SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
MAWLIID MACAANE OO SOMALITALK U WARAMAY
WQ. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk.com | Eldoret, Kenya |Dec 2, 2002 

"Dawladda ku meel gaadhka ahi baaqii ay nala saxiixday waxaa ka mid ahaa in dalka soomaaliya laga dhiso dawlad leh habka federaaliga ah mar haddii ay sidaas saxiixdayna ma iman karto inay ku dooddo inay tahay dawlad jirta." Mowliid Macaane

imdeeq@hotmail.com

Siyaasiga lagu magacaabo Mawliid Macaane oo ah hogaamiyaha beesha Jareer Weyn oo intii uu shirku socday mar loo doortay inuu gudoomiyo shirka dibu heshiisiinta soomaalida ayuu Ibraahim Maxameddeeq oo ka socdey Bogga SomaliTalk waraysi kula yeeshay xarunta uu shirku ka socdo ee Hotel Sirikwa, wuxuuna Mr. Mawliid marka hore ka waramayaa habsami u socodka shirka Eldoret, wuxuuna yidhi:Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
"Ilaahay mahaddii shirku wuxuu u socdaa si nidaam ah waayo ragga ka soo qayb galay dareenka ay muujiyeen iyo wanaaga ay la yimadeen halkan wuu ka duwan yahay aragtiyihii shirarkii hore ee soomalida loo qaban jirey sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay shirkani inuu u socdo mid najaxaya oo wax u taraya ummadda soomaaliyeed, shirarkii hore waxay ahaayeen kuwo wax lagu saxiixo oo lagu kala tago, kanise waa mid daacad laga wada yahay, waxbaana ka soo baxaya".

I  I  D  H  E  H

SomaliTalk: Wejigii hore wuu dhamaaday bayaanna waad ka soo saarteen ilaa iyo haddana waxaa idinka muuqata inaad doonaysaan inaad mushkiladda soomaaliya dhamaysaan sidaa ma ku wadaysaan mise goor dhow baad sidiinii dhabarka isu jeedinaysaan?

Mawliid: Runtii wixii caqabado ah ee naga hor yimaadda waxaan aaminsanahay in xal loo heli doono waayo ma laysku kaayo daynayo, gudiga farsamada ayaa hawlahaas ku jira, bulshada caalamka ayaa arinta soomaaliya wakiilo u soo wada dirsatay, sidaa awgeed wixii caqabado ah ee shirka ka hor yimaadda waxaan filayaa inay bulshada caalamku gacan weyn naga siin doonto, sidaas ayeeysan cidina, cid kale dhabarka ugu jeedin karin.

SomaliTalk: Mesalan haddii ay soo baxdo inay dawladda ku meel gaadhka ahi soo jeediso in dhinacooda lagu soo biiro si uusan dadaalkii Carta ee Ismaaciil Cumar Geelle u khasaarin arrinku muxuu noqonayaa?.

Mawliid: Dawladda ku meel gaadhka ahi baaqii ay nala saxiixday waxaa ka mid ahaa in dalka soomaaliya laga dhiso dawlad leh habka federaaliga ah mar haddii ay sidaas saxiixdayna ma iman karto inay ku dooddo inay tahay dawlad jirta.

SomaliTalk: Dadka aad hogaamiyaha u tahay ee Jareer Weyne oo dega koonfurta soomaaliya shirakani ma shirkii ugu horeeyey ee ay ka soo qayb galaan baa?.

Mawliid: Shir aysan ka qayb gelin ma jiro, kii Adis Ababa 1993kii baan ka qayb gallay, labadii shir ee Jabuuti lagu qabtay baan ka qayb galay, dhamaan shirarkii oo dhan baan ka qayb galay, dadkayagu waa dad u dhiifoon nabadda iyo walaaltinimada walaalohooda soomaaliyeed kala dhaxaysa.

SomaliTalk: Imisa ergey bay gudiga farsamadu Jareer Weyn u marti qaaday mase ku qanacdeen tirada ergadaas?.

Mawliid: Beesha Jareer Weyne waxay xaq u leeyihiin 39 ergey, haddana 25 ergey ayaan ku joognaa, waxaanuna gudiga farsamada weeydiisanay in inta naga dhiman naloo soo dhamaystiro.

SomaliTalk: Shirkan ka hor mar ayaad heshiis dawladda ku meel gaadhka ah la gashay, maxaa heshiiskaas carqaladeeyey?.

Oct 31: kabilow Bidix koofida qaba: Maxamed Cabdi Xaashi, Cabdilaahi Yuusuf, Mawliid Macaani, Xasan Qalaad, Maxamed Seyid

Mawliid: Taas waa la wada ogyahay dawladda ku meel gaadhka ah qodoba lix ah ayaan ku heshiiney oo aanu Nakuru (magaalo Kenya ka tirsan) ku saxiixnay, markii aanu dalka ku noqonayna waxaa laga waayey inay dawladda ku meel gaadhka ahi fuliso qodobadii aanu ku heshiiney, sidaasuuna heshiiskii ku bur buray, nasiib bay ahaan lahayd haddii ay TNG heshiiskaas xurmayn lahayd oo uu meel mari lahaa maanta shirkan Eldoret lama qabteen ee mid yar oo dhamystir ah ayaa la qaban lahaa.

SomaliTalk: Hadda madaxda kooxaha siyaasadda midkee baad isugu dhowdihiin?.

Mawliid: Soomaali oo dhan baa ii dhow aniga.

SomaliTalk: Laakiin kuwo aad is bahaysi leedihiin soow ma jiraan?

Mawliid: Isbahaysigu waa dalad siyaasadeed, daladda siyaasadeedna waxaanu lahayn SRRC/Nakuru, xoghayihii guud ee SRRC oo xalaasha ahaa ayaan ahay, maantase taasi ma joogto, qolo aan qolo ka jeclahay oo aan leeyahay oo aan ku dhihi karo qoladaasaa ii dhow ma jirto.

SomaliTalk: Markii aad SRRC ahayd waxaad ahayd xoghayaha guud ee SRRC, dabacana waxaad tahay xubinta og xogta dhabta ah ee ururkaas, had iyo goorna SRRC waxaa lagu eedeeya niman u jan-jeedha xagga Itoobiya oo lagu xanto inay tahay dawlad u tafa xaydatay deganaansha la'aanta Soomaaliya, marka ogaantaa lug intee le'eg bay Itoobiya siyaasadda SRRC ku lahayd?

Mawliid: SRRC waa laba garab oo kala ah SRRC/Godey iyo SRRC/Nakuru, aniga su'aal iga weeydiin maysid midda Godey oo waxaad wax ka weeydiin kartaa shaqsiyaadka isku bahaystaay, anigase haddaad midda Nakuru wax iga weeydiinaysid diyaar ayaan u ahay.

SomaliTalk: Intii aydnaan kala jabin hal urur baad ahaydeen, adiga ayaana xoghaye guud u ahaa marka maxaad u ka xusi kartaa habkii ay Itoobiya u taageeri jirtey SRRC?.

Mawliid: Sababihii aan ku soo kala tagnay waxaa ka mid ahaa SRRC/Godey oo diidey in la isu yimaaddo oo qolooyinka ku doodaya inay dawlad yihiin lala fadhiisto oo runta loo sheego, inaysan waxba ahayn la tuso, sidaasaanu Nairobi u nimid, intii Nairobi timid ayaa u go'day SRRC/Nakuru, intii kalena waxay u go'day SRRC/Godey, waa taas midda aanu isku diidney.

SomaliTalk: Marka diidmadaa ay diideen inay Carta la fadhiistaan ma loo qaadan karaa inay Itoobiya ku dirqisay?.

Mawliid: Laga yaabee inay figradooda siyaasadeed ahayd, ma odhan karo waa lagu dirqiyey, waayo nin qori loo haystaa ma jiro, nin waliba aragtidiisa buuxduu maamulaa sidaa daraadeed inay aragtidooda gar ahaaneed ee ku saabsan inaysan nimanka dawladda sheeganaya la fadhiisan ayaa suurowda.

SomaliTalk: Hadaynu shirakan u soo noqono waxaa jira inay Igad markii hore ugu talo gashay inuu shirku saddex weji maro, kooxaha qaarna waxay marar kala duwan codsadeen in shirka hal weji lagu soo koobo oo aan lagu kala tegin ilaa dawlad soomaaliyeed la dhiso, qaarna waxay muujinayeen in sidii hore loo daayo, adigu labadaa tee baad la haysey?.

Mawliid: Ma aha go'aan aan shirka geeynayo waxaase aniga ila quman inaan loo kala tegin shirka sababtoo ah baaq baan saxiixnay haddii dalkii lagu noqdana waxaa hubaal ah inay caqabado hor lihi imanayaan sidaa darteed waxaa ila fiican in dawlad dhisan oo ay beesha caalamku garab socoto iyadoo la wado dalkii lagu noqdo.

SomaliTalk: Mudane. Mawliid ahaan damac madaxweeynanimo ma kugu jiraa?.

"SRRC waa anaga oo heshiis caalami ah magaca SRRC kula Gashay Kooxda Carta taasaana loo aqoonsanyahay SRRCda dhabta ah waxaana kuu sheegayaa in Cabdulaahi Yusuf uu dhistay maamulka Puntland, Shaati gaduudna Waxaa uu dhistay maamulka Koonfur galbeed, Morgan Asalkiisii ayuu uguuray, sidaas daraadeed Xuseen Caydiid iyo Gabyoow miyaa loo aqoonsan Karaa inay matalaan SRRC?" Mowliid Macaane Waraysigii Ridwaad 21/9/2002 

Mawliid: Dadkayga soomaaliyeed hadday ii gartaan inaan u adeego diyaar baan u ahay, inaan qabto wixii ay ii dhiibtaan.

SomaliTalk: Adeega aad ka sanqadhisay haddii ay soomaaliyi kuu dhiibato xagee baad is leedaahay wax baad ugu horaynba ka qabanaysaa?.

Mawliid: Waxaan ka bilaabayaa dib u heshiisiinta halkan lagu gaadho inaan ka dhabayno, inta kala irdhowdey inaan isu keeno, soomaaliya sidii ay shalay ahaan jirtey ayaan ku soo celinayaa, midnimadii ummadda, sharafkeedii, karaamadeedii inaan soo celiyaan isku deyayaa, ma lihi keligeey baa wax qabanaya waxaan Eebbe gacan igu siinina ma qabo inaan qaban karo laakiin hawlaha ugu horeeya ee aan is leeyahay waa la bilaabi karaa waa shacbiga soomaaliyed in la mideeyo kaddib ayaa saan qaad fiican la heli karaa.

SomaliTalk: Dawladda ku meel gaadhka ahi baarlamaan bay leedahay, dastuur in badan laga shaqaynayey bay leeyhiin, waxay ku qotontaa natiijo in badan hawl iyo hanti badan lagu bixiyey, marka adigu maxaad is leedaahay natiijada Carta waa laga raad raaci karaa ama waa laga qaadan karaa?

Mawliid: Waxaa laga qaadan karaa wixii ay ummadda soomaaliyeed ee shirka Eldoret isugu timid isla ogolaadaan in laga qaato.

SomaliTalk: Soomaalida dacalada dunida ku kala firirsan maxaad faraysaa?.

Mawliid: Waan ka xumahay inay shacbiga soomaaliyeed adduunyada ku kala firirsanaadaan, kala firirkaasi waxay rabeen maaha, waa mid uu Alle u gartay, waxaanu weeydiisanaynaa inay noo soo duceeyaan oo niyadooda noo furaan, waxaan ka codsanynaa inay noogu soo duceeyan inuu shirku noqdo mid meel mar ha, DUCAA'U MUSAAFUR MUSTAJIB "ayaa la yidhi". Illaahay wuu aqbalayaa, inuu qarankeenii sidii hore ku soo noqdo, inuu Illaahay quluubta soomaalida isu soo dumo, inay noogu soo duceeyaan, ummadda soomaaliyeedna ay ku guulaysato halgankan aanu ku jiro ayaanu weeydiisanaynaa inay noogu soo duceeyaan.

Waxaa waraystay Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Waraysiyaii Hore ee Ibrahim Maxameddeeq

Baaq ay Hogaamiya yaasha Muqdisho kasoo Saareen Eldoret
iyo Mwangale oo Maanta la hadlay xubnaha gudiyada.. Ibraahim Maxameddeeq... 02/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD