SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Doorashada gobolka soomaalida kenya
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | Dec 15, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

gobolka woqooyi bari ee dalka kenya somaalidu ay dagto ayaa haatan waxaa ka socda olole balaaran oo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka guud oo dhici doona 27 dec 2002 waxaana ku loolamaya axsaabta siyaadeed oo ay uugu xoog wayn yihiin KANU iyo NARC.

gobolkaasi waxaa haatan si wayn looga dareemayaa sida dadku ay ugu kala codaynayaan labadaas xisbi ee ugu xooga wayn iyadoo doorashooyinkii 1992 iyo 1997 gobolkaasi laga taagrri jiray xisbiga KANU ayaa haatan uu ka gadisayahay xiliyadii lasoo maray.

sadexda magaalo ee ugu waawayn gobolka soomaalidu ay dagto ee kala ah gaarisa,wajir iyo mandhera ayaa waxaa ku tartamaya axsaabtaasi.

cabdi raxmaan xasan cali coloow oo ah musharaxa ku guulaysatay tigidkii KANU ee koonfurta wajir oo horay looga soo dooran jiray wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee dalka kenya MR Maxamed Cabdi Afeey oo aan waraysi kula yeeshay magaalada Nairobi ayaa sheegay in uu damacsanyahay isbadalo cusub oo koonfurta wajir ah hadii uu ka guulaysto musharaxa NARC Axmed Cabdi Oogle oo mudo 10 sano kabadan ahaan jiray mudane baarlamaan.

Ridwaan Xaaji
Nairobi,Kenya

.... HALKAN KA BAAR WARARKII  IQRA

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

 

Shirkii Eldoret oo Furmay
Labawarbixinood oo kusaabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. 
»» Warbixintii Radio IQRA fm 
»» Warbixintii Maxamed Xaaji Ingiriis
»» Eldoret Oct 15 & Aragtida Shacabka[DoodFuran]


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD