SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NEWS

LONDON, UK

Wiilashii Dilay Kaiser Osman oo Maxkamad Lasoo Taagay

September 5, 2002

Wiil 14 jir ah ayaa toori ku dilay Kaiser Osman bishii March 12keedii ee sanadkan: "wejigiisa ayaan ifka ka qarinayaa" ayuu yiri dembiiluhu sida shalay loo sheegay maxkamada dacwada qaadeysa.

 
Boy's fingerprints 'on murder knife' GUJI...

Boys, 14 and 11, go on trial for killing refugee GUJI 

Dembiilaha ayaa ina adeerkiis oo 11 jir ah amray inuu gurigooda uga soo qaado midiyaha yaala tan ugu afka badan uguna weyn, markii loo keenayna wuxuu wadnaha daray Kaiser Osman, kaasoo isla goobtii dhiig bax ugu dhintay, xeerbeegtidii maxkamada ayaa shalay arintaa loo sheegay.

Ninka dembiga ku oogaya dembiilayaasha oo la yiraahdo Brian Altman ayaa maxkamada u sheegay in labada dembiile kan weyn uu is hortaagay Kaiser dabadeedna uu feer ku bilaabay, goob ku dhow Harlesden youth centre ee waqooyiga magaalada London.

Qof dumar ah ayaa aragtay laba wiil oo madow ah oo eryanaya badadeedna dusha uga baxay Kaiser. wiilkan Soomaaliyeed oo 15 jir ahaa ayaa reerkoodu kasoo carareen dagaaladii sokeeyey ee Soomaaliya ka jiray sanadkii 1989.

"qofka dumarka ah ayaa maqashay cabaad markey fiirisayna waxey aragtay labada dembiile oo isugu tegey isuna haya wiilka Soomaaliyeed, kadiba Kaiser dhulka ayuu ku dhacay" ayuu yiri Mr. Altman isagoo soo xiganaya qofka dumarka ah ee falka indhaheeda ku aragtay.
Rival Somali gunmen call it quits 

Dembiilaha 14 jirka ah ayaa watay toorey aad u weyn yirina sida la sheegay "waan dilay midkan waxaana diyaar u ahay dilka mid kale".

Dembiilaha ayaa police-ka u sheegay inuu falka geystay isagoo is difaacaya balse Mr.Altman ayaa sheegay in falku ahaa mid ulakac ah.

Dembiilayaasha ayaa da'doodu hada tahay 12 iyo 15, balse labadooduba waxey diidayaan in falkoodu ulakac ahaa.

Maxkamada ayaa weli soconeysa.

Mohamud Yusuf Garre
yusuf22@lycos.com 
United Kingdom

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk | Sept 5, 2002

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Kayser Osman died 300 yards from his home
A 15-year-old boy who was stabbed to death on a London estate may have been killed over a game of football according to police.
PHOT: BBC UK

"The police are trying really hard to keep him alive. One officer has stripped down to just his shirt and was pumping, pumping away on the boy's chest trying to keep him alive. He wasn't giving up," Michael Comer, 33, said. [Guardian]


CANADA- Maxkamad kusaabsan dilkii Shidane Arone 


 
Dilkii Cabdul Maye | Dec 8, 2001

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8
Nin Soomaaliyeed oo u Baahan in Degdeg Kelyaha Looga Bedelo
 
AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02
 
 
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw) GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada LooxirayGUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD