SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
13 August, 2002

Warka Madaxdiisii

· Degaalo lagu Jabiyey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya
· Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo Saadkoodkii ka Raadsanaya Shacbiga Ogaadeenya
· Shir lagu Taageerayo Halganka Shacbiga Ogaadeenya oo ka dhacay Koonfur Afrika
· Bayaan ku Wajahan Maamulka Waqooyi Galbeed ooy Soo Saareen Jaaliyada Sool,Sanaag iyo Hawd ee Dalka Kuwait.


Warkii oo Faah faahsan


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Ibraahin Jeefad ayaa inoo soo sheegay Degaalo dhawr ah oo lagu jabiyey askarta Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee ka hawl gasha Saldhigyada Ogaadeenya.Waxaana oogu danbeeyay
1977-78 Ogaden War


03 August 2002 Ceelweyne oo ka mida Gobalka Shabeele Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Dhiigyacabka ah eeItoobiya lagaga dilay 9 askari, waxaana lagaga dhaawacay 7 kale.

05 August 2002 Meer Xagaaf oo ka tisran Gobalka Doolo Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 7 askari, waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.

Degaaladaas waxaa isu geyn Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 16 askari, waxaana lagu dhaawacay 12 kale.Waxaana lagaga wareegay dhamaan Qalabkii Milatariga eey ku hawl galayeen ka dib markii Goobaha Degaaladu ka dhaceen dhamaantood ay ka carareen Ciidanka Gumeysiga Itoobiya.

Ibraahin Jeefad
Radio Xoriyo
Xarunta Dhexe Jwxo, Ogaadeenya

-----------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo waranta Arimaha Bulshada Maryama Ruun Liibaan ayaa inoo soo sheegtay Olole Dhan ka ah Shacbiga Ogaadeenya ooy fulinayaan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo mudoba waday Cidhib tir, waxaana oogu danbeeyey Warbixintan
1899-1905  Seyid Maxamed Cabdulle Xasan and Britain War


Saadka Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Ogaadeenya ku sugan ayaa ahaa mid ku dhisan Ganaaxa Shacbiga Dulman.

Iyadoo biliii ugu danbeeyey ay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya ay haysatay Mushaaro laáan,Daryeel Xumo iyo Nolashooda Guud oo Cidhiidhi gashay mudu ku siman 7 biloodna ayna qaybo badan oo Cutubyadooda ka mida ayna helinba Saad siiba Canjeero amaba Daafi taas oo u ah Quudkooda aas aasiga ah, ayaa waxay taasi kaliftay in ay nolashoodii ka doontaan Jaho kale oon Dulmi ay oogu geysanayaan Shacbi kolkii horeba rafaadsanaa.

Hadaba Ciiidanka Gumeysiga Itoobiya oo kaashanaya Daba Qoodhiyiinta waxay ku dhaqaaqeen Qorshe Ciqaabeed oo aad u adag kaas oo dadka lagu xidh xidhayo dabadeedna lagu khasbayo wixii aan la dilin in aakhirka ay isku soo furtaan Ganaax saamiyo kala duwan leh.Ololahaas oo ka kala dhacay

14 May 2002 Waxaa Magaalada Awaare oo ka mida Gobalka Dh/buur lagu xidh xidhay dadweyna tiro badan oo u badnaa Odayaal intooda badan laga qab qabtay Awaare inta kalena laga keenay Tuulooyinka u dhow dhow iyo kuwo iyagu ka yimid Magaalada Garbo oo arimo dhaqan Awaare u joogay.Waxaana lagu ganaaxay in lagu soo furto 100 neef oo Ishkin ah, 22 Neef waxay Qasheen intii ay hawshaas uruurinta ah socotay, 78-dii kalena, way la wareegeen.

09 June, 2002 Waxaa kale oo isla Awaare ka dhacay Ganaax kale oo labo waji lahaa mid dadka loo Ganaaxay hab Beeleed iyo ku hab Shaqsi.

1. Reer Aaden Geele waxaa lagu Ganaaxay 3 Malyan Sh.So.ah
2. Bah Hawiye oo lagu Ganaaxay 3 Malyan oo Sh.So.ah
3. Ahmed Waayeel Dacar oo lagu Ganaaxay 3 Malyan Sh.So. ah
4. Abdi Shafeec nin la yidhaahdo oo lagu Ganaaxay 1000 Birr lacagta Itoobiya ah

25 July 2002 Waxaa iyana lagu Ganaaxay isla Deegakaas Awaare dadkan Shacbiga ah een waxba galabsanin iyadooy Ujeedadu ahayd in la Saado Ciidana Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ee Xooga ku Jooga Deegaanadaas.

1. Dayid Sheekh oo lagu Ganaaxay 6oo Birr
2. Faadumo Fariid oo lagu Ganaaxay 500 Birr
3. Masri Dayid oo lagu Ganaaxay 500 Birr
4. Wali Sheekh Daahir oo lagu Ganaaxay 500 Birr
5. Carablow Ismaaciil oo lagu Ganaaxay 500 Birr
6. Saynaba Macalin Hassan oo lagu Ganaaxay 500 Birr
7. Mulki Abdi Ali oo lagu Ganaaxay 500 Birr
8. Saynab oo lagu Ganaaxay 500 Birr
9. Isaaq oo lagu Ganaaxay 500 Birr

31 July 2002 Waxaa lagu xidhay Magaalada Awaare isla markaasna kiiba lagu Ganaaxay 2000 Birr oo lacagta Itoobiya ah dadkan

1. Ahmed Mohamuud Siigaale
2. Âaden Mohamuud Guuleed
3. Ahmed Waayeel Dacar, oo horay loo Garaaxay
4. Khadar Saahid
5. Ahmed Abdi Ali Abshir
6. Iyo Kuwo kale

31 July 2002 Waxaa lagu qab qabtay Wargaadsan oo ka tirsan Awaare oo dabadeedna la Ganaaxay 400 Birr kiiba dadkan

1. Mahad Daahir
2. Ahmed Shiidi
3. Yuusuf Moalin Moalin Mohamed
4. Badel Mohamed Omer
5. Mohamed Ali Daahir
6. Iyo Dayr Ali Daahir

31 July 2002 Dhagax Madaw oo iyana ka tirsan Gobalka Dh/buur waxaa laga soo qab qabtay dabadeedna lagu Ganaaxay kiiba in uu isku furto 500 Birr dadkan

1. Mohamed Afka Tubeec
2. Sh.Abdi Qani
3. Badel Bashiir
4. Iyo Sheekh Daaha

Isla 31 July 2002 Fal Fal oo u dhow Magaalada Dh/buur wuxuu Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ku toogtay isagoon waxba galabsanin Marxuum

Abdrahman Mohamuud Ahmed Geele

01 August 2002 Waxaa dadkii horay oogu xidhnaa Magaalada Dh/buur lagu kordhiyey labo arday iyo Haweeneey Dumar ah oon waxba galabsanin.

1. Mohamed Hassan Aqli
2. Abdulahi Yare
3. Canbari Guud Cade

Isla 01 August 2002 Dadkii ku xidh xidhnaa mudaba Xabsiga Magaalada Dh/buur waxaa ka baxsaday 2 nin kusaab oo Cagahooda kaga baxsaday Gacantii Cadawga.Hadaba waxay arintaasi sababtay in Olole lagu Qaado Boolis ku Sheegii halkaas ilaalinayey iyagoo dabadeedna xidhay kuwo iyaga u shaqaynayey oo Boolis u ahaa ooy ka mid tahay Gabadhi,waxayna kala yihiin

1. Ardo Ali Yoolac
2. Xayi Rashiid Carte
3. Faarax Moalin Abdi
4. Omar Mohamed Dalmar
5. Ahmed Abdi Makhtal
6. Muhumed Dhoof
7. Iyo Khaalid Omer oo isagu Shacbi ah.

Qofka u dhashay Ogaadeenya haddii uu Darajo kasta ka leeyahay Itoobiya waxaa muuqata in taasi ayna ka ilaalin karin Ololaha lagu hayo in lagu qidhib tiro inagoo aragna Min Madaxweyne ku sheeg ilaa Boolis xidhaygoodii.

Maryama Ruun Liibaan
Radio Xoriyo
Awaare, Ogaadeenya

-----------------------------------------------



Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Koonfur Afrika ayaa inoo soo diray warkan

SHIR LAGU TAAGEERAYO HALGANKA SHACBIGA OGAADEENYA OO KA DHACAY KOONFUR AFRICA

28 July 2002 ayaa kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen xubno aad u badan oo ka tirsan beesha Absame lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Ujeedada Shirkaas oo ahayd sidii loo taageri lahaa halganka xornimo doonka ah ee uu Shacbiga Ogaadeenya oogu jiro aaya ka tashigiisa ayna majaraha Siyaasadeed iyo Midka Milatariba u hayso Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeniya JWXO.

Waxaa shirka furay Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaanni) oo ah odayga beesha Absame ee waddanka K/Afrika. Kaddib waxaa halkaasi ka hadlay xubno kale oo ka mid ah Odayaasha beesha Absame kuwaas oo si wanaagsan u faahfaahiyey oo sawir buuxa ka bixiyey halganka uu Shacbiga Ogaadeenya oogu jiro aaya ka tashigiisa iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay una mudantahay jabhadda in si aan kala hadh lahayn loogu taageero hawlaheeda, intaas kaddib waxaa warbixin dheer ka jeediyey shirka Daahir Maxamed Cali (Baasto) oo ah Xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee Jwxo, isla markaasna ah wakiilka jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ee ee Waddanka K/Afrika.

Dhanka kale waxaa kulanka laga akhriyey Go'annadii lagu gaadhay kalfadhigii Galaha dhexe ee jabhaddu ku yeeshay xaruntiisa kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen dhinacyada abaabulka shacabka iyo ka dhisiddiisa xagga fikirka iyo aqoonta, dhameystirka dhismaha ururrada bulshada, xoojinta qaabka howlgalka jaaliyadaha dibadda, kordhinta iyo kor u qaadista tirada iyo tayada ciidanka ee jabhadda, adkeynta xidhiidhka iyo wax wada qabsiga qowmiyadaha kala duwan ee ay Itoobiya gumeysato iyo u bandhigidda bulshada caalamaka ee nabadda iyo xasiloonida jecel xadgudubyada ka baxsan xuquuqda aadanaha ee ay Itoobiya ku hayso shacabka Ogadeniya iyo shucuubta kale ee ay Itoobiya Gumeysato.

Dhammaan dadkii ka qayb galay shirkaasna waxay muujiyeen oo ay ballan qaadeen in ay taakuleynayaan Jwxo.Shirkii waxaa xidhay madaxa Jaaliyadda absame ee Koonfur Afrika Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaanni) Jaaliyadda Absame ee Koonfur Afrika

Cumar Fandhaal
Radio Xoriyo
Koonfur Afrika

--------------------------------


BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa

Bayaan ay soo saarteen 12 August 2002 Gudida Fulinta ee Jaaliyada Sool,Sanaag iyo Hawd ee dalka Kuwait ayey ku sheegeen in Maamulka Waqooyi Galbeed uusan marna isku dayin in uu Doorashooyinka ka qaban qaabiyo Gobalada Sool,Sanaag iyo Hawd kuwaas oo dadka degaa ay yiniin kuwo ka mida Jamhuuriyada Soomaaliyeed.Waxayna ku bilaabeen
Annagoo ah Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda ka soo jeedda Gobolada Sool,Sanaag iyo Hawd ee Somalia degganna dalka Kuwait waxaanu Maamulka Hargeysa uga digaynaa inuu isku dayo inuu doorashooyinka uu ku dhawaaqay in uu qabanayo bisha Oktoobar 2002da ka hirgeliyo Gobolada Sool,Sanaag iyo Hawd.Isla markaas waxaanu maamulkaas kula talineynaa inuu ka waantoobo sheegashadiisa ah in Goboladaasi ka mid yihiin waxa uu ula baxay "Somaliland" taasoo ilaa hadda laga kari la'yahay.
Waxaanu maamulkaas xusuusineynaa arrimaha soo socda oo ah kuwo isagoo og uu iska indhatiro isla markaasna ah sababaha aanu doorashooyin uga qaban karin Goboladaas
1}Gobolada Sool,Sanaag iyo Hawd oo baaxadooda dhuleed tahay in ka badan 50% dhulkii sannadkii 1960kii ka hor loo yiqiin "British Protectorate of Somaliland" qabiil ahaan dadkoodu waa ka duwanyahay dadka ku dhawaaqay ka goosashada dalka hooyo.
2}Dadka Goboladaasi waxay aaminsanyihiin midnimada dalka Somalia waxayna ka soo horjeedaan siyaasad kasta oo ku saleysan kala goynta dalka.
3}Waxa Isimada iyo wax garadka goboladaasi aaminsanyihiin kuna dhaqmaan habka nabad kuwada noolaanshaha,isxaqdhowrka iyo kala badbaadinta dadka deriska ah taasoo ay u arkaan in nabaddu cid walba dan u tahay gaar ahaan ka dib markii Ummadda Soomaaliyeed soo martay dagaal sokeeye oo cid walba saameeyey.Waxa madaxda goboladas iyo dadweynohooduba aaminsanyihiin in isku xadgudubku halis geliyo nabadda waana sababta aanay arrimaha deriskooda u faragelin.Sidaas darteed waxay ka filayaan deriskoodu inuu ka waantoobo faragelinta arrimahooda.
4}Goboladaasi waxay leeyihiin Isimo iyo indheer garad haga kana taliya danahooda.Waxa u dhisan hay'ado u qaabilsan arrimaha bulshada sida waxbarashada,caafimaadka,isgaarsiinta, biyaha iwm. waxayna hadda u tabaabushaysanayaan dhisidda hay'adaha ka dhiman.Sidaas darteed cid kale ugama baahna inay maamul bulsho u sameyso oo doorasho u abaabusho.
Bayaankaas oo lagaga hadlay arimo badan waxay ugu danbayntii ku soo gaba gabeeyeen odhaahdan ah NIN KUU DIGAY KUMA DILIN.
Waxa BAYAANKAN soo saaray Guddiga Fulinta ee SSH-Kuwait oo ah:
1}Saalax Shire Saalax.......................................Guddoomiye
2}Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}..................Xubin
3}Xasan Cali Nuur {Guntan}....................................."
4}Cali Maxamuud Cali Bayr......................................."
5}Cabdullaahi Sheikh Maxamuud..............................."
6}Maxamed Xirsi Muuse {Caynab}............................"
7}Saciid Ismaaciil Ibraahim {Hiimbool}......................."
8}Axmed Maxamed Cali {Raadsato}........................."
9}Naasir Sheikh Saalax.........................................."
10}Maxamuud Xaaji Cumar {Barraadle}..................."
11}Maxamed Sacad Maxamed.................................."
12}Cabdullaahi Maxamed Aadan{Gadhyare}................"
13}Bashiir Maxamuud Jaamac...................................."
14}Yuusuf Axmed Kawir..........................................."
Kala Xiriir:
Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig} ssh_kuwait@hotmail.com 

Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.
-----------------------------------------------------------

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 13 August,2002
radioxoriyo@aol.com
 radioxoriyo@aol.com  

Dhegeyso warkan oo Cod ah

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo.


WARARKA OGADEENYA:
August.13.2002August.9.2002 | August.6.2002 | July.30.2002 | July.26.2002 | July.23.2002 | July.19.2002 | July.12.2002 | July.9.2002July.5.2002 | June.28.2002June.25.2002 | June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk

TALO, TUSAALE IYO SU'AAL KUSAABSAN QORAALADA SOMALITALK.COM WAXAA LAGALA SOO XIRIIRIKARAA TIFATIRAHA GUUD EE BOGGA [Editor-in-chief] OO LAGA HELO http://www.somalitalk.com/feedback


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
CASHARKA TODDOBAADKAN | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXII SL 2002» 
Barnaamijkii C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»  

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
 For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
 Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
Sawirka Boosaaso: Waa magaalada oo kor lagasawiray  Guji...
SUNTA KU AASAN SOOMAALIYA



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD