SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
WARAYSI GEN. MORGAN ELDORET

 

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Oct 30, 2002

morgan Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan

Galabnimadii Talaadada ee ahayd ee ay bisha Oktoobar 29ka ahayd anigoo ah Ibraahim Maxameddeeq waxaan hoteelka uu degan yahay ku booqday Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo ka mid ah maadaxda siyaasadda soomaaliya ee Eldoret ku shirsan isla markaana aan ayaamahaasba doonayey inaan waraysi la yeesho laakiin isagoo aad u mashquulsanaa darteed ay ii suuroobi weeydey inaan horay ula kulmo, gaadhigii aan watay markii uu i dhigay Hotelka uu Jeneraalku degan yahay hortiisa waxaan kula kulmay dad faro badan oo doonaya inay jananka la kulmaan iyo weriyayaal shisheeye u badnaa oo ku xoonsanaa iridda Hotelka aadna u danaynayey inay Morgan arkaan, Laakiin anigu waxaan haystey ballan ii saamaxday inaan halkaa la igu hor joogsan, markaan gudaha sii galay waxaan la kulmay dublimaasiyiin caaddaan ah oo iridda guriga Jananka tuban oo iyaguna doonaya inay Morgan la kulmaan.

Cabbaaar markaan sugayey oo ay dadkii iga horreeyey Jananka u galeen ayaan qolkii uu Gen. Morgan ku jirey horay u galay, waxaan la kulmay Gen Morgan oo gadh weyn iyo shaarubo isku baxay leh oo si degan u dhex fadhiya qolka uu hoteelka kaga nool yahay, waa nin si qaboow u hadla oo aad u dabci-san, wixii aad weeydiisana si aan dhirif lahayn kaaga jawaabaya, Kolkaan u soo galay intuu sigaar uu cabayey dib u jiiday ayuu igu idhi: "soo dhowoow". Markiiba waxaan jeclaystay inaan hawshayda guda galo waayo waxaan dareemayey inay dad badani weli iridda Jananka dhoobnaayeen oo aanan wakhti dheer haysan dabadeedna si boobsiis ah ayaan su'aalahaygii ugu qadimay, ugu horrayna waxaan weeydiiyey bal inuu ii guud maro taariikh nololeedkiisa inta uu iiga sheekayn karo, wuxuuna iigu war celiyey sidan:

"Waad mahadsan tahay, Waxaan ku dhashay magaalada Qardho, dugsiga hoosena waxaan ka dhigtay isla Boosaaso iyo Qardho, Fasalkii koowaad ee dugsiga dhexe ayaana Xamar u soo wareegey, iskuulkii Carabta Masaarida dugsigii Allaahida ayaan dugsiga dhexe iyo dugsiga sareba ku soo dhamaystay 1967kii ayaan dugsiga sare ka baxay, markaan ka baxayna waxaan galay ciidamada kaddibna sadex sano oo kooras ah ayaan dalka Raashka u aaday, markaan ka soo laabtayna waxaa dhashay kacaankii 21ka Oktoobar, kacaankaas ayaanna ku noqday saraakiishii ugu horaysey ee Raashiya ka timaada, laba kooxood keliyaa iga dambaysey, kaddib waxaan ka mid noqday rag loo doortay inay la shaqeeyaan madaxtooyada , oo madaxweeynaha la shaqeeya, muddo lix sano ah ayaan madaxweeynaha la shaqaynayey mar aan u ahaa body guard iyo mar aan u ahaa xoghayn intaba waan la soo maray ilaa iyo 1976kii.

siyad Siyad Barre

Kaddib dagaalkii 1977kii waxaan taliye ka noqday guutadii koowaad ee madaafiicda goobta waxaana dhacay dagaalkii 77kii, waxaana ka mid ahaa saraakiishii dagaalkii gashay, waxaanuna ka dagaal galay aagga Doolow ilaa Nagayle muddo kadibna aaggii waxaa loo soo bedeley oo taliye ka noqday Cabdillaahi Yuusuf, anigana waxaa la igu soo celiyey taliyihii guutada koowaad halkaas oo ay markaa abaabul iyo tababaro ka socdeen ilaa aan noqday taliyaha deegaanka Xamar.

Markaas kaddib waxaan kooras laba sano ah u aaday Maraykanka Commander General Staff College oo Kansas ku taala ayaan ka soo baxay, markaan ka soo noqdayna waxaan noqday taliyaha qaybta 21aad ee Dhuusa-Mareeb oo ay markaa dagaalo xoogani Balanballe ka socdeen xiligii Mingisstu, saddex sano ayaan ka soo sheqeeyey halkas oo ahaa meelihii ugu dhibaatada badnaa, kaddib waxaa la ii bedeley qaybta 26aad ee Waqooyi galbeed oo aan iyana laba sano iyo badh ka soo shaqeeyey, dagaaladii sokeeye ee meesha ka dhacayna ay ila soo gudboonaadeen, Markaan qaybta 26aad joogey waxaan noqday hogaamiyihii gudigii loo saaray kala raridda ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya labada dhinacba, markaan ka soo noqdayna waxaan noqday wasiir ku xigeenka gaashaan dhiga, kaddibna wasiirka hawlaha guud iyo gurayaynta, ugu dambayntiina wasiirka gaashaandhiga.

Markii ay dawladdii bur burtayna waxaan ka mid noqday ragii hogaamiyayaasha jamhadaha oo dalka kama bixin Jubba land meesha la yidhaahdo oo uu ururka SPM masuul ka yahay ayaan guddoomiye ku xigeen ka ahay Adan Gabyowna waa guddoomiyaha ururka, waan dhaaf dhaafayaaye intaas baan ku soo koobi karaa".

Su’aal: Gen: Morgan markaad yarayd ma ku hamiyi jirtay inaad noqoto sarkaal sare oo ciidamada ah?

Gen Morgan: waagii aan ardayga ahaa asxaab badan ayaa wadaka ka jirtey, urur dhalinyaraa jirey waxaanna ka ahaa xubin weliba waxaan ka mid noqday xoghayayaasha sare ee ururka, waxaan ka mid ahaa ragii mudaharaadyada qaban qaabin jirey sida mudaharaadyadii xornimada Jabuuti iyo NFD sidaa darteed milateriga waagaas wixii i geeyeyba waxay ahayd wadaninimo ku dhisan in dalka soomaaliyeed iyo dhulalka maqan la helo, anigu waxaan ku soo bar barbaaray wadaninimo, taas ayaana darajadan i soo gaadhsiisay baan odhan karaa, qof kastoo dhalinyaro ahna waa inuu ku hamiyaa inuu wax noqon karo, dalkiisana wax ka noqon karo waayo dadka jiilba jiil buu bedelaa, annagu jiil baan bedeley, berrina jiil baa na bedeli doona, laakiin muhiimaddu waa inuu qofku wadaniyadda dalkiisa ku bar baaro, sidaasaa ku haboon.

Su’aal: Gen. Morgan qof waliba wuxuu leeyahay hiwaayad uu si gaara u xiiseeyo, adigu maxaad ka heshaa oo hiwaayadaada ah?

Gen. Morgan: Hiwaayadayda aan jeclahay weligayna aan ka helo ilaa ardaynimadaydii waxaa weeye iboortiga qaybihiisa kala duwan, dabaasha waan jeclahay, noocyada isboortiga oo dhan waan jeclahay, ama orod ha noqoto, ama lug ha noqotee hiwaayadaydu waa middaas.

Su’aal: Sidee baad shirka Eldoret u aragtaa?.

Gen. Morgan: saddex iyo toban shir baa hadda ka hor la qabtay intooda badan anigu kama qayb gelin, shirkii Soodare ee Itoobiya iyo kii Kenya waagii UNISOM lagu qabtay ayaan ka qayb galay, wuu yaraa ka qayb galkaygu waayo waxaan qabay ilaa iyo haddana qabaa si soomaaliya xal loogu helo waxay u baahan tahay in la derso dhibaatooyinka jira haddaan dhibka gudaha soomaaliya ka jira iyo dagaalka 12ka sano socday aan xal loo helin dawlad baan dhisaynaa, bani aadamka qaar baa waxay halkan u joogaan xukun raadis, meel aan waxba jirin buu nin xukun ka raadinayaa, xaqiiqda dhabta ah ee aan ummadda soomaliyeed maqashiinayaa waxay tahay xal soomaaliyeed waxaa la heli karaa marka dhibaatooyinka dalka gudihiisa ah ay xaliyaan dadka soomaliyeed oo ay daacad isaga noqdaan, maalin walba in waraq la saxiixo oo baaq la saxiixo haddee sadex iyo tobankaasba waraaqaa la saxiixi jirey, annagu ma doonayno inay tii oo kale noqoto. Kan waxaad moodaa inuu xoogaa kuwii hore ka duwan yahay sabatuna waa saddexda weji ee shirkan loo qaybiyey, wejigan koowaad ee hadda la isugu yimid ee baaqa laga soo saaray, joojinta colaadaha, gudiyaal in la saaro kaddibna wejiga labaad inay gudiyaashu ay xaliyaan, dhibaatooyinka talo ka soo jeediyaan, dhibaatooyinka dalka gudihiisa ka jira ay ka soo talo bixiyaan waxaana taas ka mid ah dad dhulkoodii xoog lagu haysto, dad beerahoodii la haysto, dad waxyaabihii ay gaarka u lahaayeen la haysto, waxaa ka mid ah caddaalad xumo xun oo dalka gudihiisa ka jirta, oo uu dagaalka sokeeye sabab u noqday haddaba hadaan intaas oo dhan marka hore la xalin dawlad baan soo dhisaynaa, hebel baa is magacaabaya, madaxweeynaan ahay, Raysal wasaaraan ahay, magac waxba ma tarayo, waxa wax-tarka ahi waxa weeye in ummadda soomaliyeed ee 12ka sano dhibaatada ku soo jirtey in wax loo qabto, karaamadii iyo sharafkii aynu lahayna aynu soo ceshano, kii aan adduunka ku lahayna aynu soo ceshano, dawladaha deriska ah ee shirkan inoo qabtayna aynu derisnimo wanaag kula noolaano.

Hadaba haddaan wadadiisa la bedelin kani kuwii hore wuu rejo dhaamaa, dad baa waxay qabaan, in hal weji laga dhigo oo wejiyada kale la tir tiro, dadka sidaas wataana waa dad aan doonayn maslaxad soomaaliyeed laakiin anagu waxaan ayidsanahay wejiyadaa loo qaybiyey iyo qaabkaas lix bilood iyo sideed bilood hadduu doono ha qaatee in loo daayo si ay natiijadu u noqoto mid sharaftii iyo karaamadii qaranka soomaaliyeed soo celisa.

Su’aal: Laakiin ma kuula muuqdaa mid midho wanaagsan dhali kara?.

Gen. Morgan: haddii aan laga bedelin wadada uu iminka ku socdo oo dadka arimaha gudiyaasha loo xulayo aysan ka iman dadkii dagaalamay, waxaa la yidhi Bulshada rayidka ah waa qabiil, bulshada rayidka ahi halkan cod kuma laha dadka codka laga rabaa ee xalka laga doonayaa waa ragayaga la yidhaahdo siyaasiyiinta, marna la yidhaahdo qab qablayasha dagaalka ee magacyada badan loogu yeedho, haddaanan anagu is afgaran oo aanan si daacad ah isu afgaran waxaa weeye xalku wuu adkaanayaa haddase haddii wadada uu shirku ku socdo aan laga bedelin, waxaan qabaa inuu shirku rejo yeelan karo laakiin haddii jidkiisa laga weeciyo kuwii horuu la mid noqonayaa.

Su’aal: Magaalada Kismaanyo ee aad badiba xiliyadan colaadaha sokeeye ka talin jirtey iminka waxaa ka taliya Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay halkan ergooyinkii ka socdey joogaan haddaba haddii deegaankii aad meteli jirtey lagaa haysto yaad shirka u metelaysaa?

sanguni kismaayo Sanguuni: Dhulbaraha Soomaaliya

Gen: Morgan: Horta deegaanka oo dhan lama wada haysto, SPM deegaankeedu waa jubbada dhexe iyo jubadda hoose, waxaa la haystaa magaalada Kismaanyo, annaga ciidankayagu 40km ilaa 50 km ayuu Kismaanyo u joogaa, Afmadow bay joogaan oo 120km Kismaanyo u jirta, Buulo Xaaji bay joogaan oo 80km Kismaanyo u jirta, Joore oo dhan bay joogaan, dhulka xaq darraa lagu haystaa, budh cad isa soo abaabushey oo walaalaha Galgaduud la baxday ayaa qabsatay waxaana gacan ku siiyey Kooxda Carta ee Caabdi qaasim hogaamiyo, dagaaladii ugu danbeeyey ee July'dii ugu dambaysey dadku deegaankoodii inay ku noqdaan way damceen waana ku laabteen waxaa u soo hiiliyey oo soo abaabula Cabdi Qaasim, waxa weeye inuu dhulkaasi dadkii lahaa gacantiisa ku soo noqdo, cid taas laga baryayaana ma jirto, waayo nin waliba soomaaliya deegaan buu degan yahay adduunka oo dhan waa sidaas, nimanka isbahaysiga la baxay hadday moodayaan inay dhul dad leeyahay haysan karaan, ma haysan doonaan, waa haddii la doonayo inay nabad soomaaliyeed timaaddo, horseed waxaa u noqon kara dhulka la haysto oo xal loo helo, macno kasta oo ay ku timaadaba anagu taasaan soo dhoweynaynaa, haddii nabad la waayana wejiga labaad oo lagu galo anagu waan soo dhoweynaynaa, deegaankaasi dadkii lahaa inuu gacantiisa ku soo noqdaa muhiim ah, kuwa xaaraanta ku haystaana inay ka baxaan.

Su’aal: Waxaa jirtey inaad muddo gaaban Magaalada Kismaanyo gacanta ku dhigtay, maxaa haddana markiiba kaa soo saaray?.

Kismaayo oo kasiibatey faraha Gen. Morgan
-  August 7, 2001
  

KISMAAYO OO GACANTA U GASHAY CIIDAMADA DAACADDA U AH GEN. MORGAN
- August 6, 2001
 

Gen: Morgan: Waxaa naga soo saaray Cabdi Qaasim oo qaab qabiil ciidan ku soo abaabuley, taas ayaana sabab u ahayd inaan ka soo baxno, waxa dhulka dhibaatada ka wadaana waa Cabdi Qaasim iyo kooxda Carta oo dhib ku haysa, dooxada Jubba yaa abuuray?, yaa aasaasay?, waa dad gobolada dhexe iska soo bahaystay, haddana Cabdi qaasim baa taageera, waa kuwaas kuwa dhibaatada deegaanka ka wadaa.

Su’aal: Intii uu shirka Eldoret socdey Habayn waxaan u jeeday adiga iyo Col. Barre Hiiraale oo is gacan qaadaya, salaantaas maxaad ku fasiri kartaa?.

Gen: Morgan: Cid kastoo shirka timaadaa way is gacan qaadayaan oo haddii qof salaan kula soo aado waad salaamaysaa laakiin iskuma xira salaanta iyo waxa jira ee la isku haystaa, xaqiiqdiina salaani waxba ma kordhiso, waxaanu isku haysanaa wax ka weyn..

Su’aal: Gen. Morgan, markaan muuqaalkaaga wax ku cabiro marka aad xarunta shirku ka socdo ee Sirikwa dhex joogto waxaad u muuqtaa nin halgan ku jira waayo waxaad tahay janaraalka keliya ee Buud iyo dhar ciidan shirka ku yimaadda, maxaad u halgantaa?.

Gen. Morgan: waxaan u halgamayaa nabadda soomaaliyeed inuu qarankii soomaliyeed soo noqdo, Buudka aan gashanahayna kabaha caadiga ah ee la gashaduu ka mid yahay, anigu tuutana ma qabee dharka aan qabo waxaan u arkaa fashion, su'aashaaduna wax la yaaba ma leh oo dad horaa I weeydiiyey adiga keligaa maaha, qof waliba wuxuu xidhaa wuxuu ka helo marka anigaa ka helay inaan qaabkaas u lebisto.

barre ka biloow bidix: Ibraahim Maxameddeeq, Col. Barre Hiiraale, Mr. Deeq, iyo Col. Yeey. waraysigii Barre

Su’aal: Mar aan Col. Barre Hiiraale waraysi la yeeshay wuxuu ii sheegay inuu wada hadal u socdo saraakiil iyo wax garad adiga horay kuu taageeri jirey oo ay haddana waraaqihii heshiiska soo wada saareen, maxaad heshiiskaas kala socotaa?.

Gen. Morgan: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa habar dhali weeydey Aleele ku waalatay, meesha afar nin oo inta qol lala galay waraaqo saxiixay oo yidhaahda dad baan magaciisa ku heshiinay wax macno ah kuma fadhido talada jubboyinku waxay ka go'daa ururka SPM hogaamiyayashiisa, odayaashiisa, wax garadkiisa, ciidamadooda, niman aan cidna metelin oo meelahaas iska ordaya wax macna ah hadda inay ku fadhido uma arko, cid loo wakiishay oo heshiis la gashayna ma jiraan, intay deegaankaas dhex fadhiyaan heshiisba ma dhici karo, heshiis wuxuu iman karaa markay ka baxaan.

Su’aal: Laakiin Janaraale Col. Barre Hiiraale wuxuu ii sheegay inuu heshiis iyo nabad diyaar u yahay, adigu miyaadan sidaas doonayn?

Gen. Morgan: Hadda ka hor baanu Ceel Berde isku hor fadhiisanay, isagu ma joogin ee wakiil buu u soo dirsaday, waxii aanu ku kala tagnayna waxay ahayd heshiis marka la doonayo gurigaagii baan fadhiyaa, dad baan xoolahoodii qabsaday, dhibaataan dadkii ku hayaa, sidaas aynu ku heshiino adduunyada meel laga yaqaanaa ma jirto, ciidamadiisa Kismaanyo ha kala baxo oo ha ku noqdeen meelihii ay ka yimaadeen, markaas ayaan is hor fadhiisan karaa oo wixii dan ah oo jira aanu ka wada hadli karaa?.

Su’aal: Waxaad tahay nin in badan siyaasadda soomaaliya ku soo dhex jirey oo la odhan karo wuxuu khabiir ku yahay siyaasadda soomalida haddaba sidee bay shaqsiyan kuula muuqataa in mashaakilka soomaaliya lagu xalin karo?.

Gen. Morgan: mashaakilka soomaliya xalintiisa waa la khalday oo dad badan oo dano gaara leh baa khalday, kuwaas oo bulshada caalamka been u sheega, aragtidoodana ay damacnimo siyaasadeed ku salaysan tahay, xaqiiqda dhabta ahina waxa weeye xal soomaaliyeed waxa uu ku iman karaa marka dadka 12kii sano dagaalamayey ay daacad ka noqdaan in waxa jira laga wada hadlo, la xaliyo, haddan dhulka la kala haysto la xalin oo beeraha iyo guryaha la kala haysto la xalin, ma qabo inay nabadi iman karto, nabadi waxay ku iman kartaa caddaaladda, dalka soomaaliya reer reer sida loo kala degan yahay waa la yaqaan, marka haddii reer dhulkiisa lagu duulay oo reer kale qabsaday dawladda markaas caddaaladda u arkaysa oo odhan doonta hadhow baan kaaga kicin doonaa markuu hadhoow xukunkii helana ku sii adkaysanaya meeshaas wax nabadihi kama iman karto.

Xaqiiqda dhabta ah waxaan u arkaa haddii la doonayo inay nabadi timaaddo mashaakilaadka gudaha ka jiraa waa inay horta dhamaadaan kaddib waa inay ummadda soomaliyeed isu timaaddo madaxweyne ha doorteen, Raysal wasaare ha samaysteen, anigu xukun ma danaynayo, laakiin waxaan danaynayaa nabad soomaaliyeed iyo in mashaakilku dhamaado, dadka xukunka u ooman anigu kuma jiro wixii aan dadkaygu ila rabinna ma doonayo inaan laaluush ku baxsho, ma doonayo inan lacag ku fund gareeyo, ma doonayo inaan i doorta idhaahdo, soomaali bay u taalaa ciddii maanta dhibka ka saari karta, cidday doonayaana iyagay jirtaa.

I  I  D  H  E  H

Su’aal: Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan hadda wada hadlaka waad ku jirtaa, heshiis baad wax ka saxeexday, kuwii dhulka laga haystey iyo kuwii haysteyba way is hor fadhiyaan, adiguna waxaad aad ugu dheeraatay in dhulka la kala haysto wax laga qabto, xagee bay arintu iska qaban la'adahay?.

Gen. Morgan: Horta baaq baa hadda la saxeexay, heshiis lama saxeexin inaanu ogolahay in soomaaliya nabad laga dhaliyo ayaanu saxiixnay, haddii aad qodobada akhriday waxaa ku hoos jira waraaqo kale oo laga hadli doono, in dastuur la sameeyo, in dhulka la kala haysto laga hadlo, waxa ciidanka isku haysta, waa hawlahaas sababaha gudiyada loo magacaabayo, gudiyadaasaa talo ka soo jeedinaya qaabka arimahaas xal loogu heli karo, marka arintu weli way laalan tahay.

Su’aal: Soow kumaydnaan heshiin qaabkii shirka lagu wadi lahaa?.

Gen.Morgan: Haa, kaas waa la isla ogolaaday habka ay shaqadu u soconayso.

Waxaa Eldoret ku waraystay Ibraahim Maxameddeeq

Somalitalk.com

Eldoret

E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Waraysigii Col. Barre Hiiraale
Ibraahim Maxamedeeq wuxuu waraysi ku saabsan shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret ka socda iyo arimo la xidhiidha deegaanka Kismaanyo kula yeeshay raarta dambe ee Hotel Sirikwa guddoomiyaha isbahaysiga dooxada...  GUJI.Halkan

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]