SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Eldoret oo goor dhow furmaya

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Eldoret, Kenya

E-mail: Ingiriis@yahoo.com

 

Waxaa daqiiqado kaddib ka furmaya xarun horey u ahaan jirtay school oo ku taalla magaalada Eldoret shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee muddaba la filayey inuu ka dhaco dalka Kenya. Madasha shirku ka furmayo waa meel aad u qurxoon oo lagu xardhay qoraallo muujinaya nabadeynta Soomaaliya inay tahay lama huraan.

Waxaa hoolka shirka illaa iyo haatan xaadir ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah, Cabdalla Deerow Isaaq, Ra’iisal Wasaaraha dowladda ku meel gaarka Xasan Abshir Faarax, Hoggaamiye kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), ergooyin ka socda garabyada RRA, Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Xasan Cabdulle Qalaad iyo rag kale.

Saacado kaddib waxaa la filayaa inay shirka yimaaddaan hoggaamiye kooxeedyada kala ah; Xusen Maxamed Caydiid, Muuse Suudi Yalaxow iyo garabyada Cusmaan Caato, Maxamed Qanyare Afrax, Mowliid Macaani iyo Cumar Finish. Garabka Jaamac Cali Jaamac ayaa isna afka lagu hayaa inay shirka imaanayaan.

Dowladda Kenya oo leh qabanqaabada iyo gogosha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Eldoret waxa ay ku casuuntay inay furitaanka shirka ka soo qayb galaan Madaxda Madaxweynayaasha dalalka IGAD. Waxaa illaa iyo hadda isheydu ay qabatay Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Eretrea Eassias Afewarke. Waxaa jidka ku soo jira Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.

Warar gudaha shirka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uusan shirka ka soo qayb galaynin. Ma jiro wax faahfaahinaya imaansha la’aanta Madaxweyne Geelle oo ahaa Madaxweynihii qabanqaabiyey shirkii Carta.

Sidoo kale, safaaradaha dalalka ajnabiga ayaa heegan ku ah madasha. Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska, Masar, Yemen, Liibiya iyo kuwa kale ayaa ku soo qulqulaya illaa iyo hadda inay furitaanka shirka joogaan.

Madaxweynaha Kenya, Daniel T. arap Moi oo isagu shir-guddoomin doona kulanka ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu u yaallo Soomaalida. “Dalalka IGAD midkoodna uma yeerin karo Soomaalida waxa ay doonayaan, waana iyaga cidda ay tahay inay go’aan ka gaaraan nabadgelyadooda” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya. Khudbad dheer ayaa la filayaa in Madaxweyne Moi uu shirka u jeediyo.

 

 

Oct 15, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:
»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  



Lewiston-USA. Duqa magaalada ayaa ku yiri soomaalida ha yareeyaan soo quluqulkooda; waa la idin dhibsaday. 

Muslimiinta Kenya oo loogu baaqay in ay Midoobaan

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  


  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD