLAND
Dagaal Ka Dhacay Muqdisho 
"Cambaarayn Afduubkii C/Qaadir" UN
Heshiis Dhexmaray xawaaladaha Somalida Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Shir Lagu Taageerayo ONLF - K/Africa 
Casharadii Saxaabada oo Dib u Bilowday
"Screening Cards loogama baahna Soomaalida Kenya" Waxa yiri Moi
UNHCR oo soo Gabagabaysay bixinta Kaararka Aqoonsiga Qaxiitiga Sanca 
Itoobiya oo Ka Mamnuucday Shilinka Soomaaliga in lagu Isticmaalo Dh/buur
Moi oo Soo gabagabeeyay Safarkiisii Gobolka W/Bari Kenya
10,000,000 Sh.So ayaa La Dhacay, Laba Gabdhoodna waa La Qafaashay Suuqa Dayax
WARARKA SOOMAALIDA - AGOOSTO 6-7
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Wardheere oo Soosaaray Baaq Nabadeed
WARARKA PUNTLAND - AGOOSTO 4

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD