Booliiska kenya oo sheegay cidii isku dayda
in ay dib u dhistaan goobihii ganacsi ee laga dumiyay in lagu xukumayo lixbilood oo
xarig ah.
CANAB MAXAMUD C/LLE (MUMTAZ)
NAIROBI KENYA
canabmumtaz@hotmail.com
April 19, 2003
Habeenimadii arbacada ayay ku waabariisten
ganacsato badan goobohoodii ganacsi oo la burburiyay dhacna loo gaystay,kadib
markii ay booliiska kenya sida ay sheegeen amar lagu siiyaya in ay burburiyaan
goobahaan ganacsi oo sida ay dawladdaa kenya sheegtay ah kuwo ku yaal goobo
sharci daro ah oo aan loogu talagalin suuq.
suuqyadan oo ku yaalay wadada geesaheeda waxaa
ku qasaaray oo ay hantidoodu ku luntay ganacsato soomaaliyeed,sida ay igu waran
Dahabo Cali oo ku lahayd dukaan lagu iibiyo mopile-lada, kabo iyo bagaash kale
oo aysan waxba ka caynsan hantideedi oo ku dhawayd qiyastii sida ay ii sheegtay
illaa 4000$ (afar kun oo doolar).
Dadkan ganacsatada ah waxaaa dhacaday tuugo markii
ay booliisku wadeen hawlgaladii ay ku burburinayeen suuqyadan boosaska ay
daganaayeen ganacsatada ayay ku gadeen lacag adag sida uu sheegay wiil ganacsade
ah oo lagu magacaabo c/casiis maantana layskugu daray dhac dhul ay gadeen iyo
hantidii u taalayba. ganacsatdan ayaa ku cabanaya inaan la siinin wax digniin ah
ka hor intaan la soo weerarin,balse mid ka mid ah booliiska kenya oo aan wax ka
wediiy arintan ayaa ii sheegay in loo digay mudo laba todobaad ka hor ah,ayna ka
guuri waayeen taasna ay keentay in ay igu qasab kula dagaalaan.
dadkan looma hayo meelo ay dagaan waxayna
jogaan goobihii laga saaray waxaana ka muuqata naxdin ay ku reebtay dhibaatadii
ku dhacday.iyagoo ka rajo qaba in ay dib u dhistaan,balse booliiska kenya ayaa
uga digay in cidii dhisata ay la kulmi doonto xarig mudo lixbilood ah.
CANAB MAXAMUD C/LLE (MUMTAZ)
NAIROBI KENYA
canabmumtaz@hotmail.com
.
Dhakhtar
Soomaaliyeed oo Baaq Kasoo Saaray Cudurka SARS
Dr. Muse Yusuf Shirwac (Qeybdiid) oo
kusugan Soomaaliya ayaa
Xafiiska WHO ee Soomaaliya iyo Howlwadeenada caafimaadka Soomaaliyeed ugu baaqay
in....
GUJI...
18/4
MINNESOTA:
AIDS-ka oo Kusoo Badanaya Dadka Ku Dhashay Afrika ee Ku Dhaqan Gobolka
Minnesota, USA
Waaxda Caafimaadka u qaabilsan Minnesota
ayaa sheegtay in cudurka AIDS-ku uu..... GUJI...
17/4
MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga
ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
|