SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
SHIRKA ELDORET, MARBA WEJI

 

Ibraahim Mohamedeeq

 imdeeq@hotmail.com

Oct 26, 2002 

I  I  D  H  E  H

Siyaasiyiinta Soomaalida ee Eldoret ku shirsan ayaa ilaa iyo Talaadadii dhoweyd kulan ay u dhan yihiin ku lahaa qolka shirarka ee Hotel Sirikwa, waxayna ka doodayaan oo ay gorfayntiisa ku hardamayaan, qodobada barnaamij qabyo ah oo ay gudiga farsamada Igad goor hore soo hor dhigeen, looguna tala galay inay madaxda soomaalidu isla ogolaadaan si loo ansixiyo. Waxay kaloo gudiga farsamada Igad Arbacadii siyaasiyiinta Soomaalida soo hor dhigeen liis ay ku qoran yihiin 17 qof oo gudiga farsamada Igad u rabaan inay shirka la taliayaal ka noqdaan, liiskan la soo bandhigay dadkii ku qoraa waxay kala ahaayeen sidan:

  • 1- Dr. Maxamed Aadan Sheekh
  • 2- Dr. Saynab Maxamed Jaamac
  • 3- Maxamed Abshir Welde
  • 4- Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi
  • 5- Prof. Maxamed Cali Tuur yare
  • 6- Dr. Cabdilaahi Maxamed Shirwac
  • 7- AVV. Cabdilaahi Maxamed Cabdille
  • 8- Prof. Maxamed H. Mukhtaar
  • 9- Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
  • 10- Cumar Carte Qaalib
  • 11- Dr. Xuseen Caabbi Faarax
  • 12- Cabdilqaadir aadan Cabdille
  • 13- Cabdiraxmaan Ducaale Beyle
  • 14- Cali Saciid Caraale
  • 15- Ibraahim Macalin Maxamed
  • 16- Idiris Xasan Diiriye iyo
  • 17- Caasha Xaaji Cilmi

Laakiin markii ay in door ah madaxda siyaasiyiinta Soomaalidu liiskan ka doodayeen ayeey intooda badani si qayaxan uga hor yimaadeen gudigan la taliyaasha ah, waxaana jirtey inay xitaa kooxaha qaarkood dhexdooda ku kala duwanaayeen aqbalaadda gudigan, tusaale ahaan guddoomiyaha baarlamaanka dawladda ku meel gaadhka ah ayaa ka mid ahaa ragii sida weyn uga hor yimid gudigan, mar aan wax ka weeydiiyey arintanna wuxuu guddoomiyuhu ii sheegay inaysan gudigan beelaha Soomaaliyeed u dhamayn halka uu Raysal-wasaare Xasan Abshirna gudigan ka taageeray.

Qodobkii kale ee Arbacadii badda la soo dhigay ee ka baxsanaa ajandaha shirka ayaa ahaa doorka ay shirka ku yeelanayaan xubnaha ka socda bulshada rayidka ah oo aysan iyadana badiba madaxda siyaasadda Soomaalidu wax weynba ka soo qaadin, una muuqatay mid ay ganafka ku dhufan doonaan kadib markay doodooda sal uga dhigeen inay iskaba yar tahay cid dhex dhexaadka ah arimaha soomaalida oo ciyaari karta doorka bulshada rayidka ah. Si Kastaba ha ahaatee madaxda siyaasadda Soomaalidu waxay habaynimadii Khamiista isku raaceen inay bulshada rayidka ahi saddex xubnood oo ay midi dumar tahay ku yeeshaan gudiga sare ee la damacsan yahay in laga dhex xulo hogaamiyayaasha Soomaalida.

Dhinaca kale Jaamac Cali Jaamac oo isku deyey inuu Arbacadii shirka soo fadhiisto ayeey saraakiisha baratakoolka shirku dibedda u soo saareen kaddib markii uu Cabdillaahi Yuusuf sidaas dalbaday. Jamac Cali Jaamac oo aan weli loo ogolaan inuu shirarka madaxda soomaalida ka soo qayb galo ayaa waxaa si weyn ugu doodaya ergooyinka ka socda dawladda ku meel gaadhka ah iyo Isbaahaysiga dooxada Jubba oo mar kasta shirka dhexdiisa ku soo qaada in Jaamac shirka loo ogolaado.

Isla Arbacaddii guddoomiyaha shir guddoonka gudiga farsamada Igad Mr. Mwangala oo weriyayaasha ugu waramayey shir jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday inuu habsami u socodka shirku ku xidhan yahay sida ay siyaasiyiinta Soomaalidu isugu raacdo barnaamijka qabyada ah ee loo soo hor dhigay inay isku raacaan, Mudane Mwangala wuxuu kaloo xusay hawsha uu ku dhex jiraa sida ay u adag tahay iyo faraqa siyaasadeed ee madaxda siyaasiyiinta Soomaalida u dhexeeya oo uu ku tilmaamay mid aan xad lahayn, wuxuu kaloo sheegay inay jiraan wax yaabo badan oo hor yaala oo aysan uga maarmi Karin inay u helaan guddi Soomaalieed oo ay kala tashadaan.

Maalintii khamiistiina markii ay siyaasiyiinta Soomaalidu hoolka shirka soo xaadireen ayeey durba isku qabsadeen shir guddoonka oo markii hore loo doortay inuu Mawliid Macaane sii ahaado. Xubnaha dawladda ku meel gaadhka ah ayaa si cad uga hor yimid inuu Mr. Macaane shirka Soomaalida sii guddoomiyo, iyagoo dalbaday inuu shir guddoonku meerto noqdo, laakiin habaynimadii Khamiista ayeey si wada jira madaxda soomalidu mar kale isugu raaceen inuu Mawliid Macaane kulanka shir guddoomiyo ilaa iyo inta cid rasmi ah loo dooranayo.

Shalayna waxay siyaasiyiinta soomaalidu yeesheen kulankii ugu doodda kululaa tan iyo intii qodobadan ka doodayeen, waxayna dhaafi waayeen qodobka ugu horeeya ajandaha oo ka hadlaya waxa loola jeedo ereyga ka qayb gale oo sida daraafka ku cad lagu macneeyey ergooyinka shirka ka qayb gelaya, Taas oo ay dawladda ku meel gaadhka ahi soo jeedisey in lagu xuso magacooda ah dawladda ku meel gaadhka ah iyo magacyada ururada iyo maamulada balse ay kooxaha kale oo dhami si cad u diideen.

Raysal wasaaraha dawladda ku meel gaadhka ah xasan Abshir ayaa ku andacooeday in ay waalidkii magaciisa u bixiyeen isla markaana aysan jirin cid ka bedeli kartaa sidoo kalena ay dawladda ku meel gaadhka ah Soomaaliyi la baxday aysana jirin cid bedeli kartaa. Muuse Suudi Yalaxow ayaa isna yidhi: “haddaad halkan ku diidey inaad magacan ku reebto in dawlad soomaali loo dhiso dooni maysid, Xamaraad ayaad ku cararaysaa saddex kiiloo mitir ayaana kuu jiraa”.

Cismaan Xasan Cali Caato ayaa isna fadhigii xalay ka sheegay inaan been la isu sheegin maadaama aysan soomaaliya dawladi ka jirin, wuxuuna Hogaamaiyayaasha soomalida ugu baaqay in la iska dhaafo waxa aan macanaha lahayn , dadkana dawlad loo dhiso.

Markii in badan mindi mindi ku taag iyo dood aan natiijo lahayn la waday ayuu wakhtigii gabaabsi noqday shirkiina laguna kala hadaafay. Rejada laga qabo in qodobka laga gudbo oo lagu heshiiyo ayaa aad u yar, Xoghayaha amuuraha dibedda ee Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa Radio Scerdo u sheegay inay adag tahay inay dawladda ku meel gaadhka ahi taanaasul ka samayso dawladnimada ay sheeganayaan, isagoo dhinacoodana caddeeyey sida aysan u aqbalayn inay kooxi dawlad sheegato.

Dhinaca kale Habayn hore waxaa gurigeeda oo ku yaala xaafadda Giri Giri ee magaalada Nairobi ay niman hubaysani ku dileen gabadha magaceeda la yidhaahdo Istarliin Cabdi Caruush oo Soomaaliya wakiil uga ahayd hayadda lagu magacaabo Cossovo oo ay xarunteedu ku taalo magaalada Milaano ee cariga Talyaaniga , Geerida gabadhan oo aad looga hadal hayey xarunta shirka dibu heshiisiintu ka socdo ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn ciddii dilkeeda ka dambaysey.


Waraysi: Ibraahim Maxamed Deeq waraysi la yeeshay Cali Fiqi, wasiiru dawlaha hawlaha Guud, dkg

Dhanka kale Hotel Sirikwa ee magaalada Eldoret ee uu shirka dibu heshiisiintu ka socdo oo aan xalay oo Khamiis ahayd kula kulmay danjiraha Itoobiya u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyey waraysi uu ku tilmaamay mid been abuur ah oo uu horay wargayska Ayaamuhu u daabacay, Safiirka oo Idaacadda Scerdo International ugu waramayey Eldoret ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax waraysi ah cidna siin.

Ambassador Cabdi Casiis Axmed oo ah nin weji furan oo dhaliyarada soomaalida aad u jecel ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in laga faafiyo inuu siyaasiyiinta soomaalida ee isugu midka ah qaarkood cambaareeyey, wuxuuna yidhi: “Aniga soomaalidu waa isgu kay mid mana jirto koox ama qayb aan si gaar ah u cambaareeyey iyo kuwo aan si gaar ah u taageersanahay”., wuxuu sheegay inay Eldoret u joogaan hawlo dibu heshiisiineed oo loo bahan yahay in uu ka soo baxo natiijo ay Ummadda soomaalidu kaga bogsooto dhibatadii ay mudada dheer ku soo jirtey. Waxaa uu safiirku si qoto dheer ugu cel celiyey inay beentu tahay qadaf culus oo aan bani aadamka ku haboonayn.

Ibraahim Maxamedeeq

 E-mail: imdeeq@hotmail.com

Eldoret, Kenya 

Oct 26, 2002

 ELDORET: Taxanaha Wararka 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD