SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Novembr 4, 2002 |SomaliTalk Eldoret, Kenya 

SHEEKH AADAN MADOOBE WARAYSI, SOMALITALK/ELDORET

Marka hore akhristoow haddaad akhriday waraysi uu weriyaha somalitalk ee Eldoret la yeeshay Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan waxaa jiray meel uu weriyuhu markuu waraysiga garaacayey si aan ku talo gal ahayn u khalday taas oo ah goorta uu jananku dugsiga sare ka baxay oo uu u qoray 1976, taasi waa khalad weriyaha ka dhacay akhristayaasha sharfta lehna wuu ka raali gelinayaa, sida saxda ahina waa sidan wuxuu dugsiga sare ka baxay 1967kii, awoowayaasheen ayaa xigamad odhanaysa nin habari dhashay hal ma seegi waayo inooga tegey, taasi waa taas, midda kale weriyaha somalitalk ee shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret Ibraahim Maxameddeeq wuxuu galabnimadii Axadda ee bisha November ay ahayd Saddexda kula kulmay hotel Sirikwa oo ah xarunta uu shirka Eldoret ka socdo Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee ururka RRA, Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ku magac dheer Sheekh Aadan Madoobe, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan:

Somalitalk: guddoomiye marka hore nooga warran nabad gelyada magaalada Baydhaba ee aad dhowaan gacanta ku dhigtay?

Sheekh aadan Madoobe: Bismilaahi Raxmaani Raxiim, nabad gelyada magaalada Baydhabo iyo hareereheedu aad bay u fiican tahay, wax dhibaato ahina kama jiraan, koley waad la socotaan dagaalo mar ka dhacay way jiraan laakiin hadda way nabdoon tahay.

Somalitalk: waayadii hore ee ay USC/SNA magaalada Baydhaba maamuli jireen waxaad ku andacoon jirteen dad aan u dhalan baa magaaladii naga haysta oo inaan ka xoraynaan u halgamaynaa, haddeerna idinki baa dagaalamayee maxaad u halgamaysaan?.

Sheekh Aadan Madoobe: Runtii arrinta dhacday aad baan uga xumahay, wax aan qorashaysanay oo halgankayaga ku jirtayna ma ahayn, ninkii saaxiibkayo ahaa ee na hogaaminayey ayaa khalad galay, isagaa wadadii ururka ka leexday, ummaddiina isku diray, laba bilood baan baryeyney, arintanina mid dan noo wada ah ma aha, waa dagaal khasaare ah oo aan aad uga xumahay, hadda waxaan ku talo jiraa inaan wadadii ay RRA ku socotey tubteedii ku soo celino, si halgankii loo sii wado.

Somalitalk: Halganka noocaas ah oo kale ah waxaa loo maraa wada hadal waayo intiina is haysaa waxaad tihiin dad gacal ah, idinkuse intaad taas dhaafteen baad dagaalamaysaan, ma saas baa halgankiinu?.

Sheekh Aadan Madoobe: Halgan ma noqonayso, waxaanu diyaar u nahay haddii isagaba laga helayo inaan wada hadal u bedelo tubtii lagu socdayna ummadda laga soo celiyo, sidaasaan diyaar u nahay.

Somalitalk: Miyaad wax shuruuda ku xidhaysaa inaad Shaati guddud wada hadashaan?

Sheekh aadan: Maya inaan wada hadalo oo is aragno wax shruuda ku xidhi mayno isagaa wuxuu sheeganayaa inuu madaxweeyne yahay oo uu masuul uummadda ugu sareeya yahay, taasi waa mid ummadda u taala, wada hadal na dhex marana shuruud ku xidhi maayo laakiin masuul uma aqoonsani.

Somalitalk: Sidaan la socono Shaati guduud wuxuu heshiiskii halkan ka dhacay ku saxiixay guddoomiyaha RRA ee marna madaxweeyne lama gole iman intuu halkan joogey miyaadan taas la socon?.

Sheekh Aadan Madoobe: Waa la ii sheegay mana ogi wixii hadda ku soo celiyey, arintii mamul goboleedka annaagaa soo jeedinay, inuu na hogaamiyana annagaa diyaar u ahayn, taladaasna markii hore waa la isku ogaa, arimo xun xun iyo siyaasado khaldan buu keenay, wada tashigii buu diidey, ku takri fal badan buu keenay, taasaa la isku khilaafay, marka annagu waxaan ku ogeyn isagoo yidhaahda RRA dambe iyo jamhad dambe ma sheeganayo, haddana waxaa la ii sheegayaa inuu warqaddii sidaas ku saxiixay, nin RRA aaminsan tahayna maaha, mana meteli karo RRA, taas waa lagu khaldamay baan leenahay.

Somalitalk: Oo xitaa ma ururka RRA sheegashadiisaad u diidan tihiin?

Sheekh Aadan Madoobe: Ururka uma diidanin, ummadda Digil iyo Mirifluu u dhashay laakiin hogaankeeda ma aha.

Somalitalk: Dhinaca kale waxaa nagu maqaala ah in markii ay ciidamadaadu magaalada qabsadeen ay bililiqo weyn sameeyeen, Taasi sow ma jirto?

Sheekh Aadan madoobe: Taas waxba kama jiraan walaal waa wax been abuur ahoo shaqsiyaad fadhi ku dirir ahoo dadkii belaayada markii hore aasaasay ay ummadda sumcadeeda ku xumaynayaan, waxna kama jiran.

Somalitalk: Isbahaysiga Dooxda Jubba iyo dawladda ku meel gaadhka ah ayaa la sheegay inay idin siiyeen taageero weyn si aad Baydhaba u qabsataan, taageeradaasi intee bay le'ekayd?.

Sheekh Aadan Madoobe: Taas banaandan ka maqlayey waxaa la ii sheegay inuu Shaati Gudduud yidhi: "Dooxada jubbaa Baydhaba iga soo saartay", ragga Dooxada Jubba weligeey shalay baa igu horaysey oo raga masuuliyiintooda ah la I baray, wax xiriir ahi nama dhex marin, dad soomaaliyeed oo walaalo ah baanu nahay, waxaana la doonayaa soomali oo dhami inay heshiiso, wax taageero ah oo meel kale nalaga siiyey, ama ay ragaasi na siiyeen, ma jirto ee annagaa isku tashanay.

Somalitalk: Sida aannu ka war hayno saaxiibkaa Xaabsade ka hor inataydan Baydhaba qabsan Muqdisho iyo Jilibba wuu tegey, adiga laftaadana Muqdisha waa lagugu sheegay, marka wixii aad intaas u marayseen soow ujeeddo ma lahayn?.

Sheekh Aadan madoobe: Taasi arrimo siyaasadeed ma ahayn, hadduu dhib kugu dhaco meeshii ay naftaadu ku badbaadayso waad tegaysaa, anigu arrimo siyaasadeed uma tegin meeshaas ee suuqaas weyn ee Muqdisho ee ganacsiga ayaan tegey si aan alaabo uga soo gadano, marka inaad is badbaadisid oo marba ciddii meesha aad tagto gacanta ku haysa aad walaal tiraahdo, waad ku khasban tahay, laakiin wax heshiisa oo Xaabsade iyo dadkaas dhex maray ma jiro.

Somalitalk: Intaydan adiga iyo Shaati Guduud colloobin waxaa jirey inay Itoobiya ururka RRA taageeri jirtey, weli taageeradaas garabkaagu ma helaa?

Sheekh Aadan Madoobe: Runtii dawladda Itoobiya iyo shacabka Itoobiyaba wanaag iyo walaaltinimaa naga dhexeeya, wax weyn bayna na tareen, shacabka soomaaliyeed bay wax tareen, annaguna gaar ahaan deris baanu ahaynoo wax bay na tareen, dagaalka sokeeya ee dhexdayada aad bay uga xumaadeen, annagana intii aanu dagaalamayney nama kaalmayn, iyagana kuma kaalmayn, dhex dhexaad bay ka ahaayeen oo waxay isku taxalujiyeen inay na heshiisiiyaan, taas anaguna taageero maanu weeydiisan, iyaguna naguma siin, wanaagii iyo xiriirkii noo dhexeeyeyna waa sidiisii, wax is bedeley malaha.

I  I  D  H  E  H

Somalitalk: Haddaaysan wax iska bedelin intii aad Baydhaba qabsatay wax xiriir ahi ma idin dhex maray, iyaguse marnaba ma idin soo booqdeen?.

Sheekh Aadan madoobe: Dalkaas maadaama aanu deris nahay oo ay xuduud dheeri noo dhexayso, wanaag badanina naga dhexeeyo, mar kastoo aanu isu baahano, iyaguna way nala soo xiriiri karaan, anaguna waan la xiriiri karaa.

Somalitalk: Laakiin ilaa iyo hadda saraakiil Itoobiyaan ahi ma idinku soo booqdeen Baydhaba intaad haysateen?.

Sheekh Aadan Madoobe: Maya, iyaga hadda dad kama joogaan, annagana dad nagama jiro laakiin wanaagii naga dhexeeyey waa sidiisii hore?

Somalitalk: Shirka Eldoret maxaa keenay inaad ka soo dib dhacdo?.

Sheekh Aadan madoobe: Waad ogtahay arinkii Baydhaba iyo xasilinteeda, sugidda amaankeeda iyo toosinteeda maadaama aan wakhti dhow soo galay, sababtaas ayaan la maqnayn, haddana ergooyinkii qaar baa naga maqan oo wefdi kalaan sugaynaa, dhibaato kale ma jirtee sidaasaan ku soo daahnay.

Somalitalk: Xagee baad kaga warhaysaa inay ciidamada Shaati Guduud hadda ku sugan yihiin?

Sheekh Aadan Madoobe: Ciidamadas fadhigooda hadda ma sixi karo, laakiin koleyba tuulooyinka gobolka inay ku dhex jiraan baan u malaynayaa.

Somalitalk: Ciidamadaadu weli miyeey raacdaysanayaankuwa Shaati mise haddaad Baydhaba ka qabsatay daba geli maysid?.

Sheekh Aadan Madoobe: Runtii inaan daba gal samayno oo dhibaato badan geeysano, kuma talo jiro, odayaalna markiiba way noo yimaadeen, in la wada hadlo oo xabbadda la joojiyo ayeey noo soo jeediyeen anaguna waan ka yeelay, marka guul uma aragno inaan nimankaa daba galno, waxaan rajaynaynaa inay xabaddu naga joogsato, dadku waa dadkii walaalaha ahaa ee isku ciidanka ahaa, in laga gudbo dagaalka ayaan rejeeynaynaa.

Somalitalk: Laakiin Shiikhoow haddaad si dhab ah noogu warantid khilafka adiga iyo Shaati guduud idin dhex maray ma arrin qabiil buu ku saabsan yahay mise waa khilaaf mabda' salka ku hay?

Sheekh Aadan Madoobe: Shaati Guduud arrin qabiil iskuma dagaalin, kursina iskuma dagaalin, aan wada tashano, waanu isla soo halganay, talo aynu u dhanahay maamul aynu u dhanahay aynu ku wadno, wada tashi ma ogoli, dadkii soo halgamay ee soo dhibtoodayna shaqo kuma lihi, waxaan rabaan samaynayaa, digtaatoornimo ummaddaan kuma socon karto, sidaasaan ku dagaalanay, aan wada tashano iyo keligeey baa talinaya, sidaasaan isku dagaalay.

Somalitalk: Miyad dood ka qabtaa inuu Shaati Guduud shirka sii joogoo isagoo magaca RRA wata?.

Sheekh aadan Madoobe: Shirka inuu joogo dood kama qabo, laakiin magaca RRA ma isticmaali karaan leeyahay.

Somalitalk: Laakiin waxaa jira ururo daladda SRRC ka mid ah oo kuwo meeshii ay ka talin jireen lagala wareegey iyo iyaga iyo kuwii kala wareegeyba ay shirka wada joogaan oo magac isku mid ah wataan waayo meesha gogol dibu heshiisiineed baa taal marka magaca RRA Shaati Guduud ma isticmaali karo siday suuragal u noqonaysaa maadaama uu ahaa nin masuuliyad RRA hayn jirey haddana weli sheeganaya?.

Sheekh Aadan Madoobe: Anigu markii horeba waan kuu caddeeyey, kuma lihi shirka ma joogi karo, waa nin soomaaliyeed, waana nin ummadda Digil iyo Mirifle u dhashay, marka anigu waxaan leeyahay magacii uu sheegan jirey ee madaxweeynanimada ahaa hadduu doono ha sheegto, ama kii SRRC ha ku joogo shirka, laakiin hogaanka RRA ma sheegan karo.

Somalitalk: Xidhiidhka idnka iyo SRRC idinka dhexeeyey xagee buu maarayaa?

Sheekh Aadan Madoobe: Anagu SRRC baan ka mid nahay, xoghayaha maaliyadda ee SRRC baan anigu ahay, welina kama bixin ee sidii ban u aaminsanahay.

Somalitalk: Maadaama aad tahay nin masuula oo siyaasi ah, ilaa xalayna aad Eldoret joogtey, sidee baad u argtaa inuu shirkani ku dhamaan karo?

Sheekh Aadan Madoobe: Waxaan shirka Eldoret ka rajaynayaa in guul lagu gaadho oo ay ummadda Soomaaliyeed ku badbaaddo, laakiin weli arrimo badan baa iga dhiman inaan ogaado, xog badan baana iga maqan maadaama aan dhowaan imid.

Somalitalk: Xidhiidhka idinka iyo Gen: Morgan idinka dhexeeyaa hadda waa caynkee?.

Sheekh Aadan Madoobe: RRA iyo Gen: Morgan dhibaato kama dhexayso, isagaa dhibaatooday markay RRA dhexdeeda dhibaatadu ka abuurantay, Gen. Morgan iyo RRA waa dad walaalo ah oo saaxiib ah.

Somalitalk: Dhibaatada aad Morgan ku sheegtay waa mid sidee ah?

Sheekh Aadan Madoobe: Meeshii uu deganaa ee saldhiga u ahayd madaama uu dagaal ka dhacay, wuu joogi waayey, meel dheer buu aaday, sidaasuu u dhibaatooday, laakiin wax isaga iyo hantidiisii iyo ciidankiisii la gaadhsiiyey ma jirto.

Somalitalk: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Oodi ab ka dhow, sidaa darteed sidee baad doonaysaan inaad ula noolaataan dadka aad deriska tihiin ee reer Gedo?

Sheekh Aadan Madoobe: Anaga iyo reer Gedo taariikh soo jireenahaa naga dhexaysa, dad weligood deris soo ahaa ayaan ahayn, waxaan rabnaa wanaag iyo walaalnimo iyo wax wada qaybsi deegaan ayaanu diyaar u nahay inaan ku wada noolaano.

Somalitalk: Soomaalida kale iyo dadka Digil iyo Mirifle ee dacalada dunida ku kala firirsan maxaad noo farysaa?

Sheekh Aadan Madoobe: Waxaan idiin farayaa inay walaalohooda dagaalamaya heshiisiintooda ka qayb qaataan, guud ahaana ummadda soomaaliyeed nabad gelayadooda ay ku dadaalaan, iyana ay midoobaan oo fadhi ku dirirka iyo beenta loo sheegayo aysan dheg u dhigin, oo maslaxaynta walaaladood ka shaqeeyaan.

Waxaa waraystay Somalitalk/Eldoret

Imdeeq@hotmail.com

 

 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD