SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
somalia Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliyeed
Axdiga ku Meel Gaarka ah
MILICSI KU SAABSAN AXDIGA DAWLADDA-DHEXE [FEDERAALKA] EE KU MEEL GAADHKA AH

WQ. Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk.com Nairobi, Kenya

March 15, 2003

imdeeq@hotmail.com


Gudiga diyaarinta axdiga dawladda-dhexe [federaalka] oo qayb ka ah labadii dhinac ee ay u kala dillaaceen gudigii loogu talo galay inay soo diyaariyaan axdiga ku meel gaadhka ah ayaa qormada-koowaad [ama daraafkii ugu horeeyey] soo ban dhigay. Daraafka dastuurka federaaliga ahi wuxuu ka kooban yahay 30 baal oo ah warqadda A4 loo yaqaan. Korka waxaa kaga sawiran calaaamaddii jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu ka hooseeyo cinwaan far waaweyn ku qoran oo ah: “Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliyeed”. Cinwaankaasna waxaa ka sii hooseeya: “Axdiga ku meel gaadhka ah”. 30’ka baalba waxay wataan saxiixa gudoomiyaha gudiga diyaariyaasha axdiga ku meel gaadhka ah Xaaji Maxamuud M. (Barbaar), waxaa kaloo gudaha ku taxan magacyada iyo saxiixyada dadkii axdigan diyaariyey oo 24 xubnood ka kooban.

Hor iyo horraana, wuxuu axdigani qaybtiisa 1aad, qodobkeeda 1aad, ku soo qaddimayaa inay Soomaaliya tahay jamhuuriyad federaal dimuqraadi ku meel gaadh ah, madax banaan, kuna dhisan caddaalad, sinaan, nabad, shaqo iyo horumar; dhawraysana ku dhaqanka saraynta sharciga, awoodda oo dhanna ay shacabku leeyihiin. Ayna adeegsanayaan hayadaha meelaha metela si waafaqsan axdiga federaalka ku meel gaadhka ah.

Qaybta 2aad ee axdiga, qodobkiisa 2aad wuxuu sheegayaa inay jamhuuriyadda federaalku ka kooban tahay dawladda dhexe ee federaalka, dawlad goboleedyo, degmooyin, dawlado hoose, iyo tuulooyin. Waxaana axdiga ku qoran in shuruuc kale lagu qeexi doono dawlad kasta awoodeeda. Muuqaalka calanku waa kii hore, astanta jamhuuriyadda federaaliga ahina waa tii hore, caasimaddu waa Muqdisho, laakiin wuxuu axdigu leeyahay ilaa iyo inta nabadgelyadeeda laga sugayo dawladda dhexe waxay ku sii shaqayn kartaa halkii kale ee ku haboon.

somalia flag Asaasihii Calanka: Maxamed Cawaale Liiban

Qaybta 1aad ee axdiga, qodobkiisa 4aad wuxuu leeyahay, shacbiga jamhuuriyadda federaaliga ku meel gaadhka ahi waa Islaam, sunni- shaafici ah, sharci kasta oo si toos ah uga hor imanaya diinta Islaamkana waa mid axdigan ka soo hor jeeda. Afka rasmiga ah wuxuu leeyahay waa Soomaali oo uu ku macnaynayo Maay iyo Maxaad tiri. Afafka 2’aadna wuxuu ku  leeyahay waa Carabi iyo Ingiriis.

Qodobka 9aad ee Axdigu wuxuu xaqiijinayaa inay muwaadiniinta dalku iyagoon loo eegayn lab, iyo dhedeg, dhaqaale, xaalad bulsho, iyo aragti siyaasadeed ay xuquuqda iyo waajibaadka dalka u siman yihiin sharciga hortiisa. Xagga waxbarashada axdigu wuxuu qirayaa inay ilaa dugsi sare lacag la’aan noqon doonto, isla markaana ay barashada diinta islaamku khasab ku tahay ardayda dugsiyada dawladda iyo kuwa gaar ahaaneedba.

Xagga xoriyadda isgaarsiinta wuxuu axdigu leeyahay lama baari karo, lamana fara gelin karo, waraaqaha isgaadhsiinta iyo qalabka casriga ah sida Web site’yada iyo E-mailada ay dadku ku wada xiriiraan. Xoriyadda ra’yiga iyo xaqa banaanbaxa axdigani wuxuu ka qabaa in qof kasta oo ka mid ah shacbiga soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa ku soo ban dhigo odhaah, muuqaal, qoraal, iyo qaab kasta oo uu dad weynaha ku gaadhsiin karo faaf reeb la’aan. Inuu abaabuli karo, kana qayb qaadan karo banaan bax lagu soo ban dhigayo ama lagu raadinayo xuquuq loo baneeyey Aadana iyadoo aysan isticmaalka xuquuqda qodobka ku xusani waxba u dhimayn anshaxa guud, mid gaar ahaaneed, nabad gelyada, iyo xasiloonida dalka iyo dadkaba.

Waxaa kaloo axdigan ku cad inay dawladda federaalka ahi damaanad qaadayso xoriyadda saxaafadda, warbaahinta, madaxa banaan, oo loo samaynayo sharci u gaar ah. Qodobka 19aad waxaa ku xusan inay dawladda federaaliga ahi aqoonsan tahay in dalku yeesho hanaanka xisbiyada badan.

Golaha sharci dejintu wuxuu ka kooban yahay laba gole oo kala ah Golaha wakiilada (representative) iyo golaha odayaasha (senate). Waxayna masuul ka yihiin sharci dejinta dalka, golaha wakiiladu waxay ka kooban yihiin 337, waxaana lagu xulayaa bay leeyihiin 4.5, iyagoo xilka hayn doona 4 sano oo ka bilaabata kolka xilka loo dhaariyo, lamana kordhin karo. Golaha odayaashu wuxuu wakiil ka yahay bay leeyihiin danaha shacabka Soomaaliyeed, awoodoodana waxaa ka mid ah ansixinta iyo talo ka bixinta go’aamada ay golaha wakiiladu gaaraan.

Qodobka 40aad wuxuu isku ladhayaa labada gole ee golaha wakiilada iyo golaha odayaasha, wuxuuna ugu yeedhayaa golaha shacabka, tiradooda guudna wuxuu ka dhigayaa 450. wuxuu axdigu leeyahay waa inay 450’kaas ka mid noqdaan 50 haween ah oo 4.5 lagu xulayo.

Qodobka 42’aad wuxuu qeexayaa awoodda fulinta oo uu leeyahay waxaa leh golaha madaxtooyada iyo golaha wasiirada. Wuxuu leeyahay golaha madaxtooyadu waa hayadda ugu saraysa qaranka; wuxuuna golaha madaxtooyadu ka kooban yahay madaxweeynaha jamhuuriyadda iyo 3 madaxweeyne ku xigeen oo uu madaxweeynuhu u guddoominayo. Waxaana soo xulanaya beelahooda isla markaana waxaa ansixinaya ergooyinka shirka ka qayb gelaya; waxaana golaha madaxtooyada lagu salaynayaa awood qaybsiga 4.5. Golaha madaxtooyadu wuxuu ku shaqaynayaa buu axdigu leeyahay hab guddoonka go’aamada wada jirka ah.

Awoodda golaha madaxtooyada buu axdigu qabaa inay ka mid tahay dejinta qorshayaasha dhaqaalaha, jaan gooynta arrimaha siyaasadda, bulshada iyo sugidda nabad gelyada, waxay ogolaanayaan wasiirada iyo wasiir ku xigeenada iyo kuwa ciidamada. Sida axdiga ku cad guddoomiyaha golaha wasiiradu waa madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa, axdigu wuxuu leeyahay wasiirku waa inuusan 30 jir ka yaraan, kaas oo aqoon jaamacadeedna leh.

Axdigan daraafka ah ee aan weli la ansixini wuxuu qabaa inuu garsoorku ka madax banaan yahay awooda sharci dejinta iyo tan fulintaba. Golaha sare ee garsoorku wuxuu ka kooban yahay guddoomiyaha maxkabadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, saddex garsoorayaal oo laga soo xulayo maxkabadda sare, saddex xubnood oo laga soo xulayo garyaqaanada dalka; iyadoo uu golaha sare ee garsoorka ay golaha madaxtooyadu soo magacaabayaan.

Qaybta 4aad ee axdiga qodobkiisa 56aad wuxuu leeyahay dawladda dhexe ee federaalku waxay metelaysaa ciidamada qaranka iyo wada jirka ummadda soomaaliyeed, awoodduna waxay ku dhisnaan doontaa awoodda dawladda dhexe ee federaalka ah iyo awoodda dawlad goboleedyada iyo dawladaha hoose.

Qoodobka 59aad ee axdiga ku meel gaadhka ah ee aan weli la ansixinin wuxuu leeyahay wiixii aan lagu xusin axdigan waxaa loogu noqonayaa dastuurkii 60kii. Qodobka 60aad wuxuu caddaynayaa inuu axdigani dhaqan gelayo kolka ay hogaamiyayaasha siyaasadda ee shirka ka qayb gelayaa ansixiyaan. Ugu dambayn baalka ugu dambeeya ee axdiga ku meel gaadhka ah waxaa ku taxan ballan qaadyo 7 qodob ka kooban oo ay ka mid yihiin inay dawladda ku meel gaadhka ahi ballan qaadayso inay la dagalamayso kana hor tegayso argagixisada gudaha iyo caalamka nooc kasta oo ay tahay, iyadoo la kaashanaysa bulsha weynta caalamka iyo dawladaha nabadda jecel. Intaas ayaan ka xusi karaa milicsigii yaraa ee aan indhaha soo mariyey axdiga ku meel gaadhka ah ee federaalka oo aan weli si rasmi ah loo ansixin, laakiin ay diyaariyashu soo gudbiyeen.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 KARKII HORE... GUJI......

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  c

AXDIGII QARANKA EE KU-MEEL GAARKA AHAA EE LAGU SAMEEYEY CARTA, JABUUTI SANNADKII 2000 ... GUJIom

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Nidaamka Federalku Makashaqayn Karaa Soomaaliya!
Waraysigii C/risaaq Xaaji Xuseen [November 7, 2002]

AXDIGII QARANKA EE KU-MEEL GAARKA AHAA EE LAGU SAMEEYEY CARTA, JABUUTI SANNADKII 2000 ... GUJI 


Eldoret waa caynkee


ELdoret- Bjanaayo
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

Afsoomaaliga oo halis kujira in uu suuli GUJI..


Qoys Soomaaliyeed oo Guri aan Ribo/dulsaar lasaarayn Kuyeelan Doona Portland GUJI Dec 4, 2001


Bilicda Soomaaliya...


Sunta Soomaaliya ku duugan...b




HTML CD